SomaliTalk XAYAYSII


Home | Zakaat | Quraan |   Siiro | Search | Saxaabo |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - DENMARK


  • Mudaharaadyada ay Muslimiintu kaga soo horjeedaan aflagaadada loo geystey Nebi Muxamed NNK oo Sii Xoogeystey kuna Fidaya Daafaha Dunida...
  • Ra'iisal wasaaraha Denmark:  Xoghayaha arrimaha dibada midowga Yurub ayaan u dirayaa dalalka Islaamka
  • Ninkii ugu horeeyey oo Denish ah oo dacwad ku soo oogay wargeyska Jylland- posten

Mudaharaadyada ay Muslimiintu kaga soo horjeedaan aflagaadada loo geystey Nebi Muxamed NNK oo Sii Xoogeystey kuna Fidaya Daafaha Dunida...
  • AFGANISTAN: Waxaa iska hor imaad dhex maray muslimiin ka caraysan sawir gacmeedyada lagu aflagaadeeyey Nebi Muxamed NNKH iyo ciidamada NATO ee ku sugan Afganistan. Iska hor imaadku waxa uu Talaadadii ka dhacay magaalada Maymana, oo ay joogaan ciidamo ka socda Norway, Finland, Latvia iyo Sweden. Waxaa halkaas lagu toogtey saddex qof oo kamid ah dadkii mudaharaadayey, waxaana toogtey ciidamada Afganistan iyo Norway sida uu sheegay Sayed Aslam Ziaratia oo ah sarkaal boolis ah. Waxaana halkaas ku dhaawacmay 22 qof. Waxa kale la dhaawacay shan ciidamada reer Norway.
     
  • Ilaa hadda tirada dadka ku dhintay mudaharaadyada waxay maraysaa 10 qof, oo ku dhinatay Afganistan, Soomaaliya iyo Lubnaan
     
  • INDONESIA: Dadka u shashay Denmark ayaa lagula taliyey in ay ka baxaan dalka Indonesia oo ah dalka ugu Islaamka badan dalalka Adduunka.
     
  • PAKISTAN: Mudaharaadkii ugu xoogga weynaa waxa uu talaadadii ka dhacay dalka Pakistan halkaas oo lagu gubey sawir laga sameeyey tifatirahii daabacay sawir gacmeedyada lagu aflagaadeeyey Nebi Muxamed, waxa kale oo la gubey sawir laga sameeyey ra'iisul wasaaraha Denmark. Waxana ay dad lagu qiyaasay 5,000 oo qof ku dhawaaqayeen "hala daldalo ninkii caayey Nebiga".
     
  • MASAR iyo JORDAN: Kumanaal qof ayaa mudaharaad ku dhigay dalalka Masar iyo Jordan, dadkaas oo dalbanayey in la qaadaco waxyaabaha ka soo baxa Denmark, xiriirkana loo jaro. 10,000 oo qof oo ay ku jiraan Arday ayaa ku banaanbaxay Jaamacadaha Qaahira.
     
  • FALASTIIN: Waxaa rasaas lagu furay sawirka ra'iisul wasaaraha Denmark.
     
  • CIRAAQ: Dabley hubaysan ayaa ku baaqay in la soo qabto, lana dilo Danishka, lana manuuco cuntada Denmark.
     
  • BANGALADESH: Kumanaan Muslimiin ah ayaa mudaharaad dhigay, waxaan amudaharaadkas ka qayb qaatay Ardayda tirsan xisbig ardayda ee Jamaat-e-Islami, waxayna ku qaylinayeen "hala daldalo kii sameeyey sawir gacmeedyada" iyo "hala mamnuuco alaabaha ka yimaada Denmark".
     
  • Meelaha kale oo Talaadadii ay mudaharaadyadu ka dhaceen waxaa ka mid ah Yemen, Jabuuti iyo Arebajan.
     
  • Shirkada Arla ee cuntada ee Denmark waxa ay sheegtay in ay halkii maalin khasaarto $1.8 million oo ah alaabadeeda laga mamnuucay Bariga Dhexe.
     
  • Isku darka sannadkii waxa ay Denmark khasaareysaa $1.8 billion haddii ay sii socoto cunaqabatayna alaabada ka soo baxda Denmark ee 20 dal oo Muslimiin ah, sidaas waxaa qortay jariidada Toronto Star.
  • Waa qaar kamid ah wararkii warbaahinta caalamku ka qoreen mudaharaadyada...

