SOMALITALK.COM   XAYAYSII


Home | Zakaat | Quraan |   Siiro | Search | Saxaabo |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - DENMARK


  • Pakistan: Subaxnimadii Axada Feb 19  oo la xirxiray hoggaamiyayaasha MMA..
  • Mudaharaad ka dhacay Nigeria oo ay ku dhinteen 15 qof...
  • Mudaharad ay kasoo qayb galeen 15,000 oo qof oo ka dhacay London...
  • Wasiir  Talyani ah oo Is-casiley.
  • Liibiya oo eedaysay dalka Talyaaniga
  • Wasiirkii Ammaanka Liibiya oo shaqadii laga fariisiyey
  • Qadaafi iyo Berlusconi oo Telefoon kuwada hadlay
  • Wasiirka Arrimaha Dibada Talyaaniga Booqday Masaajid Rooma.
  • Madaxweynaha Talyaaniga oo soo saaray Qoraal...
  • Baadari reer Denmark ah oo sheegay in uu ka qoomamaynayo Daabacaadii sawir gacmeedyada...
  • Sheikh Tantawi: hala sameeyo xeer caalami ah

Pakistan: Subaxnimadii Axada Feb 19  oo la xirxiray hoggaamiyayaasha MMA..

Fazul-ur-Rehman: "Mudaharaadku isma taagayo ilaa la bixiyo raali gelin..."

Pakistan: Wararka ka imanaya dalka Pakistan ayaa sheegay in la xirxiray hoggaamiyayaasha lixda urur ee midoobey iyo 200 oo ah xubnaha ururka Muttahida Majlis-e-Amal ee loo soo gaabiyo MMA.


Mudaharaadka Pakistan

MMA waxa ay qorsheynayeen in ay Axada Feb 19 mudaharaad ku dhigaan magaalada Islamabad, mudaharaadkaas oo ay kaga soo horjeedaan sawir gacmedyadii Aflagaadada ku ahaa Nebi Muxamed NNKH ee uu daabacay wargeyska reer Denmark.


Yousef Qureshi iyo taageerayaasha oo sheegay in ay siin doonan in kabadan $1 million oo doolar qofkii soo dila kii sameeyey sawir gacmeedka Aflagaadeeyey Nebi Muxamed NNKH.

Waraka ka imanaya Pakistan ayaa sheegay in markii waagu beryay Axad Feb 19 in ay ciidamada booliska iyo kuwa kumandoosku ay weerareen guryaha labo kamid ah hoggaamiyayaasha MMA, halkaasna ay labadaas hogaamiyo ku xireen, waa sida laga soo xigtey Booliska Pakistan. Waxaa kale oo wararku intaas ku dareen in dawlada Pakistan ay magaalada Islamabad ka xanibtay basaska si ay uga hir tagto mudaharaadka la qorsheeyey Axada Feb 19. Warar kale oo ay weriyeen warbahinta Pakistan ayaa sheegay in madaxweynaha ururka MMA, Qazi Hussain, uu sheegay in gurigiisa lagu xiray oo uusan meelna uga bixi karin, waxana uu warbaahinta u sheegay in dawladu ay mas'uul ka tahay cawaaqibta arrintaas ka dhasha.


Fazul-ur-Rehman (bidix), "mudaharaadyadu isma taagi doonaan ilaa raali gelin la bixiyo..."

Inkasta oo ay boolisku xireen wadooyinka magaalada Islamabad, haddana dad kumanaan gaarayey ayaa isugu soo baxay wadooyinka magaalada  Axadii Feb 19 iyagoo ka mudaharaadaya sawir gacmeedyadii uu daabacay wargeyska reer Denmark.

Inkasta oo boolisku ay gurigiisa ku xireen madaxweynaha MMA, Qazi Hussain Ahmed, hadana mudaharaadkii waa sii socdey.

Fazul-ur-Rehman oo madax sare oo ka tirsan MMA iyo koox taageerayaashiisa ah oo ay ku jiraan xubno ka tirsan Baarlamaanka Pakistan ayaa isugu soo ururay meesha laga galo magaalada Islamabad, laakiin booliska oo adeegsanaya sunta dadka kakaga ilmaysiisa ayaa xoog ku kala cayriyey kaddib markii.

Fazul-ur-Rehman waxa uu yiri "Dhammaan qarana Pakistan iyo dunida Islaamku waxa ay sii wadayaan in ay isugu soo baxaan wadooyinka oo mudaharaad ku dhigaan ilaa raali gelin laga bixiyo ficilka qabiixa ah, ballana lagu qaado in uusan soo noqon doonin ficilkaas oo kale". [Daawo Mudaharaadkii Axada Feb 19 ee Pakistan]

Mudaharaad ka dhacay Nigeria oo ay ku dhinteen 15 qof...

Nigeria: Wararka ka imanaya dalka Nigeria  ayaa sheegay in uu dalkaas Sabtidii Feb 18 kadhacay mudaharaad aad u xoog weyn oo looga soo hor jeeday sawir-gacmeedyadii aflagadada ku ahaa Nebi Muxamed NNKH ee uu daabacay wargeyska reer Denmark.


Mudaharaadka Afrika

Waxaa wararku intaas ku dareen in ugu yaraan 15 qof ay ku dhinteen mudaharaadyadaas. Mudaharadka ugu xoga weyn waxa uu ka dhacay magaalada Maiduguri, oo ah casimada gobolka Borno ee ku yaal Woqooyi bari ee dalka Nigeria. Gobolkaas oo ah meesha dhimashada ugu badani ka dhacday.

Sidoo kale waxaa hal qof ku dhintay mudaharaad ka dhacay gobolka Katsina ee ku yaal bartamaha Nigeria.

Wararka ugu horeeya ee ka soo baxay dalkaas waxa ay sheegeen in dadka dhintay badan koodu ay ahaayeen masiixiyiin, waxaana la sheegay in la gubey 11 kaniisadood.

Sarkaal u hadlayey Booliska oo lagu magacaabo Haz Iwendi, ayaa sheegay in goobihii mudaharaadku ka dhacay lageeyey ciidamada Militeriga iyo boolis iyo halkaas habeenimadii Axada lagu soo rogey bendo.  Waxana uu intaas ku daray "waxaan xixirnay 115 qof, waxaa dhintay 15 qof, waxaana la gubey 11 kaniisadood."

Dalka Nigeria waxaa ku dhaqan 60 million oo muslimiin ah oo ah kala bar oo bar tirada dadka ku dhaqan dalkaas. [Nigeria 50% Muslim].

Mudaharaad ay kasoo qayb galeen in ka badan 15,000 oo qof oo ka dhacay London...

Trafalgar Square
Mudaharaadka London,UK

UK: Sabtidii Feb 18 waxaa fagaaraha Trafalgar Square ee magaalada London isugu soo baxayin ka badan 15,000 oo Muslimiin ah oo ka mudaharaadaya sawir gacmeedkii aflagaadada ku ahaa Nebi Muxamed NNK. Dadkaas mudaharaadayey kadib waxa ay socod ku tageen fagaaraha Hyde Park.

Muslimiinta ku dhaqan dalka Ingiriisku waxa ay mudaharaadyo dhigeen saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay, waxana mudaharaadkii Sabtidii Feb 18 uu ahaa kii ugu weynaa ee ay Muslimtu ka dhigeen London, iyagoo kaga soo hor jeeda wargeyska reer Denmark ee daabacay sawirada 12-ka ah ee aflagaadeeyey Nebi Muxamed NNKH.

Hay'adda wararka ee AFP oo ka warbixineysey mudaharaadkii London waxa ay tiri boolisku waxa ay sheegeen in mudaharaadkii Sabtida Feb 18 ay ka qayb qaateen 10,000 oo qof, waxaana soo abaabuley ururka Muslimiinta ee loo yaqaan Muslim Action Committee ee loo soo gaabiyo (MAC), ururkaas oo ay ku midoobeen 650 Masaajid iyo jaaliyadood oo ah UK. Ururka MAC waxa uu tirada dadka mudaharaadayey ku qiyaasay 40,000.

Hay'adda Fransiiska wararka u faasisa ee AFP waxa kale oo ay werisey in 1,000 qof ay mudaharaad ku dhigeen caasimada dalka Austria, sidoo kale ay 2,500 oo qof mudaharaad ku dhigeen magaalada Copenhagen. Waxa kale oo 3,500 oo qof ay mudaharad ku dhigeen magaalada Duisburg ee dalka Jarmalka. Magaalada Karachi 4,000 arday ah ayaa mudaharaad ku dhigay kuwaas oo katirsan ururka  Jamaat-i-Islami (JI), sidoo kale 10,000 oo oo badankoodu ah dumar xijaaban ayaa mudaharaad nabad ku dhamaaday ku dhigay magaalada Karachi.

AFP oo warkeedii sii wadata waxa ay sheegtay in wargeys ka soo baxa dalka Hindiya uu boggiisa hore ku soo qoray cinwaan weyn oo sheegaya in 11.5 million  oo uu bixinayo Mohammed Yaqoob Qureshi oo ah wasiir ka tirsan dawlad goboleedka Uttar Pradesh oo ah gobolka ugu Islaamka badan dalka Hindiya, waxaana lacagtaas lasiinayo qofkii madaxa ka gooya mid ka mid ah kuwii sameeyey sawir gacmeedkii (aflagaadeeyey Nebi Muxamed NNKH).

AFP waxa kale oo ay sheegtay in Kurt Westergaard oo ah kii sameeyey sawir gacmeedka uu kumuujiyey sawirka bombaanadu madaxa ugu xiran tahay ee ka mid ah 12-ka sawir ee wargeyska Denmark ee Jyllands-Posten ayaa waxaa waraysi la yeelatay jariidada The Herald (Scotland) oo weydiisey in uu ka xun yahay sawiradaas, waxana uu ku jawaabey "maya".

Wasiir Talyani ah oo Is-casiley.

Italy: Wararka ka imanaya magaalada Rooma ee dalka Talyaaniga ayaa shaaca ka qaaday in Sabti Feb 18, 2006 uu is-casiley wasiirkii hore u sheegay in uu xiran doono funaanad ay ku sawiran yihiin sawir gacmeedyadii aflagaadada ku ahaa Nebi Muxamed NNKH.


Roberto Calderoli, "waan is casiley"

Waan is casiley" ayuu yiri Roberto Calderoli isagoo la hadlayey warbaahinta Talyaaniga ee loo yaqaan ANSA. [Halkan Daawo (Italian)].

Calderoli, a member of the anti-immigrant Northern League party, wore the T-shirt beneath a suit  and showed it off during an appearance on television. Calderoli  waxa uu jariidada Talyaaniga ee La Repubblica u sheegay in uu kaxun yahay dadka dhibaatadu soo gaartey, laakiin waxa ka dhacay Liibiya in aysan wax xiriir ah lalahayn funaadadiisa." "Su'ashu sidaas waa ka duwan tahay" ayuu yiri, isagoo itaas ku daray "waxaa miiska saarani waa xadaarada reer Galbeedka".

Calderoli oo ah 49-jir oo toddobaadyadii ugu dambeeyey marar badan weeraray Islaamka oo xitaa mar muslimiinta lajiyiinta ah ugu yeeray "Cali Babas", ayaa markii hore is adkeeyey laakiin cadaadis markii la saaray ayuu i scasiley.

Gelinkii dambe ee Jimcadii Feb 17 markii uu soo shaac baxay warka la xiriirey Qunsuliyada Talyaaniga ee la gubey ayaa ra'iisul wasaaraha dalka Talyaaniga, Silvio Berlusconi, waxa uu yiri 'waxaa shardi ah in uu is casilo Roberto Calderoli.'

Dad reer Libiya ah oo k acaraysan funaanada Calderoli ayaa gelinkii dambe  Jimacdii Feb 17 waxa ay gubeen Qunsuliyada talyaaniga ku lahaa magaalada Benghazi ee Libiya. [Halkan ka daawo (Italian)].

Liibiya oo Talyaaniga ku eedaysay Mudaharaadyadii ka dhacay Benghazi:


Seif el-Islam el-Qaddafi

Libiya: Sabtidii Feb 18 ayaa Libiya waxa ay eedayn dusha uga tuurtay dalka Talyaniga iyadoo ku eedaysan in ay Itaaliya sabab uu ahayd mudaharaadyadii sababay in ay dhintaan 10 qof, laguna gubey Qunsuliyadii Talyaanigu ku lahaa magaalada dhanka woqooyi ku taal ee Banghazi.

Qoraal ka soo baxay Jamciyada Qaddafi ee u hogaamiyo wiilka uu dhalay hoggaamiyaha Liibiya, Seif el-Islam el-Qaddafi (Seeftii Islaamka), ayaa ku eedeeyey in mudaharaadkii ka dhacay Benghazi uu ka dhashay "daandansiga iyo arrimaha aan loo mel deyin" ee Roberto Calderoli (waa wasiirka hadda is casiley ee hore ugu dhaartay in uu xiran doono funaanad ay ku sawiran yihiin sawir gacmeedyadii wargeyska Denmark ee aflagaadada ku ahaa Nebi Muxamed NNKH.)


Silvio Berlusconi (bidix) iyo Muammar Gaddafi (midig) oo 2004 ku kulmay Tripoli, Libya

Waxa kale oo Liibiya ku dhawaaqday in ay baaritaan ku samayn doonto kuwii mas'uulka ka ahaa rasaastii lagu ridey dadka mudaharaadayey, sharcigana la hor keeni doono cidii ka dambeysey ridida rasaastaas.

Wasiirkii Ammaanka Liibiya oo shaqadii laga fariisiyey

Libiya: Nasr Mabrouk oo ahaa wasiirkii Ammaanka dalka Liibiya ayaa Sabtidii Feb 18 laga fariisyey shaqadii, waxaana loo gudbiyey maxkamada dembi baarista, sida ku cad wareegto kasoo baxday dawlada Liibiya Baarlamaankeeda.

Wareegtadaasi waxa ay sheegtay in maalinta Axada Feb 19 ay tahay malin tacsi loo dhigayo mujaahidiintayada, waa sida wareegtada ku cad.  Tacsidaas waxaa loo dhigayaa dadkii ay ciidamada ammaanka Libiya toogteen gelinkii dambe ee Jimcada Feb 17 iyagoo mudaharaadayey.

Warar kale ayaa tibaaxay in wasiirka shaqadiisii gebi ahaanba lag acasiley, sidoo kalena waxaa shaqadii laga fariisiyey taliyihii booliska ee magaalada Benghazi.

Liibiya waxay kamid tahay dalalkii ugu horeeyey ee cambaareeyey sawir gacmeedyada wargeyska Denmark, waxana ay Liibiya xirtay safaaradeedii magaalada Copenhagen. Saraakiil Liibiyaan ahna waxa ay sawir gacmeedyada wargeyska Denmark ugu yeeraan kuwo ay ku dheehan tahay nacaybka Islaamka iyo Muslimiinta.

Qadaafi iyo Berlusconi oo Telefoon kuwada hadlay

Madaxweynaha dalka Liibiya Muammar Gaddafi iyo ra'iisul wasaaraha dalka Talyaaniga Silvio Berlusconi ayaa telefoon ku wada hadlay, waxayna isku afgarteen in arrimaha lagaga soo horjeedo talyaanigu aysan raad xun ku reebin xiriirka labada dhinac, sidaas waxaa yiri xafiiska Berlusconi. Labada hogaamiye waxay yeesheen wada hadaldheer oo ku saabsanaa arrimihii Jimcadii ka dhacay magaalada Benghazi, ayaa warku intaas ku daray.

Wasiirka Arrimaha Dibada Talyaaniga Booqday Masaajid Rooma.

Italian Foreign Minister Gianfranco Fini. An Italian hostage identified as Salvatore Santoro has been killed by an Islamist group in Iraq, Al-Jazeera television said. [AFP/File]
Fini, wasiirka arrimaha dibada Italy
il Presidente Ciampi
Ciampi, madaxweynaha Italy

Rome Moqsue (Masjidka Rooma)

Italy: Gianfranco Fini oo ah wasiirka arrimaha dibadda Talyaaniga ayaa si degdeg ah waxa uu gelikii dambe ee Sabtidii Feb 18 booqasho ugu tegey masjika weyn ee Rooma, waxana uu yiri "Waxaan rabaa in aan xaqiijiyo in aan xaq dhawrno diimaha oo dhan, iyo in aan fileyno in sidaas oo kale naloo xaqdhawro", sida ay sheegtay warbaahinta Talyaaniga ee loo yaqaan ANSA.

Madaxweynaha Talyaaniga oo soo saaray Qoraal...

Italy: Qoraal ka soo baxay Madaxweynaha dalka Talyaaniga, Carlo Azeglio Ciampi, oo ah nin dalka Talyaaniga gudihiisa aad looga tix geliyo hadalkiisa ayaa sheegay in "ay cadahay siyaasadda ka tarjumeysa dadka Talyaanigu in ay tahay in la tixgeliyo dhammaan diimaha oo dhan". Waxana uu intaas ku daray "in ay tahay kuwa haya mas'uuliyada dawladu in ay muujiyaan dabeecad mas'uuliyadi ku dheehan tahay" ayuu yiri qoraalka madaxweynaha Talyanigu. Waxana uu sheegay in uu ka xun yahay iska hor imaadkii ka dhacay magaalada Benghazi ee dalka Liibiya.

Baadari reer Denmark ah oo sheegay in uu ka qoomamaynayo Daabacaadii sawir gacmeedyada...


Viborg Karsten Nissen

Masar: Wafti ka socda masiixiyiinta Denmark oo booqanaya dalka Masar ayaa sheegay in ay ka xunyihiin daabacadii sawir gacmeedyadii uu daabacay wargeyska Denmark ee Jyllands-Posten.

Waftigaas oo uu hogaaminayo baadariga lagu magacaabo Viborg Karsten Nissen ayaa Sabtidii Feb 18 magaalada Qaahira ka sheegay in sida Muslimiinta loogu xad gudbey oo kale loogu xad gudbey masiixiyiinta Denmark, waxana ay sidaas yiraahdeen mar ay Sabtidii la kulmeen iimaamka Al-Azhar, Sheikh Mohammad Sayed Tantawi.

Sheikh Tantawi: hala sameeyo xeer caalami ah


Sheikh Mohammad Sayed Tantawi

Waxaa wararku intaas ku daray in waftigaas oo Masar yimid Khamiistii Feb 16 ay sheegeen in aysan Masar u iman in ay cudur daar bixiyaan iyagoo ku hadlaya afka dawlada ama afka wargeyskii daabacay sawir gacmeedyada aflagaadeeyey Nebi Muxamed NNKH. Waxaana la sheegay in ay la kulmi doonaan Muftiga Masar Ali Gomaa iyo madaxa ururka Carabta, Amr Muossa.

Sheikh Tantawi waxa uu ku baaqay in ay xoogooda isu geeyaan dhammaan culimada iyo aqoonyahanadu si loo sameeyo xeer caalami ah oo fal-dembiyeed ka dhigaya aflagaadada diimaha. Sidaas ayuuna yiri markii uu la kulmay waftiga masiixiyiinta Denmark.

"Iska hor imaadka hadda jira waxa keliya oo uu dhammaanayaa haddii xeerkaas la sameeyo" ayuu yiri Sheikh Tantawi. Waana in aan xoriyatul qowlka marmarsiinyo looga dhigan in la caayo diimaha.


  • Wararka kale ee warbaahinta caalamka ay labadii beri ee lasoo dhaafay aad u hadal hayeen waxaa kamid ah qoraal ay jariidada Guardian ku sheegtay in ay sir ah ku heshay, qoraalkaas oo sheegaya in xafiiska arrimaha dibada ee dalka Ingiriisku uu ku taliyey in UK ay xiriir la samaysato ururka ka jira dalka Masar ee loo yaqaan Walaalaha Muslimiinta kaddib marki ururkaasi uu wacdaro ka muujiyey doorashadii baarlamaanka ee dalka Masar. Ururka Walaalaha Muslimiinta oo muddo dheer si rasmi ah mamnuuc uga ahaa dalka Masar, waxa uu doorashadii ugu dambeeysey ku guulaysay 88 kursi oo ah xubnaha baarlamaanka Masar. Qormada ay jariidada Guardian heshay waxa ay ku taariikhasan tahay Febraayo 17, 2006 waxaa la weriyey in uu ansixiyey xoghaya arrimaha dibada Ingiriiska, Jack Straw, sida ay qortay IslamOnline. Qormadii sirta ahayd ka akhri halkan... Guji (pdf) 

Wararkii Liibiya iyo Pakistan ee Feb 17 hoos ka akhri....


  • Qunsuliyada Talyaaniga ee Liibiya oo Dab la qabasiiyey
  • Sheikh Reer Pakistan ah oo Sheegay in Hal-malyuun oo Doolar la siinayo qofkii soo dila Ninkii sameeyey Sawir Gacmeedii Aflagadeeyey Rasuulka
  • Pakistan oo u yeeratay Safiirkii u Fadhiyey Denmark
  • Denmark oo si kumeel gaar ah u xirtay safaaradeedii Islamabad, Pakistan
  • Dadka u dhashay Denmark oo loogu baaqay in ay ka baxaan Pakistan
  • Goobaha Buugaagta Lagu Gado iyo Dukaamada Canada oo Diidey in ay iibiyaan magazine daabacay sawirada Aflagaadeeyey Rasuulka.
  • 200,000 oo ah Buugaag ku saabsan Nebi Muxamed oo lagu qaybinayo magaalooyinka Ukraine

Qunsuliyada Talyaaniga ee Liibiya oo Dab la qabasiiyey

Deaths reported in Mohammed cartoons protest
Qunsuliyada Liibiya ee Benghazi oo lagubey


Qunsuliyada Talyaaniga oo la gubey
story.libya.protests.jpg
Gaari ku gubanaya meel u dhow Qunsuliyada Talyaniga ee Libiya

Gelinkii dambe ee Jimcadii Feb 17 ayaa boqolaal qof ay mudaharaad ku dhigeen magaalada Benghazi ee dalka Liibiya waxay iska hor yimaadeen ciidanka Booliska, waxaana lagu soo waramay in ay halkaas ku dhinteen 9 qof, in kastoo wararka qaar ay dhimashada gaarsiiyeen 11 qof.

Dadka mudaharaadayey waxa ay dab qabadsiiyeen qunsuliyada Talyaanigu ku leedahay magaalada Benghazi.

Dadka reer Libiya waxay ka mudaharaadayeen aflagaadada loo geystey Nebi Muxamed NNKH, gaar ahaan waxay ka caraysnaayeen wasiir Talyaani ah oo magaciisa la yiraahdo Roberto Calderoli, oo dhowaan ku dhawaaqay in uu xiran doono funaanad ay ku sawiran tahay sawir gacmeedka Aflagaadada ku ah Rasuulka. Ra'iisul wasaaraha Talyaaniga Silvio Berlusconi ayaa wasiirkaas ka dalbaday in uu jagada iska casilo.

Qunsuliyada Talyaaniga ee la gubey waxay ahayd tan keliya ee reer galbeedku ay ku leeyihiin magaalada Benghazi oo ah magaalo ku tal woqooyi-bari ee Liibiya.

Laakiin, Warbaahinta Liibiya (Jamahiriya) waxa ay sheegtay in mudaharadkaas looga soo horjeedey wargeyska reer Denmark ee daabacay sawir gacmeedyada aflagaadada ku ah Nebi Muxamed. Shabakada Jamahiriya ee ay dawladu gacanta ku hayso oo hadalkeedii sii wadata waxa ay qortay in dadkii mudaharaadka dhigayey ay halkaas baaq ka soo saareen, baaqaas oo ahaa in Liibiya laga xiro xafiisyada Denmark. Waxayna ururka Carabta iyo ururad Islaamka ugu baaqeen in cunaqabatayn lagu soo rogo dal kasta oo ku xad gudba diinta Islaamka, iyo in cunaqabatayn dhaqaale lasaaro Denmark, lana mamnuuco wax kasta oo laga soo dhoofan jirey Denmark iyo isticmaalka alaabada Denmark.

Waxa kale dadkii mudaharaadayey ay gubeen calanka Denmark.

Telefishanka Liibiya waxa uu soo saaray sawiro muujinaya dab qabsaday qunsuliyada Talyaaniga ee magaalada Benghazi. Wasiirka arrimaha dibada ee Talyaaniguna waxa uu xaqiijiyey in dab la qabad siiyey dabaqa koowaad ee daarta ay ku taal qunsuliyada Talyaanigu.

Safiirka Talyaaniga u fadhiya Liibiya oo magaciisa la yiraahdo Francesco Trupiano ayaa sheegay in shaqaalihii laga daad gureeyey oo aan wax dhaawac ah soo gaarin shaqaalahii qunsuliyadaas.

Waxaa kale oo mudaharaad Jimcadii ka dhacay magaalada Sebha, sida ay sheegtay warbaahinta Jamahiriya (ama JANA), dadka magaaladaas mudaharaadka ku dhigay oo ka soo horjeedey aflagaagadii loo geystey Nebi Muxamed NNKH.

Sheikh reer Pakistan ah iyo Dadkii uu Tujinayey oo Sheegay in ay Hal-million oo Doolar siinayaan Qofkii soo dila Ninkii Sameeyey Sawir Gacmeedka Aflagaadeeyey Rasuulka NNKH

Sheikh reer Pakistan ah ayaa khudbadiisii Jimcada ku sheegay in la siinayo hal-miiion oo doolar qofkii soo dila ninkii sameeyey sawir gacmeedyadii Aflagaadada ku ahaa Nebi Muxamamed. Waxaa kale oo Qaarada Aasiya ka bilowday caro cusub oo loogaga soo hor jeedo sawir gacmeedyadii uu daabacay wargeyska reer Denmark.

Nin muslim ah oo ku qaylinaya erayo ka dhan ah reer Yurub, waa mudaharaad ka dhacay
Quetta, Pakistan

Shabada Aljazeera oo soo xiganeysey hay'adda Reuters ayaa Jimcadii Feb 17 qortay in mudaharaadyada adduunka ka socdey toddobaadyada ee lagaga soo hor jeedo sawir gacmeedyada ay arrintaasi bilowday cabsi laga qabo iska hor imaad dhex mara xadaaradaha reer Galbeedka iyo Islaamka, waxaana qormadaasi xustay in labada dhinacba la weydiistey in ay is dejiyaan.

Jimcadii Feb 17, kumanaan qof ayaa mudaharaad ku dhigay dalka Pakistan. Dhanka dalka Bangladesh waxaa boolisku hor istaageen dad kusii qulqulayey dafaarada dalka Denmark ku leeyahay magaalada Dhaka. Xagaas iyo dalka Hindiyana waxaa boolisku sunta dadka kaga ilmaysiisa ku fureen, burar iyo ulona ku garaaceen dad ku mudahaaradayey magaalada Hyderabad.

Pakistan oo u Yeeratay Safiirkeedii...

Booliska Pakistan oo garaacaya nin ka mudaharaadayey sawir gacmeedyada aflagadada ku ah Nebi Muxamed NNKH

Dalka Denmark ayaa si ku meel gaar ah u xiray safaadadii uu ku lahaayeen Islamabad. Waxaana sidoo kale dalka Pakistan uu u yeertay safiirkoodii u fadhiyey Denmark si loola tashado.

Toddobaadkan waxaa dalka Pakistan ku dhintay shan qof, waxaana xabsiyada dalkaas loo taxaabay boqolaal qof oo mudaharaadayey.

Wasiirka arrimahja dibada ee Denmark waxa uu dadka u dhashay Denmark ugu baaqay in ay sida ugu dhaqsaha badan uga baxaan dalka Pakistan.


Yousef Qureshi
Sheikh lagu magacaabo Yousef Qureshi ayaa khudbadiisii Jimcada ku sheegay in uu shakhsiyan bixinayo lacag dhan 500,000 rupees (oo u dhiganta $8400) oo uu siinayo qof kasta oo soo dila ninka reer Denmark ee sameeyey sawir gacmeedyadii aflagaadeeyey Nasuulka NNKH . Waxaana isla goobtii khudbadu ka socotey ay laba qof oo khudbadiisa dhegeysaneyey ay lacataas ku dareen $1 million iyo hal-million rupees iyo hal gaari.

"Haddii reer galbeedku ay lacag dul dhigeen Osama bin Laden iyo Zawahri, waxaan anaguna ku dhawaaqeynaa in aan abaal marin siineyno qofkii dila kii cayda u geystey rasuulka sharafta leh" ayuu Yousef Qureshi u sheegay hay'adad wararka Reuters.

Waxay ahayd Febraayo 8dedii markii sarkaal ka tirsan Taalibaan uu sheegay in uu qofkii soo dila ninkii sameeyey sawir gacmeedyada aflagaadeeye rasuulka NNKH in uu siin doono 100 kilograms oo dahab ah oo abaal marin ah. Mullah Dadullah waxa uu sidaas teelefoon ugu sheegay Afghan Islamic Press (AIP).

Madxweynihii hore ee Maraykanka, Bill Clinton, iyo madaxweynaha Fransiiska, Jacques Chirac, ayaa labaduba Jimcadii Feb 17 sheegay in ay khalad ahayd daabacadii sawir gacmeedyada (lagu aflagaadeyey rasuulka).

Goobaha Buugaagta Lagu Gado iyo Dukaamada Canada oo Diidey in ay iibiyaan magazine daabacay sawirada Aflagaadeeyey Rasuulka.

Ezra Levant

Febraayo 13keedii ayey ahayd markii Magazine-a Xag Jira [Western Standard] ka soo baxa magaalada ku taal galbeedka Canada ee Alberta uu dib u daabacay sagaal ka mid ah 12-ka sawir-gacmeed ee wargeska Denmark uu ku aflagaadeyey Nebi Muxamed NNKH. Qoraaga Magazine-kaas oo magaciisa la yiraahdo Ezra Levant ayaa telefishanka Canada ee CBC waxa uu u sheegay in uu sawir gacmeedyadaas u daabacayo sababtoo ah ayuu yiri waa kuwo dhaliyey muran.

Shabaka wargeyskaas xag jira ayaa sheegay in dukaamada iyogoobaha Buugagta lagu gado ay diideen in xarumohooda la dhigo ama lagu iibiyo Magazine-kaas.

Shabakada Telefishanka Canada ee CBC ayaa qortay in Shirkada caanka ah ee iibisa buugaagta iyo Magazine-nada ee Canada ee magaceeda la yiraahdo Indigo Books ayaa Feb 14 diidey in ay iibiso magazine-ka reer Canada ee daabacay sawir gaceedyada aflagaadeyey Nebi Muxamed NNKH. Sidoo kale shirkadda diyaaradaha Air Canada ayaa diidey in ay qaado Magazine-kaas daabacay sawir gacmeedyada, diyaaradahas oomarkii hore qaadi jirey magazine-kaas.

Reer Canada oo Lagu Ammaanay sida ay u Qaabileen Sawir Gacmeedyadii..

Sida ay Jimcadii Feb 17 qortay shabada Telefishanka Qaranka ee Canada, CBC, urarada Muslimiinta ayaa ammaan u soo jeediyey dadka reer Canada sidii ay u qaabileen sawir gacmeedyadii aflagadada ku ahaa Nebi Muxamed NNKH.

Afhayeen u hadlayey ururada Muslimiinta Canada ayaa sheegay in sidoo kale ay amaaneen ra'iisul wasaaraha Canada Stephen Harper iyo Wasiirka Arrimaha dibada Canada Peter MacKay, sidii ay u wajaheen arrimaha ku saabsan sawir gacmeedyada.

200,000 oo Buug...

Urur Muslimiin ah oo reer Ukrain ah ayaa Jimcadii Feb 17 sheegay in ay daabacayaan 200,000 oo nuqul oo ah buugaag yaryar oo ku saabsan Nebi Muxamed NNKH, waxana ay ku qaybinayan magaalooyinka dalka Ukraine.

Sida ay qortay shabada IslamOnline, waxaa daafada adduunka cirka isku shareeray dadka danaynaya in ay wax ka ogadaan Nebi Muxamed NNKH.

  • Feb 17: Wararka kale ee Caalamka waxaa kamid ah in qabow aad u lixaad badan uu ka dhacay Qaarada Woqooyiga Ameerika, waxaana ugu sii daran dalka Canada iyo dhanka woqooyi ee USA. Dalka Canada waxaaoo qabowgu uu sababay in ay dhinteen shan qof. Daawo Halkan (CBC) . Dhanka dalka Filibiin ,tuulo ayaa gebi ahaanba waxaa ku soo dumey buur u dhoweyd, waxaana laga cabsi qabaa in ay dhinteen 1,500 oo qof.. Daawo halkan... CBC

Baarlamaanka Norway oo soo Saaray Xeer manuucaya In la Aflagaadeeyo Diimaha

70,000 oo Qof oo Mudaharaad ku dhigay Pakistan
iyo Baarlamaanka Norway oo soosaaray xeer mamnuucaya aflagaadada Diimaha iyo
Xildhibaanad reer Australia ah oo Raali gelin ka bixisay hadalkeed "Qaranka Islaamka" Guji..

Dhacdooyinka Sawir Gacmeedyadii lagu Aflagaadeeyey Nebi Muxamed NNKH.Guji

»Faallada Maanta: Denmark, Maxaa Dhacay?  | Cabdulqani

»GABAY: “GUUBAABO” : Gefkii loo gaystay Rasuulka SCW
»Gabay loogu gargaarayo Rasuulka (scw)... | Cali Mataan
»Birmad Gabay:: Ku xukuumada ka jirto Denmark | Mubashir
»Bannaanbaxyadii Mombasa iyo Nairobi...
»Mudaaharaadyo kadhacey Capetown & Pretoria
»Maalinta jaceeylka Rasuulka | C/Waaxid C/lahi


Sawirada: Islamonline, cnn, cbc, aljzeera, Ap, Reuters, google images, yahoo images, google news... Startribune Minnesota


Faafin: SomaliTalk.com | Feb 19, 2006


BARO SIIRADII NEBI MUXAMED (NNKH)

@Spam!

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Allah Is Great

Warar Kooban: Sawir Gacmeedyadii lagu Aflagaadeeyey Nebi Muxamed NNKH.Guji


Mudaharaadkii London, UK

Dumar reer Flastiin ah oo mudaharaadaya oo kor u sida Kitaab Qur'aan ah.

Mudaharad Looga soo Horjeedo Aflagaada loo Geystey Nebi Muxamed NNKH oo lagu Qabtay Boosaaso


Kumanaal Muslimiin reer Bangaladhesh ah oo magaalada caasimada oo k amudaharadaadaya aflagaadadii loo geystey Nebi Muxamed

Reer Siiriya oo sii wada mudaharaadka

Reer Joordan oo k amudaharadaada sawir gacmeedka lagu aflagaadeeyey Rasuulka

Ciraaqiyiin ku timanaya calanka Denmark

Muslimiinta Indonesia oo gubya calanka Denmark
Young supporters of Islamic Felicity Party shout slogans in front of the Danish Embassy in Ankara, Wednesday, Feb. 1, 2006, to protest caricatures of the Prophet Muhammad published by a Danish newspaper, sparking outrage in Muslim countries, Protesters asked people to boycott Danish goods.(AP Photo/Burhan Ozbilici)
Muslimiin Arbacadii ku hor mudaharaadaya safaarada Denmak ee Ankara.. Washintonpost

Sawir gacmeedyadu waxay meel uga dheceen 1.3billion oo Muslim ah


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD