SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Dec 8, 2006

  • Gabar yar oo la xanuunsan Biyo Caloosha uga buuxa

  • Hooyo Saynab oo heshey Gargaarkii ugu horeeyey


Gabar yar oo la xanuunsan Biyo Caloosha uga buuxa

Dr Cismaan Dufle oo soo jeediyey In gabadhan loo gargaaro

Maalintii Talaadada ahayd ayaan booqanay Isbitaalka Dr Cismaan Maxamuud Maxamed Dufle, waqtigaas oo aan gaynay Haweeney muddo xanuunsaneed, markii aan la kulanay Dr Dufle ayuu yiri “Waxaa maanta Isbitaalka ku sugan, gabar yar oo 11 jir ah oo caloosha biyo uga buuxaan, ee ma dooneysaan inaad soo eegtaan maadaama uu igu ogaa wariye gacan siiya dadka dhibaataysan”, markaas ayaan waxaan ku iri diyaar ayaan u ahay.


Markiiba waxaan u dhaqaaqnay halkii gabadhii yareyd ay ku sugneed, ka dibna waxay indhahaygu qabteen gabar aan is iri maxaa caloosha uga buuxa, Dr Dufle ayaa wuxuu yiri waa tan gabadhii aan idiin sheegayay,waan naxay, murugo ayaa I qabatay, indhahaygii baa Ilmo isku soo taageen, markaas ayaan waxaan Ditoorkii ku iri Ditoore wax Kaamira ah ma wato maanta , makaas ayuu igu yiri aad baan uga xumahay, gabadhii yareyd oo maqlaysey inaan Kaamiro la’aan ahay ayaa waxa ay tiri Dittoore maanta dib ma iigu dhigi kartaa Biyihii layga miirayay, markaas ayuu Ditoorkii gabadhii yareyd ku yiri Sow ma xanuunsanaysid, markaas ayay waxay la soo booday “Maya, Maya Ditore Maalinta Khamiista ayaan soo laabanayaa si Sawiro la iiga qaado si xanuunkeyga loogu gudbiyo Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibaddiisa iyo gudihiisa si ay iiga gar gaaraan cudurkan I haya”

Aamino oo mararka qaarkood wajigeeda ay ka muuqatay farxad rajana ka qabto in mar uun Alle ka caafiyo cudurkan ayaa waxa ay ku cataabaysey “Ilaahoow Caafimaad I Sii, Ilaahoow Caafimaad I Sii Ilaahoow C……….”, Aamino mar kasta waxay nagu cel celinaysay in qayla dhaanteeda aan gaarsiino Bulshada Soomaaliyeed ee ku kala nool Dalka gudihiisa iyo dibaddiisa.

Aamino oo cudurkan la taahaysey muddo lix sana ah ayaa mar aan ka waraysanay Dr Dufle ayaa wuxuu noo sheegay in gabadhan iyadoo yar oo ciyaareysa WIIFOW in Wadnaha wax ay ka gaareen taasoo sababtay in Coloosha Biya joogta ah ku furmaan isagoo intaa raaciyay in gabadhan Caafimaadkeeda dalka gudihiisa aan wax looga qaban Karin maadaama aan la hayn qalabkii si rasmi ah wax looga qaban lahaa gabadhaas, .


Gabadhan oo ka soo jeedda qoys sabool ah ayaa waxa ay u mahad celiyeen waaliddiinteeda Dr Cusmaan Dufle oo dhowr goor gacan ka siiyay si Caloosheeda Biyaha looga saari lahaa maadaama markii ay mudda joogtaba ay u baahan tahay biyo saariddaas.



Haddaba, ciddii dooneysa inay gabadhaas gacan siiso waxay kala soo xariiri karaan

Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Tel 2521-5532494


Hooyo Saynab oo heshey Gargaarkii ugu horeeyey

Hooyo Saynab Yuusuf Xirsi oo la xanuunsan Cudurka T.B.da Caloosha ayaa markiiba waxay heshay gargaar deg deg ah oo ay ka heshey Gabar soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cabban .M. Cabdiraxmaan oo ku sugan dalka Mareykanka. Hooyo Seynab waxaan markiiba ula cararnay Isbitaalka uu ka hawl galo Dr Cusmaan Dufle si wanaagsan ayuu noo soo dhaweeyay waxaana uga war bixinay xaalada Hooyo Seynab oo aan u sheegnay in muddo dhowr sano ah ay la xanuunsaneed cudurkaas oo ay kari weeysey inay u shaqaysato caruurteeda, .

Dr Cusmaan wuxuu ku sameeyey baaritaan dhinaca dhiigga ah, sidoo kale wuxuu haweeynadaas saaray aaladda Kunbuyuutarka ee dhinaca caloosha wuxuuna sheegay in baaritaanadani ay yihiin kuwo lacag la’aan ah oo uu ku taageeray haweeneydaas, Hooyo Seynab waxay markiiba u mahad celisey Dr Dufle iyo dadkii kale ee gacanta ka siiyay in lagala tacaalo cudurkaas.



Dr Cusmaan Dufle ayaa baaritaankaasi shaaca uga qaaday in haweeneydani ay muddaba la xanuunsaneyd cudurka T.B,da caloosha gaar ahaan kan ku dhaca Xuubka Sare ee Caloosha, wuxuuna Dr Cusmaan Dufle haweeneydaas u qoray daawo soconaysa muddo dhowr bilood ah, sidoo kale wuxuu sheegay inay u baahan tahay nafaqa joogta ah, maa daamada culeyskeedu uu yahay 35 kiilo isagoo ugu danbayntiina u soo jeediyay Ummadda Soomaaliyeed in haweeneydaas gacan la siiyo inta ay si rasmi ah uga bogsanayso cudurkaas oo ah mid si fudud lagu daaweyn karo.

Hooyo saynab manta waxay u baahan tahay gargaar deg deg ah si xaaladdea caafimaad wax looga qabto , xanuunka haya hooyo saynab waxaa u sii dheer Markii ninkeedii ay u dhashey Ubadka uu ku deyriyey xanuunka Alla u keeney dartiis

Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Tel 2521-5532494
 


Hooyo soomaaliyeed oo u baahan in laga daweeyo Cudurka TB-da

Hooyo Saynab Yuusuf Xirsi waa Hooyo Soomaaliyeed oo muddo 3-Sano ku xanuunsan Magaalada Muqdisho. Mar aan ku booqday Guri ay degan tahay ayaa waxaan aad uga naxay sida ay u liidato Hooyo Saynab, waxaa dhowr jeer gacan siiyey Dadka dariska ah balse ma ‘aheyn gacansiintaas mid kaafin kartay Hooyo Saynab oo markan la kulmayey ay ag fadhiyeen labo Caruur ah ay dhashay waxaa labadaas Caruur ah haatan quudiya Dadka dariska ah.waxaa haya haweeneydaan Gabar ay deris yihiin oo lagu magacaabo Canab Maxamed .

“ kaalma yar oo ku soo gaarta ma’ahan mid ku kaafin karta, waxaas oo dhan waxaa igala wanaagsanaan lahaa anigoo hela Caafimaad buuxa” ayey tiri Hooyo Saynab oo markii hore ahayd Haweeney u xamaalin jirtay Caruurteeda waxay intaas sii raacisay” waxaan maanta goystay inaan isku dhiibo Bulsho waynta Soomaaliyeed ee ku nool Dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba si ay Gacan Baniaadanimo ii siiyaan.

Hooyo Saynab waxay la taaheysaa Cudurka TB-da Caluusha waxayna waysay Cid gacan ku siisa kana daawaysa Cudurkaasi oo ah mid si sahal ah lagu daawayn karo, Hooyo Sayanab oo jir ahaan u dhamaatay ayey waxay ku hadlaysay Cod aad u daciif ah oo ka soo gu’ayay Caluusha aad baan uga naxay anigaaba ku sigtay in ay illin iga timaado “ waxaan ku iri Hooyo Inshaa’Allah waad caafimaadi doontaa waxaan kuu ogahay in Dadka Soomaailyeed ay yihiin Dadka isu naxariista isuna gargaara, inta ay Madaxa luxday ayey Tiri” iga gaarsii Dadka Soomaaliyeed ee ku nool Dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba inay Il naxariis ah igu eegeen, Hooyo Saynab Cid ahel u ah kuma sugna Magaalada Muqdisho waxay ii sheegtay in Dadkeeda ay ku sugan yihiin Magaalada Hargeysa.

Hooyo Saynab waxay u soo jeedinaysaa Ummadda Soomaaliyeed ee ku nool Dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba inay kala tacaalaan Cudurkaasi oo si fudud loogu Daweyn karo Dalka haddii loo helo dhaqaale.

Ciddii doonaysaa inay caawinto Haweeynaydaan inay kala soo xiriiri karaan

Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
amiinkhasaaro@yahoo.com
Tel 2521-5532494

Maxaakiimta Islaamiga oo Ballan Qaaday inay Dhisi doonaan Garoonka Garoowe
sidaas waxaa shaaca ka qaaday Afhayeenka xisbiga RPP ee Yurub, C/Naasir Guure Faarax [jeer], oo... Akhri...

Soomaalida Minnesota oo $20,000 u ururiyey
Dadka Soomaaliyeed ee ku tabaaloobey fatahaada iyo daadadka ka dhacay webiyada iyo xeryaha qaxootiga Akhri...

Soomaalida Minnesota oo Taageeray Musharaxnimada Faarax Macallin Dawaara
Dawaare
"Nabadda Geeska Afrika waxay ku xiran tahay xorriyad la siiyo gobolada la Gumeysto" Sidaas waxaa yiri.... Akhri....


Heshiis Dhex maray Maxkamadaha iyo Wadamada IGAD oo dhan
iyo warar Googoos ah Akhri.... Dec 4

Qaraarkii Golaha Ammaanka ee Nov 29, 2006
Golaha Ammaanku Wuxuu Cambaareynayaa “Qulqulka Hubka ee sida weyn uga socda dalka Somalia... Akhri


 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD