Police maxaa la dhahaa tiknikaa!!
wariye soomaaliyeed oo ku nool gobolka hiiraan
ayaa mar wuxuu noo soo tabiyey wareysi uu la yeeshay carruur soomaaliyeed oo
ah kuwii dhashay dagaalkii sokeeye kadib ama kuba barbaaray, wuxuuna
weydiiyey yaa garanaaya waxa la yiraahdo Boliis ( police)!!!
Ciyaalkii wey is fiirfiiriyeen markaas yaa
midkoodii ugu caqliga badnaa ayaa yiri ( tikniko) miyaa???!!!!
haddaba akhristoow carruurta ku barbaartay
dagaalkii sokeeya waxcay yaqaanaan oo kaliya
tikniko,baroon,37,dabalaab,hoobiye,AK47,baazuke iwm.
habba yaraatee dawlad, boliis,nss,school,
simaafare,stadiaum cone,monomutada boondheer,isbitaal dikfeer oo cisbitaalka
xamar ugu fiicnaa ah oo isbitaal ah ma yaqaanaan se waxay yaqaanaan Dikfeer
oo apts buildings lay isku aroosaayo.
Aniga oo taas ka yaaban sidii dhaqan celin
loogu sameyn lahaa dadka soomaaliyeed ee soomaaliya ku nool iyop sidii la
iskugu xiri lahaa ayaga iyo kuwa qurbaha ku dhashay ama ku koray oon u
bixiyey da,da ( Daddy)!!!!
Da,da ( Dady) ayagana aan mid idiinka sheego:
Waxaa diyaarad Dubia ka wada raacay carruur ka
timid yurub dacaladeeda iyo mareykanka iyo Canada oo summer vacation ugu
socda magaalada hargeysa.
carruurtu isku luqad kuma hadlayaa qaar ayaa
duch kuhadlaaya ,qaarna swidish,qaarna finish(finland)qaar jarmal ,qaarna
english kala dialact ah !!!!
waa la is fahmi waayey kuwii mareykanka iyo
canada ka yimid ayaa ku yiri kuwii england ka yimid ( we understand those
guys but they have accent) !!!!
haddaba akhristoow c/llaahi yusuf iyo
shariifka shaqo intee le,eg baa u taal ?!!!!
Maqaalkeyga dulucdiisu intaas
oo idilba ma ahan sheekada ah ( police tikniko miyaa) oon la yaabay sida aad
ula yaabteen ayaan waxaan soo xasuustay isniintii dhaweyd ee bishu aheyd 23
JAN,2006 ayaad sida aad ogtihiin waxaa magaaladda nairobi waxaa ka dhacay
shil daar afar dabaq ah oo soo duntay !!!
Wixii aan meesha ku arkay ayaa i soo
xasuusisay Police tikniko miyaa?!!! maxaa yeelay Africa ama police yeelo ama
ha yeelan sida buulo burte ama xamar yayado waa isku mid .markuu shilka
dhacay waxaa isku qasmay dadweynihii fiirsanaayey iyo bolisskii iyo
dabdamiskii muddo lix saacadood ah iyo in ka badan hawsha waxaa watay
dadweynaha oo kii dhagax qaadaaya kii building dumay sii koraaya .
waxa isku yimid boqolaal ishaa falto ah oon
amar kala qaadaneynin.Sida aan ku
baranay dawladaha western-ka marka ugu horeysaba waa jira ciidam gurmad ah
oo loo tababaray u gurmasada dhibaatooyinka dabiiciga ah dab ,daad ,dumis,burbur
iwm.ugu horentiiba waxaa meesha xiraaya police-ka oo wax layiraahdo ( police
line) oon ruux gudbi karaayi uusan jirin ilaa uu shaqo ku leeyahay mooyee ,
taas ayaa la yiraahdaa police se tii ka dhacday Nairobi waa tiknikadii buula
burte . maalintii talaadada ayaa waxaa soo gurmaday team israel ka yimid oo
tiradoodu aysan ka badneyn tobaneeyo iyo labo eey, se ka tayo badan boqolaal
gacmaha wax ku faqeyso !!!! haddaba akhristoow police- shaqadiisa ma ahan
labiska khakhiga ah iyo koofiyadda madow ee waa wax ka sii durugsan !!!
haddada ariintii c/laahi yusuf shariifka waa ka weyn tahay waa AFRIKA OO
DHAN AYAA DIBI HABEYN U BAAHANM.
ILEEN AFRIKOOW HURUDOOW, WAQTI KASTABA
HURUDOOW !!!!
FII AMAANI LAAH
QORE: SAHID MOHAMED YUSUF
Faafin: SomaliTalk.com Feb 20, 2006 |