SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Raysulwaasaraha Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi oo Soo saaray Wareegto lagu Xasilinayo Muqdisho

Wareegtadan waxaa lagu magacaabay 11 Xubnood waxaana Gudoomiye u ah Raysulwasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka Arimaha Gudaha Eng Xussen Maxamed Faarax Caydiid.

Ujeedada wareegtadan ayuu raysulwasaaraha Soomaaliya ku sheegay Xasilinta Magaalo Madaxda Soomaaliye ee Muqdisho.

Golaha wasiirada Soomaalida ayaa iyagu go'aamiyay in ay Xukuumadu ku sii shaqayso Baydhabo & Jawhar.

Hadaba waxaa la is waydiinayaa sida ay gudigani u kasban karaan qaybaha kala duwan ee muqdisho sida Wadaada Diinta, Maxkamadaha, Ganacsatada iyo Hogaamiyaasha Hubaysan ee Muqdisho.

Waxaa kaloo ay dadku si aada isku waydiinayaan ma aqbali Doonaan Hogaamiye Kooxeedyadii Noqday Wasiirada in ay Talada iyo Xasilinta Muqdisho ku warejiyaan Gudigan:

Xuseen Maxamed Caydiid - Guddoomiye
Xasan Maxamed Nuur (Shaati Guduud)
Xasan Abshir Faarax
Mowliid Macaani Maxamuud
Cabdicasiis Sh. Yusuf
Cali Cabdullaahi Cosoble
Ibraahim Sh. Cali (Jeebo)
Cabdiraxmaan Yusuf Diiriye
Fahma Axmed Nuur
Amiin Axmed Shiikh
Xuseen Cabdisalaam

Waxaa kaloo ay dadka qaar is waydiinayaan sida ay isku waafiqi karaan dhinaca rayiga iyo kawada shaqaynta Muqdisho. Dad kale ayaa is leh Toloow ma waxaa dhaboobay Hadalkii Raysulwasaaraha Soomaaliye ee ahaa Ma Jiri karo Wasiir mucaarad ahi.

Hogaamiyaasha Muqdisho ayaa Shirkii Golaha Wasiirada ee lagu go'aansaday in Xukuumadu Dagto Baydhabo & Jawhar ka dareeray iyaga oo xusay in lagu Xadgudbay qodobo ku jira axdi qarameedka Soomaaliya.

Dadka Soomaaliyeed ee Qaxootiga ku ah Daafaha kala duwan ayaa walaac xoogan ka muujinaya kala Fogaanshaha xaga Afkaarta ah ee Xukuumada lagu unkay Nairobi 10/10/2004.

Axmed Muusse Cabdulle(Idaawaqaca)Kenya_Nairobi
axmeddheere65@hotmail.com

Faafin: Somalitalk.com | Maarso 23, 2005

Dagaallo lagu Naafeeyey Ciidamada Gumeysiga Itoobiya
Ka akhri wararkii Xorriyo ee maanta...
Guji...

Garyaqaano madax banaan oo loo saarayo dalabkii madaxweynaha ee la xiriiray Go'aankii baarlamaanka
»Shirkii Jamacada Carabta oo u ahaa fursad DFKMG
»Kismaayo: Hawlgal lagu soo qabqabanayo Burcadda
Wararka oo dhan ka akhri... Guji...

Howlgal ay Booliska Boosaaso ku Qabteen Burcad
iyo Aqoon isweydaarsi lagu soo gabagabeeyey jaamacada Bariga Afrika Boosaaso..
Warbixintii C/fataax Jaamac


Waraysi Samsam iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino...
Samsam waxa ay shaaca ka qaaday in ay dacwadeeda u gudbineyso Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah, waxana ay... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD