SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


SHEEKADII DHEX MARTAY MADAXWAYNAHA DFKMG AH,RA'IISALWASAARIHIISII IYO QODOBADDA (49,12 & 4) EE DAST-KMG AH

BJ.Ax’ed Ciise Qullaan
ahmeding@hotmail.com 

Waxaa ii suurtagashay in ay si xogogaalnimo ah ii soo gaadho Sheekadan cajiibka leh oo ah mid dhex martay Madaxwaynaha DFKMG ah Col. C/laahi Yuusuf,Ra'iisal Wasaaraha Prof.Cali Max’ed iyo Qaar ka mid ah Qodobaddii Dastuurka KMG ah ee DFKMG ah,haddaba waxaan aad u jeclaystay in bal Bulsho waynta Soomaaliyeed ay ila ogaato si loola socda wixii dhacay,waana tan ee bal ila akhriya:

Qod-Dast.kmg(49,12 & 4):( Goobtu waa intercontinental Hotel- Nairobi)war heedhe Ra'iisal wasaare maxaa la inoo kaa gees mariyey,Addiguse miyaadan xageena marna jaleecin sidee kaa noqotay soo ma ogid in aan kaa tashan karno Nin aqoonleh baadba tahaye?

Ra'iisal Wasaare:War waan idiin soo socday saaxiibayaal waxna isla waayi mayno farxaddii baana markii hore idin la arki waayeye raali noqda xaalkana igu sima.

Qod-Dkmg(49,12 & 4): maxay ku dhacday in aad horay Dawladaadii aad ka dhistid weliba tiro aan caadi ahayn oo aan xiligan macquul noqon karin marka dhinacyo badan laga fiiriyo isla markaasna ay horay ka sii hawlgalaan wasiiradaadii aadna isu aragto mid aan khaladba lahayn?

Ra'iisalwasaare:wax yar ii kaadiya qolaan la hadlayaaye. (intaa kadib Ra'iisalwasaarihii wuxuu Tel-kiisii gacanta ka wacay Madaxwaynihii DFKMG ah ee isaga Doortay)..ACWRWB madaxwayne meeshaan baa Qod-(49,12 & 4) ee Dkmg ahaa igu dhegan yihiine see yeelaa?

Madaxwaynihii:war niman baa soo diray oo hoostaa ka hurinayee Annaga iyo Qododadaan isma aragneen ee yaanay ku harawsan waagii aan idiin imaado suga ku dheh waqti badana haba siin.

R'iisalwasaare:madaxwayne amaa xaalku nagu xumaadaa si baad moodaa in ay u soo taagan yihiin oo ay meeli u caddahay?

Madaxwayne:war wax ma kuu sheegaa meeshaan cabsi ma jirto soo ma ogid inay rag ay hawlgeliyeen Qodobadaan aad sheegayso, meeshaan sadex qodob oo kaliya miyaa cabsi nagu beeraya Dastuurka oo dhanbaaba talo naga rabee.

Ra'iisalwasaare:Madxwayne waa tahay Annaa ku soo wacaya iyagana waan iska dirayaa WCWRWB.[waxa uu dib ugu soo noqday Ra’iisalwasaarihii goobtii ay Qod-(49,12 & 4) ee Dkmg ah ku sugayeen],raali iga ahaada waan idin ka daahay haddana shaqo ayaan aadayaa ee bal aan isu soo noqono mar kale Saaxiibayaal.

Qod-Dkmg(49,12 & 4):walaal waxaan kuu sheegaynaa in aadan hawl dambe Annaga noogu maqnayn ee aad taada gaar ahaaneed qabsato wax aan dib u balamaynana ma ay jirto waad na soo salaami kartaa maadaama aad ka mid tahay Illaaliyaasheena (Xubnaha baarlamaanka).

Ra'iisalwasaare:war waxaad doontaan sameeya Annigu hawshayda waan wadanayaa waadna khaldan tihiin Adinkiyo kuwii idin soo diray wixiinaan ahayn baad isu qaadateen ee meesha nagu kala wadda.

Qod-Dkmg(49,12 & 4): oo kaalay Aqoonyahan baadba ahayde miyaadan xushmo xataa garanayn sidee hadalku kaaga dhacayaa waxaan keliya oo aan kuu sheegnay in aadan hawl dambe aadan noo qabanayn Adiga iyo Golohaagana aad maanta laga bilaabo Illaaliyaashiinii hore ku soo noqonaysaan waxba ha xumaan SXB nabadeeyna WCWRWB.(intaa kadib Ra'iisalwasaarihii wuxuu toos u aaday Madaxwaynihii oo uu guriguu deganaa ugu tegay kadibna waxaa dhex martay sheekadaan)

Ra'iisalwasaare:ACWRWB Madaxwayne Nimankii(qodobadii) soo kala tagnay hadde waxay ii sheegeen Aniga iyo Dawladaydiiba in ay rideen Anna waxaan u sheegay in ay iska hadleen hadde hawl baa noo taal.

Madaxwayne: waa cajaa'ib bal maxaa la inaga siiyaa Qodobadaan soo raggii ansaxiyey kumaanan jirin wacade xumaan baa la innoo bilaabay waase la is baranayaa.

Ra’iisalwasaarihii: Madaxwayne waa in aad gaashaanka ku dhufato si ay u ogaadaan inayan khalkhal na galin Karin waana in aad tilaabo ka qaado Nimanka nagu diraya Qodobadaan mixnadda innagu noqday.

Madaxwayne:hadde amay fiican tahay in aan mar kale ku soo magacaabo oo eedda la inoo haysto aan dib isaga illaalino,maxaa yeelay hadda Aday ku wataan marka haddii aan kugu dhago Annigana kaa dambayn mahayo SXB,xaalku waa xun yahay ilaa aan meel banaan oo aan ku aarsan karno isla tagno.

Ra’iisalwasaare: waa runtaa Madaxwayne,waxba ma aha dibbirtaan(dhuldhac) Aniga iyo Dawladayda naggu kooban haddii aad Addigu ka badbaaddo balse waa in aan rag ka aarsano si fiicana aan u foojignaano oo aanan muga Xilalku noo beensheegin.

DH A M A A D

Wargal Soomaaliyeed (Somali Journalist)
BJ.Ax’ed Ciise Qullaan
ahmeding@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: Somalitalk.com | Dec 17, 2004

Doorashooyinka Puntland iyo Musharaxiinta
 iyo wararka kale ee Boosaaso... Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH



HTML CD