SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir :- Dadaalaa Waa Gaadhaa

asad caddaani

Asad Cadaani Ibraahim
Suuriya Dimishiq.
e-mail: asadlaska@hotmail.com  


Qofkasta oo  aduunka ku nool isla markaana uu ku jiro han ,waxa uu jecel yahay in uu aqoonta iyo cilmiga  meel ka gaadho , mid ku guulaysta  iyo mid ku guul daraysta ayey u qayb samaan, qofkastaaba wuxuu ku dadaalaa waddadii uu u mari lahaa waxa uu higsanaayo in uu naf iyo maalba u huro.

 
Dhallinyaradii kacday burburkii ka dibna waxaa ku adkaatay intoodii dalka ku hadhay in ay helaan waxbarasho nidaamiya, haddana may quusan, waxay aad ugu dadaaleen in ay waxbarshadooda kor u qaadaan iyaga oo dalalka hareeraha ka xiga Soomaaliya iyo Gasiiradda Carabta abbaaraya.
 
Fahad Yaasin Xaaji Daahir wuxuu ka mid ahaa dhallinyaradii kacday xilligii burburkii dawladii dhexe ee Soomaaliya , wuxuuna ka mid ahaa dhallinyaradii ku dadaashay in ay aqoontooda kor u qaadaan oo dagaalka xumi ka dhex socday iyaga iyo wakhtiga iyo dhibaatada waxbarasho ee ka jirtay dalka.
 

Fahad Yaasiin
Fahad Yaasiin Xaaji Daahir markii isugu kaaya horaysay waxaanu isku baranay Magaalada Nairobi sanadkii 2000, xilligaas oo uu Fahad waxbarasho gaaban oo uu ugu maqnaa dalka Yaman ka soo laabtay, waxaanuna ku kulan Hotel ku yaala xaafadda Isllii 8street oo lagu magacaabo Ilsan, halkaas oo aanu isugu iman jiray annaga oo ka kooban dhallinyaro Soomaaliyeed oo uu isaguna ka mid ahaa sxbkay C/shakuur Cali Mire (Gaaleri).
 
Xilligaas waxaa magaalada Carta e dalka Jabuuti ka socday shirkii dib u heshiisiinta Soomaalida oo inta badan lagala socon jiray T.V-yada RTD iyo Ajlazeera oo xagga sare ee Hotel Ilsan maqaaxi ku taalay lagu daawan jiray, marka laga soo jeestana doodo iyo aragtiyo laysku weydaarsan jiray.
 
Waxaa dhici karta haddaba in dad badani isweydiiyaan kuma ayuu ahaa wiilkan Soomalaiyeed ee marqudha shabakada aduunka xilligan ugu afka dheer ee Aljazeera uga soo warama magaalada Muqdisho?., halkee wax ku soo bartay, oo luqadan carabiga ah ee uu  ku luuqaynayo kaga soo qalin jabiye?.
 
Waa su’aalo dad badani isweydiin karaan , laakiin aqoonta aan u lee yahay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir taas oo ka dhalatay muddo 2 sanno ah oo aanu meel kuwada noolayn xillina ayba jirta in aanu isku meel  ka soo toosi jirnay, mar marka qaarkoodna aani laptop wadaagi jirnay, in ay tahay mucjiso iyo in haddii uu qofku dadaalo uu gaadhi karo qasadkiisa, yoolkiisa , iyo hadafkuu lahaa.
 
Guulweyn weeye oo u soo hooyatay Soomaaliya in maanta la helo wiil dhallinyaro ah oo Soomaaliya  oo saxaafadda carabiga oo ah dhinac aynu  hadaynu nahay Soomaalida aad uga liidano in uu ku soo baxo, guulana ka gaadho.
 
Fahad yaasiin Xaaji Daahir intii aanu ku biirin TV-ga Aljazeera waxa uu guula ka soo hooyey saxaafadda Soomaaliya oo uu in badan qoraalo aad loo xiiseeyo ku   soo qoray wargeysyada ka soo baxa Muqdisho, gaar ahaan Ayaamaha iyo shabakadda ugu caansan Soomaaliya uguna nadiifsan www.somalitalk.com, maqaaladiisuna ahaayeen kuwo aad dhagaha iyo indhahaba loogu raariciyo.
 
 Fahad maaha saxafi ka soo qalin jabiyey kuliyada saxaafadda ee waxa weeye  nin dhallinyaro ah oo dadaalay carabigana bartay kuna dhaqaaqay sidii uu guul uga soo hoyn lahaa, waana arrin mudan ku dayasho, oo qofkasta oo dhallinyaro ah oo maanta jooga gudaha iyo dibaddaba uu isku hawlo sidii uu carabiga u baran lahaa uguna difaaci lahaa karaamada Ummadda Soomaaliyeed, waxaana jirta in ay banaana yihiin gobo badan oo maanta  looga baahan yahay dhallinyarada Soomaaliyeed ee Luqadda  Carabiga qorta kuna hadasha, waxaana  lana odhan karaa  Kinalka Aljazeera waxa uu soo celiyey sharaftii iyo haybaddii luqadda Carabigu lahayd, oo maanta noqotay Luqad ay reer galbeedku aad u danaynayaan si ay u ogaadaan waxa ka socda Bariga Dhexe iyo Dunida Islaamka.
Waxaan maqaalkan ku soo gabgabeynayaa (Dadaalaa Waa Gaadhaa)
من جد وجد ومن زرع حصد
 
Asad Caddaani Ibraahim
Suuriya Dimishiq.

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 12, 2006

hooyoSoomaaliya:
Halista HIV/AIDS iyo Xudduudaha Laga Tallaabo

Warbixin: Berbera oo noqotay meesha ugu AIDS-ka badan Dhulka Soomaaliyeed... Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD