SomaliTalk XAYAYSII


Home | Zakaat | Quraan |   Siiro | Search | Saxaabo |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - DENMARK


Gefka loo geystey Nabiga (NNKH) waa Xaniinya taabadkii ugu dambeeyay

Muslimiintooy maanta waxay taagan taagan tahay Xaniinya taabad wax idiin harey ma jirto oo aad sugeysaan,  Somaalidu waxay tiraahdaa  “MADAX MEEL KA SAREYSA OO LA SALAAXO MA JIRTO”  haddii Nabigii loo gefay wax haray miyaa jira, sidoo kale Soomaalidu waxay tiraahdaa “Ninkii daan daansigaada doonaya wxuu ku yiraahdaa Dooradaada iga cesho” sidaa darteed soo lama dhihi karo waa daandaasingii ugu dambeeyey ee lagula kaco Islaamka, Gefka Nabigana (NNKH)  waa mid daba socda tijaabooyin ay horey Gaaladu ugu sameysay Damiirka Dadka Islaamka ah, iyadoo looga danleeyhay saameynta ay ku yaalan karto dadka Muslimka ah.  

             Sannadihii Sideetameeyadii ayay ahayd markii Muslimiinta ay ka dhiidhiyeen Gef loo gaystay Quraanka Kariiimka ah markii Salmaan Rushdi uu qorey Buug  uu ugu magacdaray (Aayadihii Shaydaanka), inkasta ay Muslimiinta Carro sidaa u buurnayn ka sameeyeen ayaa hadana waxaa Seeftiisii la kala baxay Allaha u naxariistee  Aayatulaahi Ruuxul Laahi Khumeyni  oo Salmaan Rushdi madaxiisa dul dhigay Shan Milyan oo Doolar, taasina waxay keentey in uu dhuumasho galo Salmaan Rushdi  oo xitaa ay ku dhaceen Cuduro keena Wel welka  maadaama ay nafsadiisa halis gashay.

            Tijaabadaas  waa fariin markaas ku socotay Dunida Muslimka ah, waxay tajaabada marba  meel soo Tu’ataba waxaa dhacday Qaraxii 11 kii Sabtembar in dad yar oo Caqliga u saaxiib ah ay fahmeen Khudbadii ugu horeysey ee uu jeediyey  George Bush wuxuu yiri ”Waxaa bilowday Dagaalkii SALIIBIYADA iyo ISLAAMKA” in kastoo uu ka cudurdaartay Bush ereygaas haddana wa fariin iyo Tijaabo kale oo ku socotay Islaamka waxaana la yiraahdaa (Wixii uurka kaaga jira ayaa afku kaa xadaa).

            Iyadoo ay socoto Tijaabadu, Islaamkanu uu hurdo ayaa waxa dhacay  dagaalkii Ciraaq  oo ahaa gardaro aan loogu soo gabban Geed, wuxuu noqday Mid ku eg Cambaareyn afka oo keliya ah oo ka timid wadamada Islaamka,  haddana waa tijaabo kale oo ku jeeday Islaamka waayo waxaa la doonayey in meesha laga saaro Sadaam maadaama uu ahaa ninka keliya ee qal- qal geliyey  Yahuuda iyo wixii soo raaca, iyadoo intii uu socday Dagaalkii Khaliijka  ee koowaad ayaa waxaa isku goob ka dagaalamayey ama isku aak ahaa  Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Masaarida gaar ahaan Xuduuda Sacuudiga waxaana waqtigaas Sadaam uu bilaabay in uu rido Gantaaladii ISKAATKA, markii uu dhowr xabbo uu riday uuna ku riday Wadamada Sucuudiga iyo Kuweyt ayaa maalinkii dambe wuxuu la beegsaday TALAVIVE. markii ciidamadii Masaarida ay maqleen in Sadaam uu Talavive Duqeeyay ayaa waxay rasaas ku  rideen Cirka iyagoo ku faraxsan Duqeyntaas, Saraakiil Mareykanka oo ka ag dhawaa Ciidamada Masaarida ayay waxay ku yiraadeen “Ma guul baan ka gaarnay Dagaalka” waxaa markiiba u jawaabey  Askari Masaari ah oo yiir ”Maanta wax farxad oo dhiman ma jiraan” Sarkaalkii Mareykanka ayaa yiri ”Oo maxay tahay Farxadaas” Markaasuu ugu jawaabey ”Sadaam Xuseen waa hogaamiyihii ugu horeeyey ee Carbeed oo inta Dalkiisa Gantaal ka riday ku garaacaay Tala-vive marka Farxad noo dhiman ma jirto”, maalintaas ayay ahayd markii Mareyknka iyo xulufadiisa goosteen in Saadaam la burburiyo isagoo ugu soo mar-marsiyoona hubka Kiimikaliska.

            Fariinta kale ee Islaamka ku socotay waxay ahayd markii Wargeyska ka soo baxa Yurub iyo Mareykanka ay soo bandhigeen sawiro laga soo duubay Xabsiga Abuu-Qariib, iyadoo si xun loola dhaqmayo Rag iyo Dumar Ciraaqiyiin ah, sawiradaasi si ula kac ah ayaa loo duubay wargeysyadana loogu soo qoray si loo geeyo dareenka uu ka qaadan karo Islaamku, taa waxaaba ka darneyd Tijaabadii kale ee markii Xabsiga Guwatanamaby askar Mareykan oo xabsigaas ilaalis ay musqulaha ku daadiyeen kutubka Qur’aanka Kariimka. 

            Marka laga soo tago taa, nin u dhashay wadanka Holland oo lagu magacaabo Van Goh iyo gabar iyana lagu magacaabo Ayaan Xirsi ayaa iyana waxay sameeyeen Filim, taasina waxay ka careysiisay Islaamka, waxaana dhacday in ninkii sameeyay filimkaas maalin cad lagu dilay dalka Holland, iyadoo Ayaana ay ku jirto dhuumasho, waxaana halkaan kaaga muuqanaya in arrintaani ay tahay mid soo socotay, waxayna aaqiritaankii tijaabadii ugu dambeysay ay noqotay in la Af-laagaadeeyo Nabigeen (NNKH).

            Xilligii aan ku guda jiray barashada Saaxaafadda ayaa cashirada Saaxafadda waxaa ka mid ahaa in aan lagu xadgudbin dadka diimahooda iyo dhaqankooda, waxayna ahaayeen Macalimiinta na bari jirtay kuwo u dhashay laftoodu wadamada Yurub.

            Haddaba gefka Nabiga (NNKH) loo gaysatya waa mid la dhihi karo waxa uu mideeyay Islaamkoo dhan, waxayna ka sameeyeen banaanbaxyo carro sitay oo khasaaro loogu gaysay safaaradu iyo xarumo ay lahaayeen wadamada Yurub, waxaana muslimiinta la gudboon in indhaha kala furaan oo ay ku cibro qaataan tijaabooyinkaas, waxayna Soomaalidu ku maahmaahday (Ishiis laga arkaa Ushiis lagu dilaa)

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-mail: amiinkhasaaro@homail.com 


»Denmark oo muslimiinta ku dhex nool ku eedeyneysa..
»
Fikirkiisa Guracan baa dunida dab ka dhaliyey!!
»OGAAN IYO ULAKAC | Inj. Nabaddoon
»
HADDII NABIGII ALLE LOO GAFEY MAXAA KULA GUDBOON?

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 8, 2006


BARO SIIRADII NEBI MUXAMED (NNKH)

@Spam!

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Allah Is Great

MUFTIGA SACUUDIGA SH. CABDIL CAZIIZAALA-SHEIKH


Dr.Yusuf Al-Qaradaawi

Carsten Juste, Madaxa Tifaftiraha wargayska Jyllands Posten

Ra'iisalwasaare Anders Fogh Rasmussen


"Maxay uga hadlaan dimoqraadiyad iyo xoriyad marka arrinta laga hadlayaa ay khuseyso Islaamka? haddii ay khuseyso diimaha kale xaqiiqadu waa is bedeleysaa" sidaas waxaa yiri Camar Muusa, madaxa ururka Arabta


JAWAABIHII AY CULUMADA MUSLIMIINTA KA BIXIYEEN AFLAGAADDADII AY WARGAYSKA JP U GAYSATAY RASUULKA (SCW)


Dhibaatooyinka Soo Foodsaara Ubadka iyo Hooyooyinka Soomaaliyeed ee Denmark
Warbixin: Ibraahim Saalax oo booqay tuulada Gudbjerg ee gobolka Fyn, Denmark ayaa sheegay in..
GUJI.. 30/8/02
 
SOOMAALIDA ODENSE OO U QAXAYA DALKA ENGLAND  

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD