SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY

GABAY: Cabdullaahi xeelad iyo dagaal dirir la xaaleeyo
(Gaby ku socda Madaxweyne Cabdullahi.)


Maxamuud Axmed Cabdalle (Shiine)
Email: abdalle9@hotmail.com  

HORDHAC:

Walaalayaal waayadan dambe waxad mooddaa in bulsha weyntu ay aad uga cabanayaan keenista ciidammada xabashida. Haddaba abwaanka gabaygan tiriyey Maxamuud Axmed Cabdalle, waxa uu kaga hadlayaa arrintan, waana farriin si gaara ugu socota Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf. Akhris wanaagsan wixii faallo ah waan soo dhoweynaynaa. 

Wuxu yiri: 

  • Cabdullaahi xeelad iyo dagaal dirir la xaaleeyo
  • Adigaa u xuub siibta oo xoog ku maammula e’
  • xusullada kolkaa duubatoo guuta ku xambaarto
  • Millateri xawaariyo markaad xulafadii keento
  • Inaan xamar lagaa celin karayn waan xaqiiqsadaye’
  • Anse kaa xanuunsaday kolkaad xabashigow baaqday
  • Cadowgii I xuubsaday inaan xamar u soo hooyo
  • Oon xiis dawaaf iyo nidhaa xeebta bari aaddan
  • Xaradheere lagu sooro iyo xarumihii jawhar
  • Xiddo iyo carmaaliyo masagan nacab xalaalaysto
  • Uu xadhan dusheediyo burciyo ximan u soo guuro
  • Xiqdi iiga dhigan gacaliyow ila xadhaadhaatay
  • Xaashee ma kari karo inaan xera wadaagnaaye
  • Xaaraamigaa inaga daa gaal xinjira quutay
  • Oo xaafadaha wiilashaa xuubey lagu meershay
  • Ee xolod ka dhuubnaadayee qori ku xoolaystay
  • Mooryaanta xeegada u dhiib way xasilaysaaye
  • Xakamaha ku qabo muuse iyo caato waa xubine
  • Xertii maxamed dheeriyo xuseen xeerka ku hagaaji
  • U xanjeeri tuutaha dhakhsaba way xammilayaane!
  •  
  • Afartaasi waa xoge walaal hayga kala xoorin
  • Xilku waa belaayee ka joog xulafa baastiisa
  • Xornimada ogsoonoow ragbaa loo xiniin tiraye
  •  
  • Xatooyada tisqaaddiyo wexeer gobol la xayddaantay
  • Ee xuunsha xuunshaynta iyo maammul lagu xiiqay
  • Xarfaddiisa weeyaan amxaar xera-xerantaasi
  • Isxajara farriintiisi baad kala xurmeyseene
  • Xagal-weyntuu kuu dhiibayaa waa sun xaammiya ahe
  • Xabaal inaad gashaa kaaga roon maandhow xabash-tuuge
  • Xabis waadigii shalay jirooy kugu xasuuguune
  • Xog-ogaalna waatahay inaan lagu xaq dhawrayne
  • Xididdada gumaystaha inaan saarno waa xayo e’
  • Dhulkaygaa xorta ah hayga barin gaal xinjira quutay
  • Cudur xaalufiya bay sidaan AIDS xoog badane
  • Ha xawilin dhankii noo bed qabay garasho waa xeele
  • Xuddun hawgu xidhin meesha iyo xaramka hoygeenna
  • Ku xabeeban maayee runtana haygu xaasidine
  • Xisbi baa ilaah laga dhigtaa guulahay xaqa e’
  • Isagaa xannaan tala hayoo kala xumaynayne
  • Xamdi naqa ogsoonow kolbaa la is xisaabaaye
  • Ha xujayn kuwuu diinta baray xabashi haw dhiibin
  • Xigtadiyo sokeeyaha tix geli xidid ha eedaynin
  • Odayada xankaakubay ha xidhin xamasho waa ceebe
  • U xaqsoor dadweynaha xil waa la iska giijaaye
  • Hadday nabadda xoortoo markale ay xidhiidh furanto
  • Colaaddii xumaydiyo hadday xiinka damin weydo
  • Xoorka iyo dhidarkiyo haddaad xamil u daag weydo
  • Xeerka iyo qaynuunka iyo kaasho xuma dhawrta
  • Xiskaaga iyo maankaba ka dhawr qolo la xaaleeyo
  • Xadna yeelo soomaali waa qoom xasaradeede!

Maxamuud Axmed Cabdalle (Shiine)
Email: abdalle9@hotmail.com  

»Jiifto Yuusuf-Garaad ku socota [Shiine]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaag kusaxiixan

Faafin: Somalitalk.com | Maarso 13, 2005


Waraysi Samsam iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino...
iyo Shirkadda Dahabshiil oo Sanduuq Mucaawino u Furtay Samsam...
Samsam waxa ay shaaca ka qaaday in ay dacwadeeda u gudbineyso Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah, waxana ay...
Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD