SomaliTalk XAYAYSII


Home | Zakaat | Quraan |   Siiro | Search | Saxaabo |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - 1427
 
 

Kumanaal Muslimiin reer Bangaladhesh ah oo magaalada caasimada oo k amudaharadaadaya aflagaadadii loo geystey Nebi Muxamed

Reer Siiriy aoo sii wada mudaharaadka

Reer Joordan oo k amudaharadaada sawir gacmeedka lagu aflagaadeeyey Rasuulka

Ciraaqiyiin ku timanaya calanka Denmark

Muslimiinta Indonesia oo gubya calanka Denmark
Young supporters of Islamic Felicity Party shout slogans in front of the Danish Embassy in Ankara, Wednesday, Feb. 1, 2006, to protest caricatures of the Prophet Muhammad published by a Danish newspaper, sparking outrage in Muslim countries, Protesters asked people to boycott Danish goods.(AP Photo/Burhan Ozbilici)
Muslimiin Arbacadii ku hor mudaharaadaya safaarada Denmak ee Ankara..
Washintonpost


Sawir gacmeedyadu waxay meel uga dheceen 1.3billion oo Muslim ah


 OGAAN IYO ULAKAC

Cumar Cabdinuur Nuux – Nabaddoon

omarabdinur@hotmail.com


Tan iyo markii warsidaha JyllandsPosten ee ka soo baxa dalka Denmark uu aflagaadada u geystay Nabi Muxamed csw waxaa isa soo tarayey carada dadka muslimiinta ah ay ka muujiyeen arrintaas iyada ah iyo indha-adeyga iyo dhaga-adeyga ay ku sii indhacad yihiin qolooyinka aan iimaanka lahayd ee Ilaah iyo nabiyaduu soo diray oo dhan ku gaaloobay. Markii dadka reer Yurub intooda badan uu ka dhintay damiirkii, ayna kala garan waayeen wanaaggii iyo xumaantii ayey waxay ku dhiirradeen in ay wax ka sheegaan cid kasta xataa Ilaahii abuuray iyo rusushii uu soo dirsaday. Waxaase iyaduna yaabka yaabkiis noqotay markii in yar oo markii hore muslim sheegan jiray ama ahayd ay u sacabtumeen weerarkaan qaawan ee asalka iyo jiritaanka diinta Islaamka iyo dadkeeda lala beegsaday.  Arrimahaan oo dhan waxay u dhacayaan si ula kac ah oo kibir iyo ogaan ah, waxaase hubaal ah in sida dad badan moodayaan uusan xaal ahaan doonin.  

  • Alalaasihiyo qooqa iyo, eegga waxa taagan

  • Anbiyada Ilaahay kuwaan, ku afxumoonaaya

  • Aflagaadadaan Nabuyallaah, lagu ihaaneystey

  • Ayaan doonayaa gabay waxuun, kaga iraahdaaye

  •  

  • Ujeeddadu ka weyn meelahay, ku agwareegeene

  • Oo xorriyatul qowl iyo ma aha, aragti Joornaale

  • Waxba yaan oraahyada maldahan uunka loo tabine

  • Waa aabi iyo weerar tani, laysu urursadaye

  •  

  • Afka Faransa Isbayn iyo Hangari ways ayidayaane

  • Denmark Itaaliya Jermani waysu ololeene

  • Dhammaan Urubba oo wada jirtaa aabigaan wada’e

  • Iska celiya ama ooya waad agabsan doontaane

  •  

  • Awal hore miyaan mooganeyn, uurka waxa jiifa

  • Sawtii Ilaahay ku qoray aayadaha diinta

  • Oo nala ku yiri waxay rabaan inaad riddowdaane

  • Iska eega iyagiyo Ibliis waa ilma adeere

  •  

  • Afartaas ummuuraha dhiciyo, ibofurkoodii dhe

  • Ummaddaan Islaamkaa miday, wada arkaayaan dhe

  • Ubucdii murtida oon qaddimay, erayadaydii dhe

  • Afar kale addoon aan ogahay, midaan ogeysiin dhe

  •  

  • Abuu jahal sidiisii haddaad, nabi ijaafeysay

  • Ilaahay rasuulkiis haddaad edebdarrow maagtay

  • Iftadaadi waxaa loo gudbiyey ururro waaweyne

  • Isku awd guryaha ama ku biir inantii aad sheegtay

  •  

  • Islaamnimadii diidaye lasoco, iilka waad mudane

  • Uluuf iyo uluuf weyraxdaa oodda soo jabine

  • Erayadaad qoreysaad kolley, aakhirkaw dhimane

  • Albaabada xirxiro maalin dhow waa laguu imane

Cumar Cabdinuur Nuux – Nabaddoon

omarabdinur@hotmail.com  

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 4, 2006

BARO SIIRADII NEBI MUXAMED (NNKH)


Dunida Islaamka oo Maalintii Jimcadii Muujiyey Jaceylka Nabi Muxamed (NNKH)
K
umanaan Muslimiin ah ayaa daafaha dunida ku dhigay mudaharaadyo ay kaga soo horjeedaan aflagaadadii wargeyka Denmark u geystey Rasuulka...  Warbixin iyo Faallo.. Akhri  Feb 4

HADDII NABIGII ALLE LOO GAFEY MAXAA KULA GUDBOON?
YURUB: OLOLAHA KU-XADGUDUBKA RASUULKA (scw) OO BALLAARTAY
iyo Baaq Gabay... Ka akhri halkan... Guji... Feb 3

KHUDBADAHA JUMCADA OO SI WEYN LOOGA HADLI DOONO AFLAGAADDADII LOO GAYSTAY RASUULKA (SCW)
»Jumcada maalinta Alle dartii loo caroonayo...
»TV-ga Al-Carabiya oo Waraystay Ra'iisulwasaaraha Denmark
iyo Warar dheeraad ah ka akhri halkan... Guji Feb 3

Dalada Culumada W/bari oo ugu Baaqday dowlada Kenya  in ay Denmarka laga soo laabato safiirkeeda
Warbixintii Mumtaz...
 Akhri.. Feb 3

XAALAD ADAG OO LA SOO GUDBOONAATAY DENMARK

  • Fatwada ka soo yeeray Muftiga Sacuudiga

  • Sacuudiga oo u yeeratay Safiirkeeda Denmark

  • Safaaradaha Kuweit iyo Libya oo albaabada loo laabay

  • Khasaaraha shirkadaha Denmark soo wajahay

  • Safiirka Denmark ee Sacuudiga oo dhaleeceeyay JP

  • Calankii Denmark oo la gubay

  • Dadka u dhashay waqooyiga yurub oo laga codsaday iney ka baxaan  Marinka Qaza 

  • Tafaftiriha wargeyskii aflagaadeyey Nabi Muxamed oo warqad furan u diray Sacuudi Careebiya

  • AKHRI HALKAN...


Jariidad Deenish ah oo Aflagaadeysay Nabiga s.c.w.  

CAWAAQIB XUMIDA UU LA KULMAYO QOFKII CAAYA RASUULKA (SCW)  

Sawirada: IslamOnline| Google News.

@Spam!

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Allah Is Great

MUFTIGA SACUUDIGA SH. CABDIL CAZIIZAALA-SHEIKH


Dr.Yusuf Al-Qaradaawi

Carsten Juste, Madaxa Tifaftiraha wargayska Jyllands Posten

Ra'iisalwasaare Anders Fogh Rasmussen


"Maxay uga hadlaan dimoqraadiyad iyo xoriyad marka arrinta laga hadlayaa ay khuseyso Islaamka? haddii ay khuseyso diimaha kale xaqiiqadu waa is bedeleysaa" sidaas waxaa yiri Camar Muusa, madaxa ururka Arabta


JAWAABIHII AY CULUMADA MUSLIMIINTA KA BIXIYEEN AFLAGAADDADII AY WARGAYSKA JP U GAYSATAY RASUULKA (SCW)


Dhibaatooyinka Soo Foodsaara Ubadka iyo Hooyooyinka Soomaaliyeed ee Denmark
Warbixin: Ibraahim Saalax oo booqay tuulada Gudbjerg ee gobolka Fyn, Denmark ayaa sheegay in..
GUJI.. 30/8/02
 
SOOMAALIDA ODENSE OO U QAXAYA DALKA ENGLAND  

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD