SomaliTalk XAYAYSII


Home | Zakaat | Quraan |   Siiro | Search | Saxaabo |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - DENMARK


Duq Ibliis Copenhagen bay Daash ku leedahaye,

Gabey Xiiso Leh

Qiyaas-maash Soomaaliyeed Cali Siyaad Warsame {Dhuuraq} oo ah abwaan Soomaaliyeed ahna nin ka gabya mar kasta marxaladdda dalku galo, iyo kuwa dunida ka taagan ayaa wuxuu maanta ka hadlayaa aflagaadadii dowladda Denmark ay u geysatay Rasuulkeena Barakeysan Nabadglayo iyo Naxariis korkiisa ha ahaateen, walibana sheegatay in ay horey u caysay Nabi Ciise (CS), wuxuuna abwaanku qeexayaa in muslimka oo kaliya aysan ka galin dambi ee bini’aadamka oo dhan ay ka gashay, waayo waxey caayeen Anbiyadii oo dhammaantood loo soo wada diray koonkan, Nabi Muxammad-na kii ugu dambeeyey ee lagu soo khatimay buu ahaa Nabiyada la soo saaray, wuxuuna abwaanku leeyahay dagaalku wuxuu hadda u dhaxeeyaa bani’aadam iyo Ibliis, wuxuuna dagaalkaasi soo bilowday Nabi Aadam markii la abuuray ee Ibliisku ka amar diiday Alle, sidaasna uu ku caasiyey, bini’aadamka inuu ka aarsan doonana uu ku hanjabay, Denmark-na waxey u muuqataa mid u adeegeysa sheydaanka Alle ka furtay, waxey mudan tahayna abwaanku gabayga ayuu ku qeexayaa isagoo yiri, Denmark waa garacyo aan akhlaal ku dhalan oo la isku so ururiyey, wuxuuna ugu baaqayaa bini’aadamka oo dhan inuu la diriro, xukuumadda Copenhagen ilaa ay dadka uga soo darsoomaayaan, waana kan gabaygii ee guddoon wacan:


 
  • Ilaa duudkii Nabi Aadan bay diriri taagneyde,

  • Dakaniyo  colaad baa dhex taal dad iyo sheydaane,

  • Denmark labada kay raacsan tahay geliya diiwaanka,
     

  • Doofaar ilkaha dheer kuwii diirtay hilibkiisa,

  • Dooraalayaal orahayee dubaya Qaansiirka,

  • Oo daqayadii kala baxeen duubyada feenta,
     

  • Duqsi Cudura iyo waa iyana kud iyo daacuune,

  • Damiirkooda waa hore baqtiyay geliya diiwaanka,

  • Daanyeeraduu gaalku dhalay baa ka soo daraye,
     

  • Kuwaan darab xalaaliyo aqoon daahir iyo weyso,

  • Inay duul nijaasa yihiin geliya diiwaanka,

  • Duq ibliis Copenhagen bay daash ku leedahaye,
     

  • Daalimiinta caabuda ayay daqal ka tuurtaaye,

  • Dembigay galeen waa xad dhaaf doorka maantaaye,

  • Dariiqyada ha loo joogsadoo socod ha loo diido,
     

  • Daldalaad ha loo wada qoroo didiya sheydaanka,

  • Darajada Bini’aadamkay daba mareeyeene,

  • Dadoo dhami ciqaab waa inoo ugu dadaalaaye,
     

  • Dab hulaaqay waa inoo tagaa dagaladoodiiye,

  • Doobigoodii buuxsamay waa inuu ka daataaye,

  • Dameerkuba haddii uu cagaar labo usbuuc daaqo,
     

  • Darandoori dabadiyo afkii doog markuu cunaye,

  • Diilimaale iyo Denmark wax isma doorshaane,

  • Dadka Yurub u liitoo dhan  iyo ducufo weeyaane,
     

  • Duligaa Anbiyada u gefee waa dabeyshadaye,

  • Duulkii sidoodaa ahi waa dumi ogaadaane,

  • Dujaalada haddeer soo ifbaxay geliya diiwaanka,
     

  • Deeya habow ah duuflaal ambaday garacyo duur joog ah,

  • Dullinimo kolkii loo tartamo darajo hooseyda,

  • Denmark baa u asluub daran naflaha doodu sey tahaye,
     

  • Duhur baan dambiilihii xukumay eeyo dibadeede,

  • Dadka yiri maan caayin oo daallin maan ihiye,

  • Dubbe waxaan la dhacay maanta waa kii dunuub galaye,
     

  • Dadoo idili waa inuu arkaa daalla cuuryada’e,

  • Duul wada akhlaal daran afxumo yow dabeecada’e,

  • Dulmiloowyo Nabi caayay baan daaray kaligoode,
     

  • Dad Illaah karaameeyey bay dacaayadeeyeene

  • Dawo looma helo sidii Denmark qoon hadduu dumiye,

  • Duq Ibliis iney caabudaan galiya diiwaanka,
     

  • Daashkey fadhido dumiya oo didiya sheydaanka,

  • Dadnimiyo xilkeed kuwan gabee sharaf ka diimoone,

  • Deeqda Alle kumay mahadnaqaan waana dumayaane,
     

  • Dibi habarti fuuliyo iyagu wax isma doorshaane,

  • Dabcigiyo caqliga waa sidii duunyo xoola ahe,

  • Caqli dumay damiir ebariyo waa dalleel marane,
     

  • Damqashiyo garaadiyo dux maleh diiri mahayaane,

  • Dareeskii Ibliiskey xirteen daba ordaayaane,

  • Kii sujuudda diidaa dalbada diidimahayeene,
     

  • Dalaq wuxuu ku siin jahanamey dib u shalaayaane,

  • Dunidu ha nacdee sow kuwaa diiday sharaf maaha,

W/T: Abwaan Cali Siyaad Warsame

(Dhuuraq)

Waxaa lagala xiriiri karaa:
amiinkhasaaro yuusuf
Email: amiinkhasaaro@hotmail.com


Faafin: SomaliTalk.com | Feb 8, 2006


BARO SIIRADII NEBI MUXAMED (NNKH)

@Spam!

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Allah Is Great

MUFTIGA SACUUDIGA SH. CABDIL CAZIIZAALA-SHEIKH


Dr.Yusuf Al-Qaradaawi

Carsten Juste, Madaxa Tifaftiraha wargayska Jyllands Posten

Ra'iisalwasaare Anders Fogh Rasmussen


"Maxay uga hadlaan dimoqraadiyad iyo xoriyad marka arrinta laga hadlayaa ay khuseyso Islaamka? haddii ay khuseyso diimaha kale xaqiiqadu waa is bedeleysaa" sidaas waxaa yiri Camar Muusa, madaxa ururka Arabta


JAWAABIHII AY CULUMADA MUSLIMIINTA KA BIXIYEEN AFLAGAADDADII AY WARGAYSKA JP U GAYSATAY RASUULKA (SCW)


Dhibaatooyinka Soo Foodsaara Ubadka iyo Hooyooyinka Soomaaliyeed ee Denmark
Warbixin: Ibraahim Saalax oo booqay tuulada Gudbjerg ee gobolka Fyn, Denmark ayaa sheegay in..
GUJI.. 30/8/02
 
SOOMAALIDA ODENSE OO U QAXAYA DALKA ENGLAND  

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD