SOMALITALK.COM   XAYAYSII


Home | Zakaat | Quraan |   Siiro | Search | Saxaabo |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - DENMARK


Khaniis daba saliidaa hadduu Suubanihii caayay!

Abwaan Abshir Nuur Faarax {Bacadle}

Gabayga iyo geeraarka la socda waxaa tiriyay Abwaan Abshir Nuur Faarax {Bacadle} waxa uuna ka afeeftay, in erayga halku dhiga u ah gabayga  aanu ku fiicneyn isticmaalka suugaanta “haddana ninkii Nabiga caayey waa astaahilaaa wax walba oo xun” ayuu yiri.

  • Maxay ahlu towxiidku sugi waa su’aal furane,
  • Sanka miyaa bir laga galiyayoo seeto lagu taagay,
  • Suddan miyaa qalbiga nooga xiran samaha diideysa,
  • Cawinaad miyaa nalagu sabay sun iyo dhuunkaal ah,
  • Ma wax Nabigii lagu seejiyaa gacanta loo saaray,
  • Waxay sahala ugu eegayaan waa saqiifnimo’e,
  • Usaamiyo Sarkhaawiba walley naga saxnaayeen,
  • Haddaan labadaa saacidi lahayn sidan ma joogneene,
  • Ninkii xaar u seyriyay samada wuu ku soo noqone,
  • Iyana saafi madaxiisina suuli buu noqone,
  • Sakhiifkii Nabiga caayayow saa umbaa tahaye,
     
  • Nabigii saafi adigana bir baan kula sugeynaaye,
  • Seeftii Sarqaawoo sahneyd saa laguu mariye,
  • Wixii aad sahaala u qortaa joogi sababtaada,
  • Sakhiifna waxaa ah gaal seyn lahoo suubanihi caayay,
  • Kuwii Sanam Illaah moodayoo una sujuudaayey,
  • Suubanaha iney caayayaan safiihigaa mooge,
     
  • Nin liwaadka suubiya unbaa suubanaha caaya,
  • Nin Illaahay seejiyey xaqaa suubanaha caaya,
  • Suddan jannada ninkii looga xiraa suubanaha caaya,
  • Sagaashan oday nin loo gubay unbaa suubanaha caaya,
  • Ninkii Hooyadii saartay baa suubanaha caaya,
  • Nin saqiir liwaaday unbaa suubanaha caaya,
  • Nin walaashi xabad saaray baa suubanaha caaya,
     
  • Qalinkiisi baa sabab u noqon saala weynaha’e,
  • Inuu seexan waayaa la badi saahir buu noqone,
  • Afka wuxuu ka sii deynayaa sun iyo dhuunkaale,
  • Markii aydhiskii saaqay buu suubanaha caayay,
  • Hadba wuxuu ku salalaa raggii saartay oo kuday,
  • Haddii daba saliid iyo khaniis suubanihi caayay,
  • Maxey ahlu-towxiidku sugi waa su’aal furane,
     
  • Salka may ka gooyaan kufriga subax khamiisaad,
  • Sallallaahu Nabigu ha farxo subax isniinaade,
  • Illaahay shafeecaduu u sugay waa naloo sixiye,
  • Sallallaahu Nabigeeniyoo saa la yeelahayo,
  • Nafta haddaanan mowdka u sallimin seegnay taladiiye,
  • Shafaacaduna sahal ma aha ee seefta wada qaata,
     
  • In Illaahay nagu sugo xaqana saamaleyl kacaya,
  • Ka saahida adduunyada naftana siiya Nabigeena,
  • Raggii seef isaga dhigoo wadnaha lagaga soo saaray,
  • Oo Uxud sidaa loo wariyo sahanki maan raacno,
  • Zukhrufkaan adduunyadana maan zaahid ka ahaano,
  • Oo maan nolol sidaan nahay ka roon seefta lagu doono,
  • Silcata-llaahi qaaliya muwaan saabka lagu haynin,
  • Warhooy maa jannada loo sacyiyo saan u gadanaaba,
  • Suddan miyaa qalbiga nooga xiran saatirkaa faxane,
     
  • Safar baa dunida lagu yahoo waan ka soconaaye,
  • Saad kheyr leh weeyaan wallee hiilka suubanuhu,
  • Naf jannadi lagaa siistay baa sahan u kheyr roone,
  • Niman yahow su’aalo aan hayoon sugi jawaabtooda,
  • Goormaa nalaka saamaxay jihaad waa su’aal furane,
  • Surka miyaan la goyneyn kufriga suubanaha caayey?
  • Saxan saxo udgooniyo jannadi sow la sugi maayo?
     
  • Adigoo dilkooda u sacyiyey oo niyada saaray,
  • Surka haddii lagaa jaro jannaad sugi Insha-Allahu,
  • Sariirihii jannada iyo aroos suuban baad heli,
  • Nimco aan lagaa saarinoon suulin baad heli,
  • Naftoo waaritaan loo sugiyo sixiyo liibaan leh,
  • Saxan saxo udoon Xuurul-ciin wada suleekhaahe,
  • Sanka taad ku qabatiyo shafkana aadan saluugeynin,

Shirib

  • Samadaad xaar u seyriseen,
  • Nabiga suuban waa saliim,

Geeraar

  • Gaalada suubane cayday,
  • Oo Illaahay saddaxeysay,
  • Oo Kitaabkii suuli ku tuurtay,
  • Oo Ciraaq siday yeeshay,
  • Afgaanistaan ku sameysay,
  • Annana noo sahaneysa,
  • Nabaddaan ka sugeyno,
  • Horta maysa su’aallay?
  • Saaxiriinta Denmaak,
  • Holan oon ka sukeynin,
  • Iyo Noorweeyoo saddaxeysa,
  • Caanahooda suntaa,
  • Yaan caruurta la siinin,
  • Kuwii suubanaheena,
  • Sawir fool xun u yeelay,
  • Oo Illaah saddaxeeyey,
  • Saddexdaa waddanoo,
  • Geeraarka aan ku sifeeyey,
  • Caanahoodu sumooboo,
  • Sawirkey bixiyeen baa.
  • Suubanihii ku habaaray,
  • Caanahooda sumeysan,
  • Caruurtaada ha siinin,
  • Waa su’aashi labaade,
  • Anigu aan hub sameysto,
  • Isticmaarna ku saaro,
  • Adna ha igu sameysan,
  • Sharcigaana sidaasa,
  • Anigaana saxiixay,
  • Waa inaad sabcisiin,
  • Yuhuuddu waa saxanyiin,
  • Waa la saacidayaa,
  • Falastiin hala seemo,
  • Sideedaa ha ahaato,
  • Anigaana saxiixay,
  • Sidaa aan u asiibay,
  • Waa in loo sabciyaa,

Taleefonka Abshur Bacadle lagala xiiri karo waa

2521-595970 

Waxaa soo tabiyey Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 20, 2006


BARO SIIRADII NEBI MUXAMED (NNKH)

@Spam!

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Allah Is Great

Warar Kooban: Sawir Gacmeedyadii lagu Aflagaadeeyey Nebi Muxamed NNKH.Guji


Mudaharaadkii London, UK

Dumar reer Flastiin ah oo mudaharaadaya oo kor u sida Kitaab Qur'aan ah.

Mudaharad Looga soo Horjeedo Aflagaada loo Geystey Nebi Muxamed NNKH oo lagu Qabtay Boosaaso


Kumanaal Muslimiin reer Bangaladhesh ah oo magaalada caasimada oo k amudaharadaadaya aflagaadadii loo geystey Nebi Muxamed

Reer Siiriya oo sii wada mudaharaadka

Reer Joordan oo k amudaharadaada sawir gacmeedka lagu aflagaadeeyey Rasuulka

Ciraaqiyiin ku timanaya calanka Denmark

Muslimiinta Indonesia oo gubya calanka Denmark
Young supporters of Islamic Felicity Party shout slogans in front of the Danish Embassy in Ankara, Wednesday, Feb. 1, 2006, to protest caricatures of the Prophet Muhammad published by a Danish newspaper, sparking outrage in Muslim countries, Protesters asked people to boycott Danish goods.(AP Photo/Burhan Ozbilici)
Muslimiin Arbacadii ku hor mudaharaadaya safaarada Denmak ee Ankara.. Washintonpost

Sawir gacmeedyadu waxay meel uga dheceen 1.3billion oo Muslim ah


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD