SomaliTalk XAYAYSII


Home | Zakaat | Quraan |   Siiro | Search | Saxaabo |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - DENMARK


ISKU SOO BIXII UGU WEYNAA EE MUSLIMIINTA KENYA OO DHACAYA JIMACAHA

  • Taliban oo Abaalmarin ku bixineysa qofkii soo dila kii sameeyey sawir gacmeedka...
  • Turkiga: Joojinta Alaabada/Daawooyinka ka timaada Denmark iyo Norway
  • Wasiirada Arrimaha Dibada Sweden oo la kulantay danjiriyaasha dalalka Islaamka
  • Midowga Yurub, Qaramada Midoobey iyo Ururka Islaamka oo isku afgartay...
  • Wasiirkii hore Arrimaha Dibada Denmark oo codsaday in la casilo tafaftirihii wargeyska Jylland-Posten
  • Denmark oo diiday iney la shaqeyso Immaamyada Muslimiinta dalkeeda
  • Baadari dhaleeceyey wargeyskii aflagaadeyey Rasuulka NNKH
  • Wargeyskii aflagaadeyey Rasuulka oo doonaya inuu soo bandhigo sawiro wax looga sheegayo Yahuudii Hitler-ku gumaaday
Taliban oo Abaalmarin ku bixineysa qofkii soo dila kii sameeyey sawir gacmeedka...

Sida ay werisey Aljazeera oo soo xiganeysey wargeyska AIP (Afgan Islamic Press), qofkii dila kii sameeyey sawir gacmeedkii Aflagaadada ku ahaa Rasuulka NNKH " waxa ay Taliban siineysaa 100 Kiilo oo dahab ah," sida uu yiri Mullah Dadullah. Dadullah waxa kale oo uu yiri Taliban waxay siineysaa shan kiilo oo dahab ah qof kasta oo dila Danish, Norwegian ama German.

  • AFGHANISTAN: 600 oo qof oo mudaharad ku dhigayey magaalada Qalat oo ku taal koonfurta Afganistan ayaa waxaa rasaas ku furay booliska, waxaana la sheegay in ay dhinteen saddex qof (warar ayaa dhimashada gaarsiiyey shan qof), 20 qof oo kalena waa ku dhaawacmeen. Meelaha kale oo mudaharaadyada xooga lehi Arbacadii ka dheceen waxaa kamid ah Pakistan iyo Ciraaq.
  • FRANCE: Wargeys ka soo baxa France oo magaciisa layiraahdo Charlie-Hebdo ayaa Arbacadii dib u daabacay sawir gacmeedyadii Aflagaadada ku ahaa Rasuulka NNKH, waxana uu wargeyskaasi ku soo darsaday sawir dheeraad. Dhanka kale Qoraa aad looga yaqaan dalka France oo magaciisa la yiraahdo Eric Geoffroy ayaa yiri: waa laba wajiilayn habka ay reer galbeedku u maareeyeen sawir gacmeedyada lagu aflagaadaynayey Nebi Muxamed NNKH. Waxana uu intaas ku daray isagoo la hadlayey IslamOnline in ay reer Galbeedku ilowsan yihiin oraahda falsafeedka caanka ah ee ah xorriyada qof waxa ay dhammaataa marka ay bilaabato xorriya qof kale.

Turkiga: Joojinta Alaabada/Daawooyinka ka timaada Denmark iyo Norway

"Laga bilaabo talaadadii, waxaa 110 ah maqaasiinada (stores) waaweyn laga nadiifiyey alaabada ka timaada Denmark iyo Norway" waxaa sidaas warbaahinta u sheegay Vahit Kiler oo k atirsan xisbiga AKP. Waxana uu dhammaan dalalka Islaamka ugu baaqay in ay joojiyaan alaabooyinka labadaas dal (Denmark & Norway). Xubin kale oo ka tirsan baarlamaanka Turkiga ayaa ku baaqay in turkigu joojiyo daawada (insulin) ee laga keeno Denmark. Waxana xildhibaankaasi yiri waa in dib loo eego qandaraasyada shirkada daawada ee Denmark ee loo yaqaan NOVA Nordisk taas oo farmashiyayaasha Turkiga keenta boqolkiiba 60% daawada nooca Insulin. Taas oo kharashkeedu yahay 60 million dollars.

ISKU SOO BIXII UGU WEYNAA EE MUSLIMIINTA KENYA OO DHACAYA JIMACAHA

Canab Abdule | canabmumtaz@yahoo.com

 
Qoraa aad looga yaqaan dalka France oo magaciisa la yiraahdo Eric Geoffroy ayaa yiri: waa laba wajiilayn habka ay reer galbeedku u maareeyeen sawir gacmeedyada lagu aflagaadaynayey Nebi Muxamed NNKH. Waxana uu intaas ku daray isagoo la hadlayey IslamOnline in ay reer Galbeedku ilowsan yihiin oraahda falsafeedka caanka ah ee ah xorriyada qof waxa ay dhammaataa marka ay bilaabato xorriya qof kale. AKHRI
Qaadiga sare ee muslimiinta Kenya sheekh Hammad khasim  ayaa ugu baaqay muslimiinta ku nool guud ahaan wadanka Kenya in ay ka taxadaraan qalalaaso ka dhasha mudaaharaadyada la qabanqaabinayo in laga sameeyo dhamaan magaalooyinka muslimiinta ay dagaan ee wadanka Kenya.
             
Mudaaharaadyadan oo la sameyn doono maalinta jimcaha ee nagu soo aadan hadii Alle idmo,ayaa Sheikh Hamad oo taageersan in ay si nabaqdgelyo ah ku dhacaan mudaaharaadyadaas looga soo horjeedo aflagaadadi loo geestay Nabigeena Maxamed (NNKH)  waxaa uu ku booriyay muslimiinta in ay ilaaliyaan sumcada diinta islaamka marka ay sameynayaan  banaanbaxyadaasi wuxuuna si gaar ah ugu baaqay dhalinyarada in aysan geysanin falal ay kamid yihiin Qarbudaada iyo rabshadaha
 
Maalinta jimcaha ayaa waxaa la filayaa masaajidada ku yaala magaalooyinka waaweyn ee muslimiinta ay ku badan yihiin in khudbada salaada jimcaha looga hadlo warbaahinta ku xadgudubtay Rasuulka Kariimka Muhamed (NNKH) iyo in la qabto salaada ka dib banaanbaxyo si nabad galyo ah u dhaca oo ay ku muujinayaan shucuurtooda islaanimo ee diidan in diintooda lagu xadgudbo.
 
Markii ugu horaysay wadankan Kenya waxaa ka hadlay baaqna ka soo saaray Gollaha culumada iyo Imaamyada Gobolka Somalida ay dagto ee W.bari kenya,Imamyada  masaajidada  ku yaala magaalooyinka Gaarisa, Mandhera iyo Wajer ayaa looga hadlay salaadii khudbada ee jimcihii aan hore  gafkii loogu gaystay nabigeena Muxamad NNKH Qaar ka mid ah Warbaahinta reer galbeedka gaar ahaan waxa ay culumada eedayn usoo jeediyeen iyo cambaarayn Wargayska ka soo baxa dalka Denmark iyagoo waliba ka dalbaday Muslimiinta Kenya in ay wax la qaybsadaan malaayiinta Muslimka ah ee dunida iyagoo dowladana u diray hadal ah in ay albaada u laabto safaaradeeda dalka Denmark.

Canab Abdule | SomaliTalk | Kenya | canabmumtaz@yahoo.com

Wasiirada Arrimaha Dibada Sweden oo la kulantay danjiriyaasha dalalka Islaamka

Ikraam Cali-kaar
 
WARAR KOOBAN:
30 Sept 2005: Joornaal ka soo baxa Denmark (Jyllands-Posten) ayaa daabacay sawir gacmeedyo aflagaado ku ah Nebi Muxamed.
20 Oct 2005: Ambaasadoorada 11 dal ee Muslim ah u fadhiya Denmark ayaa waxay warqad u direen ra'iisul wasaaraha Denmark ay ku weydiisanayaan in ay la shiraan, ayagoo ugu baaqay in uu wax qabato wargeyska daabacay sawir gacmeedyada, waxana uu ra'iisul wasaaruhu diidey kulankaas.
Oct 14, 2005: Lix iyo toban hay'adood oo Muslimiin ah Reer Denmark ay ayaa cambaareeyey wargeyska Jyllands-Posten, waxana sheegeen in Muslimiinta la daan-daansanayo.
20 Oct 2005: Muslim Safiirada Muslimka ayaa waxay cabasho u gudbiyeen ra'iisul wasaaraha Denmark.
10 Jan 2006: Wargeys reer Norway ah oo lagu magacaabo Magazinet, ( Christian newspaper ee Norway)ayaa daabacay sawir gacmeedyadii wargeyska Denmark ee aflagaadada ku ahaa Rasuulka NNKH.
25 Jan 2006:
M
uftiga dalka Sacuudiga Sh. Cabcicasiis Aala-Sheekh uu soo saaray fatwo uu ugu yeerayo shirkadaha sacuudiga, iyo guud ahaan ganacsatada muslimiinta inay jaraan xiriirkooda dhaqaale ee ay la leeyihiin shirkadaha laga leeyahay Denmark,
26 Jan 2006: Saudi Arabia ayaa u yeertay safiirkoodii u fadhiyey Denmark. Waxaana sucuudiga ka bilowday joojinta alaabta laga keeno Denmark.
30 Jan 2006: Waxaa weerar lagu qaaday xafiiska Midowga Yurub ee Gaza ayadoo la weydiisanayo raali gelin in ay bixiyaan
31 Jan 2006: Joornaalkii Denmark ayaa bixiyey wax u eg raali gelin
1 Feb 2006: Wargeysyo reer Yurub ah ayaa mar kale daabacay sawir gacmeedyadii iyagoo ku taageeraya Denmark iyo waxa ay ugu yeeraan Xorriyatul Qowlka, wargeysda daabacay waxaa kamid ah France, Germany, Italy iyo Spain .
3 Feb 2006: Dad mudaharaadaya ayaa isugu soo baxay meelo badan oo k amid ah dunida, sida  London UK, Ciraaq, Pakistan, iyo Indonesia
4 Feb 2006: Waxaa dad caraysani weerareen,dabna qabadsiiyeen safaaradaha Denmark iyo Norway ee dalka Suuriya.
5 Feb 2006: Waxaana mudaharadyo lagu qabtay 25 dal. Dad mudaraadayey ayaa gubey safaarada Denmark ee magaalada Beyruut, Lubnaan.  Waxaa is casiley wasiirkii arrimah agudaha ee Lubnaan.
6 Feb 2006:
Ciidamada Booliska Afganistan ayaa rasaas ku furan dad mudaharadaadayey halkaas waxaa ku dhintay afar qof. Magaalada Boosaasona waxaa ku dhintay wiil 14-jir ah.
Wasiirada Arrimaha Dibada Sweden haweeneyda la yiraahdo Laila Freidvalds ayaa shalay oo talaado ah gelinkii dambe waxey la kulantay labo iyo toban danjire oo ka tirsan dalalka Islaamka kuwaasoo dhamaantood u fadhiya dalkan Sweden.

Kulanka wasiirada iyo danjirayaashaas ayaa isla soo qaaday xiisada ka dhalatay sawirada kartuunka ah ee lugu sheegay Nabi Muxamed NNKH ee u sawiray wargeyska Jyllans- Posten dunida Islaamka si weyn uga careysiiyey. "Haddii xitaa laga xumaaday sawiradaasi maahan kuwo la aqbali karro in safaaradahayaga la wax yeeleeyo" ayey tiri wasiiradu oo u muuqata iney difaaceyso wargeyskii Jyllads-posten, iyadoo ka hadlin carada muslimiinta muujiyeen siina daba dhigtay hadalkeeda in dalkasta uu isaga ka yahay mas'uul dhowrista goobaha dibmolaasiyadeed ee shisheeyaha ah.

Dhinaca kale waxey ka hadashay dowrka ay saxaafada Sweden ka qaadatay ee la xirriira ineysan soo bandhigin sawirada muranka dhaliyey oo ay aad u amaantay waxaana ay xustay in dowladu aysan faraha la soo geli karrin waxyaabaha saxaafadu qoreyso.

Ilaa iyo hada si rasmi ah looma soo bandhigin waxey ka wadahaleen danjirayaashaasi dalalka Islaamka ah iyo wasiirada Arrimaha dibada Sweden ee ku saabsan muranka sawirada kartuunka ah ee xiisada degenaan la'aanta ah dunida ku soo kordhiyey, marka laga reebo iney haweeneydaasi ka bixi weysay amaanta saxaafada Sweden iyo sharciyada u yaala.

 
 
Midowga Yurub, Qaramada Midoobey iyo Ururka Islaamka oo isku afgartay...
 
Afhayeenka xoghayaha arrimaha dibada midowga yurub, xoghayaha Qaramada Midoobay iyo urrurka Islaamka ayaa si wadajir ah waxey u cambaareeyen sawiradii kartuunka ahaa ee dhaliyey muranka iyo carada Muslimiinta. Balse waxey taageero u muujiyeen xorriyada qowlka saxaafada, sidoo kalena waxey dhaleeceyn dusha uga tuureen dadka sida qaldan saxaafada u adeegsaday ee Islaamka fikirka qaldan ka bixiyey.
 
" Waxaan aragnaa Xorriyada saxaafada iney masuul ka tahay ixtiraamka diimaha iney tixgelisana ay tahay waajib" ayaa lugu yiri cambaareyntii ay si wada jir ah qoraal ahaanta loogu soo saaray. Dhinaca kale ururka Islaamka wuxuu eeda dusha ka saaray dowlada Denmark oo iyadu aan cambaareysay wargeyskii fidna abuuray. Midowga Yurub, Qaramada Midoobey iyo Ururka Islaamka waxey sidoo kale jaha wareer diblomaasiyaadeed ku tilmaameen rabshadihii lugu gubay safaaradihii Denmark ee Beyruut iyo Dimishiq, gaar ahaan ururku wuxuu ku tilmaamay in falkaasi yahay mid dhaawacaya Islaamka.
 
Wasiirkii hore Arrimaha Dibada Denmark oo codsaday in la casilo tafaftirihii wargeyska Jylland-Posten
 
Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibada dalkaasi Denmark Uffe Ellemann-Jensen ayaa qoraal uu maanta soo saaray ku sheegay in la gaaray xilligii boorsooyinkiisa banaanka loogu saari lahaa tafatiraha wargeyskaasi Jyllands- Posten oo ku sheegay inuu isagu masuul kayahay dhamaan dhibaatooyinkii dhacay ee wargeyskaasi abuuray.
 
Bilowgii bishii oktoobar ayuu wasiirku sheegay in arrintani noqoneyso mid saameyn ku yeelata dalkiisa waa sida qoraalkiisaasi ku xusnyede." Kolkii uu toddobaadkii hore tafatiruhu sheegay inuu ka xun yahay wixii dhacay, islamarkaasina uusan sawireen hadduu ogyahay iney sidan u abuurayaan xiisad iyo carrada muslimiinta hadana ku dhiiraday inuu soo bandhigo, waxey aheyd inuu xilka wareejiyo" ayuu ku yiri Uffe Ellemann-Jensen warqada uu soo saaray.
 
Dhinaca kale isagoo weli ka hadlaya eeda uu soo jeedinayo maamulka iyo madaxda wargeyskaas ayuu sheegay iney habooneyd iney ka fiirsadaan waxey qorayaan kahor inteysan xaajo faraha ka bixin, taasoo natiijadii daabacaadooda keentay in la cuno qabateeyo badeecooyinka dalkaasi ka yimaada ee loo dhoofin jiray dalalka Islaamka.
 
"Haddii qofku qirtay qalad dhaliyey qarbudaado iyo iney lix qof naftooda u waayeen waxaan qabaa iney tahay midaan sugneyn oo maskax ruux weyni adeegsaday aheyn" ayuu yiri wasiirka oo u arka tafaftiraha nin qeyral ma'suul ah xalka amuurtan lugu damin karaana tahay isagoo iskaga taga shaqada. "Balse dabka halkaasi ka shidan sida loo hureyey la garaye sidii loo damin lahaana ha sameeyo" ayuu sii daba dhigay hadalkiisi uu kaga hadlayey aragtidiisa ku aadan xiisada diimeed ee wargeyskaasi abuuray ee gilgilay dareenka Muslimiin badan oo caalamka kamid ah.
 
Denmark oo diiday iney la shaqeyso Immaamyada Muslimiinta dalkeeda
 
Dowlada dalkaasi Denmark ayaa Arabacadii Feb 8 go'aansatay ineysan dhinaca isdhexgalka  kala shaqeyn Iimmaamyada Muslimiinta ah ee dalkeeda ku sugan, kadib markii ay qeyb ka yihiin ama aan ka geysan gacantii looga baahna xilligan adag ee dalkaasi ku jiro waa sida hadalka loo dhigaye. "Waxaa muuqata ineysan ahmiyad u aheyn, marka dad kale diyaar u ah ayaa jira" ayuu yiri  ninka wasiirka uga ah  isdhexgalka dalkaasi Rikke Hvilshöj oo u waramayey wargeyska Berlingske Tidene.
 
Hadalka kasoo yeeray wasiirka ayaa muslimiinta dalkaasi iyo qeybaha kala duwan ee urrurada Islaamka si wadajir ah u cambaareeyeen waxaana ay ku tilmaameen hadal aan ka fiirsasho laheyn. Dhinaca kale xeeldheere denish ah waxna ka qora arrimaha bariga dhaxe ee jaamacad ku taala dalkaasi ayaa fikir xukuumada ee Immaamyada laqaba wuxuuna hoosta ka xarriiqay iney yihiin kuwo daba hurinaya halkii wadajir xiisadan sidii loo damin lahaa ay kala shaqeyn lahaayeen dowlada dalkaasi.
 
      Baadari dhaleeceyey wargeyskii aflagaadeyey Rasuulka NNKH
 
Mid kamid ah baadariyada ugu waa weyn ee dalkan Sweden K G Hammar ayaa si darran u weeraray wargeyskii ku dhiiraday inuu sawiradii sawiradii foosha xumaa ee  sida xun lugu aflagaadeynayey Nabi Muxamed NNKH. "Waxey ugu talagaleen iney dareenkooda dhaawaacan" ayuu yiri K G Hammar oo caawa u waramayey wakaalada wararka Sweden ee TT, isagoo ka qeyb galayey kulan lugu qabtay gollaha murtida iyo madadaalada magaalada Uppsala ee wadankan Sweden oo sidoo kalena kasoo qeybgalay Abd al Haqq Kielan oo isagu ah gudoomiyaha hey'ada gargaarka Swedhish-ka ee Islaamka.
 
Kulankan lugu qabtay gollaha mada daalada magaalada Uppsala ayuu muhiimadiisa ahaa soo bandhigista taariikhda diimaha iyo sidey iskaga soo horjeedeen, gaar ahaan iyadoo mowduucu kulankaasi ahmiyad siiyey dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee la xirriira sawiradii lugu aflagaadeyey Rasuulka NNKH.
 
"Daabacadii Jyllands- Posten maaheyn kuwo qurux badan waxey ahaayeen kuwo fool xumo badan" ayuu yiri isagoo dhinac kalena ka muujiyey in mushkiladu haatan aysan aheyn kuwo ku eg cambaareyn oo keliya balse tahay mid dareen asaasi ah oo la taabtay. Wuxuu arrintan ku tilmaamay midaan sahleyn helista xalkeeda "waana dareen dhanka bariga ka yimid" ayuu yiri K G Hammar oo sheegay in dagaalkii koowaad ee dunida markiisi hore ka bilowday dil ka dhacay magaalada madaxda haatan u ah dalkaasi Bosniya ee Sarjevo, islamarkaasina cidi aaney ku fekerin in dunidaha lugaha lageli doonto dagaaladii reer Yurub badan ku hoobteen.  Dhinaca kale wuxuu isagoo ku kalsoon da daalada caalamiga ah ee lugu doonayo in xiisadan lugu damiyo amaanay dhamaan shaqsiyaadkii gacanta ka geystay ee Islaam iyo masiixi lahaa.
 
Wargeyskii aflagaadeyey Rasuulka oo doonaya inuu soo bandhigo sawiro wax looga sheegayo Yahuudii Hitler-ku gumaaday
 
 Waxaa muuqata in wargeysku ku dhacay jahawareer siyaasadeed oo uu doonayo inuu iska meyro ceebta la soo gudboonatay waaba haddii xishood iyo ceeb garanayaan dadka magaca saxaafadeed adeegsaday ee aflagaaada u geystay diinta Islaamka iyo Nabi Muxamed NNKH.
 
Tafatiraha xagga dhaqanka ee wargeyskaasi Jyllands- Posten oo ah ninkii lahaa fikirkii lugu sawiray sawir ku sheegyadii kartuunka ahaa ee Nabi Muxamed NNKH, Felemming Rose ayaa shaaca ka qaaday in wargeysku diyaar u yahay iney soo bandhigaan sawirada tartanka ah ee ku baaqay wargeys Iiraan ah iney soo bandhigaan sawiro muujinaya gumaadkii Hitler u geystay Yahuuda. Tafatiraha wargeyskan oo wareysi uu siiyey telefeyshin Mareykan ah ayuu sheegay in tartankaasi wargeyska Iiraaniga ah ku baaqay kala qeybgalayaan haddii loo arkayo dhex dhexaadnimo.
 
Dhinaca isagoo hadana dib ka eegay cawaaqib xumada ka iman karta haddii sawiro kartuun ah oo wax loogaga sheegayo dadkii Yahuuda ahaa ayuu sheegay in marka hore xagooda ay dhowrayaan sawirada ay soo bandhigaan wargeyska Iiraaniga ah ee amuurtan daboolka ka qaaday.
"Reer Galbeedku hadey sawiradaasi ay daabaceen ay ku sheegeen cabirka xorriyatal qowlka, waxaana anagana u sheegeynaa inaan sawiradaasi u adeegsaneyno xorriyada saxaafada oo jawaab u ah sharciga ay reer galbeedku adeegsadeen" ayuu yiri Fred Mortazavi oo kamid ah tafatiryaasha wargeyskaasi Iiraaniga ah. Tafaftiraha wargeyskaasi Jyllands- Posten Carsten Juste oo maanta gelinkii dambe amuurtan ka hadlayey ayaa sheegay ineysan diyaar u aheyn soo bandhigaan sawiradaasi ee Yahuuda gumaadkooda looga hadlayo.
 
Hadaba markaad arrinkan eegto waxaa kaaga soo baxaya sida aan Islaamka loo texgelin ee damiirkooda liita awgeed loo aflagaadeyey Rasuulkoodi Muxamed NNKH, halka wargeyskaasi uu diiday inuu sawiro sawirada la sheegay in yahuuda quseyso, taasina ay ku tuseyso sida ay reer galbeedku Yahuuda iyo muslimiinta u kala siiyeen mudnaanta iyo qiimeynta bani'aadnimo. Taasi waxaa kaaga darran inaan marna laga hadlin xalka dadkan niyadooda dilan tahay ee wax loogu dhimay muqadasadkooda waxa laga hadlayna ay tahay oo keliya qarbudaada loo geystay dhismayaashaasa safaaradaha reer galbeedka ee muslimiintii careysneyd wax yeeleeyeen.
 
Ikraam Cali-kaar
SomaliTalk. Gothenburg- Sweden

@Spam!

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Allah Is Great

MUFTIGA SACUUDIGA SH. CABDIL CAZIIZAALA-SHEIKH


Dr.Yusuf Al-Qaradaawi

Carsten Juste, Madaxa Tifaftiraha wargayska Jyllands Posten

Ra'iisalwasaare Anders Fogh Rasmussen


"Maxay uga hadlaan dimoqraadiyad iyo xoriyad marka arrinta laga hadlayaa ay khuseyso Islaamka? haddii ay khuseyso diimaha kale xaqiiqadu waa is bedeleysaa" sidaas waxaa yiri Camar Muusa, madaxa ururka Arabta


JAWAABIHII AY CULUMADA MUSLIMIINTA KA BIXIYEEN AFLAGAADDADII AY WARGAYSKA JP U GAYSATAY RASUULKA (SCW)



Dumar reer Flastiin ah oo mudaharaadaya oo kor u sida Kitaab Qur'aan ah.


Kumanaal Muslimiin reer Bangaladhesh ah oo magaalada caasimada oo k amudaharadaadaya aflagaadadii loo geystey Nebi Muxamed

Reer Siiriy aoo sii wada mudaharaadka

Reer Joordan oo k amudaharadaada sawir gacmeedka lagu aflagaadeeyey Rasuulka

Ciraaqiyiin ku timanaya calanka Denmark

Muslimiinta Indonesia oo gubya calanka Denmark
Young supporters of Islamic Felicity Party shout slogans in front of the Danish Embassy in Ankara, Wednesday, Feb. 1, 2006, to protest caricatures of the Prophet Muhammad published by a Danish newspaper, sparking outrage in Muslim countries, Protesters asked people to boycott Danish goods.(AP Photo/Burhan Ozbilici)
Muslimiin Arbacadii ku hor mudaharaadaya safaarada Denmak ee Ankara.. Washintonpost


Sawir gacmeedyadu waxay meel uga dheceen 1.3billion oo Muslim ah

 


Dhibaatooyinka Soo Foodsaara Ubadka iyo Hooyooyinka Soomaaliyeed ee Denmark
Warbixin: Ibraahim Saalax oo booqay tuulada Gudbjerg ee gobolka Fyn, Denmark ayaa sheegay in..
GUJI.. 30/8/02
 
SOOMAALIDA ODENSE OO U QAXAYA DALKA ENGLAND  

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD