SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKII AGOOSTO 19, 2006
  • Xildhibaan Max’ed Nuuraani Bakar oo cambaareeyay xarigii Gudoomiye ku Xigeenkii Degmada Baraawe..
  • Maamul Gobaleed la magac baxay Hirgal oo lagu wado in looga dhawaaqo..
  • Golaha Maxaakiimta oo si aad ah uga hor yimid in Soomaaliya la keeno ciidamo..
  • Maxkamad Islaami ah oo laga furay deegaanka Lafoole…

  • 16-sano kaddib oo dib loo furay Masjidkii Isbahaysiga..

Xildhibaan Max’ed Nuuraani Bakar oo cambaareeyay xarigii Gudoomiye ku Xigeenkii Degmada Baraawe..

Xildhibaan Max’ed Nuuraani Bakar oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlmaank ayaa si kulul u cambaareeyay xarigii loo gaystay Guddoomiye ku xigeenkii Degmada Baraawe Max’ed C/qaadir Fiqi, waxa uuna ku tilmaamay xarigaasi mid xadugudub ku ah Bini’aadannimada.

“Degmada Baraawe waxaa xoog ku haysta dad ka yimid gobolo kale kuwaas oo maalin walba xadgudub ku gaystay dadka u dhashay deegaankaasi” ayuu yiri Max’ed Nuuraani Bakar oo sheegay inay xarigaasi ka dambeeyeen maamulka Gobalka Sh/hoose oo uu madaxda u yahay Yuusuf Max’ed Siyaad (Indha-Cadde).

Xariga loo gaystay Guddoomiye ku xigeenka ayaa waxaa kaloo cambaareeyay Guddoomiyaha Maxkamadda islaamiga ah ee Al-Bayaan Max’ed Ibraahim Bilaal oo sheegay in xarigaasi yahay mid xadgudub ku ah umadda ku nool Degmada Baraawe.

Maamul Gobaleed la magac baxay Hirgal oo lagu wado in looga dhawaaqo..

Iyadoo dhawaan Magaalada Gaalkacyo looga dhawaaqay maamul Gobaleed la magacbaxay Gal-Mudug ayaa waxaa arrintaasi ka hor yimid Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah oo ku tilmaamay in uu yahay mid la doonayo in lagu hor istaago howlaha ay maxaakiimtu ka wadaan Dalka, haddaba xubno ay ka mid yihiin Max’ed Dheere, Yuusuf Dabageed ayaa iyana wada in ay Gobalka Hiiraan u sameeyaan Maamul la magacbaxay Hirgal oo ah ereyo laga soo koobay gobalada Hiraan iyo Galguduud, waxaana arrintaani laga wadaa deegaanka Feerfeeer oo ay haatan ku sugan yihiin xubnahaasi.

Gobalka Hiiraan waxa uu xuduud balaaran la leeyahay Gobalka Galguduud, gaar ahaan dhinaca deegaanka Matabaan iyo dhinaca Xeebta gaar ahaan Deegaanka Maxaas. Dadka Soomaaliyeed ayaa iyagu caado u tahay in wixii loo bilaabo ay ku daydaaan, hase yeeshee waagii Dowladdii Max’ed Siyaad Gobalada Hiiraan iyo Galguduud waxay ahaayeen kuwo la mataaneeyay waxayna soo saari jireen Wargeys lagu magacaabi jiray Hirgal oo ah Hiiraan iyo Galguduud.

Golaha Maxaakiimta oo si aad ah uga hor yimid in Soomaaliya la keeno ciidamo..

Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa si aad ah uga soo horjeestay in Soomaaliya loo soo diro ciidamo ka socda Wadamada IGAD kaddib markii ay arrintaani isku raaceen saraakiil ka socota wadamada IGAD. Ciidankaan oo xarun looga dhigi doono Magaalada Gaarisa ayaa ciidamada ugu soo horeeya waxaa la sheegay inay imaan doonaan bisha Oktoobar dalka Soomaaliya.

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ah Guddoomiyaha Golaha Shuurada ayaa waxa uu Dowladda Kenya ku tilmamay in ay ku biirtay Dowladaha Caddowga ku ah Soomaaliya oo aan dooneyn nabadda Soomaaliya kaddib markii ay olole u gashay in Soomaaliya loo diro ciidamo shisheeye, wuxuuna uga digay Ciidamada loo soo dirayo Soomaaliya in aysan cagaha soo dhigin dhulka Soomaaliya, sidoo kale wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa waxa uu ka codsaday Q/midoobey in aan soomaaliya laga qaadi cunaqabateynta hubka.

Maxkamad Islaami ah oo laga furay deegaanka Lafoole…

Maalintii shalay ahayd ayaa Maxkamad islaami ah looga dhawaaqay deegaanka Lafoole oo 5-Km u jirta Degmada Afgooye ee Gobalka Sh/hoose, waxaana Furintaanka Maxkamaddaas oo loogu magacdaray Maxkamadda Islaamiga ah ee Lafoole ka qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Maxaakiimta iyo Ugaaska Beesha Wadalaan Ugaas Abuukar Islow iyo Dadweyne aadu fara badan. Maxkamaddaan ayaa qayb ka noqoneysa golaha Maxaakiimta Islaamiga ah, iyadoo deegaankaasi uu ahaa deegaan mararka qaarkood ay ka dhacaan falal iska hor imaadyo beeleed iyo mid burcadeed, waxaana si weyn u soo dhaweeyay dadweynaha deegaanka, sidoo kale Beesha Jajeele ayaa ku furatay Maxkamad Islaami ah oo loogu magacdaray Maxkamadda Islaamiga ah ee Beder, waxaana ka qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

 

Sawiradii Masjidka Isbahaysiga Muqdisho:::

Salaadii Jimcada ee Agosto 18, 2006 | Sawirka: AmiinYuusuf

16-sano kaddib oo dib loo furay Masjidkii Isbahaysiga..

Faafin: SomaliTalk.com | Agoosto 19, 2006


Barnaamijkii Radio Xoriyo
18 Aug 2006
 
================================
 
Shaygoosh oo Baabuurta rakaabka lacag lagaga qaato
 
Dad laga soo qabqabtay Tuulada Galadiid

Magaalada Caado oo afar nin oo shacab ah lagu dilay

Mahdi Ayuub oo xabsiga loo taxaabey
 
Boqolaal ka mid ah Ciidamada Itoobiya oo isu dhiibey Eritrea.
 
Salaamaha & Tahniyadaha sanadguurada 22aad ee dhalashada JWXO(Maqal)
 
================================
 
 
Shaygoosh oo Baabuurta rakaabka lacag lagaga qaato
 
Wararka aan ka helayno Magaalada Shaygoosh ee Gobolka Qoraxay ayaa waxay sheegayaan in Magaaladaas marka ay soo maraan Baabuurta xamuulka iyo kuwa shacabka qaada in lagu amro in ay dhigaan lacag deebaaji ah.
 
Lacagtaas oo damaanad looga dhigayo in ruuxa socdaalka ah, kan Baabuurka wada iyo kan uu u raran yahay ay damaanad qaadaan in ay u soo laaban doonaan lacagtaas.
 
Hadaba Wariyaha Radio Xoriyo ee Gobolka Qoraxey ayaa doraad mar uu la kulmey dad safaro ah oo ka yimid Shaygoosh u sheegeen "haddii aad socoto ahaan ku soo marto Magaalada Shaygoosh oo aad wadato lacag dhan toban birr oo lacagta Itoobiya ah shan kamid ah lagaa reebayo"

Dad laga soo qabqabtay Tuulada Galadiid

Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Qoraxey, gaar ahaan Tuulada Galadiid ayaa waxay sheegayaan in dad shacab ah ay Ciidamada Gumaystaha Itoobiya (CGI) kasoo xidheen, dadkaas oo doraad la keenay xeryaha CGI ee Magaalada Qabridahar.
 
Dadkaas waxaa ka mid ah inta aan magacyadooda hayno;
Mukhtaar Maxamed
Dakhare Sh. Ibraahin
Shariif Mukhtaar Shariif Qorane
C/nuur Khaliif
Ina C/laahi Cali Mahdi
Dadkan oo dhamaantood laga soo qabtay Tuulada Galadiid ayaa waxay ku  edeysanyihiin in dad ay qaraabo yihiin ka midyihiin Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadeniya (JWXO).
 
Dhinca kale, waxaa Tuulada Fooljeex laga soo qabtay nin magaciisa naloogu sheegay Bashiir Cabdi Guuleed. Ninkaas oo ah nin shacab ah ayaanan ilaa hada la garaneyn sababta ay Ciidamada Gumeysiga Itoobiya u soo xidheen.
 
Ciidamada Itoobiya ayaa Ogadeniya ka wada hawlgal ay ku gumaadayaan shacabka, waxayna dadka miyaga iyo Tuulooyinka degen u layaaan si naxariista bani'aamka ka baxsan, iyaga oo dila qof kasta oo ay meel dariiq ah ku arkaan.
 
Sidoo kale waxay bilaabeen in ay xabsiyada ka buuxiyaan dadka eheladoodu ku jiraan JWXO.


Magaalada Caado oo afar nin oo shacab ah lagu dilay
 Wararka aan ka helayno Gobolka Doolo gaar ahaan Tuulada caanka ah ee Caado ayaa waxay sheegayaan in Maalintii Arbacada Tuuladaas Ciidanka Gumeysiga Itoobiya (CGI) uu qudha kaga jaray afar nin oo shacab ah.
 
Afartan marxuum oo aanan ila hada haynin magacayadaooda ayaa lagu xabaaley magaalaada Caado ee Gobolka Doolo.
 
Ilaa iyo hada ma jiraan wax sabab ah oo loo diley afartaas marxuum.
 
Mahdi Ayuub oo xabsiga loo taxaabey
 
Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Jijiga ayaa waxay sheegayaan in doraad xabsi loo taxaabay Mahdi Ayuub oo ahaan jirey Hogaanka Nabadgelyada ee Maamul ku sheega waxa loogu yeedho Kililka ee Magalaada Jigjiga.
 
Sida uu sheegayo Wariyaha Radio Xoriyo ee Magaalada Jigjiga,  Mahdi Ayuubwuxuu ku jirey xabsi Guri maalmahan kadib markii uu baxsaday Cali Kunaay oo ahaaan jirey Afhayeenka Barlamaan ku sheega Jigjiga oo u baxsadey wadanka isutaga imaaraadka carabta, balse   daraad saacada Africada bari markey ahayd 9:30 subaxnimo ayaa gurigsiisa laga kaxeeyay loona taxaabay xabsi wayn oo ku yaala Magaalada Jigjiga oo lagu magacaabo HAABAANO.
 
Warku wuxuu xaqiijinayaa in markii gurigiisa laga qabanayay ay askartii Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ula dhaqmeen si ka baxsan bani aadaminimo oo ay hanjabaad iyo cadaadis caga jugleyn ah kaga kaxayeen guriga.
 
Si kastaba ahaatee Mahdi Ayuub oo in mudo ah la soo shaqeeyey talisyadii kala duwanaa ee Gumeysiga Itoobiya soo marey, ayaa abaal gud looga dhigey xabsi oo uu haatan ku suganyahay.
 
Boqolaal ka mid ah Ciidamada Itoobiya oo isu dhiibey Eritrea.
 
Sida ay sheegtay Wasaarada Warfaafinta ee wadanka Eritrea waxaa isa soo dhiibey boqolaal ka mid ah Ciidadama Itoobiya oo ay ka mid yihiin saraakiil sar sare, sida   kabtano iyo kuwa leh darjada dhexe.

Ciidamadan u dambeeyey ee isa soo dhiibey ayaa waxaa hogaaminayey labada kabtan ee lagu kala magacaabo Captains Bededa Regassa iyo Negesso Watyo oo sheegay in baxsiga iyo kala yaaca Ciidmada Itoobiya ay ku faafeyso dhamaan cidhifyada dalka Itoobiya.

Dhinca kale, warar kale oo madax banaan ayaa sheegaya in ciidamada isa soo dhiibey ay qayb ka ahaayeen, kuwii todabdaadkii hore isu dhiibey wadanka Eritrea ee uu hogaaminayey Birg General Kemal Gelchi, balse ay kala lumen ciidamada General-ka, kadib mar uu dagaal qabsadey, balse ay hada soo gaadheen wadanka Eitrea iyaga oo bad qaba.


18 Aug 2006.
Axmed Xidig
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 25 MB ee dhererkeedu yahay 11865 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

 Afgooye oo uu ka socdo Kacdoon Looga Soo Horjeedo Xukunka Cirfo
»Naadiga Hal Abuurka iyo Qalin Maalka Soomaaliyeed oo..
»Hubka oo laga ururin doono dadka reer Mogadishu...
»Shir Jaraa'id oo uu Qabtay Madaxweyne Xigeenka DGPL..
»Muqdisho: Ururka Islaax oo Xaflad laga joojiyey...
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Guji... Aug 18


Xaggee ku dambeysey Ballantii Gaagaab in Toos looga waraysan doono Telefishanka Soomaalida ee Minnesota?

Wariyayaasha Tv-ga:
Halkan ka dhegeyso weriyaha oo sheegay in uu baqday waraysigii wasiirka

Habeenimadii Isniinta (Agooso 14, 2006), sidii horay Soomaalida loogu sheegay, waxaa la sugayey in Wasiirka Maaliyadda DGPL, Maxamed Cali Yuusuf (Dr. Gaagaab) uu soo fariisto Telefishanka Somalida Minnesota si toos dadweynuhu ay su'aalo u weydiiyaan. Laakiin, markii la gaarey xilligii la filayey in wasiirku telefishanka soo fariisto ayaa waxaa shaashadii soo qaabilay weriyayaashii oo meeshii laga filayey hadalka ah: "hadana ku soo dhowaada wasiirka", ayaa mid ka mid ah uu sheegay in waraysigaasi uu baaqday, weriyaha oo arrintaas ka hadlayana waxa uu yiri "Barnaamijyada aan caawa idiinku talo galay ayaa waxaa ka mid ahaa in aan idiin soo gudbino waraysi aanu la yeelan doono wasiirka maaliyadda ismaamulka Soomaalida ee Puntland..... .... nasiib darro.... ..... .... arrimo awgeed waa uu baaqday caawa anagoo mar labaadna jecel in aan idinka raali gelino duruufo jira awgeed." [Halkan ka dhegeyso hadalkii weriyaha.]. Telefishanku ma sheegin wax farriin ah oo uu wasiirku u soo faray Soomaalida Minnesota ee sugeysey in ay su'aalaha tooska ah weydiiyaan amaka dhegeystaan warbixin.

Puntland: Waxaa Nalaku Dhiiri Geliyaa in aan Dalka ka Go'no...
Wasiirka Maaliyadda DGPL ayaa shaaca ka qaaday in ay jiraan dowlado iyo hay'ado ku dhiiri geliyey in Puntland.. Guji...

Nidaamka la qorsheeyey ayaa ahaa in muddo soddon daqiiqo ah uu wasiirku fadhiyo telefishanka halkaasna ay dadweynaha daawanaya si toos ah su'aalaha u soo weydiiyaan. Arrintaas oo aad uga duwan qaabka ay u shaqayso saxaafada Puntland ee ay wasiirdu xakumaan lagana siidaayo waxa ay rabaan oo qura, ama la weydiiyo su'aalaha ay rabaan oo keliya.

Waxay ahayd habeenkii Jimcada Agoosto 11, 2006 markii uu wasiirka maaliyadu la kulmay Soomaalida Minnesota, waxaan ahabeenkaas dadka loo sheegay in waqtigu uu wasiirka hadda ku yaryahay oo aan su'aalo la weydiin karin, laakiin uu telefishanka soo fariisan doono si su'aalo loo weydiiyo, ballantaas oo ahayd Isniin Agoosto 14, 2006, waana tan noqotay mid baaqatay.



Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD