SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

  Aqoonta iyo aqoonyahanka. 

 Qore: Abdi-Mahdi A. Warsama

Orebro Sweden. 

mahdigodane@yahoo.com

Bal inta aanan u guda galin ubucda qoraalkan gaaban, waxaan isku dayayaa in aan ina soo hordhigo, su`aasha oranaysa, waa kuma aqoonyahan? Haddaba haddii aan su`aashaas si kooban uga jawaabo, waxaan oran karaa aqoonyahan waa qof aqoon leh. 

Su`aal kale ayaa iyana meesha soo galaysa, taas oo oranaysa waa maxay aqooni?

Haddii aan jawaabta su`aashan aan la aado dhinaca falsafadda ee uu ku fadhiyo ereyga aqoon, waxa kolkaasi macnihiisu noqon karayaa ku hadba dhinac laga eegi karo(Relative), hasa yeeshee inta badan waxaa lagu qeexaa in aqoontu tahay tibaax(information) uu qofku ku helo laba siyood kuwaas oo kala ah: 

  1. Waxbarasho leh manhaj la raaci karo oo is-haysta(Formal education), sida qofka oo yeesha aqoon xirfadeed(Dhakhtar, Macallin, Alxanle, Makaanik, xiddigiye I.W.M).
  1. Tu qofku ka helo adduunka ku wareegsan oo uu ka hanto aqoon ballaaran oo kor u qaadda adduun-araggiisa iyo fahamka dunida ku xeeran(Informal education).

Aqoontaas iyada ahi waxa ay albaabada u furtaa hibada gaarka ah ee ilaahay siiyey qofka(The human talent), waxayna ballaadhinaysaa qaababka iyo tabaha uu qofku u adeegsan karayo aqoonta ilaahay ku mannaystay. Si kastaba ha ahaatee aqoontu ma aha wax laga sal-gaari karo. Tan iyo inta ilkaa laga dhigayo qofku wuxuu ku jiraa aqoon kororsi joogta ah. Sidaas daraadeed waxa la oran karayaa qof aan aqoon lahayniba ma jiro. 

Aqqoonyahniinta addunku intaas waxa ay ku foogan yihiin daraasado aqooneed oo aad u balaaran.  Hadh iyo habaynba culimada adduunku waxa ay ku soo kordhiyaan dunida ina ku xeeran natiijooyin qaaya leh oo ka dhashay daraasadaha ay ku hawlan yihiin isla markaasna wax weeyn ku soo kordhinayaa aqoonta qotada dheer leh.  

Qof waliba qofka uu ka sii aqoon balaaran yahay, hoos ugu sii dhaadhaca uguna si talax-taga baarista cilmiga ayuu wuxuu isu sii aqoonsanayaa in uu huudhi yar ku dul mushaaxayo badaha dadliqa ah ee aqooneed ee ku xeeran, wuxuuna mar kasta oo uu ku sii talax-tagoba isu sii aqoonsanaya Jaahil dhagaweyn. Wuxuuna sii noqonayaa maskiin aan kibir badnayn. 

Inkasta oo ay aqoontu wax weeyn ka badasho hab nololeedka qofka, haddana waxa jira laba arrimood oo saamayn weeyn ku yeelanaya nolosha iyo dhaqanka qofka, kuwaasi oo ah: 

  1. Shakhsiyadda qofka(dabeecaddiisa, dad la dhaqankiisa, dadnimadiisa I.W.M).
  2. Xaddaaradda iyo hab-dhaqameedka bulshada uu ka soo jeedo iyo hadba inta ay il-baxnimada bulshadaasi ay xididada dhulka ugu mudani qoto-dheeryihiin. Arrimahani waxa ay hoosta ka xariiqayaan in shakhsiyadda iyo xadaaradda uu qofku hiddaysanayaa ay saamaayn weeyn ku yeelanayaan aqoontiisa sida uu u adeegsanayo iyo xiriirada uu la leeyahay dunida ku xeeran.

Tani ayaa inoo ka markhaati kacaysa dhaqanka iyo hab nololeedka guud ahaanba ummaddeenna coloowday ee dagaalka sokeeye uu cardaaduuqaha ka dhigay, gaar ahaanna qaybta bulshadeenna soomaaliyeed ee lagu magacaabo wax-garadka, aqoonyahaniinta iyo xirfadleeydaba. 

Muddadii dagaalka sokeeye waxa aad u batay sicir bararka ku dhacay dadka loogu yeero wax-garadka, aqoonyahaniinta iyo xirfadleeyda. Waxaad arkaysaa magacyo aad u badan sida boroofesoore, dotoore, aqoonyahan iyo qaar kaloo badan oo si isdaba joog ah dhulka uga soo fuuraya sida koronkorrada. Waxaad arkaysaa nin weeyn oo gadh iyo gafuur leh oo aad ula muraaqoonaya marka lagu magacaabo borofasoore ama datoore. Waxa laga yaaba in mixnadda ninkaas la siiyey in uusan lahayn. Waxaad kaloo arkaysa nin la leeyahay huggaamiye, guddoomiye, suldaan, garaad, shiikh iwm oo meel aqoonteeda iyo xilkooda uu ku hantay aan la garanayn, haddana u muraaqoonayaa mixnadda ama xilka been-abuurka ah ee la huwiyey. 

Mararka qaarkood waxaanba is-iraahdaa malaha soomaalidu waxa ay ka soo qalin jabisaa kulliyadaha jinka iyo shayaadiinta. Haddii ay sidaas tahay sow kuma timaami karro dadkaas aqoonyahaniinta jinka iyo shayaadiinta xilkooduna yahay waxyeelada ummada iyo qaranimada soomaaliyeed. 

Markaad u fiirsatid ilaha aqoontoodu ka soo burqatana, waxaad ku tilmaami kartaa marfishyada qabyaaladda iyo is-laweeynida iyo been-abuurka aqoondarradu ka buuxdo. 

Hab-dhaqameedka qabyaaladeed ee soomaalidu caanka ku noqotay, ayaa nimankaas aan kor ku xusay(Aqonyahaniinta jinka iyo shayaadiinta) muraayado u ah hab-dhaqameedkooda. Bal cidkaleba iska daaye, kuwii helay wuxuun aqoon ah oo bulshadu ka filanaysey in aqoontoodu sababi karto in ay ka xuubsiibtaan dhaqamada gaboobay ee hidde-raaca ah sida qabyaaladda ayna yeelan doonaan  dawr maangal ah iyo aqoon ay ku maarayn karaan u adeegidda dalkooda iyo bulshadoodaba ayaa ugu badan kuwa hormoodka ka ah kala googooynta caqli-darrada ah  ee dalkeenna iyo adeegsiga nidaamka gaboobay ee qabyaaladda. Haddi aad cambaarayntaas ila ogolaataan, kolkaas miyaanay nimankaasi ahayn aqoonyahaniinta jinka iyo shayaadiinta? 

Dhaleecayntan dusha ka wada saari maayo mana wada khusayso dhammaanba aqoonyahaniinta soomaaliyeed. Waxa jira qaar aad uga tiiraanyaysan xaaaladda somalidu ku sugan tahay. Hasa yeeshee dhinac kale ayaa dhaliilku ka qabanyaa iyagana, kaas oo ah urursanaan laŽaantooda iyo iyaga oo ku guul-darraystay is-abaabulkooda. Waxaa qaybtan ka muuqda caalwaa iyo niyad-jab. Waxa ay ku calaacalaan, in wakhtigu ka hiiliyey, in dadka soomaalidu wili uu diin-garaarsan yahay oo uu sakhrad ku jiro oo aan meelina uga banaanayn. 

Arrimahan oo dhan waxa laga yaaba in ay yihiin wax cudurdaar laga dhigan karo, hasa yeeshee waxa meesha ka maqan adeegsiga dhabta ah ee xirfadahooda, aqoontooda iyo waaya-argnimadooda. In isha wax laga daawado xal ma aha. 

Wargays lagu magacaabo SAHAN PRESS ayaan mar aan fogayn ka akhriyey waraysi ay la yeesheen qoraaga caanka ee Soomaaliyeed Mudane Nuuradiin Faarax isaga oo ka qayb qaadanayey shirweeynihii qorayaasha iyo hal-abuurayaasha Soomaaliyeed ee london ka dhacay 24/2/1999. waxaana uu yiri. 

-         Sida ay iigu muuqato in la is-dhigto ma aha...waxa habboon in wixii isku xirfad ahiba dhinac isugu dillaamaan ayna xalka ka dhex raadiyaan xirfaddooda iyagoo adeegsanaya aqoontooda.......waa in dadka aqoonta iyo xirfadda lihi isu raacaan mixnadooda balse aanay isu raacin dhinaca dhiigga(Qabiilka). 

Anigu sidan waan la qabaa Nuuradiin Faarax, waana aragti caafimaad qabta oo si weeyn loo ayidi karo. Laakiin arrintan uu qoraagu ka hadlay malaha ma khusayso mixanadleeyda iyo aqoonyahaniinta jinka iyo shayaadiinta. 

Ilaa iyo hadda ururka qoraayaasha iyo hal-abuurka oo ay xubno ka yihiin qorayaal, hal-abuureyaal iyo joornaaliisteyaal qaayo leh ayaa saaxadda xirfadleeyda Soomaaliyeed ka muuqda. Haddaba waxaa habboon in ay abuurmaan ururo xirfadeed oo badani si ay uga baxaan kala filiqsanaanta isuna kaashadaan, una noqdaan cudud meesha ka saari karta kuwa aan ku tilmaamay aqoonyahaniinta jinka iyo shayaadiinta ayna saamayn weeyn ugu yeeshaan xal u helidda dhibaatada gaamurtey ee dalkeenna..

Qore: Abdi-Mahdi A. Warsama

Orebro Sweden. 

mahdigodane@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 10, 2006