SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
  • Nin ka ganacsada Geela oo Lagu Diley Kismaayo....
  • Xubno katirsan labada Gole ee Beesha Hawiye ayaa maanta Baaq ka soo saaray Nairobi Baaqaa oo daba Jooga midkii ay Hogaamiyaasha Hawiye shalay soo saareen
  • Madweynah DGPL oo Dib ugu laabtay Garoowe iyo Wasiiro ka tirsan DGPL oo Kormeer ku tagay Degmada Goldogob.
  • Howlo burcad sifayn ah oo ka bilowday wadada u dhaxaysa janaay cabdale iyo kismayo.

Halqof ayaa dhintay xalay abaare laba iyo tobankii maqribnimo kadib markii ay maleeshiyo hubaysani ay rasaas la beegsadeen asaga oo maraya deegaanka dalcada ee magaalada kismaayo 

Qofkaan xalay ladilay ayaa waxa uu ahaa sida lasoo sheegayo nin ganacsade ah oo ka ganacsan jiray xoolaha Geela ah ayadoo aan lagaranayen sababta dhabta ah ee ay maleeshiya hubaysani ay rasaasta ola dhaceen ninkaan. 

Ninkaan ganacasadaha ah ee xalay lagu dilay deegaanka dalcada ee magaalada kismaayo ayaa waxaa ay sheegayaan wararka qaar in ninkaan loo dilay hab aargoosi ah ayadoo raga dilayna ay soo daba socdeen ama ay soo garabsocdaan waqti islamarkaana ay markii danbe rasaasta ku fureen ayadoo rasaasta marxuunkaas lagu furay ay ka haleeshay madaxa taasna ay sababtay in islamarkiiba uu marxuunkaasi geeriyoodo. 

Hadaba waxaa maanta ka soconayay magaalada kismaayo dadaalo ay wadeen qaar ka mid ah ciidamada amaanka ee maagalada kismaayo  dadaaladaas oo lagu baarayo cida ka danbaysay falkii arxan darada ahaa ee xalay lagu dilay ninkii ganacsadahya ahaa . 

Isku soo wada duuboo ma ahan markii ugu horeysay oo fal noocaan oo kale oo lala beegsanayo dadka aan waxba galabsan ee aan hubayesneyn ayadoo haatan dhibaatada ugu balaaran ee ka jirta deegaanadan ay tahay falalka aar gudashada ah ee aan cidna looga aaba dayeyn ee sida isdaba jooga ah oga dhaca goboladaan gaar ahaan magaalada kismaayo. [Warar kale oo kusaabsan Kismaayo hoos ayaad ku arki doontaa]

cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
kismaayo  kismaayo

cabdiqadar84@hotmail.com


Xubno katirsan labada Gole ee Beesha Hawiye ayaa maanta Baaq ka soo saaray Nairobi Baaqaa oo daba Jooga midkii ay Hogaamiyaasha Hawiye shalay soo saareen

Waxaa maanta shir jaraa'id ku qabtay Hilton Hotel ee magaalada Nairobi xubno ka tirsan labada gole ee xukuumadda oo ugu jira beesha Hawiye taasoo ay kaga soo horjeedaan warsaxaafadeed ay shalay xubno kale oo isla beesha ka tirsan oo ka mid ah golaha xukuumadda iyo baarlamaanku ka soo saareen magaalada Nairobi.

Warsaxaafadeedkaan oo ay qabteen xubno ay ka mid ahaayeen:

Wasiirka Waxbarashada Cali Cabdullaahi Cosoble

Wasiirka Horumarinta reer miyiga Maxamed Maxamuud Gacmadheere
Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Salaad Cali Jeelle
Wasiir ku xigeenka Tamarta Maxamed Shiikh Isaaq(abaadir)
Xildhibaan Cabdullaahi Axmed Afax
Xildhibaan Cabdullaahi Geeddi Shadoor iyo xubno kale ayaa u qornaa sidaan:
Xidhibaan Axmed Xasan Ibraahin
Xidhibaan Axmed Cusmaan Gaagaale Asagu ,ma iman laakiin waxa uu ii shegay in uu meel ku maqnaa Balse uu ku fakar yahay Xidhibaanada soo Saaray Baaqan,

Waxaan iyagu ka soo xaadirin Shirkan Xidhibaanada kalla ah

1-Ibraahin Sh Cali Jeebo
2-Cali Osmaan Jayte
3-C/rixmaan Cabdi Waare waxa uu jiraa safar Dibada ah

WARSAXAAFADEED:

Annagoo ah Wasiirada iyo xildhibaanada ka tirsan Dawladda Federaalka ee Soomaaliya kuna saxiixan warsaxaafadeedkaan ,tixraacaynana warsaxaafadeedkii shalay oo bishu ahayd 12 March, 05 kaasoo ay sii daayeen qaar ka mid ah Xildhibaanada iyo Wasiirada ,iyagoo sheeganaya magaca beesha Hawiye.

Xildhibaanadaas oo ku doodaya inay wakiil ka yihiin Beesha Hawiye,Warxaxaafadeedkoodaas oo ay ku sheegeen inay ku diidan yihiin go'aankii Golaha Wasiirada ee sida aqlabiyada ah lagu ogolaaday ,iyagoo qaarkoodna ay ka mid ahaayeen Golihii Wasiirada ee go'aankaas meel mariyey ,go'aankaas oo ilaa hadda horyaala baarlamaanka si looga doodo ,go'aan kama danbays ahna looga gaaro ,kaasoo dawladdu ku wareejisey Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Sidaasi daraadeed annagoo ka jawaabayna warsaxaafadeedkaas waxaan soo jeedinaynaa qodobada hoos ku qoran:

1-Waxaa nasiib darro ah in muddo 2 sano iyo bar ah ka dib markii la dhisay dawlad Soomaaliyeed in xubno ka mid ah labada gole oo sheeganaya magac qabiil ay si bareer ah ugu xadgudbeen Axdiga Qaranka ee KMG ah.

2- Waxaa hubaal ah inaysan ka tarjumaynin rabitaanka beesha ay sheeganayaan.

3- Waxaan is waafaqi karin iyagoo ka qaybqaatay meel marintii go'aankii golaha Wasiirada inay hadana ka hordhacaan go'aankii golaha baarlamaanka,iskuna dayaan inay afduubaan go'aanka baarlamaanka Soomaaliyeed iyagoo qoraalkooda ku sheegay inuusan baarlamaanku ka hadli karin go'aana ka gaari karin qodobada horyaalla ,taasoo la yaab ku noqotay ummadda Soomaaliyeed ,kana hor imaanaysa Axdiga Qaranka.

4- Xubnahaas waxaa isaga khaldan kala duwanaanta xilligii dawlad la'aanta,fawdada iyo kooxaysiga iyo xilligan cusub ee ay jirto Dawlad Federaal ah oo beesha caalamkuna aqoonsan tahay.

Arrintu si kastaba ha ahaatee waxaan ugu baaqaynaa qodobada hoos ku qoran:

1-Bulshada Soomaaliyeed waa inay garab istaagaan barnaamijyada dawladooda iska dhegatiraan hadalada keeni kara iska horkeenka bulshada Soomaaliyeed ee walaalaha ah.

2-Beesha caalamka waxaan ugu baaqaynaa kana codsanaynaa sii wadida taageeradooda hagar la'aaneed.

3-Xubnihii saxiixay baaqii 12 March,05 waxaan xasuusinaynaa uguna baaqaynaa inay dhawraan una hoggaansamaan Axdiga KMG ah oo ay marar badan beesha caalamka iyo ummadda Soomaaliyeed hortooda ku dhaarteen.


Madweynah DGPL oo Dib ugu laabtay Garoowe iyo Wasiiro ka tirsan DGPL oo Kormeer ku tagay Degmada Goldogob.

  • Sahro Sheekh | Somalitalk | Gaalkacyo | Maarso 13, 2005

Madaxweynaha DGPL Gen: Maxamud Muuse Xirsi (Cade) ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Garoowe ee Caasumada DGPL. Madaxweynaha oo mudo labo maalmooda ku joogay howlo shaqo oo qabyo ka ahaa Magaalada Gaalkacyo ayaa asagoo u waramaya saxaafada u sheegay in uu howlaha uu u joogay Gaalkacyo ay tahay sidii ay u Xalin lahaayeen Dagaalada ka socda Dadka walaalaha ah ee Gobolada Mudug iyo Galgaduud Magaalooyin ka mida.

Madaxweyna ayaa u sheegay saxaafada in Dadka Dhismayaasha ka dhisanaya dhulka Dawlada iyo Wajiyada Xarumaha Dowlada ay ka waantoobaan oo ay iska qasaarin Dhismayaashaa oo la dumin doono. Madaxweynaha ayaa ka hadlay kuwa Goynaya Tuubooyinka biyaha oo caadada ka dhigtay in ay gooyaan Biyaha oo ay Dad badan ku nool yihiin waxaa kale oo uu sheegay in ay daba joogto arimahaas Nabad galyada oo aan la aanteed Nolali ay jirayn oo uu sheegay in ay Qorshe badan u baahan tahay sidii Sedexdaa looga hor tagi lahaa, waxa madaxweynahu sheegay in uu amar siiyay Ciidamada booliska iyo Daraawiishta in ay ka howl galaan sida ugu dhaqsiyaha badan. Waxana uu intaas ku daray in ay Dabagal ku sameyn doonaan oo ay isga iyo Maamulka Gobolka gacanta la soo Gali doonaan, Madaxewynaha oo ka hadlaayey Nabadeynta laga dhex wado Dadka Walaalaha ah ee dagaaladu ku dhex maraayeen Magaalooyin ka mida Gobolada Mudug iyo Galgaduud in uu magacaabay Gudi uu isagu Hormuud u yahay oo ka kooban Gobolada Puntland ee sida Garoowe, Gaalkacyo, Boosaaso, Laascaano iyo Haylaan oo ah Dhinaca Sanaag. Madaxweynaha oo aan sheegin xiliga ay how galayaan Gudigaan ayaa waxaa la Waydiiyay Gudigii ay magacaabeen Madaxweynaha DFKMG Soomaliyeed iyo Raysal Wasaaraha DFKMG Soomaaliyeed waxa ay qabteen ayuu sheegay madaweynaha DGPL Gen: Cade in ay howl badan qabteen oo ay ka mid tahay in ay isku keeneen Odoyashii ay talada ka goday ee Beelaha ay dhibku ka dhexdhacday iyo in ay keeneen in la,isku wareejiyo Maxaabiis la kala Qabsaday howlahuna ay u marayaan meel wanaagsan inkastoo mar uu dhacay dagaal hadana waxaa lagu guulaystey in la joojiyo Xabada wada hadalkuna uu socdo.

Waxaa isagana halkaa ku sugnnaa Cabduqaadir Guuleed oo ka mid ahaa Gudigii ay dhawaan magacabeen Madaxweynaha DFKMG Soomaaliyeed iyo Raysal Wasaaraha DFKMG Soomaaliyeed. Cabduqaadir oo ahaa Xoghaynta Gudiga ayaa waxaa wax laga Waydiiyay halka ay u marayso howshii loo xil saaray madaama Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha DFKMG Soomaaliyeed ay Beelahaa gacanta isku sareen hadana Gacan isku sarkaa Kadib uu dagaal dhacay waxana uu Cabduqaadir ku jawaabay Waxaa aan ku guulaysanay in la isku celiyo Maxaabiistii waxaa kaloo aan ku Guulaysanay in ay Beelaha Mudulood in ay nagala soo qayb galaan Nabadayntaan laga dhex wado Labada Beelood ee Walaalaha ah wixii qadarana waa dhacayaan waxaa aan filaynaa in uu nagala soo Qayb galo Gudi uu hogaaminayo Imaamka Hiraab Imaam Maxamuud Imaam Cumar iyo Odayaal badan ay nagala soo qayb galaan Madaxweynaha DGPL, Gudigeena ayaa u yeerey waxaana aan ugu yeernay howlo farsamo oo aan uga maarmi waynay waxaana filaynaa in ay nagala soo qayb galaan sida uu sheegay Madaxweynaha DGPL Gen: Cade Odayaal ka mida Puntland Goboladeeda waxaana Filaynaa kuwa la dhexdhexaadinayo in ay ka soo qayb galaan Nabada ayna qataan nabada waa noowada dan ayuu ku soo gabagabeeyey Hadalkiisa.

Waxaa wali aan la sheegin xiliga ay gudigaan howlahooda guda gali doonaan aydoo la sheegay in laga yaabo in ay u amba baxaan meelihii dagaaladu ka dhaceen.

Dhanka kale waxaa Kormeen Howleed ku tagay Degmada Goldogob iyo Tuulooyinkeeda Wasiirka Warfaafinta DGPL Cabdirisaakh Geesood iyo Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga DGPL Saciid Qoorsheel kuwasoo aan qadka Telfoonka kula Xiriiray iyagoo ku sugan Degmada Goldogob in ay sheegaan howlaha ay u tageen Degmmadaa ayaa waxa ay iigu jawabeen inay u yimaaden kormeer howleed oo ay usoo xil sareen madaxda DGPL oo ay ka mid tahay Kormeerkooda Dhanka Waxbarashada, Caafimaadka iyo Nolosha Guud ee Degmadaa ayagoo isla maantana ku laabtay Magaalada Garoowe si ay uga warbixiyaan waxyabihii ay ku soo arkeen Degmadaa.

Sahro Sheekh (Somalitalk Puntland Gaalkacyo)
sahrosiglan@hotmail.com


Howlo burcad sifayn ah oo ka bilowday wadada u dhaxaysa janaay cabdale iyo kismayo.

iyo gaadiid xamul ah oo ku xanibnaa kismayo oo shalay la galbiyayay

Ciidamada amaanka Kismayo ayaa shalay waxa ay galbiyeen gaadid kor u dhaafaya 35 gaari,oo noca xamuulka qaado ah oo mudo dhowr cisho ah  ku xanibnaa magaalada Kismayo arimo la xariira dhinaca amaanka wadada ay mari lahaayeen oo ay jid gooyooyin hareeyeen awgod.

Abaarihii labo iyo tobankii arornimadii ee shalay ayaa waxaa gaadiidkaasi galbiyay ciidamada sugida amaanka ee uu madaxda ka yahay Co: Cabdi Cigaal ayaga oo gadiidkaasi gaarsiinayay meelaha aan loga cabsi qabin in ay yaalaan jidgooyooyinka,oo si aada uga fog magaalada Kismayo.

Gaadiidkan oo siday alaabo isugu jirtay badeco iyo shidaal ka soo dagay dakada magaalada kismayo ayaa ku sii jeeday gobolka Gado,gaar ahaan magaaloyinka Baardhere, Balad Xaawo, Ceelwaaq, iyo kuwo kale oo gobolka ka tirsan.

Waxa ayna gaadiidkani ka dib dhecen xiligii loogu talo galay in ay gaaraan gobolka Gado ayadoo qaar kamid ah ay dib u soo laabteen intay goor sii horaysa baxeen ayada oo ay goobaha ugu daran ee ay jidgooyoyinku yaalaan ay yihiin inta u dhaxaysa deegaanka  Janaay Cabdale iyo deeganka Kuubo kibir oo ah goobihii ay dagaaladu ku dhex mareen beelaha daga deegamadaasi oo dhawaan loo sameeyay heshis xabad joojineed oo aan ilaa iyo hada waxba ka suuro galin,kadib markii ay dhaceen dhacdooyin dhowr ah oo ka danbeeyay xabad joojintaasi.

Col;Cabdi Cigaal ayaa somalitalk u sheegay in ay xaaqayaan dhamaan jidgooyoyinkan xanibay isu socodka gaadiidka oo uu ku tilmaamay in ay tahay arin aan indhaha laga qabsan karin,asaga oo tusaale u soo qaatay in ay gaadidka canshur ka qadaan maamulka dagmada oo aysan hadana suurto gal noqonayn in ay jid gooyo lacago kale ka qaadaan,waxaana haatan soo baxaya warar sheegaya in ay ku gulaysten qaadista qaar kamid ah jidgooyooyinkaasi.

maalinimadii Arbacadii ayay ahayd markii jidgoyo la dhigtay rasaas loga furay gaari nooca UD ga loyaqaan halkaas oo ay labo qof oo dumar ah midna ku dhimatay midna ku dhaawacntay.

xaalku sikastaba ha ahaade waxaa laga dhursugayaa isbadalka ay ku samynayaan wadadaasi cidamada haatan bilaabay howlgalkan ayadoo ay heshisintii Janaay Cabdale u muqato mid bur buirtay.

cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
kismaayo soomaaliya

Faafin: Somalitalk.com | Maarso 13, 2005
 


Waraysi Samsam iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino...
iyo Shirkadda Dahabshiil oo Sanduuq Mucaawino u Furtay Samsam...
Samsam waxa ay shaaca ka qaaday in ay dacwadeeda u gudbineyso Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah, waxana ay...
Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD