SomaliTalk XAYAYSII


Home | Zakaat | Quraan |   Siiro | Search | Saxaabo |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - DENMARK


  • Pakistaan oo ay weli ka socdaan banaanbaxyada ka dhanka ah Denmark
  • Wasiir talyaani ah oo soo xirtay funaanad ay ku sawirneyd sawiradii Nabiga lugu aflagaadeynayey shaqadiisana ku waayey
  • Xabsiga Abuu Gureyb oo fadeexo kale laga soo sheegay

Ikraam Cali-kaar
Gothenburg- Sweden

Pakistaan oo ay weli ka socdaan banaanbaxyada ka dhanka ah Denmark

 
Dalka Pakistaan ayaa weli waxaa si xowli ah uga socdaa banaanbaxyadii ka dhanka ahaa dalka Denmark, in ka badan konton kun oo qof ayaa maanta dibadbaxyo ay kaga soo horjeedaan aflaagaadadii wargeyska Jyllands-psten u geystay Nabi Muxamed NNKh ka dhigay magaalada Karachi.

Dadkan banaanbaxayey ayaa maanta gubay sawirada ra'iisal wasaaraha dalkaasi Denmark iyo Madaxweyne Bush-ka Mareykanka waxaana ay ku qeylinayey ereyo naceyb ah oo ay uga soo horjeedaan. Denmark ayaa xiisadan awgeed  bilowday iney shaqaalaheedii gurmadka ee dalkaasi u tagay dhul gariirkii ku dhiftay sanadkii hore kasoo daad gureysato si halkaasi dadweynaha careysan aaney u dhibaateyn.

 
Dhinaca kale ra'iisal wasaaraha Denmark Anders Fogh Rasmussen ayaa eed dusha uga tuuray dhigiisa Sweden ee Göran Person kadib markii sida uu sheegay uu arrimaha gudaha Denmark la soo galay faraha. Wareysi uu siiyey wargeyska ku hadla Afka Jarmalka ee la yiraahdo Der Spiegel ayuu ku sheegay in dhigiisa Sweden aanu taageero ka helin halka ra'iisal wasaaraha Sweden uu sheegay "inuu si diblomaasiyadeed u wajihi lahaa amuurtan haatan la soo gudboonatay haddii isaga qabsan laheyd". Balse isagoo weli sii wada dhaleeyceyntiisa ayuu sheegay in ra'iisal wasaaraha Sweden aanu aheyn ninka dhibaatan soo wajaday islamarkaasina aysan habooneyn inuu faraha la galo arrimaha gudaha dal kale siyaasada dalkiisan ay tahay had iyo goor mida saxan.
 
 
Wasiir talyaani ah oo soo xirtay funaanad ay ku sawirneyd sawiradii Nabiga lugu aflagaadeynayey shaqadiisana ku waayey
 

Roberto Calderoli
Wasiir kamid ah wasiirada dalka Talyaaniga ayaa shalay oo arbaca ah waxaa laga fariisiyey shaqadiisi kadib markii uu soo xirtay funaanad ay ku sawirneyd sawiradii foosha xumaa ee lugu aflagaadeynayey Nabi Muxamed NNKH ah. Wasiirkan oo magaciisa lugu sheegay Roberto Calderoli ayaa ra'iisal wasaaraha dalkaasi Silvio Berluscini ka eryay shaqadiisi, waxaana markii la eryey kadib  wareysi uu siiyey telefeyshinka RAI ee dalkaasi soo xirtay funaanadii  jagadiisa looga casilay.

 "Funaanadan  waxey ka dhigan tahay xorriyada cabirka hadalka" ayuu yiri ninkan oo telefeyshinkaasi RAI siinayey wareysi isagoo muujinaya sida uu gu faraxsan yahay falka uu sameeyey, dhinaca kalena sheegay ineysan habooneyn in gacanta loo qaado kuwii muujinayey banaanbaxyadii ka dhanka ahaa sawiradii kartoonka ahaa.

Dhinaca kale ra'iisal wasaare Berlusconi ayaa shalay gelinkii dambe kulan uu la yeeshay wasiirka arrimaha dibada dalka Liibaya ay kawadahadleen amuuraha la xirrira aflagaadadii loo geystay Nabi Muxamed oo wargeysyo reer galbeed ahi daabaceen.

 
Xabsiga Abuu Gureyb oo fadeexo kale laga soo sheegay
 
Dabcan uma baahna tafaasiil iyo sharaxaad muuqaalada naxdinta leh ee laga soo gudbibiyey xabsiga Abuu Gureyb ee ay maamulaan dad muuqaal bani'aadnimo leh balse ka liita xayawaanka.

Tani waa qeyb kamid ah dhacdooyinka foosha xun ee ay ku kacaan ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalka Ciraaq. Teefeyshinka SBS ee dalka Australia ayaa soo bandhigay sawiro horleh oo la xirriira tacadiyada ka baxsan bani'aadnimada ee ay ku kacayaan ciidamo ku sheega dalkaasi xooga ku qabsaday, sawiradan oo ka duwan kii hore loo baahiyey ayaa ka naxdin badan kuwii hore waxaa qaar kamid ah muuqaaladaasi muujinayaan nin lugu amray in madaxiisa ku garaaco albaab kamid ah xabsiyada oo biro ka sameysan jeer uu ninkaasi madaxiisa ka yimid dhiig xanuun awgiisna la ooynayo. Sawiro kale ayaa iyagana muujinaya qaar si xun loo dilay iyo qaar fal xaga jinsiga ah lugula kacay. 

Wasaarada Gaashandhiga ee dalkaasi Mareykanka ayaa masuul ka tirsan sheegay in sawiradaasi yihiin kuwo sax ah, islamarkaasina  ay kordhinayaan carada iyo ciilka ay Muslimiinta u qabaan dowladiisa.  Sidoo kale ayuu sheegay iney yihiin wax looga xumaado falka ay ku kaceen kuwo uu ku sheegayo ciidamada eedib lagala xisaabtami doono.

Toddobaadkii hore ayaa wargeyska la yiraahod News Of the world soo bandhigay muuqaal muujinaya askar ingiriis ah oo si xun u garaacaya dhalinyaro reer Ciraaq.

Ikraam Cali-kaar
Gothenburg- Sweden
Ikraam@journalist.com

70,000 oo Qof oo Mudaharaad ku dhigay Pakistan
iyo Baarlamaanka Norway oo soosaaray xeer mamnuucaya aflagaadada Diimaha iyo
Xildhibaanad reer Australia ah oo Raali gelin ka bixisay hadalkeed "Qaranka Islaamka" Guji..

@Spam!

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Allah Is Great
30 Sept 2005: Joornaal ka soo baxa Denmark (Jyllands-Posten) ayaa daabacay sawir gacmeedyo aflagaado ku ah Nebi Muxamed.
20 Oct 2005: Ambaasadoorada 11 dal ee Muslim ah u fadhiya Denmark ayaa waxay warqad u direen ra'iisul wasaaraha Denmark ay ku weydiisanayaan in ay la shiraan, ayagoo ugu baaqay in uu wax qabato wargeyska daabacay sawir gacmeedyada, waxana uu ra'iisul wasaaruhu diidey kulankaas.
Oct 14, 2005: Lix iyo toban hay'adood oo Muslimiin ah Reer Denmark ay ayaa cambaareeyey wargeyska Jyllands-Posten, waxana sheegeen in Muslimiinta la daan-daansanayo.
20 Oct 2005: Muslim Safiirada Muslimka ayaa waxay cabasho u gudbiyeen ra'iisul wasaaraha Denmark.
10 Jan 2006: Wargeys reer Norway ah oo lagu magacaabo Magazinet, ( Christian newspaper ee Norway)ayaa daabacay sawir gacmeedyadii wargeyska Denmark ee aflagaadada ku ahaa Rasuulka NNKH.
25 Jan 2006:
M
uftiga dalka Sacuudiga Sh. Cabcicasiis Aala-Sheekh uu soo saaray fatwo uu ugu yeerayo shirkadaha sacuudiga, iyo guud ahaan ganacsatada muslimiinta inay jaraan xiriirkooda dhaqaale ee ay la leeyihiin shirkadaha laga leeyahay Denmark,
26 Jan 2006: Saudi Arabia ayaa u yeertay safiirkoodii u fadhiyey Denmark. Waxaana sucuudiga ka bilowday joojinta alaabta laga keeno Denmark.
30 Jan 2006: Waxaa weerar lagu qaaday xafiiska Midowga Yurub ee Gaza ayadoo la weydiisanayo raali gelin in ay bixiyaan
31 Jan 2006: Joornaalkii Denmark ayaa bixiyey wax u eg raali gelin
1 Feb 2006: Wargeysyo reer Yurub ah ayaa mar kale daabacay sawir gacmeedyadii iyagoo ku taageeraya Denmark iyo waxa ay ugu yeeraan Xorriyatul Qowlka, wargeysda daabacay waxaa kamid ah France, Germany, Italy iyo Spain .
3 Feb 2006: Dad mudaharaadaya ayaa isugu soo baxay meelo badan oo k amid ah dunida, sida  London UK, Ciraaq, Pakistan, iyo Indonesia
4 Feb 2006: Waxaa dad caraysani weerareen,dabna qabadsiiyeen safaaradaha Denmark iyo Norway ee dalka Suuriya.
5 Feb 2006: Waxaana mudaharadyo lagu qabtay 25 dal. Dad mudaraadayey ayaa gubey safaarada Denmark ee magaalada Beyruut, Lubnaan.  Waxaa is casiley wasiirkii arrimah agudaha ee Lubnaan.
6 Feb 2006:
Ciidamada Booliska Afganistan ayaa rasaas ku furan dad mudaharadaadayey halkaas waxaa ku dhintay afar qof. Magaalada Boosaasona waxaa ku dhintay wiil 14-jir ah.

Dhibaatooyinka Soo Foodsaara Ubadka iyo Hooyooyinka Soomaaliyeed ee Denmark
Warbixin: Ibraahim Saalax oo booqay tuulada Gudbjerg ee gobolka Fyn, Denmark ayaa sheegay in..
GUJI.. 30/8/02
 
SOOMAALIDA ODENSE OO U QAXAYA DALKA ENGLAND  

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD