SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKA: April 12, 2006

  • Sarkaal katirsan Hey'adda DBG oo shalay galab lagu dilay Degmada Jilib.
  • Siyaasiinta Beesha Cayr oo ku guuleystay in ay kulansiiyaan Ra’isul Wasaare Geedi iyo..
  • Ilaalada C/llaahi Yuusuf oo ku lug yeeshay iska hor imaad ka dhacay Baydhabo..
  • 12-ka April maalin xusuus ka mudan shacabka Soomaalyeed..
  • Dowladda Federaalka oo si weyn uga naxday guusha.... .
  • Hay’ad laga leeyahay Suudaan oo deeq gaarsiisay ..
  • Hay’adda WFP oo ka fiirsaneysa gargaarka ay geyneyso Soomaaliya...
  • Iska hor imaad ka dhacay Degmada Karaaan oo ay ku dhinteen..
  • Qaraxyo kale oo Addis Ababa ka dhacay.

Nadwo Islaami ah - Birmingham, UK
" Waxaa dhamaan la ogaysiinayaa dadwaynaha soomaaliyeed ee ku nool wadanka Ingiriiska in uu ka dhici doono magaalada Birmingham ee dalka Ingriiska shirwayne islaami ah oo lagu qaban doono Markis Ar-raxma ee xaafada Smallheath taariikhdu marka ay tahay 14,15,16ka Bishan (April) oo ah maalmaha Jimcaha iyo sabtida iyo axada nagusoo fooda leh haduu ilaah idmo,"

Sarkaal katirsan Hey'adda DBG oo shalay galab lagu dilay Degmada Jilib.

cabdi khadar Nuur | cabdiqadar84@hotmail.com

Sarkaal madax ka ahaa hay,ada DBG ee dalka Jarmalka oo lagu Magacaabi jiray C/qaadir Ciise Farayare ayaa galabnimadii shalay lagu dilay Deegaanka Lugoshow oo ka tirsan Degmada Jilib ee Gobolka J/dhexe ilaa sadex kalena waa lagu dhaawacay kadib markii ay rasaas ku fureen koox burcad ah oo joogtay deegaankaasi.

Sarkaalkani ayaa madax ka ahaa gudi hey'adaasi u qaabilsan baarista haamaha sunta ee tsunami ee Gobolada jubooyinka ayaa waxuu kasoo laabtay magaalada kismaayo isagoo kusoo jeeday Magaalada Muqdisho oo ay Xarun weyn ku leedahay hey'ada uu ushaqeynayey ee DBG ee dalka jarmalka.

Gudoomiyaha Maamulka Degmada Jilib C/laahi macalin ayaa sheegay in maamulkiisu ka xun yahay weerarkii lagu dilay sarkaalkaasi isagoo balanqaaday iney raadin doonaan Dableydii dilkaasi geysatay oo loo maleynayo ayuu yiri iney ka baxasadeen goobtii ay falkaasi ka geysteen.

Warar madaxbanaan ayaa sheegaya in dableyada falkaasi geysatay ay qaateen qalab ubadan Kaamerooyin iyo lacag aan cadadkeeda la sheegin oo uu watay sarkaalka oo ay la socdeen shaqaale loo tababarayey hawsha Baarista Tsunami iyagoo watay laba gaari oo taayarada laga banjariyey inkastoo markii danbe ay soo jiideen Baabuur kale oo ay hey'adu leedahay.

  • SHIRWEYNAHA ISLAAMKA EE SEDEXAAD EE MAS-MINNESOTA EE Lagu Qaban doono Minneapolis Convention Center April 14-16, 2006.. Akhri

Siyaasiinta Beesha Cayr oo ku guuleystay in ay kulansiiyaan Ra’isul Wasaare Geedi iyo..

Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Siyaasiyiin ka tirsan Beesha Cayr oo haatan ku sugan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa  ku guuleystay in ay kulansiiyaan Ra’isul Wasaare Geeddi iyo guddoomiyaha Golaha Deegaanka ee Gobalka Banaadir Maxamuud Cumar Tootoow, waxaana kulankasi soo qabanqaabiyay Xildhibaan Yuusuf Mire Seeraar, waxaana la iskula soo qaaday sidii ay wada shaqeyn u dhexmari lahayd Golaha Deegaanka ee Gobalka Banaadir iyo Xukumadda uu horkacayo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi, sidoo kale waxaa kulankaasi la iskula soo qaaday sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Gobalka Banaadir oo waayadaan ay ka jirtay nabadgelyo xumo aad u baahsan, Ra’isul Wasaaraha ayaa isagu si aad ah uga soo horjeeday Golihii deegaanka ee looga dhawaaqay Magaalada Muqdisho ,taasina waxay ku timid kala qaybsanaantii Dowladda oo iyadu kala deganeyd Muqdisho iyo Jowhar, waxaana wararka qaar sheegayaan in Ra’isul Waaare Geedi uu aqoonsado Golaha Deegaanka ee gobalka Banaadir, warar kale ayaa waxay sheegayan in xil hoose uu dhex maray Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Xasan Cali Cadde (Gaabow), waxaana la filaya in Cadde Gaabow uu si dhaqsi leh ugu ambabaxo Magaalada Nairobi si uu kulan ula yeesho Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi, waxaan la sheegay in ay ka wada hadli doonaan arrimaha nabadgelyad ee Gobalka Banaadir, maadaama Magaalada Muqdisho ay tahay xudunta dhibaatada Soomaaliya, haddii yada xal loo helana uu dhamaan dalkoo dhan xasilooni lagu soo dabaali karo. Dhanka kale warar ayaa waxay sheegayaan in Cadde Gaabow iyo Max’ed Cumar Tootow ay dhawaan si dhaqsi ah ugu ambabaxi doonaan Magaalada Baydhabo.

Ilaalada C/llaahi Yuusuf oo ku lug yeeshay iska hor imaad ka dhacay Baydhabo..

Warar ka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in maalintii shalay ahayd uu labo iska hor imaad ka dhacay Magaalada Baydhabo, midka hore waxa uu ka dhacay duleedka Magaalada Baydhabo, waxa uuna dhex maray labo gaari oo Tikniko ah oo galbineysay taliyaha ciidamadii laga keenay Kongo C/risaaq Af-guduud kaddib markii koox maleeshiyo ah oo joogtay bar Koontarool ay ka dalbadeen in ay bixiyaan lacag, hase yeeshee waa ay diideen, waxaana la is weydaarsaday rasaas, waxaana halkaasi ku dhintay mid ka mid ah Maleeshiyadii ku sugneyd goobtii Isbaarada, Ciidamadii C/risaaq Af-Gudduudna xoog ayay halkaasi ku jiireen waxayna u dhaqaaqeen dhinaca degmada Waajid oo ay markii hore u socdeen, kooxdii maleeshiyada ahayd ee ninka laga dilay ayaa Magaalada gudaheeda ku rasaaseeyay Gaari ka soo baxay xaruna Madaxtoonyada, waxaana halkaasi ku dhintay labo qof, iyadoo kooxidii maleeshiyada ahayd la sheegay in ay ku qaldameen gaarigaasi.   



12-ka April maalin xusuus ka mudan shacabka Soomaalyeed..

12-ka April oo ah maalintii la aasaasay ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ahna sanadguuradii 46-aad ayaa maanta la filayaa in munaasabado lagu xusayo ay ka dhacaan qaybo ka mid ah dalka.

Sida la ogsoo yahay ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya waxay ahaayeen ciidankii ugu xoogga badnaa qaaradda Afrika, hase yeeshee maanta waxay noqdeen kuwo aan meelna lagu sheegi kari, waxaana arrinaasi sabab u ah Jabahadihii wadankaan ku soo duuley ee xukunka ka tuuray Max’ed Siyaad Barre.

Waxaa loogu daray maanta dil, iyadoo waliba si aad ah loo ugaarsanayo saraakiisha sarsare ee ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waana arrin ilaa iyo haatan aan la ogeyn cidda ka dambeysa.

Xaflado aan sidaasi u weyn ayaa la filayaa in ay ka dhacaan Magaalada Baydhabo oo ay degan tahay Dowladda, sidoo kale waxaa Magaalada Muqdisho iyana ka dhacaya xaflado aan sidaasi u waaweyneyn, iyadoo haatan ay adag tahay sidii la isugu keeni lahaa Ciidamadaasi oo u baahan yahay dhaqaale aad u fara badan.

Koob lagu xusayo 12-ka April ayaa maanta waxa uu ka dhacayaa xarunta Qoxaaley Fitness Center waxaana isaga hor imaanaya kooxo ku cayaaraya magaca Horseed iyo Waxool, waxaana soo qaban- qaabiyay Ustaad Colow.

Dowladda Federaalka oo si weyn uga naxday guusha.... .

Dowladda Federaalka ayaa si weyn uga naxday guushii uu Ra’isul Wasaarihii hore ee Talyaaniga Romani Barodi ka soo hooyay doorashadii ka dhacday dalka Talyaaniga oo uu kaga guuleystay Barlasconi.

Dowladda Federaalka oo xiriir dhow la lahayd Dowladdii Barlasconi ayaa si aad ah uga naxday guuldaradaasi, waxaana la filayaa in Barado uu dib u eego xiriirka Dowladda Talyaanigu ay la leedahay Shacabka Soomaaliyeed.

Siyaasigaan ku guuleystay doorashadaan ayaa si aad ah u yaqaana arrimaha Soomaaliya horeyna u yimid dhoor jeer dalka Soomaaliya, waxaana la sheegay in Dowladda Federaalku ay dadaal u gali doonto sidii ay xiriir dhow ula yeelan lahayd ra’isul wasaaraha cusub ilaa iyo haddana Dowladda Talyaaniga wax hambalyo ah uma dirin Ra’isul Wasaaraha cusub ee guuleystay, haddab su’aasha la isweydiinayo waxay tahay Romani Barodi ma sixi doonaan qaladaadkii uu galay Barlasconi ee arrimaha Soomaaliya. 

Hay’ad laga leeyahay Suudaan oo deeq gaarsiisay ..

Dowladda suudaan ayaa deeq raashin ah gaarsiisay dadka ku dhibaataysan koonfurta Soomaaliya deeqdaas oo gaaraysa 250 tan ayaa waxaa loo qaybiyey qoyeysas ku dhibaataysan Gobalada sh/hoose, Bay iyo Bakool.

Cuqayl Naciin C/qaadir (Alfaanadi) oo ah Agaasimaha Manadamada Aldacwa Al-Islaamiya Woqooyiga iyo Bariga Africa ee xafiiska Soomaaliya ayaa shalay sheegay inay gaarsiiyeen Gobolada Bay iyo Bakool ee Sh/hoose deeq isugu jirta Bur,Bariis,Saliid iyo Caano booro, Agaasimuhu waxa uu sheegay in deeqdaasi aysan ahayn mid ku filan dhibaataysan laakiin ay tahay bilow wanaagsan oo wax ka taraya dhibaatada  dadka haysa.

Cuqayl naciim c/qaadir waxa uu sheegay in dhawaan gargaar kale ay Dowaladda Suudaan soo gaarsiin doonto Goboladaas iyo kuwa kale ee ay Abaaruhu ku dhifteen, waxa uu sheegay intii ay ku guda jireen Mucaawinada ay qodeen dhowr Ceel si biyo nadiif ah ay u helaan dadka deegaanku, waxa uu intaas raaciyey in dowladda suudaan ay garab istaagan tahay shacabka soomaaliyeed.

Cuqayl Naciim waxa uu sheegay in mar uu dhawaan booqday Magaalada bay dhabo uu kula kulmay Madaxweyne C/laahi Yuusuf. Afhayeenka Barlamaanka Shariif Xasan Sh. Aadan, ku Xigeenkiisa  Prof. Dalxa, iyo xildhibaano ay ka mid ahaayeen  shatigaduud, Sh. Aadan Madoobe, Maxamed Ibraahin Xaabsade iyo masuuliyiin kale ayadoo la xasuusan yahay in dowladda Suudaan ay tahay dowladda keliya oo si joogto ah u caawin jirtay dadka Soomaaliyeed ninacyada waxbarashada arimaha bulshada iyo waxbarashada iyo howlo kale oo muhiim u ahaa Soomaalida. 

Hay’adda WFP oo ka fiirsaneysa gargaarka ay geyneyso Soomaaliya...

Hay’adda WFP ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Cuntada Adduunka ayaa shaaca ka qaaday in ay ku howlan tahay baaritaan lagu sameeyo weerarkii
dhawaan lala beegsaday  gawaari raaashin gargaar ah siday oo ay Hay’addaasi lahayd kuwaasoo kuwaasoo loogu talagalay dadka ay abaaruhu halakeeyeen  ku nool Gobalada Bay iyo Bakool.

Weerarkan lagu qaaday Gawaaridaa ku sii jeeday Gobalada Bay iyo Bakool ee siday raashinka gargaarka ah ayaa sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh, balse waxaa la sheegay in raashinkii uu ka badbaaday dableydii dooneysay in ay dhacdo.

Hay’adda WFP ayaa la sheegay in ay ka fiirsaneyso gargaarka ay geyneyso dalka Soomaaliya arrimo la xiriira dhinaca ammaanka, iyadoo sanadkii hore markab mucaawino siday oo ay lahayd Hay’addaasi lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya, waxayna u soo jeedisay shacabka Soomaaliyeed in ay gacan ka gaystaan sidii loo badbaadin lahaa ammaanka shaqaalaha ku howlan gargaar siinta dadka tabaaleysan iyo raashinkoodaba.

Iska hor imaad ka dhacay Degmada Karaaan oo ay ku dhinteen..

Duhurnimadii shalay ayaa iska hor imaad waxa uu ka dhacay Xaafadda Arjantiin ee Degmada Karaan, wuxuuna iska hor imaadkaasi ku dhexeeyay ilaalo uu watay Guddoomiye ku xigeenka arrimaha nabadgelyada ee Gobalka Banaadir iyo Maleeshiyo halkaasi ku sugneynd, waxaana iska hor imaadkaasi ku dhintay labo ruux, waxaana ku dhaawacmay saddex kale.

Iska hor imaadkaan ayaa waxaa markii dambe soo kala dhex galay Odoyaasha deegaanka oo ku guuleystay in ay kala qaadaan maleeshiyooyinkii dagaalamay, maanta ayaa la filayaa in  la isugu yimaado kulan looga hadlayo isku dhacaasi.  

Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Barnaamijkii Radio Xoriyo
11 April March 2006
 
Dagaallo mir ah oo ciidammada xoreynta Ogadenya ku qaadeen kuwa cadowga Itoobiya.
 
Dadwayne rayad ah oo la laayay iyo kuwo la xidhxidhay.
 
Wafti Itoobiyaan ah oo iska dhiibay Dalka Irland.
 
 Qaraxyo kale oo Addis Ababa ka dhacay.
 
Eritereya oo Maraykanka ku eedaysay inuu Itoobiya la jiro.
 
======================   
 
 Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay dagaallo dhawr ah oo ciidammada xoreynta Ogaadeenya ay ku qaadeen xeryo ay ciidammada Wayaanuhu ku leeyihiin meelo kala duwan oo dalka Ogaadeenya ka mid ah. Dagaalladaas waxaa ka mid ah;
 
30/03/06 dagaal mir ah oo ciidammada xoreynta Ogaadeenya ku qaadeen saldhig ay ciidammada gumaysigu ku leeyihiin magaalada Dhuxun, waxaa ciidammada gumaysiga loogu gaystay khasaare lixaad leh oon faahfaahintiisa la haynin.
 
30/03/06 dagaal mir ah oo ciidammada xoreynta Ogaadeenya ku qaadeen ciidammada gumaysiga ee fadhiya magaalada Gunagado, waxay kaga dileen inta la ogyahay 6 askari.
 
15/03/06 waxay sidoo kale ciidammada xoreynta Ogaadeenya dagaal mir ah ku qaadeen ciidamada gumaysiga ee ku sugan magaalada Awaare, waxaana loo gaystay khasaare ba’an.
 
05/04/06 dagaal mir ah oo ciidammada xoreyntu ku qaadeen ciidammada gumaysiga ee fadhigoodu yahay magaalada Yucub waxay ciidammada gumaysiga gaadhsiiyeen khasaare ba’an oon faahfaahnintiisa la haynin.
 
08/04/06 Ciidammada sida gaarka ah u tababaran ee xoreynta Ogaadeenya ayaa ammin habaynimo ah galay galay xerada ciidammada gumaysigu ku leeyihiin Barmiilka, waxayna halkaas ku dileen waardiyihii xerada ilaalinayay.
 
15/03/06 Ceel-Obo, oo ka tirsan degmada Baabili, waxaa dagaal adagi dhex-maray ciidammada gumaysiga Itoobiya iyo dadwaynaha rayadka ah ee deegaankaas ku dhaqan, waxaana dagaalkaas ciidammada gumaysiga lagagag dilay 4 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay. Waxaa dadwaynaha halkaas lagaga dhaawacay 3 qof.
 
Dadwayne rayad ah oo la laayay iyo kuwo la xidhxidhay.
 
Ciidammada saama-la-luudka ah ee gumaysiga Itoobiya ee ka hawlgala dalka Ogaadeenya ayaa dadwayne rayad ah ku laayay meelo kala duwan oo dalka ka mid ah, qaar kalana xidhxidhay.
 
Dadka uu cadowgu laayay waxaa ka mid ah;
02/04/06 magaalada Gurdumi waxay ciidammada gumaysigu ku dileen ninka lagu magacaabo Maxamed Xasan Dheere. Waxayna ninkaas dileen isagoo wata Dameer uu ka dhaansaday Barkad uu halkaas ku lahaa.
 
06/04/06 magaalada qabridaharre waxay ciidammada cadowgu ku dileen gabadh lagu magacaabo Ardo Dayib Maxamed Dhuxun.
Waxay sidoo kale dhaawac gaadhsiiyeen dadka kala ah;
1- Lade Layli
2- C/Fataax Sheekh Cabdullaahi 
3- Maryan  Xaashi Qaloonbi iyo gabadh ay dhashay oo magaceeda aanaan haynin.
 
Magaalada Gunagudo markii dagaalka mirta ah lagu qaaday 30/03/06 waxay ciidammada cadowgu ku dileen nin shacab ah.
30/03/06 waxay ciidammada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya ku xidhxidheen magaalada Shaygoosh dad shacab ah oo tiradoodu gaadhayso 30 qof. Dadkaas waxaa ka mid ah;
1- Deeqa Sheekh Xasan
2- Buux Caaqil
3- Xasan Daahir Xareed iyo
4- Nimco Kaahiye.
 
Wafti Itoobiyaan ah oo iska dhiibay dalka Irland.
 
Wafti afar qof ka koobnaa oo Itoobiyaan ah oo booqasho rasmi ku tegay dalka Irland ayaa diiday inay dalkoodii dib ugu noqdaan oo magangelyo siyaasadeed ka codsaday dalak Irland. Waftigan, oo ka tirsanaa maamullada dawlada hoose ee magaalooyinka Werabe iyo Butajira, ayaa magaalada Dublin ee dalka Irland u yimid mashruuc ku saabsan mataanaynta magaalooyinkooda iyo maamulka degmada ee Koonfurta Dublin.
 
Maamulka degmada ee Koonfurta Dublin ayaa sheegay in madax maamulka degmada ka tirsan ay waftiga Itoobiyaanka ah la kulmi lahaayeen 27 bishii Maarso,xilligaasoo ay dalkoodii dib ugu noqon lahaayeen, hase yeeshee ayna kulankaas imaanin, ka dibna laga war-helay in qoxootinimo codsadeen.
 
Afarta nin ee waftiga Itoobiyaanka ahi uu ka koobnaa waxay ka tirsanaayeen jabhadda talada Itoobiya haysata ee EPRDF.
 
Masuuliyiinta Itoobiya ayay caado u tahay inay iska dhiibaan dalalka reer galbeedka ah markii ay fursad helaan, iyagoo xilka ay Meles u hayaan ka door-bida xero qoxooti oo ay ku badbaadaan.
 
Dhawr toddobaad ka hor waxaa magangelyo siyaasadeed dalka Maraykanka waydiistay madaxdii safaarada ay Itoobiya ku leedahay magaalada London, kuwaasoo si wadajir ah qoxootinimo u codsaday.
 
Qaraxyo kale oo Addis Ababa ka dhacay.
 
Babmbo ayaa maalintii khamiista ahayd lagu qarxiyay warshado yaryar oo ku yaalla magaala madaxda gumaysatada Itoobiya ee Addis Ababa, waxayna bambadaasi burburisay labo dhismo oo ku dhawaa meesha lagu qarxiyay.
 
Booliska xukuumadda keligii taliye Zenawi ayaa sheegay in bambadaas aan cidina waxba ku noqonin.
 
Boolisku wuxuu kaloo sheegay inuu isla aroornimadii khamiista ahayd helay bamboo aan wali qarxin oo la dhigay xarun basaska laga raaco oo ku taalla magaalada Addis Ababa.
 
Bambooyinkan ayaa u denbeeyay qaraxyo is-dabajoog ah oo laga fulinayay magaalada Addis Ababa tan iyo bishii Janwari. Bishii hore shan qarax oo isku maalin ka dhacay magaalada Addis Ababa waxaa ku dhintay inta la sheegay hal qof, waxaana ku dhaawacmay ugu yaraan 14 qof oo kale.
 
Waxaa kaloo beryahan denbe caadi ka noqday magaalooyinka waawayn ee Itoobiya weerarrada garnaylada loo adeegsado iyo qaraxyada bambooyinka ee aan la garanaynin cidda ka denbaysa, taasoo argagax wayn ku abuurtay xukuumadda kaligii taliye Meles Zenawi iyo shacabka caadiga ah labadaba.
 
Eritereya oo Maraykanka ku eedaysay inuu Itoobiya la jiro.
 
Dawlada Eritereya ayaa isniintii xukuumadda Maraykanka ku eedaysay inay taliska Addis Ababa garab ku siinayso khilaafka xuduudda, isla markaana ayna daacad ka ahayn dhaqdhaqaaqa ay ku doonayso in khilaafkaas lagu soo afjaro.
 
Dawlada Eritereya ayaa sheegtay in kaalmada millatari,diblumaasiyadeed iyo dhaqaale ee Maraykanku u fidiyo taliska Addis Ababa uu qiimo ridayo dhaqdhaqaaqii diblumaasiyadeed ee Maraykanku billaabay bishii Janwari ee ku saabsanaa xal u-helidda khilaafka Itoobiya iyo Eritereya.
 
Nasiib darro waxay xukuumadda Maraykanku sii waddaa inay si gaar ah ula dhaqanto taliska Addis Ababa intii ay ka soo bixi lahayd masuuliyadda saaran, sidaas waxaa lagu sheegay bayaan ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Eritereya.
 
Eritereya waxay mar kale diidday inay xal dhexdhexaad ah ka gasho go’aankii ka soo baxay guddiga caalamiga ah ee xallinta khilaafka xadka oo sannadkii 2002 soo saaray go’aan kama denbays ah oo xaddidaya meesha uu marayo xadka labada dal u dhexeeya, kaasoo ay xukuumadda Itoobiya ilaa iyo hadda diiddan tahay.
 
11 April 2006.
Axmed Gaal-Eri
 
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 25 MB ee dhererkeedu yahay 11865 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | April 12, 2006

Gobolada W/Bari oo $85,000 ugu Deeqay Walaalahooda abaartu kuhabsatay ee K/Soomaaliya
»Ruushka: Qorshe lagu damacsan yahay dumin Masjid
»C/llaahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo booqan doona Yemen
»Cabdi Siyaad “waraaqaha lagu daadiyay Muqdisho waxay..
»Jinni Boqor “Baarla-maanku wax uu qabtay Ma jirto..
»Max’ed Ibraahim Xaabsade oo sheegay in Gacan Bir ku..
»Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo ku dhaawacmey..
»Guddiyo loo saaray kala qaadista ciidamadii isku hor..
»Xaflad Lagu Taageerayay Jaamacada Nugaal....
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Apr 11

Axmed Nuur oo noqday Musharixii Tobnaad oo isu soo taaga xilka Guddoomiye ku Xigeenimada ee Xiriirka K/cagta... Akhri..