Ra'iisal wasaaraha Denmark:  Xoghayaha arrimaha dibada midowga Yurub ayaan u dirayaa dalalka Islaamka

Ikraam Cali-kaar
SomaliTalk. Gothenburg- Sweden
 
Iyadoo ay sii socdaan rabshadaha ay sameynayaan muslimiinta caalamka ee careysan kuwaasoo waxyeelooyin kala duwan u geysanaya dhamaan safaaradaha Denmark iyo qunsuliyahooda ee ay ku leeyihiin dunida muslinka, ayaa ra'iisal wasaaraha dalkaasi  Anders Fogh Rasmussen iyo wasiirkiisa arrimaha dibadaba shir jaraa'id ay wada jir u qabteen talaadadii feb 7 gelinkii dambe kaga hadleen arrimo dhowr kuwaasoo u muuqday marka loo sii dhabo galo kuwo aaney muslimiintu ka raali ahaaneyn.
 
Ra'iisalwasaaruhu wuxuu sheegay inuu u baahan yahay wada xaajood lugu dhameeyo muranka dhaliyey sawiradii wargeyska Jyllands- Posten ee si weyn uga careysiiyey muslimiin badan. "Saxaafadu waa xor mana kanihin mas'uul waxey qoreyso mana ahan in dowlada lugu ciqaabo" ayuu yiri isagoo weli ku dhegan mowqifkiisi ku aadan xalka diblomaasiyadeed ee dowladiisa laga filayey oo aan waxba iska badalin isagoo carabka ku dhiftay in kuwa  ugu yeeray kooxaha mintidka ah ee Islaaminyiinta ay dabka saliid ku shubayaan oo ay sii huriyanaan xiisada haatan ee caalamku la wel welsan yahay.
 
Dhinaca kale wuxuu sheegay in xoghayaha arrimaha dibada midowga Yurub Javier Saluna loo dirayo dalalka Islaamka si arrintani isaf garad caalami ah iyo wadahal looga yeesho.

Markii ugu horeysayna waxaa qadka taleefanka ku wada xirriiray Bush-ka dalka Mareykanka iyo Ra'iisal wasaaraha Denmark oo isagu sheegay intuu shirka jaraa'id ku jiray wuxuu carabka ku dhiftay in dowlada Mareykanka ay taageero u muujisay jawiga murugsan ee Dowladiisa la soo gudboonatay balse waxa uu ka gaabsaday taageerada uu sheegay ee Bush maamulkiisa u muujiyey.

Wadama ku heereysan gacanka carabta oo doonaya iney jiraan dhamaan xirriirka ganacsi ay la leeyihin Denmark ayaan weli si rasmi ah iskugu afgaran waqtiga howshan lugu dhaqaaqayo. Arrintan oo uu maanta wax ka qoray wargeyska Khaleej Times ayuu sheegay in dowlada Qadar laga dhowrayo  sharuud arrintaasi lugu fulin lahaa.

 
Dalalka bah wadaagta Midowga Yurub ayaa dowlada Iiraan uga digay iney jirto xirriirka ganacsi ee ay la laheyd dalkaasi Denmark taasoo ka dhigan iney xirriirkii ganacsi ee kale ay bahd wadaagta goysay. Digniintan mid lamid ah ayey u jeediyeen midwoga Yurub oo uga digay Sacuudiga ineysan arrinta loogu jarayo xirriirka ganacsi ee Damark aysan ku dhaqaaqin, taasoo dowlada Sacuudiga ay sheegtay ineysan aheyn mid iyadu go'aankoode laheyd.

Denmark waxey weli saaran tahay geed dheer oo ay iskaga indho tireyso qatarta ay leedahay xiisadan haddii aan xal diblomaasiyadeed loo helin. Ragga siyaasada kala rog roga ayaa iyagu aaminsan in xalka iyo carrada Muslimiinta lugu damin karro ay tahay in dowladu raali gareyn weyn bixiso haddii kale halka haatan sheekadu taalo ay kasii durkeyso. 

 
Ninkii ugu horeeyey oo Denish ah oo dacwad ku soo oogay wargeyska Jylland- posten
 
Tan iyo intuu wargeyska xag jirka ah ee Jyllands- Posten lugu magacaabo sawiray muuqaalo kartuun ah oo lugu sheega iney yihiin Nabi Muxamed NNKH uu sidii bamkii oo kale u qarxiyey, ayaa waxaa markii ugu horeeysay dacwad ka dhan ah wargeyskaasi ku soo oogay nin denish ah oo degan gobolka  Århus.

Ninkan oo si lamid ah muslimiinta dunida u careysan yihiin u careysan ayaa dawacd ka dhan wargeyskaas u gudbiyey wuxuuna sheegay in wargeysku gebi ahaanba u geystay danaha dhaqaale iyo mid xirriireed ee ay dalkiisa la laheyd dunida Islaamka dhaawac aysan kasoo kabsan karrin.

"Inaan denish ahay waan ku faani jiray, haatanse waxaan ka qoomameynayaa inaan ahay denish" ayuu yiri ninkaasi oo aan ilaa hada magaciisa la sheegin balse wakaalada wararka u faafisa dalkaasi ay soo werisay. Wakaaladu waxey sheegtay in qareenka dowacda loo soo gudbiyey oo ay dadweyne muslin ahi ay horey uga soo gudbiyeen uu haatan ogolaaday in dacwadaasi loo gudbiyo booliska, kadib markii uu qaraankaasi laftiisa horey uga gaabsaday qaadista dacwada lugu soo oogay wargeyskaasi. 
 
Ikraam Cali-kaar
SomaliTalk. Gothenburg- Sweden
Ikraam@journalist.com

Talaado Feb 7, 2006: Mudaharaadyadii Looga soo Horjeedey Aflagaadadii loo Geystey Rasuulka NNKH oo Cirka isku shareeray
Afar qof ayaa ku dhinatay Afganistan, hal qofna waxa uu ku dhinatay Soomaaliya kaddib markii dad mudaharaadayey
Guji


Something rotten in Denmark?

@Spam!

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Allah Is Great

MUFTIGA SACUUDIGA SH. CABDIL CAZIIZAALA-SHEIKH


Dr.Yusuf Al-Qaradaawi

Carsten Juste, Madaxa Tifaftiraha wargayska Jyllands Posten

Ra'iisalwasaare Anders Fogh Rasmussen


"Maxay uga hadlaan dimoqraadiyad iyo xoriyad marka arrinta laga hadlayaa ay khuseyso Islaamka? haddii ay khuseyso diimaha kale xaqiiqadu waa is bedeleysaa" sidaas waxaa yiri Camar Muusa, madaxa ururka Arabta


JAWAABIHII AY CULUMADA MUSLIMIINTA KA BIXIYEEN AFLAGAADDADII AY WARGAYSKA JP U GAYSATAY RASUULKA (SCW)



Dumar reer Flastiin ah oo mudaharaadaya oo kor u sida Kitaab Qur'aan ah.


Kumanaal Muslimiin reer Bangaladhesh ah oo magaalada caasimada oo k amudaharadaadaya aflagaadadii loo geystey Nebi Muxamed

Reer Siiriy aoo sii wada mudaharaadka

Reer Joordan oo k amudaharadaada sawir gacmeedka lagu aflagaadeeyey Rasuulka

Ciraaqiyiin ku timanaya calanka Denmark

Muslimiinta Indonesia oo gubya calanka Denmark
Young supporters of Islamic Felicity Party shout slogans in front of the Danish Embassy in Ankara, Wednesday, Feb. 1, 2006, to protest caricatures of the Prophet Muhammad published by a Danish newspaper, sparking outrage in Muslim countries, Protesters asked people to boycott Danish goods.(AP Photo/Burhan Ozbilici)
Muslimiin Arbacadii ku hor mudaharaadaya safaarada Denmak ee Ankara.. Washintonpost


Sawir gacmeedyadu waxay meel uga dheceen 1.3billion oo Muslim ah

 


Dhibaatooyinka Soo Foodsaara Ubadka iyo Hooyooyinka Soomaaliyeed ee Denmark
Warbixin: Ibraahim Saalax oo booqay tuulada Gudbjerg ee gobolka Fyn, Denmark ayaa sheegay in..
GUJI.. 30/8/02
 
SOOMAALIDA ODENSE OO U QAXAYA DALKA ENGLAND  

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD