SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Dec 12, 2006

  • Dowladda oo ka walaacsan Isbalaarinta ay wadaan Maxaaakiimta..
  • Qadaafi oo wada qorshe uu isugu keenayo Dowladd Federaalka iyo..
  • Ciidamada Itoobiya oo laga yaabo in ay dib uga gurtaan Gobolka..
  • Ciidamo ka tirsan Maxaakiimta oo u dhaqaaqey Deegaanka .
  • Dowladda Federaalka oo si kulul u beenisay Kharriradii Dhawan soo Bandhigeen..

Dowladda oo ka walaacsan Isbalaarinta ay wadaan Maxaaakiimta..

War Saxaafadeed ka soo baxay Dowladda fedaraalaka ayaa waxaa Maxakamadaha Islaamiga ah lagu eedeeyey in ay wadaan isbalaarin gaar ahaan goobaha ay ka tiliso Dowladda fedaraalka ah, waxaa kaloo war Saxaafadeedkan lagu sheegay in isbalaarintaas ay qaybka yihiin Xubno ka tirsan waxa loogu yeero Kooxaha Argagixisada ah.

War Saxaafadeedkaasi waxaa kaloo algu sheegay in Maxkamadaha Islaamiga ah ay wadaan qurshayaal kale oo lagu doonayo in lagu qabsado deegaano kale oo ka tirsan meelaha ay ka tiliso Dowladda fedaraalka ah oo ay ku jirto xarunta Dwoaldda fedaraalka ah ee Baydhabo.

Dowladda fedaraalka ah waxa ay sheegatay in Maxaakiimta ay doonayaan in ay Magaalada Baydhabo ay ka fuliyaan falal Argagixiso ah oo la mid ah kuwii horay uga dhacay Magaalada Baydhabo oo la doonayey in lagu khaarijiyo Madaxwane C/llaahi Yuusuf Axmed iyo qaraxii ugu dambeeyey ee ka dhacay koontoroolka Magaalada Baydhabo waxaana ugu dambeentii war Saxaafadeedka lagu sheegay in Dowladda fedaraalka ah ay isdifaaci doonto Dalka ay ka saari doonto Kooxaha Argagixisada ah, ugu dambeyntii waxay u soo jeediyeen beesha Caalamka in ay ka hor tagaan kooxahaasi.

Qadaafi oo wada qorshe uu isugu keenayo Dowladd Federaalka iyo..

Madaxweynaha wadanka Liibiya Mucamar Al-Qadaafi ayaa wada qorshayaal ay Dowladiisa ku dooneyso inay isugu keento Dowladda Federaalka iyo Maxaakiimta Islaamiga ah oo laga cabsi qabo in uu dhex maro dagaal ku baaha geeska Afrika.

Hogaamiyaha Liibiya ayaa la filayaa in uu dhawaan dalkiisa ku martiqaado ergo ka socota Maxaakiimta Islaamiga ah. iyo Dowladdda Federaalka, hase yeeshee su’aasa isweyiinta mudani waxay tahay sida ay suuragal ku noqon karto in uu Qadaafi uu dhex dhexaadiyo labada dhinaca, maadaama Jaamacadda Carabtu ku guuleysan weysay inay xal dhex dhigto Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Dowladda Federaalka, horey ayay Dowladda Federaalka Liibiya ugu eedeysay in aysan dhex dhexaad ka aheyn arrimaha Soomaaliya, isla markaana ay tahay dowlad taageerta Maxaakiimta Islaamiga ah.

Hogaamiyaha Liibiya waa hogaamiye si aad ah looga qadariyo qaaradda Afrika, waxa una horey ugu guuleystay inuu heshiis dhex dhigo wadamo fara badan oo qaaraddanka AFrika ku yaal oo ay qalalaaso horey uga jireen.

Ciidamada Itoobiya oo laga yaabo in ay dib uga gurtaan Gobolka..

Warar hoose oo aan helnay ayaa waxay sheegayaan in Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Magaalada Baydhabo laga yaabo in halkaasi dib looga saaro kaddib markii dowladda Itoobiya lagu cadaadiyey inay ciidamadeeda halkaasi ka saarto ayna geyso xuduuda u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

Qaraarkii dhawaan ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa waxa uu dhigayey in Wadamada deriska ah aysan wax lug ah ku yeelan ciidamada loo dirayo Soomaaliya, hase yeeshee afhayeen u hadlay Dowladda Itoobiya ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Itoobiya aysan marnaba ka bixin doonin gudaha dalka Soomaaliya inta ay Dowladda Itoobiya dalkeeda u noqonayo ammaan buuxa.

Ciidmaada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ayaa waxaa tiradooda lagu qiyaasay ilaa iyo 30 Kun oo Ciidamo ah, iyadoo wararkii ugu dambeeyay ee Magaalada Baydhabo naga soo gaaray ay sheegayaan in ciidamadii Itoobiya ee ku sugan Daynuunaay ay u gurteen dhinaca Maaya-Fuulka

Ciidamo ka tirsan Maxaakiimta oo u dhaqaaqey Deegaanka .

Wararka naga soo gaaraya gobalka Hiiraan waxay sheegayaan in Ciidamo aad u xoogan oo maalmahan lagu uruurinayey gobalka Hiiraan, qaarkoodna laga qaaday Magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inay haatan u dhaqaaqeen dhinaca Gobalka Bakool.

Ciidankaasi oo wata Tikniko badan ayaa waxaa lagu sheegay in ujeedada ay u tagayaan Bakool ay tahay kaddib markii dadweynaha ku nool Xudur ay dalbadeen in Maxaakiimtu ay yimaadaan degmadaasi si looga furo halkaasi Maxkamad Islaami ah. Ciidamanka Maxaakiimta ayaa maalmahan soo socda waxa ay gaari doonaan Degmada Tiyeeglow oo 90Km u jirta Xudur ee Gobalka Bakool.

Ciidanka Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa waxa qorsheynayaan in ay ku faafaana Gobalada Gedo, Bakool iyo Baay, iyadoo Maxaakiimta Islaamiga ah Gobalka Baay ka haystaan labo degmo oo kala ah Buur-Hakaba iyo Diinsoor, waxayna ku sii jeedaan Magaalada Qansax-Dheere, sidoo kale Maxaakiimtu waxay kulamo la yeesheen Culuma’udiin iyo Odoyaal ka soo jeeda Baar-Dheere, waxaana kulankaasi la iskula soo qaaday sidii Maxaakiimtu u soo gaari lahaayeen Gobalkaasi.

Dowladda Federaalka oo si kulul u beenisay Kharriradii Dhawan soo Bandhigeen..

Afhayeen u hadlay Dowladda Federaalka ayaa si kulul u beeniyey Qariidaddii Maalintii shalay ahayd soo bandhigeen xubno ka tirsan Golaha Baarlamaanka ee Muqdisho, qariidaddaasi oo sheegeysay in gebi ahaanba maabkii Qaaradda Afrika laga tiray Soomaaliya, waxa uuna afhayeenkaasi ku tilmaamay qariiraddaasi mid been abuur ah oo lagu sameeyay Magaalada Muqdisho.

“qof kasta ayaa garan kara in Qariiraddu tahay mid la sameeyay oo la doonayo in lagu kiciyo shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Afhayeenka oo sheegay in qariiradaha noocaan oo kale ah horey loo soo bandhigay balse lagu hungoobay, waxa uuna u soo jeediyey shacabka Soomaaliyeed in ay ka digtoonaadaan wax uu ugu yeeray dibindaabyada iyo iska hor keenka bulshada.

Qariiraddaan ayaa xildhibaanabadu waxay sheegeen in ka soo bixiyeen ama ka heleen Xafiiska Ra’isul Wasaaraha, hase yeeshee Xildhibaanada ma aysan caddeyn cidda siisay qariiraddaas oo maalintii shalay ahayd si aad ah loo hadal hayey.

Hay’adda CORD oo qabatay siminaar ku saabsan Gudniin Fircooniga…



Maalintii shalay ahayd ayaa Hotel Naasa-Hablood ee Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay Siminaar looga hadlayey Gudniinka Fircooniga ah iyo Cudurka AIDS-ka waxaana soo qaban-qaabiyey Hay’adda Community Organization For Relief And Development (CORD), waxana ka qaybgalay xubno ka socday Hay’adda Maxaliga ah, Culima’udiin, Waxgarad, Haween iyo Saxafiyiin, waxaan siminaarkaasi furay madaxa Mashaariicda CORD Raaliyo Sheekh Amiin oo sheegtay in sababaha ay u qabteen Siminaarkan halka maalin ah ay tahay sidii bulshada loogu wacyigeli lahaa dhibaatooyhinka Gudniinka Fircooniga ah iyo Cudurka AIDS-ka.

Siminaarka intii uu socday waxaa casharo ka bixiyeynayey Mukhtaar Xasan oo isna si aad ah ugu dheeraaday dhibaatooyinka uu Gudniinka Fircooniga ah ku hayo Haweenka Soomaaliyeed iyo halista Cudurka AIDSka, sidoo kale waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Olombikada Soomaaliyeed C/qaadir Ibraahim Gacal (Abkow) oo sheegay in Bulshada looga baahan yahay in ay ka feejignaato halista Cudurka AIDS-ka iyo dhibaatada uu keeno.

Siminaarkaan waxaa kaloo ka qaybgalay ku xigeenka madaxa Caafimaadka ee Maxaakiimta Islaamiga ah Max’ed Xaashi Fara-Cadde oo sheegay in bulshada looga baahan yahay inay la yimaadaan qaabka ugu haboon ee looga hortagi karo gudniinka Fircooniga ah iyo Cudurka AIDS-ka oo ah labo dadka dhibaato weyn ku haya, waxaa sidoo kale ka hadlay Injineer Max’ed Cilmi Guure oo sheegay in Cudurka AIDS-ka uu leeyahay Daawo, balse aan weli la helin, isagoo tilmaamay in wax kasta ay daawo leeyihiin.

Xubnihii ka qaybgalay siminaarkaasi ayaa gebi ahaanba isku raacay in bulshada laga wacyigeliyo halista Cudurka AIDS-ka iyo waliba in bulshada lagu wacyigeliyo sidoo ay isaga dhaafi lahaayeen Gudniinka Fircooniga ah.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 12, 2006

Xubno ka mid ah Soomaalida Minnesota oo ka munaaqashoodey xaaladaha Horyaal Soomaalida
.Senator Coleman oo warqad u direy Koonfur Afrika
.Sen. Coleman oo difaacay Ellison inuu ku dhaarto Quraanka
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Dec 11

Dhaqdhaqaaq aad u xoogan oo laga dareemey aagga Baydhabo
.
Miles Zenawi oo looga digay in uu yimaado Baydhabo..
.Magaalada Baydhabo oo aysan ku sugneyn Saddexda..
.Soomaaliya oo laga xusay maalinta Baaqa Caalamiga..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Dec 11

Munaasabad lagu xusay 58 Guurada Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamiga oo lagu Qabtay Muqdisho

Ciraaq oo aarsiga Suniga iyo Shiicada oo gaaray heerkii ugu xumaa

dfkmgXildhibaannada Muqdisho ku sugan oo soo Bandhigay Khariidad  Muujinaysa
in Ethiopia ay Soomaaliya Dalkeeda ku Darsatay. Waxana ay xildhibaanadu cambaareeyeen Qaraarkii UN ee...
Akhri...


Wasaaradda Maaliyadda DGPL oo Joojisey Lacagaha Caafimaadka ee Askarta Puntland...
Askari ku sugan magaalada Garowe oo ka gaabsaday in magiciisa la shaaciyo ayaa...  Akhri...

Faallada Maanta: Xukuumada Puntland ma mid Gaalada u adeegtabaa mise waa mid Muslim | C/Risaaq Aadan

hooyoSoomaaliya:
Halista HIV/AIDS iyo Xudduudaha Laga Tallaabo

Warbixin: Berbera oo noqotay meesha ugu AIDS-ka badan Dhulka Soomaaliyeed... Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD