SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKA APRIL 11, 2006

  • Muslimiinta Ruushka oo ka Mudaharaaday Qorshe lagu damacsan yahay in lagu dumiyo Masaajid....

  • Deeq dhan $85,000 oo Gobolada W/Bari ugu Deeqeen Walaalahooda abaartu kuhabsatay ee Koonfurta Soomaaliya

  • C/llaahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo wax laga weydiinayo wixii ka..

  • Cabdi Siyaad “waraaqaha lagu daadiyay Magaalada Muqdisho waxay keeni  doonaan..

  • Jinni Boqor “Baarla-maanku wax uu qabtay Ma jirto..    

  • Qoraal ka soo baxay Waxgaradka Beesha Sade ee Gobolka Banaadir 

  • Max’ed Ibraahim Xaabsade oo sheegay in Gacan Bir  ku qaban doono Kooxaha...

  • Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo oo ku dhaawacmey Iska horimaad ka dhacay...

  • Guddiyo loo saaray kala qaadista ciidamadii  isku hor fadhiyey Hobyo...

  • Xaflad Lagu Taageerayay Jaamacada Nugaal...

  • Denmark oo Muslimiinta u ogolaatay Dhul Gaar ah oo Loo Qoondeeyey Xabaalaha Muslimiinta....

Muslimiinta Ruushka oo ka Mudaharaaday Qorshe lagu damacsan yahay in lagu dumiyo Masaajid....

Muslimiinta Ruushka ayaa Isniintii (April 10) mudaharaad ka dhigay magaalada Moscow, mudaharaadka oo ay kaga soo hor jeedaan qorshaha ay dawladda Ruushku ku damacsan tahay in ay dumiso Masaajid ku yaal magaalada Astrakhan oo ku taal koonfurta Ruushka, sidaas waxaa laga soo xigtey jariidada Haaretz daily.

Masjidka ayaa ku yaal meel u dhow jid weyn oo isku xira garoonka diyaaradaha iyo magaalada Astrakhan..

Muslimiinta Ruushku waxa sheegeen in dawladu Ruushku ay rabto in ay Masjidka dumiso sababtoo ah waxa uu ku yaal meel faras-magaalo ah oo uu masjidku si bilicsan uga dhex muuqanayo.

Hadal ay soo saareen dadka mudaharaadayey ayey ku sheegeen in maamulka cusub ee magaalada Astrakhan aysan jeclayn in goobta cibaabada ee Muslimiinta (Masjid) uu ku dhex yaal meel caan ah ama si fudud lagu arki karayo.

Qorshaha in masjidka halkaas laga dhiso waxaa la dejiyey sannadkii 1998. Saddex sano kaddib ayaa maamulka dawladu ansixiyey dhismahaas.

Laakiin dhismaha masjidka waxaa la joojiyey sannadkii hore, kaddib markii duqa magaalada ee cusub uu ku andacoodey in la jebiyey xeerka qorshaynta dhismayaasha magaalada.

Maxkamada magaaladaas ayaa hoggaamiyayaasha Muslimiinta ee Masjidka waxay ku amarya in ay Masjidka dumiyaan inta aan la gaarin Bisha May kowdeeda (May 1, 2006), haddii kale masjidka waxaa la marinayaa Cagaf-cagaf ayaa la yiri.

"Maxkamaddu waxay si indho la'aan ah u taageertay maamulka magaalada. Xataa ma heli karno joornaalada magaaladu in ay daabacaan aragtidanada, sidaas ayey waajib noogu noqotay in aan imaadno magaalada Moscow," sidaas waxaa yiri Asya Makhmutova oo ka mid ah hoggaanka masjidka. Waxana uu intaas ku daray "in uu rajaynayo in dawlada dhexe ee Ruushku ay na caawin doonto."

"Tani waa markii ugu horeysey ee muddo tobanaan sano ah la burburinayo Masaajid ku yaal Ruushka" sidaas waxa ayiri Yevgeny Khlov oo ka tirsan urur u dooda xuquuqul Insaanka.

Tirada Muslimiinta Ruushku waa 20 million Muslims, kuwaas oo ah 14% tirada dadka Ruushka. Kala bar oo bar ka mid ah 1.1 million qof ee daggan gobolka Astrakhan waa  Muslimiin.

Dalka Ruushku waxa uu ka mid yahay meelaha ay ka soo bexeen Muslimiin qiime weyn ku leh taariikhda Islaamka, sida iimaam Bukhaari... Akhri Taariikhdii Imaamul Bukhaari.

Denmark oo Muslimiinta u ogolaatay Dhul Gaar ah oo Loo Qoondeeyey Xabaalaha Muslimiinta....

Dowladda Denmark ayaa Muslimiinta u ogolaatay dhul baaxadiisu dhan tahay 50,000 mitir oo laba-jibbaaran (540,000 sq ft), dhulkaas oo loo qoondeeyey in uu noqdo xabaalo loogu talo galay Muslimiinta, sidaas waxaa werisey hay'adda wararka ee Reuters.

Arrintan ayaa ka mid ah dadaalka dalka Denmark ugu jiro in uu wanaajiyo magaca uu dalkaasi ku leeyahay Muslimiinta dhexdeeda, kaddib markii dhowaanta uu joornaal dalkaasi ka soo baxa uu aflagaadeeyey Nebi Muxamed (NNKH), kaddibna ay dalal badan oo dunida ah kusoo rogeen cuna qabatayn waxyaabaha ka soo baxa dalkaasi.

Waxaa kale wararka tibaaxeen in toddobaadkii hore uu Bangi ka mid ah bangiyada ugu waaweyn dalka Denmark uu bilaabay in uu fursado shaqo siinayo Muslimiinta, gaar ahaan dumarka Muslimiinta ee Khimaarku u xiran yahay.

Waxaa la xusuustaa in Madaxweynaha dalka Faransiisku uu dugsiyada dalkaasi ka mamnuucay in aan gabdhaha Muslimiinti xisan karin Khimaarka... Wararkii Arrintaas laga qoray halkan ka akhri...

Tarjumadii SomaliTalk.com | April 11, 2006


Deeq dhan $85,000 oo gobolada W/Bari ugu Deeqeen Walaalahooda abaartu kuhabsatay ee Koonfurta Soomaaliya

:::TURXAAN BIXINTA AFKA::
Afka soomaaliga sidee looga dhawri karaa erayda doolka ah?.. Qore: C/fitaax Cabbaas (pdf)
:::MAQAALKII CABDI-MAHDI:::
Aqoonta iyo aqoon-yahanka: waxaan is hordhigeynaa su`aasha oranaysa,  waa kuma aqoonyahan?.. Akhri

Sh/ Maxamuud Macalin Nuur oo ka mid ah culumada soomaaliyeed ee sida weyn looga yaqaano dalka, gaar ahaan gobolka gedo ayaan todobaadkan ku soo laabtay magaalo madaxda Muqdisho, ka dib safar booqasho ahaa oo uu ku joogay gobalada P/land mudo bil ah.Sh/ maxamuud waxaa safarkiisa ku weheliyay sh/ xasan xuseen oo ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka gobolka gedo, waxaana uu safarkoodu ka danbeeyey martiqaad ay ka heleen qaar ka tirsan culumada, isimada iyo waxgaradka reer P/land, ka dib markii ay abaar balaarani ku dhufatay gobalada koonfureed ee soomaaliya, gaar ahaan gobolka gedo oo xudun u ahaa abaartaas.

Waftigaan waxaa  ku soo dhaweeyey kuna qaabilay gobolada P/land intii ay joogeen madax ka tirsan maamulka oo uu ugu horeeyo madaxweynaha maamul goboleedka P/land GEN. mudane cade muuse, oo si weyn uga qeyb qaatay gurmadka ay sameeyeen dadka reer P/land.

Waxaa kale oo qaabilay waftiga culumada waaweyn ee aadka looga yaqaan goboladaas oo uu ka mid yahay sh/c/qaadir Nuur Faarax, sh/ Daahir aw Cabdi, SH/ Jaamac C/salaam, Dr:Axmed Xaaji, Sh/C/naasir iyo sulaadiin uu ka mid yahay suldaan C/salaam Maxamuud Nuur oo dhamaantood qeyb lixaad leh ka qaatay u gurmadka walaalahooda ay abaartu ku halakaysay gobalada koonfureed ee dalka. 

Si weyn ayaan ugu faraxsanahay sidii wanaagsanayd ee nala kugu soo dhaweeyey gobolada P/and, iyo sidii naloo maamuusay intii aan joognay goboladaas, waxaa kale oo iyana na farax galiyay heerka uu gaarsiisanaa gurmad ay walaalaha reer P/land uga qeyb qaateen wax ka qabadka abaarta ku habsatay koonfurta dalka, kaas oo ahaa mid aad iyo aad u sareeya, ayna ka muuqatay in ay isu taageen una heelanaayeen intaanaan u tagin ka hor ayuu yiri sh/maxamuud.

waxaa uu hadalkiisa ku daray sheeku in ay qaylo dhaan ay ka sideen dadka abaartu wax yeelaysay ay gaarsiiyeen walaalhooda reer P/land maamul iyo shacaba, si hagar la’aan iyo xilkasnimo ku jirtana ay uga jawaabeen qaylo dhaantaas. Waxaan u mahad celinaynaa ayuu yiri sh/Max’ud Macalin Nuur gurmadkaas balaaran, dhamaan walaalaha reer P/land oo ay ugu horeeyaan maamulka, culumada, isimada, salaadiinta, ganacsatada, bahda waxbarashada, saxaafada, gabdhaha iyo guud ahaan ururada bulshada. 

Dadka reer P/untlad uma aysan kala harin u gargaarka walaalahood, waxayna ugu deeqeen lacag gaaraysa $85000, oo Doolar ay gobolka gedo siiyeen 60%, halka ay 40% gaarsiiyeen gudiga gurmadka abaaraha soomaaliya ee ay xaruntiisu tahay magaala madaxda muqdisho 

Abaarta ku habsatay qeybo ka mid ah dalka waxay shacabka soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan muujiyeen dareen walaaltinimo iyo danqasho ku jirto, waxaa ayna gacmo furan ugu gurmadeen walaalahooda la ildarnaa dhibaatada abaaraha, ayagoo iska iloobay dhinacna iska dhigay  dhaqankii xumaa ee qabyaalada ku dhisnaa, halka ay qaar ka mid  hay’adaha caalamiga ah  ay ku gaabsadeen kormeero iyo in ay walwal ka muujiyaan dhibaatada ka dhalan karta abaaraha. 

                               Cumar Max’ud Cabdi
                         xanaf2001@hotmail.com


Xildhibaan Cabdirashiid Ciro: Xul ma Nihin ee Xal baanu Nahay

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed CabdiXaashi (Ciro) oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo booqasho dhawaan ku yimid Aarhus,Denmark ayaa maalintii Jimcaha bishuna ahayd April 7,2006 la kulmay madaxda gobolka oo uu ugu horeeyey Nicolai Wammen oo ah duqa magaalada Aarhus oo isagu xafiiskiisa ku qaabilay. Guji...

C/llaahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo wax laga weydiinayo wixii ka..

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Guddoomiyaha Baarla-maanka Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa la filayaa in ay dhawaan umbabaxaan dalka Yemen kaddib markii ay labadoodub ay martiqaad ka heleen Dowladda Cali Cabdala Saalax oo ah Madaxweynaha Wadanka Yemen. Labada mas’uul ayaa halkaasi u tagaya sidii ay warbixin u siin lahaayeen Madaxweynaha wadanka Yemen Cali Cabdala Saalax oo ku saabsan wixii ka qabsoomay heshiiskii Cadan ay ku wada gaareen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan. Labada mas’uul oo horey looga wareystay heshiiskaasi ayaa waxay sheegeen in intii badneyd uu heshiiskaasi qabsoomay isagoo sheegay in ay harsan yihiin wax aan sidaasi u weyneyn. Xildhibaan Cabdi Cabdule Siciid (Jinni Boqor) ayaa mar la wareystay waxa uu sheegay in tan iyo intii uu Baarlamaanku soo degay uusan qaban wax howl ah oo la taaban karo, hase yeeshee Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxa uu iska fogeeyay wararka sheegaya in Baarlamaanku uusan waxba qaban tan iyo markii uu u guuray Magaalada Baydhabo, isagoo sheegay in Baarlamaanku uu markiiba dhisay guddi hoosaadyadii golaha Baarlamaanka taasoo uu sheegay in ay tahay mid si aad loogu baahnaa.   

Cabdi Siyaad “waraaqaha lagu daadiyay Magaalada Muqdisho waxay keeni  doonaan..

Cabdi Siyaad Xasan  oo ah ku simaha xoghayaha arrimaha Gudaha ee Isbahaysiga SNA ayaa qoraal uu na soo gaarsiiyay waxa uu sheegay in Isbahaysiga SNA uu aad uga xun yahay waraaqihii dhawaan lagu daadiyay Magaalada Muqdisho.

Cabdi Siyaad waxa uu sheegay in waraqahaasi ay keeni karaan waji cusub oo kale, maadaama Magaalada waxa isku haystaa ay yihiin labo waji, waxa uuna sheegay in loo baahan yahay in arrimaha noocaas oo kale ah laga waantoobo.

“Wixii dhibaato ah ee ka yimaada daadinta warqadahaasi waxaa mas’uuliyadeeda qaadaya ciddii daadisay” ayuu si kulul u yiri Cabdi Siyaad oo shacabka u soo jeediyay in ay ka feejignaadaan waraqaaha noocaas oo ah oo ah kuwo la doonayo in la isaga hor keeno Bulshada Soomaaliyeed.

Ku simaha xoghayaha arrimaha gudaha ee Isbahaysiga SNA waxa uu sheegay in loo baahan yahay in wixii khilaaf ah lagu xaliyo wada hadal iyo is afgarad, taas oo uu sheegay in lagu gaari karo nabad buuxda.

Dhawaan ayaa Magaalada Muqdisho lagu daadiyay warqad looga hadlayay arrimaha Mowliidka ilaa iyo haddana lama garan ciddii daadisay, iyadoo Maxkamadaha Islaamiga ah ay iska fogeeyeen warqadahaasi ku tilmaameen kuwo la doonayo in bulshada la isaga hor keeno, sidoo kale Isbahaysiga la magacbaxay la dagaalanka Argagixisada ayaa isna iska fogeeyay.

Jinni Boqor “Baarla-maanku wax uu qabtay Ma jirto..    

Cabdi Cabdule Siciid (Jinni Boqor) oo ka mid ah Xildhibaanada kuwooda ugu kulul markay timaado siyaasadda Dowladda ayaa waxa laga weydiiyay waxyaabihii u qabsoomay Baarlamaanka tan iyo intii uu ku s sugnaa Magaalada Baydhabo.

“Mudo labo bilood ah ayaynu ku sugannahay Magaalada Baydhabo ilaa iyo haddan wax baarlamaanka u qabsoomay oo la taaban karo ma jirto” ayuu yiri Jinni Boqor oo sheegay in Dowladda Federaalka ee uu Ra’isul Wasaaraha ka yahay Cali Max’ed Geedi uu ka meermeerayo in uu Baarlamaanka soo hor dhigo waxyaabihii u qabsoomay Dowlada mudadii sanadka ahayd.

“Xubnaha Baarlamaanka waxay ku caajiseen Magaalada Baydhabo, subax walba way soo tuusaan wayna seexdaan iyagoo aan bulshad waxba u qaban iyo dowladdaba” ayuu yiri Jinni Boqor oo ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamaanka in ay fadhiga ka kacaan oo ay turxaan bixiyaan Xukuumadda, maadaama dalku uu ku jiro xaalad adag.

Axmed Nuur oo noqday Musharixii Tobnaad oo isu soo taaga xilka Guddoomiye ku Xigeenimada ee Xiriirka K/cagta..

Qoraal ka soo baxay Waxgaradka Beesha Sade ee Gobolka Banaadir 

Sida la ogyahay dhulgariirkii aan dabiiciga ahayn ee dadka Soomaaliyeed gacmahooda ku fidiyeen, kana dhashay dagaalladii sokeeye ee dalka ka dilaacay 16-sano ka hor waxay burbur culus u geysteen dhammaan waxyaabihii guud ahaan ummadda uga dhexeeyay, sida, Jiritaankii dowladnimo, dhismihii dalka oo idil, waxaana laga dhaxlay dhibaatooyinka illaa maanta eedaadka baday shacbigaSoomaaliyeed oo mar walba ee culayskooda la dareemo xallintooda loola irkanayay hoggaanka dhaqanka Ummadda Soomaaliyeed iyo culimaa’udiinka iyo dadka aqoonta u saaxiibka ah, taas oo lagu gaaray dhaq-dhaqaaqa nololeed ee illaa maanta jira.

          Haddaba waxaa beryahaan dambe soo if baxay awooddii xukun ee ummadda gacanteeda ku soo hartay oo ahayd tan dhaqanka dad aad mooddo inay dharka ka dhigayaan isla markaana six un u nuxursiibayaan taasoo hay’adaha warbaahinta hadda jiraa ay si dadban oo malaha aysan dareemin uga qayb qaataan, sidaa awgeed, waxaan hay’adaha warbaahinta ee hadda dalka ka jira ka codsanaynaa in arrintaas meel ka dhaca ku ah shacabka Soomaaliyeed ay si dhiifoonaan badan oo mug leh taxadarkeeda ugu baraarugaan.

          Haddaba arrintaan oo aad mooddo in ay beel ahaan si gaar ah noo taabatay, waxaan hay’adaha warbaahinta u sheegaynaa kuna baraynaa magacyada ugaasyada Beesha:

1-      Ugaas Cumar Ugaas Xirsi (Ugaaska Gedo iyo Jubbooyinka, isla markaana Ugaaska guud ee Beesha)

2-      Ugaas Cabdi Ugaas (Ugaaska Nageyle)

3-      Ugaas Ciise Ugaas cabdulle (Ugaaska Galgaduud). 

Ciddii aan saddexdaa ka mid ahayn oo Ugaasnimo ku sheegataa magaca Beesha waxaan idinla socodsiineynaa  in ay tahay mid been abuur ah oo aan waxba ka jirin. 

Guddoomiyaha Guddiga Beesha Sede ee Gobolka Banaadir
Sh. Xasan Xuseen Max’ed.

### 

Max’ed Ibraahim Xaabsade oo sheegay in Gacan Bir  ku qaban doono Kooxaha...

Max’ed Ibraahim Xaabsade oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka isla markaana maamula Magaalada Baydhabo ayaa wax laga weydiiyay ammaan xumida ka jirta Magaalada Baydhabo iyo hareeraheeda, waxa uuna yiri   “waan la soconaa, waxaana idiin sheegayaa in aan kuwaas la gali doono dagaal, si looga tirtiro Gobalka”.

Waxaa Max’ed Ibraahim Xaabsade la weydiiyay dhacdii habeen hore ka hore ka dhacday Magaalada Baydhabo kaddib markii gawaari siday raashin mucaawino ah ay hor istaageen koox dabley ah, ayna halkaasi ku dhinteen ilaa iyo lix ruux, ayaa waxa uu yiri Xildhibaan Xaabsade “Waa arrin aad u fool xun ma fileyn in dhibaato intaa la eg ay dhacdo, balse waa arrin ay ka tashan doonaan siyaasiyiinta beelaha Digil iyo Mirifle.

Gobalka ayaa waxaa buux dhaafiyay maleeshiyooyin ka mid ah garabyadii RRA kuwaas oo aan ka amar qaadan cidna, qalqalna ku haya ammaanka Magaalada Baydhabo.

Baydhabo oo ay ku sugan yihiin dhamaan xubnihii labada gole ee Dowladda ayaa siyaasiyiinta waxa ku ceyb ah in maalin walba ay falal amaandaro ah ka dhacaan Magaalada Baydhabo, taasoo keeni karta in Dowladdu ay raadsato goobo kale oo ka nabdoon Magaalada Baydhabo.

Musharaxa Yaasiin Abuukar Cariif oo isaga oo ku sugan Mareykanka la soo xiriiray Kooxaha K/cagta

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo oo ku dhaawacmey Iska horimaad ka dhacay...

Ibraahim Isaaq oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa si xun ugu dhaawacmay iska hor imaadkii dhex maray maleeshiyo galabineysay Gawaari raashin mucaawino ah u siday Gobalada Bay iyo Bakool, iska hor imaadkaas oo ay ku dhinteen ilaa iyo lix ruux ayaa waxaa dhaawac xun uu ka soo gaaray xildhibaankaasi.

Xildhibaanka oo dhaawacu uu ka soo gaaray dhinaca dhuunta ayaa shalay la filayay in loo qaado Magaalada Nairobi balse ay baaqatay diyaaraddii la saari lahaa.

Nabadgelyo xumida ka jirta Magaalada Baydhabo waxay guryahoodii ugu tagtayu siyaasiyiintii beelaha Digil iyo Mirfle, iyadoo dhawaan xildhibaano ka tirsan Beelaha Digil iyo Mirifle xoog looga qaatay Moobeeladii ay siteen, sidoo kale Xildhibaan ka tirsan Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa dhawaan laga qaatay Gaarisigii oo ilaa iyo haatan aan la siin.

Markabkii Shidaalka keeney oo  lagu haysto Xeebaha Xarardheere ...

Koox dabley ah oo ka qowleysata badaha ayaa afduubatay markab dhawaan shidaal keenay Dekedda Ceel-Cadde mar uu marayay meel ka baxsan dekedda Ceel-Cadde, waxaana markabkaasi lagu haystaa xeebta Xarardheer, waxaana kooxda haysta ay dalbanayaan lacag madax furasho  ah oo aan cadadkeeda la sheegin, inkastoo odoyaal iyo ganacsato ay ku howlan yihiin sidii loo sii deyn lahaa markabkaasi.

Afduubka Markabkaasi waxa uu saameyn ku yeeshay sicir Shidaalka ee Magaalada Muqdisho iyadoo liitarkii Basiinka shalay lakala siisanayay 19-kun oo Shilin Soomaali ah oo dhiganta Hal Doolar iyo Bar, sidoo kale liitarkii Naaftada ayaa waxa uu marayay 10-Kun oo shilin, waxayna ganacsatada Shidaalka keeni jirtay ay sheegeen in maraakiibtii keeni jirtay shidaalka ay diideen in ay wax shidaal ah u soo qaadaan Dekedda Ceel-Caddel, iyagoo ka cabsi qaba in maraakiibtooda la afduubto, waxaana haatan shidaalka laga keenaa Dekedda Boosaaso ay soo daabulaan Booyadu waaweyn.

Nin ka mid ah gaadiidleyda ayaa waxa uu eedda dusha uga tuuray Ganacsatada Shidaalka keena oo uu sheegay in ay ka dambeeyeen afduubka Markabkaasi si shidaalka keydka u ah ay lacag fara badan uga helaan.

Guddiyo loo saaray kala qaadista ciidamadii  isku hor fadhiyey Hobyo...

Wararka naga soo gaaraya Gobalada Dhexe waxay sheegayaan in maalintii shalay ahayd uu kulan ka dhacay degmada Hobyo oo ay isugu yimaaden xubnaha labada Gole ee ay ka soo jeedaan beelihii ku dagalamay gobalada Dhexe iyo Waxgarad, Culuma’udiin iyo Odoyaal ka tirsan labadaasi beelood, waxaana kulankaai looga hadlay sidii loo kala qaadi ciidamada loona kala gayn lahaa goobihii horey loogu heshiiyay.

Dood dheer iyo falanqeyn kaddib waxaa la isku afgartay in loo saaro guddiyo kormeera oo isugu jira Saraakiil, Culuma’udiin iyo Odoyaal, waxaana kala qaadista ciidamadaasi ay bilaabaneysaa maalmaha soo socda.

Maleeshiyada Beesha Sacad waxaa la gaynayaa deegaanka Wesil, halka Maleeshiyada Reer Xaaji Suleymaan iyana la geyn doono Deegaanka Qosoltira, marka ay dhamaato kala rarista ciidamada waxaa bilaabnaya wada hadalkii guud ee u dhexeeyay labada beelood, kaasoo lagu soo gebgabeenayo dagaaladii dhex maray labadaasi beelood kaasoo ay ku dhinteen dad fara badan waxaana dagaalkasi barakci yahay iyana dad fara badan oo ku noolaa deeganadii lagu dagaalamay sidoo kale dagaalkaasi waxa uu gaystay khasaaro dhinaca hantida ah, waxaana heshiiskaan markii hore uu ka bilowday Magaalada Muqdisho kaddibna waxa uu u wareegay Gobalada Dhexe sida Mudug iyo Galguduud.    

Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Xaflad Lagu Taageerayay Jaamacada Nugaal

Taariikhdu markey ahayd 9.04.2006  waxaa ka dhacay xarunta ururka SAHAN ee Pasila – Helsinki-Finland-xaflad ay soo qabanqaabiyeen Ururada SAHAN iyo SSHDA oo loogu talagalay in mashruuc dhaqaale ururin ah loogu sameeyo jaamacada Nugaal ee gobolka Sool. Xaflada oo ay ka soo qaybgaleen dadwayne farabadan una badan jaaliyada ku nool Finland ee u dhalatay gobalada SSC.

Waxa ugu horaynba xaflada ku furfuray wacdi iyo waano guud sheekh C/qani Xaaji Ibraahim, oo dadka ku baraarujiyay muhiimada ay leedahay isku duubnaanshaha iyo masuuliyada qofka walba ka saaran naftiisa,ehelkiisa iyo muslimiinta guud ahaan, qofkuna yahay fardi ka mid ah mujtamac balaadhan, hadii qof walbana uu meeshiisa ka soo baxo aysan jirin wax xumaanaya ee ay bulshadu wada toosayso.

Intaa kadib waxaa lagu soo dhaweeyay mikrofoonka Garaad Abshir Saalax oo ka mid ah isimada ugu caansan Puntland gaar ahaan gobolada SSC, Garaad Abshir oo indhawaalaba ka waday wadamada Scandineevi-yanka mashruuc dhaqaale ururin oo lagu taageerayo Jaamacada Nugaal, Garaadku waxa uu aad ugu dheeraaday taariikda iyo marxaladihii ay jaamacadu soo martay, aasaaskeeda iyo wadciga ay haatan ku sugan tahayba, waxa uu garaadku tilmaamay in jaamacadda hadda dhigtaan arday gaadhaysa 90 arday, kuna bilaabeen dhismo gaar loo leeyahay, hadana la rajaynayo in Jaamacadda loo dhiso dhismo u gaar ah, isla markaana loogu deeqay buug dhan 9 kun oo buug oo ay  ka faa,iidaystaan ardaydu, sidoo kale waxa uu garaadku ka hadlay caqabadaha jira, isla markaana ku baraarujiyay jaaliyada inay kaalmo dhaqaale isla garab taagaan Jaamacada.

Intaa ka dib waxa hadalkii qaatay Jaamac Maxamed Faarax - Jaawali- oo ka warbixiyay jaaliyada Finland iyo waxqabadkeeda, mashaariicda ay ka fuliyeen wadankii.

Ugu dambayna waxa laysku waydaarsaday su,aalo iyo talooyin la xiriira Jaamacada iyo sidii loo horumarin lahaa, waxaana gudoon buuxa lagu qaatay oo lagu aqbalay inay jaaliyada Finland ka qayb qaadanayso dhaqaalaha lagu taageerayo jaamacada, isla goobtiina waxaa loogu doortay guddi farsamo soo diyaariya, soona fududeeya habkii ay uga qayb qaadan lahayd jaaliyadu taageerada jaamacada....

m. seraar dahir
musseseraar77@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 11, 2006


Axmed Nuur oo noqday Musharixii Tobnaad oo isu soo taaga xilka Guddoomiye ku Xigeenimada ee Xiriirka K/cagta..
Guddoomiye ku xigeenka kooxda Elman FC Axmed –Nuur Xasan C/lle oo ah Musharaxa Guddoomiye ku xigeenka xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta ayaa shaley kulan qado ah la qaatay kooxaha xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta, waxaana uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay sida ay kooxuhu u aqbaleen codsigiisa ku aadan Jagada Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta... AKhri....

Musharaxa Yaasiin Abuukar Cariif oo isaga oo ku sugan Mareykanka la soo xiriiray Kooxaha K/cagta
Hotel Ramadaan waxaa ka dhacday Xaflad qado ah oo loo sameeyay 24-ka Kooxood ee iyagu ka qayb-qaadanaya doorashada.. Guji... Apr 4

Amiin Yuusuf Khasaaro oo isu sharaxay in uu ka mid noqdo Guddiga Fulinta Xiriirka Kubbadda Cagta.
Waxaa bisha May la qaban doonaan doorashadii xubnihii hogaamin lahaa xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta kaddib markii uu dhowr sano uu ka taagnaa khilaaf iyo is qabqabsi waxaana markii dambe la go’aamiyay in doorasho la qabto, waxaana go’aamiyay xiriirka K/caga ee Adduunka FIFA... Akhri...


Xildhibaan Cabdirashiid Ciro: Xul ma Nihin ee Xal baanu Nahay
Xildhibaan Ciro oo booqasho ku jooga Denmark oo la kulamay duqa
magaalada Aarhus ayaa... Guji... Apr 10

Saraakiil Itoobiyaan ah oo Shalay soo Gaaray Magaalada Jowhar...
»Xildhibaan Fiqi “Xukuumaddu Jowhar lama gayn karo..
»Shiikh Shariif oo beeniyay warqado lagu daadiyay Muqdisho..
»Cali Geeddi oo sheegay in ay wada Xaajood la geli doonaan
»Wafdi ka socda DFKMG ah oo dhawaan tagi doona Jabuuti
»Qabsashadii Baqdaad kaddib maxaa soo Kordhay..
»Bandhiga Buugaagta Soomaalida.. Espoo, Finland...
iyo Warar GooGoos ah ka akhri halkan... Guji.. Apr 10


Minneapolis: Masjidka Dar-Alhijra oo $400,000 kulasoo Wareegey Dhismihii
Waxaa farxad u ah maamulka Masjidka Dar-Alhijra ee magaalada Minneapolis, USA in ay idinla socodsiiyaan in dhismihii beeca ahaa uu si rasmi ah ugu soo... Warka iyo Sawirada Xaflada ... Guji...