Jiifto Yuusuf-Garaad ku socota
03/11/05
Maxamuud
Axmed Cabdalle (Shiine)
Email:
abdalle9@hotmail.com
HORDHAC:
Akhritayaasha dhammaan waa salaaman tihiin.
Jiiftadan waxay soo baxday ka dib markii ay badatay cabashada laga cabanayo
isuduwaha Laanta Af-soomaaliga BBC-somali, oo isagu ku caan baxay inuu u
beddelo idaacaddan qaran, meeluu isagu iska leeyahay, siduu doonana ka yeelo.
Haddaba, abwaanku wuxu inoo iftiiminayaa ulajeeddada Yuusuf iyo dhibka ay ku
hayso dadka soomaaliyeed. Akhris wanaagsan wixii faallo ahna waan soo
dhoweynaynaa.
- Yuusufow la arag
- Warkaad yu’anaysoo
- Dhan u yoohisoo
- Runta laga yasiray
- Yididdiiladaa
- Waa yaboohi been
- Xogta qaar u yeedh
- Xaqiiqdana yaree
- Yoolbaadhka guud
- Waraysiga la yoon
- Yaddaadana u dood
- Yaqiintaada badi
- Su’aalaha yamyami
- Yarad sidad rabtoo
- Xidid kaa yatimay
- Ka yabaashay beri
- Aad yamxiiriside
- BBC-yuuq
- Laga yaahiyaba
- Yeelkaa iskaa
- Waa yaciyo been
- Yur waraabohow
- Dadkii kaa yaxyaxe
- Qabiil lagu yoto’o
- Yooxis iyo nacayb
- Yuhuuntaadan ba’an
- Laga yaabyayoo
- Yuunas iyo cimraan
- Yaasiin cuskade!
-
- Ya’daa ya’ ugu yeedh
- Yulqan lama hadlee
- Yeeshaan ku xidho
- Careey yaa furfura
-
- Yaloxoow haddaad
- Yaxye nebi ku tiri
- Yatiimihii Galgale
- Yaryarkii ka hadhay
- Ma u yaabaysaa
- Yohoobsiga hantida
- Caato yowm ka raro
- Yoobsan iyo hobyaba
- Ha yabyabatadaa
- Ma u yaabaysaa
- Yaxaaskii cunee
- Raxanweyn yunshee
- Yar iyo weynba dilay
- Yaridkaa ku mamay
- Xaq-darrada ku yimi
- Ma u yaabaysaa
- Yoxoobsiga ninkii
- Cudud yeeshayee
- Yibal gawriciyo
- Yabadhsiga ku kacay
- Yawlaha Qanyare
- Ma u yaabaysaa
- Maska yuururee
- Miciyaha yuqyuqan
- La soo yuubanee
- Waabayda yucan
- Utunta u yabraday
- Goodkaa yunduda
- Ma u yaabaysaa
- Yuustada magliga
- Yacyacood kolay
- Yaabistana ku tahay
- La yohoomiyee
- Yaq-dhabaanku hoday
- Yal tukoow ha oran
- BBC-yuuq
- Laga yaahiyaba
- Yeelkaa iskaa
- Waa yaciyo been
- Yur waraabohow
- Dadkii kaa yaxyaxe
- Qabiil lagu yoto’o
- Yooxis iyo nacayb
- Yuhuuntaadan ba’an
- Laga yaabyayoo
- Yuunas iyo cimraan
- Yaasiin cuskade!
-
- Ya’daa ya’ ugu yeedh
- Yulqan lama hadlee
- Yeeshaan ku xidho
- Careey yaa furfura
-
- Yaw hiishay eex
- Yaa qaraniba
- Yiqiinteeda nacay
- Yaa meel u go’ay
- Yudh sagaaro iyo
- Yasid waxan ka xigo
- Yiri waa xalaal
- Yixda soo baxdiyo
- Dhalanteed yaraha
- Dawlad yawgu waca
- Yaab badinadaa
- Yaqyaqsi u dhowaa
- Yufyuf-taada iyo
- Yookiyo colaad
- Yuusuf ba’anidaa
- Caku yu’ashadaa
- Yagleelaha ka dumi
- Yaaheelka awd
- Sir yuhuudinnimo
- Yeelkaa iskaa
- BBC-yuuq
- Laga yaahiyaba
- Waa yaciyo been
- Yur waraabohow
- Dadkii kaa yaxyaxe
- Qabiil lagu yoto’o
- Yooxis iyo nacayb
- Yuhuuntaadan ba’an
- Laga yaabyayoo
- Yuunas iyo cimraan
- Yaasiin cuskade!
Maxamuud Axmed Cabdalle (Shiine)
Email:
abdalle9@hotmail.com
Gabaygii Hore ee
Shiine... Guji...
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaag kusaxiixan
Faafin: Somalitalk.com | Maarso 12, 2005
Waraysi Samsam
iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino...
iyo
Shirkadda Dahabshiil oo Sanduuq Mucaawino u Furtay Samsam...
Samsam waxa ay shaaca ka qaaday in ay dacwadeeda u
gudbineyso Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah, waxana ay...
Guji...
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com