SomaliTalk XAYAYSII


Home | Zakaat | Quraan |   Siiro | Search | Saxaabo |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - DENMARK


  • Baarlamaanka Norway oo soo Saaray Xeer manuucaya In la Aflagaadeeyo Diimaha
  • Xildhibaanad reer Australia ah oo Raali gelin ka bixisay hadalkeed "Qaranka Islaamka Australia"
  • 70,000 oo Qof oo Mudaharaad ku dhigay Pakistan (Arbaca Feb 15, 2006).

Baarlamaanka Norway oo soo Saaray Xeer manuucaya In la Aflagaadeeyo Diimaha

Baarlamaanka dalka Norway ayaa soo saaray xeer fal-dembiyeed ka dhigaya aflagaadada diimaha.

Xeerka sharciga ee 150-A oo ay baarlamaanku ansaxiyeen waxa uu fal dembiyeed ka dhigayaa meel uga dhicida diinta, afalagaadadaas oo noqon karta sida sawir gacmeed ama sawir.

Sheikh Yusuf Al-Qaradawi oo arrinta k asoo yeertay baarlamaanka Norway ka hadlayey waxa uu sheegay in uu soo dhoweynayo xeerkaas baarlamaanka Norway, kaas oo uu sheegay in uu yahay mid ka duwan halkii ay Denmark istaagtey.


Vebjoern Selbekk oo l akulmay Mohammad Hamdan

10 Jan 2006 ayey ahayd markii Wargeys reer Norway ah oo lagu magacaabo Magazinet, (Christian newspaper ee Norway) uu daabacay sawir gacmeedyadii wargeyska Denmark ee aflagaadada ku ahaa Rasuulka NNKH.

Tifatiraha wargeyska Magazinet (Norway) oo magaciisa la yiraahdo Vebjoern Selbekk oo markii hore difaacay daabacadii 10 kamid ah sawiradii aflagaadada ahaa ayaa Sabtidii Feb 11 raali gelin ka bixiyey daabacada sawir gacmeedyadaas. "Waxaan Muslimiinta si toos ah ugu sheegayaa in aan si shakhsiyan ah uga xumahanay in wax loo dhimay dareenka diintiina" ayuu yiri Selbekk.

Muslimiinta Norway waxa ayaa soo dhoweeyeen hadalkii tifatiraha wargeyska reer Norway. Mohammad Hamdan oo ka tirsan hogaamiyayasha ururka Muslimiinta Norway ayaa yiri "qofkii ninkaas wax u dhima anaga ayuu wax noo dhimay".

Dhanka dalka Denmark, Nin reer Denmark ah oo magaciisa la yiraahdo Peter Mollerup oo madax ka ah madbacad daabacda buugaagta (qaybta waxbarashada Denmark) ayaa waxa uu wargeyska Politiken u sheegay in sawir gacmeedyadii lagu aflagaadeeyey Rasuulka loo dhigi doono (ama la bari doono ) ardayda iskuulada.

Xildhibaanad reer Australia ah oo Raali gelin ka bixisay hadalkeed "Qaranka Islaamka Australia"


Danna Vale, sawirka Islamonline
"...Australia waxay 50 sano gudohood isu bedli doontaa Qaran Muslim ah. "

Xildhibaanad ka tirsan baarlamaanka Australia ayaa Arbacadii Feb 15 waxay muslimiinta dalkaas deggan ka raali gelisey hadalkeedii ahaa in haddii sida ay Australia hadda ku socoto uurka ay iska soo xaaqaan reer Australia in dalkaasi uu noqon doono qaran Islaam ah muddo 50 sano gudohood ah.

Waxaan ka xumahay haddii hadalkaygii uu wax u dhimay Jaaliyada Muslimiinta ah ayey tiri Danna Vale.

Siyaasiyiin iyo Muslimiinta reer Australia ay ayaa Talaadadii Feb 14 waxa ay cambaareeyeen erayadii ka soo yeeray Xildhibaanadaas reer Australia ah, erayadaas oo ay kamid ahaayeen in Australia ay 50 sano gudohood isu bedli doonto Qaran Muslim ah.

Xidlahaan Danna Vale oo warbaahinta la hadlayey gelinki dambe ee Isniita Feb 13, ayaa sheegay in Australia ay 50 sano gudohood noqoneyso Qaran Muslim ah, sababtoo ah ayey tiri " Inagii ayaa uurka iska soo xaaqeyna, iskana dhigayna kuwo cirib tirmaya".

Wax ay uu intaas ku dartay "Marka aad xaqiiqo ahaan eegtid tirada dhalmada iyo marka aad eegtid inaga (oo ay ula jeedey dadka aan Muslimka ahayn) aan is cirib tireyno sabatoo ah waxaa sannadkiiba uurka laga soo xaaqaa 100,000". Waxana intaas ku dartay "Haddii aad taas ku dhufatid 50 sano taas macneheedu waxaa weeye shan million oo Australian ahaan lahaa ayaan halkaan joogeyn" ayey tiri.

Warbaahinta Denmark oo Bilaabay in ay Dadkooda Baraan Xadaarada Islaamka....

DENMARK: Hay'adda warbaahinta Denmark ee loo yaqaan Danish Broadcast Corporation ayaa Maalintii Isniinta Feb 13, 2006 waxa ay bilowday in website-kooda qayb kamid ah oo loogu talo galay islaamka iyo Musliimiinta looga tirada badan yahay Denmark.

"Waxaan aaminsanahay in dadka na dhegeysta ay u baahan yihiin in ay waxbadan ka ogaadaan Islaamka iyo Muslimiinta" sidaas waxaa yiri Ulrik Aarhus oo Talaada Feb 14 la hadlayey islamOnline. Waxana uu intaas ku daray "Waxay u baahan yihiin akhbaar ku saabsan taariikhda, xadaarada iyo dhaqanka Islaamka si ay reer Denmark wax uga ogaadaan Muslimiinta iyo islaamka".

Nin Reer Australia ah oo Beeniyey in uu Sawir Gacmeed "Xasuuqii Yuhuuda" u diray Wargeys Reer Iiraan

AUSTRALIA: Nin Australia caan ku ah sawir gacmeedyada oo magaciisa la yiraahdo Michael Leunig ayaa Talaadadii (Feb 14) waxa uu sheegay in lagu been abuurtay. Arrintan ayaa ka dambeysey kaddib markii waregesy ka soo baxa dalka Iiraan oo maalmahan olole ugu jirey daabacada sawir gacmeedyada Xasuuqii Yuhuuda uu sheegay in sawir gacmeedyo kasoo gaareen ninkaas reer Australia.

Michael Leunig

Ninkan reer Austarlia waxa uu sheegay in ay layaab ku noqotay markii uu telefoon ka helay qof madax ah oo ka tirsan waregska "The Age" ee ka soo baxa Melbourne oo uu ninkan sawir gacmeed sameeyaha uu shaqaale ka yahay, waxaana uu sheegay in wargeyska uu u shaqeeyo uu weydiiyey sawirada ku saabsan Holocaust (Xasuuqii Hitlar ee Yuhuuda), taas oo uu sheegay in uusan lug ku lahayn.

Tartanka sawir gacmeedka Holocaust waxaa qaban qaabiyey wargeyska Hamshahri oo ah kan loogu iibsiga badan yahay dalak Iiraan. Waxana uu wargeyskaasi sheegay in ay arrintani jawaab u tahay sawir gacmeedyadii Aflagaadada ku ahaa Nebi Muxamed NNKH, taas oo wargeysku sheegay in uu ku tijaabinayo xorriyatul qowlku in uu ku kooban yahay wargeysyada Yurub.

Flemming Rose

Toddobaadkii hore ayey ahayd markii shaqada laga fariisiyey Flemming Rose oo tifatire ka ah wargeyska Jyllands Posten qaybta dhaqanka, kaddib markii uu CNN u sheegay in uu tixgelin siinayo daabacada sawir gacmeedyo xasuuqii Yuhuuda ama Holocaust - Wargeyska Jyllands Posten waa kii daabacay sawir gacmeedyada Aflagaadeeyey Rasuulka Allah ee Muxamed NNKH.

Carsten Juste

Saddex sano ka hor ayey ahayd markii wargeys maalin ah oo ka soo baxa Denmark uu diidey daabacaada sawir gacmeedyo Nebi Ciise (CS) ah kaas oo wargeysku ku sheegay in haddii uu daabaco uu meel uga dhacayo dadka masiixiyiinta ah.

Tifatiraha wargeyska Jyllands Posten  oo magaciisa la yiraahdo Carsten Juste ayaa sheegay in uusan daabacayn sawir gacmeedyada wargeyska Iiraan ee ku saabsan xasuuqii Yuhuuda ee dagaalkii labaad ee adduunka. Waxa uu Feb 9 sheegay in wargeyska Jyllands Posten uusan daabacay sawir gacmeedyo ah anti-Christian ama anti-Jewish. Wargeyskaasi waa kii daabacay sawir gacmeedyada aflagaada ku ah Nebi Muxamed NNKH, kaas oo sababay mudaharaadyada hadda ka socda daafaha dunida.

70,000 oo Qof oo Mudaharaad ku dhigay Pakistan (Arbaca Feb 15, 2006).

  • Mudaharaadyadadii ugu Xooga Weynaa ee Looga soo horjeedo aflagaadadii loo geystey Nebi Muxamed NNKH oo maalintii saddexaad ka socdey Pakistan.

Mudaharaadyadii ugu xooga weynaa ayaa Arbaca Feb 15 waxa ay ka dhaceen gobolka Peshawar, Pakistan, halkaas oo ay isugu soo baxeen dad lagu qiyaasay 70,000 kuwaas oo ka mudaharaadaya sawir gacmeedyadii Aflagadada ku ahaa Nebi Muxamed NNKH ee uu markii ugu horeysey uu daabacay wargeys ka soo baxa Denmark. Mudaharaadyadii Arbacada waxaa ku dhintay saddex qof.

Dadka mudaharaadayey waxay ku dhawaaqayeen "ha dhacdo Denmark", waxayna dadk amudaharaadayey gubeen calanka Denmark.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Pakistan, Aftab Khan Sherpao, ayaa Feb 14, 2006 sheegay in laba qof ku dhinteen mudaharaadyadii Talaadadii ka dhacay magaalada Lahore ee dalka Pakistan.

Wararka halkaas ka imanaya waxay tibaaxeen in dadka mudaharaadayey Talaadadii Feb 14 ay dhagxaan la beegsanayeen, dabna qabadsiiyeen goobaha ganacsiga ee reer Galbeedka, waxayna daaqadaha ka jejebiyeen goobaha ay kamid yihiin Holiday Inn hotel, iyo makhaayadaha Pizza Hut, KFC iyo McDonald.

Waxa kale oo dadka mudaharaadadyey ay jeexjeexeen sawir weyn ee madaxweynaha dalkaas Pervez Musharraf.

Mudaharaadka Lahore waxaa la sheegay in ay ka qayb qaateen ugu yaraan 1,000 qof.

Dhanka magaalada caasimada ee Islamabad (Islam Abad), waxaa Talaadadii (Feb 14) ka dhacay ugu yaraan saddex mudaharaad. Mid waxaa ka qayb qaatay 1,000 arday oo socod ku aaday qayta deyrku ku xeeran yahay ee ay degan yihiin diblomaasiyiinto. Mudaharaad kale oo isla magaaladaas ka dhacay waxaa ka qayb qaatay 4,000 oo qof.

Waxaa kale oo Talaadadii socod mudaharaad ah ka qayb qaatay 50 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Pakistan kuwaas oo socod ka soo bilaabay xarunta Baarlamaanka  kuna tegey xarunta diblomaasiyiinta, halkaas oo ay ku qabteen mudaharaad aan rabshado ka dhicin. Laakiin mudaharaadyada kale ee talaadadii ka dhacay pakistan waxaa ka dhashay rabshado.

Waxaa jira warar tibaaxayaa in dalak Pakistan gebi ahaantiisb alag aqaban qaabinayo mudaharaad guud oo dalkaas ka dhic doona Maarso 3.

Xoghayaha Arrimaha dibada maraykanka, Condoleezza Rice, ayaa Axadii walaac ka muujisay in arrimaha sawir gacmeedka (lagu aflagaadeeyey rasuulku) ay faraha ka baxayaan, sida ay qortay Shabakada IslamOnline.

Mudaharaadkii London

Mudaharaadyadii Yurub (Sabti Feb 11, 2006)

Dalalka Yurub waxaa sabtidii ka dhacay mudaharaadyo si nabad ah ku dhammaaday.

UK:

London: Kumanaan qof ayaa Sabtidii Feb 11 isugu soo baxay fagaaraha loo yaqaan Trafalgar Square ee magaalada London, dadkaas ka mudaharaadayey wargeyska Denmark ee aflagaadeeyey Nebi Muxamed NNKH.

JARMALKA:

Feb 11, 2006: Dalka Jarmalka 2,000 oo qof ayaa mudaharaad ku dhigay qunsuliyada Denmark ee magaalada Duesseldorf. Sidoo kale 1,200 ayaa mudaharaad ku dhigay magaalada Berlin, waxaa kale  130 qof ay mudaharaad ku dhigeen magaalada woqooyiga ku taal ee  Leer.

FRANCE:

Feb 11, 2006: 7,000 qof ayaa mudaharaad ku dhigan magaalada Paris, sidoo kale 2,200 oo qof ayaa ku mudaharaaday magaalada Strasbourg oo ku taal bariga France.

HOLLAND

Feb 11, 2006: 100 qof ayaa mudaharaad ku dhigay magaalada Amsterdam.

SWITZERLAND:

Feb 11, 2006: 1,000  qof ayaa mudaharaad ay kaga soo hor jeedaan aflagaadadii loo geystey Rasuulka NNKH waxa ay ku dhigeen magaalada Berne.

Sidoo kale sabtidi waxaa mudaharaadyo ka dhaceen dalalka Ireland, Austria and Belgium. Jimacadiina waxaa mudahaardyo xoog lehi ka dhaceenTehran, Cairo, Istanbul, Nairobi ilaa Kuala Lumpur iyo Islamabad, dadkaas oo mudaharaad dhigan kadib markii la tukadey salaadii Jimcada.

Isha: Aljazeera, CBC, Google images, Yahoo images, Islamonline.

@Spam!

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Allah Is Great
30 Sept 2005: Joornaal ka soo baxa Denmark (Jyllands-Posten) ayaa daabacay sawir gacmeedyo aflagaado ku ah Nebi Muxamed.
20 Oct 2005: Ambaasadoorada 11 dal ee Muslim ah u fadhiya Denmark ayaa waxay warqad u direen ra'iisul wasaaraha Denmark ay ku weydiisanayaan in ay la shiraan, ayagoo ugu baaqay in uu wax qabato wargeyska daabacay sawir gacmeedyada, waxana uu ra'iisul wasaaruhu diidey kulankaas.
Oct 14, 2005: Lix iyo toban hay'adood oo Muslimiin ah Reer Denmark ay ayaa cambaareeyey wargeyska Jyllands-Posten, waxana sheegeen in Muslimiinta la daan-daansanayo.
20 Oct 2005: Muslim Safiirada Muslimka ayaa waxay cabasho u gudbiyeen ra'iisul wasaaraha Denmark.
10 Jan 2006: Wargeys reer Norway ah oo lagu magacaabo Magazinet, ( Christian newspaper ee Norway)ayaa daabacay sawir gacmeedyadii wargeyska Denmark ee aflagaadada ku ahaa Rasuulka NNKH.
25 Jan 2006:
M
uftiga dalka Sacuudiga Sh. Cabcicasiis Aala-Sheekh uu soo saaray fatwo uu ugu yeerayo shirkadaha sacuudiga, iyo guud ahaan ganacsatada muslimiinta inay jaraan xiriirkooda dhaqaale ee ay la leeyihiin shirkadaha laga leeyahay Denmark,
26 Jan 2006: Saudi Arabia ayaa u yeertay safiirkoodii u fadhiyey Denmark. Waxaana sucuudiga ka bilowday joojinta alaabta laga keeno Denmark.
30 Jan 2006: Waxaa weerar lagu qaaday xafiiska Midowga Yurub ee Gaza ayadoo la weydiisanayo raali gelin in ay bixiyaan
31 Jan 2006: Joornaalkii Denmark ayaa bixiyey wax u eg raali gelin
1 Feb 2006: Wargeysyo reer Yurub ah ayaa mar kale daabacay sawir gacmeedyadii iyagoo ku taageeraya Denmark iyo waxa ay ugu yeeraan Xorriyatul Qowlka, wargeysda daabacay waxaa kamid ah France, Germany, Italy iyo Spain .
3 Feb 2006: Dad mudaharaadaya ayaa isugu soo baxay meelo badan oo k amid ah dunida, sida  London UK, Ciraaq, Pakistan, iyo Indonesia
4 Feb 2006: Waxaa dad caraysani weerareen,dabna qabadsiiyeen safaaradaha Denmark iyo Norway ee dalka Suuriya.
5 Feb 2006: Waxaana mudaharadyo lagu qabtay 25 dal. Dad mudaraadayey ayaa gubey safaarada Denmark ee magaalada Beyruut, Lubnaan.  Waxaa is casiley wasiirkii arrimah agudaha ee Lubnaan.
6 Feb 2006:
Ciidamada Booliska Afganistan ayaa rasaas ku furan dad mudaharadaadayey halkaas waxaa ku dhintay afar qof. Magaalada Boosaasona waxaa ku dhintay wiil 14-jir ah.



Dumar reer Flastiin ah oo mudaharaadaya oo kor u sida Kitaab Qur'aan ah.


Kumanaal Muslimiin reer Bangaladhesh ah oo magaalada caasimada oo k amudaharadaadaya aflagaadadii loo geystey Nebi Muxamed

Reer Siiriy aoo sii wada mudaharaadka

Reer Joordan oo k amudaharadaada sawir gacmeedka lagu aflagaadeeyey Rasuulka

Ciraaqiyiin ku timanaya calanka Denmark

Muslimiinta Indonesia oo gubya calanka Denmark
Young supporters of Islamic Felicity Party shout slogans in front of the Danish Embassy in Ankara, Wednesday, Feb. 1, 2006, to protest caricatures of the Prophet Muhammad published by a Danish newspaper, sparking outrage in Muslim countries, Protesters asked people to boycott Danish goods.(AP Photo/Burhan Ozbilici)
Muslimiin Arbacadii ku hor mudaharaadaya safaarada Denmak ee Ankara.. Washintonpost


Sawir gacmeedyadu waxay meel uga dheceen 1.3billion oo Muslim ah


Dhibaatooyinka Soo Foodsaara Ubadka iyo Hooyooyinka Soomaaliyeed ee Denmark
Warbixin: Ibraahim Saalax oo booqay tuulada Gudbjerg ee gobolka Fyn, Denmark ayaa sheegay in..
GUJI.. 30/8/02
 
SOOMAALIDA ODENSE OO U QAXAYA DALKA ENGLAND  

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD