SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

SHEEKH YUUSUF INDHACADDE “HADDII 7 MAALMOOD GUDAHOOD AY CIIDAMADA ITOOBIYA UGA BIXI WAAYAAN SOOMAALIYA WEERAR AYAAN KU AADAYNAA MEEL KASTA OO AY JOOGAAN 

Madaxa Amniga ee Golaha Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed Sheekh Yuusuf Max’ed Siyaad (indhacadde) oo uu dhinaciisa midig fadhiyo ku xigeenkiisa dhinaca amaanka sh: muqtaarroobow ( abuu mansuur ) ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Muqdisho, isagoo uga hadlayay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin ciidamo Itoobiyaan ah oo soo buux dhaafiyay koonfurta Soomaaliya gaar ahaan Min Mudug ilaa Kismaayo, digniin uu u jeediyay dowladda Itoobiya iyo beesha caalamka.  

“Xuduudda u dhexeysa Itoobiya iyo Kenya waxaa halkaasi ku sugan sida aanu wararka ku heleyno 1500 oo ciidan iyo 25 gaadiidka dagaalka ah, waxayna doonayaan inay u gudbaan dhinaca Kenya si ay u soo weeraraan gobollada Jubbada dhexe, Jubbada hoose iyo deegaano kale oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Maxkamadaha” ayuu yiri Yuusuf indhacadde oo sheegay in in dowladda Itoobiya ay la heshiin karaan oo kaliya marka ay ka baxaan gudaha dalka Soomaaliya.  

“Xiriirka annaga iyo Kenya noo dhexeeya mad-madow yar baa ku jira, 60% waa hagaagsan yahay, waxaana uga digeynaa dowladda Kenya inaysan ciidamada Itoobiya u gudbin waddankeeda si Soomaaliya halkaas loogu soo duulo, waan ka codsaneynaa, waana uga digeynaa” ayuu yiri  Yuusuf Indhacadde oo sheegay in deegaano dhowr ah ay ku sugan yihiin ciidamada Itoobiya oo gaaraya ilaa 38-40 kun oo ciidanka Tikreega ah. 

Yuusuf Indhacadde waxa kale oo uu yiri “haddii dowladda Itoobiya ay ciidamadeeda kala bixi weyso 7da maalmood ee aan u qabanay xoog ayaan uga saaraynaa, waana ku weerareynaa meel kasta oo ay ka joogaan gudaha Soomaaliya”.  

Dhinaca kale waxa uu sheegay in magaalada Baydhabo ay ku sugan yihiin ciidamo Itoobiyaan ah oo gaaraya ilaa seddax gaas ah, macal taakuleyntooda, isu geyntoodana ay yihiin inta u dhexeysa 16-18 kun oo ciidan ah, “Waxaan ugu baaqaynaa adduun weynaha iyo dalalka Afrika inay dowladda Itoobiya ku qanciyaan inay si shuruud la’aan ah uga baxdo dhulka Soomaaliyeed, tagtana xuduudaheeda” ayuu yiri Yuusuf Indhacade oo uu hareer fadhiyay xilligaasi ku xigeenkiisa Sheekh Mukhtaar Roobow Abu Mansuur.  

 

Yuusuf Max’ed Siyaad (Indhacade) waxa uu uga mahad celiyay dowladda Uganda mowqifka ay iska taagtay ciidamo ay u dirto dalka Soomaaliya, “dabka ka kaca Soomaaliya ma noqonayo mid ku eg dalkeena oo kaliya ee wuxuu gaari doonaa geeska Afrika iyo guud ahaan caalamka” ayuu yiri Sheekh Yuusuf Indhacadde oo gaashaanka ku dhuftay inuu aqoonsan yahay dowladda Federalka Soomaaliya.

Mar la weydiiyay siduu horay u sheegay haddii goluhu amaanku ansixiyaan cunaqabateynta hubka Soomaaliya  ay ka qaadaan inaad u yeeraneysaan dagaal yahano shisheeye, hadda cunaqabateyntii hubka waa la qaaday oo golaha ammaanku waa isku raacay sidaas darteed dagaalyahano shisheeye ma u yeertay oo ma ka dhabaysay arrintaasi, ayuu ku jawaabay “Haddii seddax ruux oo isla dhalatay aad tihiin oo ay labo dhinac kaa noqdaan waxaad ku qasban tahay inaad cid labadaasi kaaga hiilisa u yeerato, adduunkoo dhanna wuxuu isku raacay in nabada Soomaaliya la carqaladeeyo oo maxkamadaha lala diriro, annaga haddaan nahay maxkamadaha Islaamiga cid kasta oo Islaam ah waan soo dhoweynaynaa, wuuna u furan yahay dalkeena.  

Muuse Maxamuud Jiisow

somali39@hotmail.com

Muqdisho Somaliya 

025215576666

002521653623

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 12, 2006

hooyoSoomaaliya:
Halista HIV/AIDS iyo Xudduudaha Laga Tallaabo

Warbixin: Berbera oo noqotay meesha ugu AIDS-ka badan Dhulka Soomaaliyeed... Akhri...

dfkmgXildhibaannada Muqdisho ku sugan oo soo Bandhigay Khariidad  Muujinaysa
in Ethiopia ay Soomaaliya Dalkeeda ku Darsatay. Waxana ay xildhibaanadu cambaareeyeen Qaraarkii UN ee...
Akhri...

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD