8-dda March, Maalinta haweenka
iyo Halgankii dheeraa ee la soomaray!. - Qaybtii 2aad
W/Q: Suldaan Nayruus Xaaji
Aadan.
Karachi-Pakistan.
suldan25@hotmail.com
suldan25@yahoo.com
Erayada
laga qabatimay bayaankaas oo ahaa kuwo si fudud u shaac-baxay,
ayaan haddana wax saasa aan kabaddalin dhibaatooyinkii haweenka
ka soo food-saaray sidii ay u gaari lahaayeen yoolkooda.
Dhaq-dhaqaaqa cod-bixinta ee haweenka (The Women Suffrage
Movement), ayaa waxaa looga hor-yimid arrimo badan. Dadka qaar
waxay aaminsanaayeen in haweenku uu caqligoodu liito, oo aysan
awoodin in ay qaataan go’aanno siyaasadeed (Political decisions)
sida ragga oo kale. Waxaa kaloo la aaminsanaa: maadaama haweenka
raggoodu ay ka qayb-qaadanayaan cod-bixinta doorashooyinka in
aanan loo baahnayn codayntooda, maxaa yeelay raggooda ayaa u
taagan (matalaya).
Inbadan oo kamid ah dadka ka hor-yimid dhaq-dhaqaaqa cod-bixin-doonka
ee haweenka ayaa waxay ka cabsanayeen: haddii ay haweenku ka
qayb-qaataan siyaasadda iyo cod-bixinta in ay khatar uga imaan
karto dhanka jagooyinka iyo amniga, ayna macquul noqon karto in
ayba faraha lasoo galaan maamulka guriga, hormuudna ay ka
noqdaan qoyska.
Inkastoo ay jirtay cadaadis iyo cuna-qabatayn haweenka lagu
hayey, ayaa haddana dhaq-dhaqaaqya-doodu marba marka kadambaysa
sii xooggaysanayeen. Wuxuuse dhaq-dhaqaasi gaaray fiinta ugu
sarraysa markii uu Maraykan-ku siiyey ama u ogalaaday ragga
madowga ah (Black men) in ay codeeyaan.
1869-kii, ayey haweenku dhidibada u aaseen laba Urur oo u
ola-oleeya xuquuqdooda, oo la kala dhihi jiray: Natural Women
Suffrage Association (NWSA) iyo American Women Suffrage
Association (AWSA). Ururka NWSA, wuxuu ahaa mid aad u
xamaasadaysan ( u qiiraysan), waxaana hoggaanka u hayey
Elizabeth Cady Stanton iyo Susan B. Anthony. Yoolka ay
tiigsanayeen wuxuu ahaa sidii wax looga baddali lahaa Axdiga
Maraykan-ka, looguna kadhi lahaa qodob haweenka u ogalaada in ay
codkooda dhiibtaan.
1868-kii, laba haween ah oo laka oran jiray Cady iyo Anthony
ayaa waxay baahiyeen: in ay muhimmad weyn leedahay in haweenku
ay qaadaan kac-doon waqtilaa (kallaa).1869-kii, ayaa gobalka
Wyoming ee Maraykan-ka (The Suffrage State), waxaa lagu unkay
sharcigii ugu horreeyey ee dhaq-dhaqaaqa xaqa cod-bixinta ee
haweenka.
Anthony iyo kooxo kale oo haween ah oo ka codeeyey Rochester ee
New York doorashada madaxtinimada, ayaa waxaa loo taxaabay
xabsiga, waxaana lagu ciqaabay codayntoodii oo layiri waxay
ahayd mid sharci-darro ah. Markii lasoo daayey ayaa Anthony
waxay jeedisay hadal, kaasoo ay kusoo gaba-gabeysay hal ku
dhigga ah [Resistance to tyranny is obedience to God]
Amar-kutaaglaha (kaligi-taliyaha) oo la iska caabiyo waa Alle
muddeeciis.
Iyagoo ay haweenku ku jireen halgankii xuquuq u dirirka ayaa
waxaa soo baxay sannadkii 1900, jiil cusub oo hoggaamiya-yaal ah
kuwaasoo hiyi-galiyey dhaq-dhaqaaq-yadii haweenka ay ku
baadi-goobayeen xuquuqdooda. Si kastaba ha ahaatee abaabul
isdaba joog ah, muddaaharaadyo aan kala go’ lahayn iyo
kac-doonno naf iyo maalba loo huray, ayey haweenku ku gaareen in
ay xuquuqdooda ka soo dhacsadaan waddamada qaarkood.
New Zealand ayaa waxay noqotay qarankii ugu horreeyey ee laydhka
cagaaran u siiyey haweenka in ay dhiibtaan codkooda sannadkii
1893-kii. Intii lagu jirey horraantii qarnigii 20-aad (labaatanaad)
haweenka Britain, Canada, Finland, Germany iyo Sweden, ayaa
waxay bilaabeen dhaq-dhaqaaq xooggan si ay u helaan xuquuq ay
codkooda ku dhiibtaan.
1862-kii, haweenka dabaqadda sare ee waddanka Sweden, ayaa waxaa
loo ogalaaday in ay codeeyaan. Ugudambayntii 1921-kii, ayey
gebi-ahaanba haweenka Sweden heleen xuquuq buuxda oo ay ku
codeeyaan. 1928-kii, waddanka Britain ayaa isna u ogalaaday
haweenka xaqa cod-bixinta doorashooyinka, iyagoo
dhaq-dhaqaaqooda ay bilaabeen 1860-kii. Haweenka Maraykan-ka
ayaa iyagana xuquuqda cod-bixinta la siiyey 1920-kii. Intii lagu
guda jiray qarnigii 20-aad, dowladaha China, France, India,
Italy, Japan iyo quruumo kale ayaa iyaguna haweenka siiyey xaq
ay ku footeeyaan.
Inkastoo haweenku 1990-kii, ay waddamo badan ka gaareen yoolkii
ay tiigsanayeen, haddana waddamo yar ayaan loo ogalayn in ay wax
cod ah bixiyaan. Tusaale waxaan u soo qaadan karnaa waddanka
Kuwait oo isagu ragga kaliya loo ogalyahay in ay woodeeyaan.
In badan oo kamid ah haweenka qarniga 21-aad, ayaa waxay ku
damaashaadayaan xuquuqdoodii oo ay heleen. Laakiin marka la eego
fulinta arrimaha xasaasigaa ayeysan wali wax madax-baannaani ah
u helin, iyagoo korka ay ka maamulaan kuwa u taliya bulshada
(The patriarchal society). Waxaana la rumaaysan-yahay in aysan
wax awood ah lahayn haweenka xildhibaannada ka ah baarlamaannada
quruumaha adduunka, iyagoo raggu ay cadadaadiyaan marka ay
timaaddo go’aan ka gaaridda arrimaha siyaasadda.
Akhri qaybta 3aad... Guji……………………….
W/Q: Suldaan Nayruus Xaaji
Aadan.
Karachi-Pakistan.
suldan25@hotmail.com
suldan25@yahoo.com
»Qaybtii
1aad:
8-dda March, Maalinta haweenka iyo Halgankii dheeraa [Nayruus]
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa
leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: Somalitalk.com | Maarso 28, 2005