SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - RA'YI
8-da March, Maalinta Haweenka iyo Halgankii Dheeraa Ee la Soo Maray! - Qaybtii 3-aad.

Afrika iyo Haweeka

W/Q: Suldaan Nayruus Xaaji Aadan.
        Karachi-Pakistan.
       suldan25@hotmail.com
      suldan25@yahoo.com


Dabaylaha is baddal-doonka siyaasadaha, af-gambiyada is-dabajoogga ah, dagaalada sokeeye ee aan dhammaadka lahayn, horu-mar la'aanta Jahligu sabab u yahay, cudurrada dilaagaa, gaajada, macaluusha, faqriga aan kasoo kabashada lahayn iyo maskax aan waxba fahmin oo hoos u foorarta, oo qaaradda hareeyey, ayaa haweenka Afrika ka reebey qayr-kood.

Qofku markuu helo daryeel - caafimaad, wax barasho, amni IWM- ayey maskaxdiisu wixii ka maqan gocataa. Taas waxaan uga golleeyahay haweenka Afrika ayaa ah kuwa dhibka ugu badan uu soo gaaro iyagoo ay isu kaashadeen dagaallo, cudurro - HIV/ ADIS iyo kuwa kaloo dilaa ah-ba - macaluul, kufsi iyo dil, kuwaasoo ka moosay in ayba u hanqal-taagaan sidii ay xuquuqdooda ku baadi-goobilahaayeen: Hadday ahaan lahayd in ay helaan xuquuq wax barasho, amni iyo xaqa ay u leeyihiin in ay codkooda dibadda u soo saaraan.

Si kastaba ha ahaatee hannaanka talo-wadaageynta (Democratization Process) ee Afrika kol-dhow ayuu bilowday, walina qaaradda inteeda badan maggaarin xorayn buuxda (full emancipation) oo ay helaan muwaadaniintooda. In kastoo kooxaha bulshada rayidkaa (Civil Society Groups) ay u ola-oleeyaan in ay bilaabaan hab cusub oo siyaasadeed, dhaqaaleed, iyo dowlado ku dhisan hannaanka talo-wadaagga.,

Marka la eego haweenka Afrika seddexdii dumaraba labaa dhibaataysan. Cudurka HIV/AIDS-ka ayaa si xun fara ugu haya. Aqooni maba jirto hadday jirtana waa mid hoosaysa, waa yar yihiin siminaarro aqoonta kor luugu qaado, nolasha ayaa qiil-qiil ku jidha.Is-kabaddaa haweene bulshada kale ayaan xuquuq sare lahayn iyagoo ku hoos nool siyaasadda macangag-nimadaa (Hard-line Policy). Si kastooy ahaataba haweenka Afrika wali ma aysan gaarin in ay helaan xuquuq buuxda oo ay kala mid noqdaan haweenka bulsho weynta caalamka si ay uga qayb qaataan arrima bulshada iyo siyaasadda.

Waxaa jira dowlado xoogaa ah oo iyagu aad mooddid in ay yara ogaadeen in ay haweenku la mid yihiin bulshada in teeda kale. Eritrea, Uganda, iyo Tanzania ayaa soo saaray sida jinsigu uga qayb galayo baarlamaanka.

Inta badan xisbiyada ka jira Botswana, South Africa iyo Zambia ayaa iyaguna wajiyo cusub oo dhinaca haweenkaa sameeyey. Angola, Capes Verde, Guinea, Guinea-Bissau iyo Sao Tome, ayaa saamiga haweenka ee baarlamaanka kor u qaaday.

Is-bar-bar dhiggaas ayaa aad ugu sarreeya Ethopia, South Afrika iyo Mozambique, dhanka kale Kenya ayaa haweenka u ogol in ay ka qayb-qataan siyaasada.

Soomaaliya marka loo eego Afrikada kale nasiibdarro waxba saas ugama duwana, iyagoo sidii ay haweenku doonayaan aysan kahelin bulshda ay ku dhex nool yihiin. Waxaa hubaal ah in ay Dumarka Soomaali-yeed soo mareen xilli ay aad bulshada uga hooseeyeen, iyagoo aysan bulshada kala sinnaan jirin xuquuqda wax barasho, shaqo, iyo wixii la hal maala.

Iyagoo haweenka dhibaatadaas wax barasha la'aanta iyo kuwa kalaba lagu hayey, ayaa dowladdii militeriga ahayd ee 1969-1990kii, si-ku daydey in ay wax-u-qabto haweenka soomaaliyeed.

Muddadaas waxaa laga qayb-galiyey wax barashada, shaqooyinka dowladda iyagoo qaar kamid ahna loo magacaabay jagooyin siyaasadeed iyo kuwa maamul oo heer dhexe ah.

Waxaanan la qarinkarin kaalinta ay haweenka Soomaali-yeed ka soo qaateen hal-gankii xornimo-doonka, horumarinta dalka iyo dadka taasoo ay ku muteysteen iney baal dahab ah ka galaan taarii-khda Qaranka Soomaali-yeed, iyagoo hal-yeeyaashii haweenka ee u soo hal-gamay madax-bannaanida ay kamid ahaayeen Xaawo Cusmaan (Xaawo Taako), Timiro Cukaash iyo kuwo kalaba.

Markii ay dhacday dowladdii dhexe ee soomaaliya, ayaa haweenka waxaa soo maray waxaan waligood horay u soo marin, waxaana loo geystay xad-gudubyo ka dhan ah Beni-Aadiminada, iyadoo taasina ay keentay bur-burka lixaadka leh ee dalka ku habsaday iyo weliba sharcigii iyo kala dambeyntii oo meesha ka baxay.

In dhawaalahaan ayaa waxaa soo if-baxay dhaq-dhaqaaqyo xooggan, oo ay haweenku ku muujinayaan dareen-kooda, si ay bulshada uga dhaadhiciyaan kaalin-tooda, waxayna samaysteen ururo u dooda xuquuqdooda oo ay kamid yihiin IIDA, Women Dev. Org, COGWO, hay'adda Ismaaciil Jimcaale Cosoble ee Xuquuqda Aadanaha, S.S.W.C, S.W.C, R.R.O, S.W.A, ururka garoobada iyo kuwo kale. Waxayna qayb libaax ka qaateen dib-u-heshiisiinta Soomaaliya gaar ahaan labadii shir ee ugu dambaysay (Carta & Mbagathi) iyagoo labadaba ka qayb-galay baarlamaanka iyo xukuumadda. Carta kuraasta baarlamaanka waxaa laga siiyey 10%, halka Embagathi ay ka heleen 8%, iyagoo loo qoondeeyey markii hore 12%.

Is-ku soo wada duuboo hannaanka fallaadhaha ilayska oo ay abuureen saxaafadda, ururada u shaqeeya haweenka Soomaali-yeed, aqoon-isweydaarsiga loo qabanayo, isku-soobaxa haweenka aqoon-yahannada iyo workshop-yada ay qaban-qaabiyaan, ayaa unkay dowrka ay haweenku ku leeyihiin bulshada dhexdeeda, tasoo haweenka Soomaali-yeed u horseedi karta mustaqbal wacan.

Dhammaad.

W/Q: Suldaan Nayruus Xaaji Aadan.
        Karachi-Pakistan.
       suldan25@hotmail.com
      suldan25@yahoo.com

Qaybtii 1aad: 8-dda March, Maalinta haweenka iyo Halgankii dheeraa [Nayruus]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com |  April 4, 2005

KAFAN!! MISE KABO?? (Faallo) [Inj. Nabaddoon]
Minneapolis oo noqotay Mbagathi-dii Mareykanka(Q.1-aad) [Eelay]
Midgaankii Cali Khaliifow calankaa ha dhaco! [Eelay] 
RRA, markaan Indhocade ha ka horeeyso dhulka Digil.. [Dirir]
Intay Fidno Abuuri lahayd, Ha Fashilantaa ka Roon [Garaad]
Siyaasada iyo indho sarcaadinta soo dhaweynti Muqdisho [Jagne]


Waraysi Samsam iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino...
iyo Shirkadda Dahabshiil oo Sanduuq Mucaawino u Furtay Samsam...
Samsam waxa ay shaaca ka qaaday in ay dacwadeeda u gudbineyso Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah, waxana ay...
Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD