SomaliTalk XAYAYSII


Home | Zakaat | Quraan |   Siiro | Search | Saxaabo |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - DENMARK


  • Banaanbax aad u balaaran oo looga soo horjeedo Aflagadadii loo geestay Nabi Muxamed S.C.W oo kadhacay magaalada Mombasa.
  • BANAANBAX WEYN OO KA DHACAY KENYA

Banaanbax aad u balaaran oo looga soo horjeedo Aflagadadii loo geestay Nabi Muxamed S.C.W oo kadhacay magaalada Mombasa.

Qoraa aad looga yaqaan dalka France oo magaciisa la yiraahdo Eric Geoffroy ayaa yiri: waa laba wajiilayn habka ay reer galbeedku u maareeyeen sawir gacmeedyada lagu aflagaadaynayey Nebi Muxamed NNKH. Waxana uu intaas ku daray isagoo la hadlayey IslamOnline in ay reer Galbeedku ilowsan yihiin oraahda falsafeedka caanka ah ee ah xorriyada qof waxa ay dhammaataa marka ay bilaabato xorriya qof kale. AKHRI
Jimce: Feb 10, 2006: Banaan baxaan oo aad u balaarnaa ayaa wax uu ahaa mid beryahaan dhanba diyaar garoow loogu jiray, taasoo uu ku dhawaaqay jiifka ugu weyn wadankan Kenya oo asiga maalmo kahor soo jeediyay in la isugu soo baxo banaanbax ka dhan ah aflagaadadii loo geestay Nabi Moxamed S.C.W.

Banaan baxaan ayaa ah mid looga soo horjeedo aflagaado uu daabacay wagreys kasoo baxan wadanka Denmark oo lagu magacaabo (Jyllands-Posten) kaasoo daabacay 12 sawir gacmeed oo uu ku aflagaadeeynayo sharaf badnaha Nabi Muxamed S.C.W.

Dadweyne aad u fara badan oo isugu jira, Odoyaal, Dhalinyaro,Caruur, iyo Haweenba ayaa waxa ay socd gaaban kusoo mareyn wadooyin kamid ah magaalada Mombasa, si ay u muujiyaan sida ay ugu xunyihiin in la aflagaadeeyo Nabi Muxamed N.N.K.H. ayagoo watay boorar ay ku qoran yihiin erayo ay ku muujinayaa sida ay uga xunyihiin aflagaada loo geystay, iyo boorarkasi qaar kamid ah oo ay ku qornaayeen "Saxaafada xurta ah ma’ahan in lagu aflagaadeeyo Nabi ama ILLAAH". Ma’ahan in saxaafada xurta ah si qaldan loo fahmo ama meel looga dhaco xuriyada qoraalka, waan ka xunyahay shaqsi noocaa oo kale in uu aflagaadeyo Nabi muxamed", ayuu yiri mid ka mid ahaa dadkii ka qeybgalayay banaan baxaasi.

Socod gaaban kadib ayaa waxaa la isugu imaday meel fagaaro ah oo lagu magacaabo Tananoka, si loogu jeediyo qudbado gaagaan oo lagu muujinayo ujeeda la isugu soo baxay maanta, dadkii meeshaa ka hadlayayaa waxaa kamid ahaa Ustaad Shaami oo asigu ka mid ah Culumaa udiinka magaalada mombasa, ayaa waxaa uu hadalkiisa ku bilaabay "Nafteena iyo Dhiigeena waxaan u hureeynaa sidaan u difaaci laheyn Nabi Muxamed S.C.W, ma’ahan oo kaliya in aan maanta meeshaan isugu soo bano beritana aan iska seexano, ee mar walba waa in aan difaanacaa diina iyo Nabigeena mana u dulqaadaneyno in la aflagaadeeyo Nabi Muxamed S.C.W" ayuu yiri ustaadka.

Banaanbaxaan ayaa asigu qeyb ka ah banaanbaxyo beryahaanba ka socday meelo badan oo kamid ah dunida, kaaso muslimiinta dunida ay ku muujinayeen sida ay uga xunyihiin aflagaadadii uu daawacay wargeyska lagu magacaabo (Jyllands-Posten) kasoo dadweyni aad u farbadan oo dunida ku kala nool aad uga careeysiiyay.

Sikastaba ha ahaate banaan baxaan ayaa asigu aanan wax rabsho ah kadhicin marka uu dhamaaday , waayo jiifka oo asigu kadhwaaqay banaanbaxaan ayaa kadigay in waxrabshado ah lagu sameeyo inta lagu gudajiro banaanbaxan , kaasoo ugu dambeyntii si nabadgalyo ah ku dhamaaday.

 
Shuaib Hassan
Mombasa-Kenay

BANAANBAX WEYN OO KA DHACAY KENYA

Canab Abdule | canabmumtaz@yahoo.com

 

Magaca Nebi Muxamed NNKH oo noqday kan loogu hadal haynta badan yahay dalka France, kaddib aflagaadadii wargeyska Denmark. Waxaa wargeysyada dalka France boggagooda hore camiray warar looga hadlayo Diinta Islaamka.. CLICK
Jimce: Feb 10, 2006: Kumanaan Muslimiinta Reer Kenya ah ayaa socod ku maray wadooyinka waaweyn ee Magaalooyinka Nairobi iyo Mombaasa iyagoo caalamka Islaamka la qabsanaya cambaareynta ay u jeedinayaan warbaahinta reer galbeedka qaarkood oo daabacay sawir gacmeedyo ay ku tilmaameen Nabi Muxamad (NNKH).
 
Banaanbaxa ka dhacay Nairobi ayaa hal qof ku geeriyooday iyadoo ay ku dhaawacmeen shan qofood kadib markii baabuur si weyn ay dadku iskugu gureen banaanbaxayaashu uu jiiray mid ka mid ahaa dhalinyaradii shantaasna uu dhaawac u gaystay mar ay marayeen wadada weyn ee waiyaki way,banaanbaxayaasha oo socod ku maray wadooyinka kale ee magaalada ayaa socod ku tagay xafiiska Wasiirka Arrimaha dibada ee Kenya balse aanan la kulmin isagoo la sheegay in uu ka maqnaa xafiiska shaqadiisa.
 
Af-hayeenka Muslimiinta Kenya Yahya Mohammed ayaa ku tilmaamay mid waxyeelo weyn keenaysa ku xagdgudubka mid kasta oo ka mid ah Ambiyadda uu Alle soo diray,ayna tahay muhiim in diimaha la xaq dhowro, waxa uu intaas ku daray in cudurdaarka ay ka bixisay dowlada Denmar uusan kaafin karin niyada malaayiin musliimiin ah waxa ayna dalbadeen in ay la yimaadaan dhamaan Dadalka warbaahintoodu ay ku xadgudubtay Rasulka Kariimka Ah in ay la yimaadaan Cudur daar weyn oo la taaban karo Daawana u ah Muslimiinta caalamka  oo dhan.
 
Dhinaca Magaalada Xeebta ah ayna ku badan yihiin Muslimiinta ee Mombaasa ayaa waxaa iskugu soo baxay wadooyinka waaweyn kumanaan dad ah oo watay boorar muujinaya difaacida Rasuulka iyo Amaantiisa,waxa ayna ku dhawaaqayeen Hadalo cambaareyn ahaa oo ay u jeedinayeen Warbaahinta Wadamada Yurub Qaarkood gaar ahaan Wadanka Denmark.
 
Mudaaharaadkan waxaa reer mombaasa kala qaybgalay Jiif Khadiga Muslimiinta Kenya oo dhan,Duqa Magaaladaas Taib Ali Taib iyo Najiib Balala sidoo kale Culumo waaweyn ayaa iyagana ka qayb galay kadib markii ay salaadii jimce ka soo baxeen.Mudaaharaadka Mombaasa ayaa ku dhamaaday jawi Nabad ah.
 
Muslimiinta Reer Kenya ayaa ka dalbaday Dowlada in ay cunaqatayn ku soo rogto dhamaan waxyaabaha ka yimaada wadanka Denmark,safiirka kenya u fadhiya Denmar ayaa horay u dalbaday in mudaaharaadyada laga qabaqaabinayo Kenya aan waxyeelo loogu gaysanin Safaaradaha ajnabiga ah sida tan Demark.
 
Dalka Kenya caadiyan  sharciga  xagga diimaha ayaa ah mid xor ah banaanbaxan oo si nabad ah ku dhacay guud ahaan ayaa waxaa qayb weyn ka qaatay ciidamada Amiga ee dowlada oo aan shacabka u adeegsanin wax gacan ka hadal ah intii ay socdeen inkastoo muslimiinta horay looga codsaday in aysan gacan ka hadal gaysanin inta uu socdo Mudaaharaadka.

Canab Abdule | canabmumtaz@yahoo.com

@Spam!

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Allah Is Great

MUFTIGA SACUUDIGA SH. CABDIL CAZIIZAALA-SHEIKH


Dr.Yusuf Al-Qaradaawi

Carsten Juste, Madaxa Tifaftiraha wargayska Jyllands Posten

Ra'iisalwasaare Anders Fogh Rasmussen


"Maxay uga hadlaan dimoqraadiyad iyo xoriyad marka arrinta laga hadlayaa ay khuseyso Islaamka? haddii ay khuseyso diimaha kale xaqiiqadu waa is bedeleysaa" sidaas waxaa yiri Camar Muusa, madaxa ururka Arabta


JAWAABIHII AY CULUMADA MUSLIMIINTA KA BIXIYEEN AFLAGAADDADII AY WARGAYSKA JP U GAYSATAY RASUULKA (SCW)



Dumar reer Flastiin ah oo mudaharaadaya oo kor u sida Kitaab Qur'aan ah.


Kumanaal Muslimiin reer Bangaladhesh ah oo magaalada caasimada oo k amudaharadaadaya aflagaadadii loo geystey Nebi Muxamed

Reer Siiriy aoo sii wada mudaharaadka

Reer Joordan oo k amudaharadaada sawir gacmeedka lagu aflagaadeeyey Rasuulka

Ciraaqiyiin ku timanaya calanka Denmark

Muslimiinta Indonesia oo gubya calanka Denmark
Young supporters of Islamic Felicity Party shout slogans in front of the Danish Embassy in Ankara, Wednesday, Feb. 1, 2006, to protest caricatures of the Prophet Muhammad published by a Danish newspaper, sparking outrage in Muslim countries, Protesters asked people to boycott Danish goods.(AP Photo/Burhan Ozbilici)
Muslimiin Arbacadii ku hor mudaharaadaya safaarada Denmak ee Ankara.. Washintonpost


Sawir gacmeedyadu waxay meel uga dheceen 1.3billion oo Muslim ah

 


Dhibaatooyinka Soo Foodsaara Ubadka iyo Hooyooyinka Soomaaliyeed ee Denmark
Warbixin: Ibraahim Saalax oo booqay tuulada Gudbjerg ee gobolka Fyn, Denmark ayaa sheegay in..
GUJI.. 30/8/02
 
SOOMAALIDA ODENSE OO U QAXAYA DALKA ENGLAND  

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD