SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Galdogob:Madaxwaynaha puntland Gen:cade muuse oo galdogob si heersere ah loogu soo dhaweeyey.
  • Galkacyo: magaalada galkacyo ee xarunta gobalka mudug ayaa laga daremayaa dhaqdhaqaaq xoogan.


Galdogob:Madaxwaynaha puntland Gen:cade muuse oo galdogob si heersere ah loogu soo dhaweeyey.

A/rizak koronto
garowe puntland

Agoosto 10, 2006: Madaxwaynaha Puntland Gen. Cade Muuse ayaa si heersare ah loogu soo dhaweeyay degmada goldogob oo ka tirsangobalka mudug, socdaalka madaxwayanaha ayaa ku soo beegamay xili ay isbalaarinayaa midowga maxkamadaha oo sheegay in ay tagayaan meeshii looga yeero isla mar,ahaantaana shiikh xasan daahir awayas uu shegay in aysan galkacyo ka mid ahyn maamulka puntland ayna tagi doonaa hadii looga yeero maxkamadaha.

Gen: cade muuse oo hadalkaas ka jawaabay ayaa yiri anaga waxaa nala yiraahdaa puntland cidii isku dayda in ay amaankayaga galiso khalkhal ayada ayaa ku jabi doonta waxa uu sheegay madaxwayne cade muuse in puntland ay tahay amaan  leedahayna maxkamad dastuuri ah islamar ahaantaan aysan dadka reer puntland doonayn in amaankooda lagu sameeyo khalkhal cidii isku dayda in nabada puntladn ku samaysa carqaladna ay tusi doonaan waajibaadkooda.

Waftiga madaxwaynaha puntladn Gen:cade muuse  uu ku tagay magaalada goldogob ayaa waxaa ku weheliya xubno ka tirsan golaha wasiirada Puntland agaasimayaal iyo saraakiilsha aamaanka.

Sidoo kale cade muuse inta uu joogo magaalada goldagob ayaa lagu wadaa in uu xaliyo khilaafka soo kala dhexgalay golaha deegaanka degamadaas oo tan iyo markii la doortay ka bixi waayay isqabqabsi iyo khilaaf dhexdooda ah.

Socdaalka cade muuse ayaa siwayn loo hadal hayaa isaga oo ku soo beegmay xili midowga maxkamaduhu ay si wayn ula wareegeen maamulkii degmada baladweyn oo 300km waqoyiga ka xigata magaalada caasimada ah ee somalia muqdisho iyaga oo kula wareegay magaaladaasi  dagaal socday qadar daqiiqada ah dagaal aan dhiig ku daadan. 

Galkacyo: magaalada galkacyo ee xarunta gobalka mudug ayaa laga daremayaa dhaqdhaqaaq xoogan.

Agoosto 10, 2006: Magaaalda galkacyo oo ka mid ah maamul gobaleedaka puntland ah na xarunta gobalka mudug oo 600km dhanka waqooyi ka xigta magaaladax caasimada soomalia ee muqdisho ayaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaq ciidan kadib markii ay ku soo siqeen maal mihii ugu danbaysay maleeshiyaadka midowga maxkamadaha ee fadhigoodu yahay magaalada muqdisho. 

Dhaqdhaqaaqan ciidan ayaa yimid xili ay magaaladasi ku jirto ganacsi kii ugu sareeyay ganacsiga magaalada galkacyo ayaa xudun u ah bariga iyo galbeedka iyo koonfurta somalia kuwaasoo dhamanba wadooyinka ka soo gala dhan walba ay sababtay in magaaladaasi ay sare u kacdo dhanka dhaqaalaha 10kii sano ee ugu danbeeyay.

Magaalada galkacyo oo ah xarunta gobalka mudug ayaa waxaa ku dhaqan dad kabadan nusmalyuun  oo kala ah qabiilooyin kala duwan waana magaalo soo kobcaysan dhan walba marka laga eego.

Galkacyo hada waxaa soo food saartay cabsi dagaal waxaan maaalmihii ugu danbeeyay magaaladaasi ku sii ququlayay ciidamaa daraawiishda DGPL. iyo ciidamada loo yaqaan dhafoorka puntland  oo aad u hubaysan una xoogan.

Magaalada godogab oo ka mid ah degmooyinka dagaalkani saamaynta ku yeelan doono hadii uu dagaal ka dhaco gabalkaasi mudug mar uu maanta ka hadalyaya madaxwayanah Puntland oo booqasho hada kumaraya degmadaasi goldogob ayaa  cadeeyaya mowqifkiisa ku aadan dagaalka waxana uu sheegay in hadii la isku dayo in nabada puntland la galiyo khalkhal iyo cawaaqib kala kulmi doonaan kooxaha dhulbalaarsiga wada ee reer muqdisho iyaga ooo hadaba shaati nooc ah isku bedbedeliay mana  naqaano ayuu yiri kooxo diiin ku gabanaya dadkana laynaya kooxahanai waxay tabar kawadaan allqacida waxayna la kulmidoonaan iska caabin iyo dagaal kharaar cade muuse oo hadalkiisu u dhacayay maxkamadaha ayaa  yiri nin aan dagaal aqoon ayay u daran tahay iyaga oo  aan dhalan ayaan dagaalamayay hada dagaalku wuu la macaanyahay balse wuu la kharaaraan doonaa wayna ka shalaayi doonaan waxa ay ka soo jiryaan Puntland.

Nin kii xaqdara wada waa ninka ka soo duulay 600km oo ah muqdisho waana naqaanaa kooxahan waa dhuldoon wayna ka shalaayi doonaan ayuu maanta yiri madaxwaynah puntland oo ka hadlayaya shir uu ku qabtay magalada goldagob oo ka mid ah degmooyinka hoos yimaada maamul gobaleedka puntland. 

A/rizak koronto
Garowe puntland

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 11, 2006

Roobow “Geeddi uma suurageli doonto in saaxiibadeyn caddow nooga dhigo”
»Kulan ay xalay wada yeesheen C/lahi, Shariifka iyo Geedi..
»Wasiirka arrimaha Dibadda ee Kenya oo ku soo fool leh..
»Sheekh Shariif “Waxaa jira dad u adeegaya shisheeyaha..
»Banaanbax looga soo horjeedo in Maxaakiimtu Galaan..
»Garowe: ururka counterparty international ayaa ugu deeqay
»Dhoollatus uu sameeyay ciidanka xoreynta ee Cirjiidh...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... GUJI... Aug 9

»Qoraal ka soo baxay Xisbiga Ramaas Political Party...

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD