SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR


16-sano kaddib oo dib loo furay Masjidkii Isbahaysiga..


Saladii Jimcada oo lagu tukaday Masjidka Isbahaysiga

Maalintii Jimcadii Agoosto 18, 2006 ahayd ayaa dad lagu qiyaasay 10,000 oo qof ku tukadeen Salaaddii Jimcaha Masjidka Isbahaysiga oo mudo 16 sano ah u xirnaa arrimo siyaasadeed, waxaana ka qaybgalay furitaanka masjidkaasi mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Maxaakiimta oo uu horkacayay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Maxaakiimta Sheekh C/raxmaan Maxamuud Janow, waxaana dadkii ka qaybgalay salaadda Jimcaha inta uu masjidku qaadi waayay ku tukadeen banaanada uu lahaa masjidku.

Masaajidka oo ay ka muuqato burbur ayaa waxaa dhismihiisii la bilaabay 1974-tii, waxaana la dhameeyay 1978 waxaana kharashkii ku baxay bixiyey Boqortooyadii Sucuudi Carabiya. Masjikda oo ka koobnaa goobo lagu tukado, goob wax lagu baro dadka, Maktabad weyn iyo xafiisyo ayaa waxaa Imaan ka ahaan jiray kana akhrin jiray Tafsiirka Sheekh Aadan Sheekh C/llaahi Cali, isla markaana ka siin jiray Idaacaddii Radio Mogadishu.


Bidix: Hotel Weheliye | Midig: Hotel Maka-Al-Mukarama

Bidix: Saldhiga Booliska Waaberi | Midig: Shaneemadii Soomaaliya

Dadweynihii ka qaybgalay salaaddii jimcaha ayaa wajiyadoo waxaa ka muuqatay farxad iyo rayn rayn, waxayna qaarkood sheegeen in aysan weligood ku tukan, isla markaana aysan il ka qaadin mudo 16 sano ah, waxayna arrintaani uga mahadceliyeen Maxaakiimta Islaamiga oo ay sheegeen in ay tahay mid lagu xasuusan doono.

Masaajidku oo uu burbur ku muuqdo ayaa loogu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibaddii ayaa waxaa laga codsaday in ay ka qayb-qaataan dayactirka masjidkaasi oo ka mid ah Masaajidda ugu waaweyn Qaaradda Afrika.


Midig: Taaladii Seyid Maxamed | Midig: Gurigii Ummadda

Mas’uuliyiintii Maxaakiimta ee ka qaybgashay dib u furida Masjidkaasi ayaa waxay sheegeen in masaajidda ay yihiin kuwa lagu tababaro Dhallinyarada lagana faafi’iyo diinta Islaamka, waxayna u soo jeediyeen Shacabka in ay ka qayb-qaataan dayactirka Masjidkaasi, iyadoo goobihii Taariikhiga ahaa ee ka ak dhawaan masjidaasi ay gebi ahaantood burbureen, sida Golaha Shacabka.


Salaadii Jimcada ee Agosto 18, 2006 | Sawirka: AmiinYuusuf

Warbixin Labaad: oo uu soo tebiyey Muuse Maxamuud Jiisow

Masaajidka weyn ee isbahaysiga islaamka oo dhismihiisa ay iska kaashadeen dowladii dhacday iyo dowlada sacuudiga sanadii 1978dii ayaa Jimcadii galay mashquulkii ugu dadka badnaa 16 kii sano ee  ugu  danbeysay   mudo sadax maalmood oo dadka looga sheegayey in  salaada jimcaha  lagu tukan dono masjidka isbahaysiga ka dib ayaa waxaa daafaha magaalada iyo dagmooyinka ku dhow dhow isaga yimid  dadweyne kumanyaalo ah oo muslimiin ah kuwaas oo mar qure ku wada tukaday salaadii jimcaha. 

Dadka ayaa bilaabay aroortii hore si aan looga buuxinin fadhiga hore ee masaajidka si ay u arkaan madaxda cusub ee midowga maxaakiimta islaamka ku waas oo u heelanaa in ay mar qura la tukadaan madaxdooda in mudo ah. 

Masaajidka oo ay ka muuqatey dayactir la,aan iyo burbur  inkasto oo ay yaaleen roogagii uu masaajidku lahaa oo aan la qaadan intii uu dayacnaa mudo gaareyso 16 sanadood. 

Waxaa loo shiday manta masaajidka janareytaro yar yar si dadka loo gaarsiiyo codka oo sameecadaha loogu gudbiyo masaajidka oo loogu talagalay markiiba in ay ku dukadaan dadgaarayo 10.000 ayaa la buuxdhaafiyey oo hadane barxadii ay qaadi weyday 

Inkasta oo looga barty dowladii dhacday marka masaajidka lagu tukanayo in lagala socdo idaacada ayaa taasi meesha isaga baxday taasna badalkeeda waxaa joogay idaacadaha gudaha iyo dibada oo filimo ka duubanayey ,

Waxaa la yaab ku noqotey dadkii halkaa ku dukanayey in ragcadii labaad ay soo dul marto diyaaad weyn oo jog hoose ku socoto taasune waxey dadka qaarkii u noqotey farxad labaad iyada oo amaanka ay sugayeen ciidamo ka socdo golaha  midowga maxaakiimta oo wajiyadoodu ay ka muuqato sida ay raaliga uga yihiin isu imaatinka iyo isla dukashada shacabka iyo hogaamiyayaasha bulshada waxaana ka muuqatey qashuuc iyo alle ka cabsi  iyo isku kalsoonaan ay farxadi ku dheehan tahay

waxayna dadkaasi isugu jireen mas’uuliyiin kala duwan oo ka kala socday maxkamadaha oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiye ku-xigeenada 1-aad iyo 2-aad ee golaha fulinta maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed Sheekh C/raxmaan Max’uud Faarax (Jinaqow) iyo Sheekh C/qaadir Cali Cumar iyo weliba qeybaha kala gedisan ee bulshada oo isugu jiray Rag, haween iyo caruur

wadooyinka masaajidka soo gala ayaa waxaa buuxiyey baabuur ay wateen dadkii ka soo qeyb galay tukashada salaada jimcaha ciidamada taraafikada ayaan meehsa ka maqnayn oo lagu arkayey iyaga oo kala hagayo gawaarida soo buuxdhaafiyey barxadii masaajidka weyn ee isbahaysiga islaamka oo manta dadweyne aad u farabadan iskuugu yimaadeen ayna ku jireen kuwo aan weligood arkin masaajidka iyo kuwo ay ugu danbeysay markii uu masaajidka qubbada ka aqrin jiray allaha u naxariistee sh: adan sh: cabdulaahi cali mudo ku dhow 16 sanadood sida uu ii sheegay mid ka mid ah dadkii aan halkaa kula kulmey, waxaasi dhacaayo ayaa waxey ku so aaday xili ay dalalka iga ay ku yabooheen in ciidamo amaanka suga la geynayo samaliya iyada oo aan wax dagaal ah iyo xasuuq ka dhicin bilihii ugu danbeeyey.

Sawiradii Masjidka Isbahaysiga Muqdisho:::

arintu si kastaba ha ahaatee salaadaan ayaa si nabad ah loogu wada kutaday markii ugu horeysay mudo 16 sanadood ku dhawaad ah  

waxaasi dhacaayo ayaa waxey ku so aaday xili ay dalalka iga ay ku yabooheen in ciidamo amaanka suga la geynayo samaliya iyada oo aan wax dagaal ah iyo xasuuq ka dhicin bilihii ugu danbeeyey.

Muuse Maxamuud Jiisow
Somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
002521576666
002521653623

Wararka kale ee Maanta halkan ka akhri....

Faafin: SomaliTalk.com | Agoosto 19, 2006


Halkan ka akhri qoraal kale oo kusaabsan socdaalkii Nabada Muqdisho


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD