RASUULKA DIIDOW DULLOW HADDAAD DOONTANA DILAAC!!
C/Rahman
Eelay
eediran@yahoo.com
***
Rasuulkii suubanaayoow*
Sayidkaan wada jecleynoow
Alla salaan wacan naga
gudoomeey
Salaan wacan naga
gudoomeey
Rasuul Eebow waxaad tahay Misbaax dunida ifkeeda qariyey, waxaad tahay
Naxariis dunidan loo soo diray, waxaad tahay midaan nasab iyo sifo midna
lagu gaareyn. Rasuul Eebow maalintaad dhalatay, maalinkii lagu boqray,
maalinkaad samaawaadka aaday iyo maalintaad guuleysatayba horaa loo sii
sheegay. Waxaad ku taal kutubta da’da weyn ee maanta Hinduugu uu haysto, waa
lagugu amaanay, waa lagu sugayey, waad soo daahirtay nasiib xume wayse ku
baal mareen.
Saacadii dhalashadaadi*
Ayaa sanamyaduba
daateenoo
Sirtii Sheydaanka laga
xirayee
Salaan wacan naga gudoomeey
Waxaa ku xardhan kutubta Veda ee Hinduuga in Kalki Autar uu yahay Rasuulka
ugu danbeeya Rususha Eebe, adduunkoo dhana loo soo diray. Wuxuu Adoonkani ku
dhalan doonaa dhul ka durugsan Hindiya oo la yiraahdo Jasiiratul Carab.
Aabihii waxaa la yiraahdaa Vishnu Bhagat, Hooyadiina Somanib. Kutubkan oo ku
qoran afkii qadiimka ahaa ee Sanskrit ayaa Vishnu Bhagat ay la micne tahay
Abdullahi ama Adoonkii Eebe, Somanib-na ay la micne tahay Nabad ama ammaan (Amina),
Kalki Autar-na wuxuu la micne yahay Rasuul la soo diray. Kitaabka kale ee
Bhavishya Purana ayaa isagu Rasuulka ku sheegaya magaciisa Mohamed (scw) iyo
inuu ku hadli doono af qalaad, dhulka Carabtana ka soo bixi doono, Akhlaaq
wacnaanta ayuu dad kaga tegey, cadowgiisana wuu ka guuleysan doonaa, wuxuu
isku daahirin doonaa biyaha webiga Gangis buu yidhi. Dadka raacaa way is
gudi doonaan, gadhkana way sii deyn doonaan, timaha dheerna dib kama xiri
doonaan, wuxuu ugu yeedhi doonaa dadka Ilaah keliya in la caabudo, Aadaan
ayay isugu yeedhi doonaan salaada, wax walboo loo xalaaleeyana way cuni
doonaan waxaan ka ahayn Doofaarka, sida Hindida masaakiinta isku daahirisa
cawska noqon maayaanee wixii ka horyimaada Diintooda surkaa maqan,
magacoodana waxaa la odhan doonaa Muslimiin.
Kitaabkaas oo warkiisa sii wata ayaa Aayada 21-23 ku yidhi: “ Dil, dhac iyo
boob ayaa todobada magaala ee barakeysan ee Kashi ku yaal ka batay. Hindiya
waxaa degan Qabiilada Rakshas, Shabor, Bhil iyo kuwa kaloo aan xoolaha waxba
dhaamin. Dhulka ay degan yihiin Malechhas ee dadkiisu ay aaminsan yihiin
Malechha dharma(Islam) waa dad xikmad badan oo geesiyaal ah. Wixii
wanaagsanba waxaa laga helaa dadka la yiraahdo Musalmaans, dadkanina waxay
xukumi doonaan Hindiya iyo Jasiiradaheeda oo dhan. Intaasoo dhan markaad
aragto Warhooy Muni-ow, Eebahaa weynee oo cibaadeyso!
Halkan laguma soo koobi karo Kitaabkaas keliya waxa ku qoran. Kuwa kale ee
la midka ahna kaba daran. Sida Kitaabka la yiraahdo Atharvaveda oo isagu u
badan Heeso iyo Amaan. Waxaa ka buuxa Micraajkii Nebiga, Asxaabtiisii 10-ka
loogu bishaareeyey Janada iyo 10, 000 ee Maka furan doona. Waxaa ku yaala
magaca Bakkah iyo cadawgii ka soo horjeeday oo ahaa dadkii Makkah deganaa oo
uu Kitaabku ku qiyaasay 60, 090 iyo 20-kii boqor(Kaaba qabiil) ee ka
talinayey Makkah. Kutubta kale ee lagu xusay Rasuulka (scw) waxaa ka mid ah
Rigveda iyo Samveda.
Khalqiga kii u khey
rsamaayow*
Dhamaan diimuhu
sifeeyeenow
Rasuul Aakhiru samaanow
Salaan wacan naga
gudoomeey
Kitaabkii Zabuur ayaa
in badan lagu xusay Rasuulka. Zabuur wuxuu u badnaa Eebe amaan iyo
qasiidooyin ay dhegeysan jireen dad iyo duunyaba. Waxaa bog walba kaaga soo
baxaya sifooyinka wanaagsan ee uu Suubanuhu leeyahay, Guusha uu heli doono,
Magaalada Bakkah(Makkah) iyo sida ay ummadiisu uga dul qaylin doonaan
buuraha iyagoo Eebe Weyne xusaya-Labeeg Allahuma labeeg! Labeeg Laa shariika
laka labeeg!
Towraad ayaa isna Rasuulka lagu xusay inuu soo bixi doono. Aad buu Nebi
Muuse(cs) uga sii dardaarmay ummadiisana ugu sharxay Nebiga Aakhiru samanka
soo bixi doona. Iyadoo cid waliba taa ka dheregsan tahay ayaan waxaan ka soo
qaadaneynaa oo keliya sheekadii ay ka sheekeysay Xaaskiisii sharafta badnayd
ee Safiya Bintu Xuyey Ibnu Akhtub. Safiya waxay ahayd Yuhuudiyad uu dhalay
nin Laandheere ah oo Kaaba Qabiil u ahaa Qabiilooyinka Banu Nadir. Waxaan
ahaa bay tidhi Gabadh yar oo qurux badan oo ay Aabaheed iyo Adeerkeed ay aad
u jecel yihiin cid kalena aysan la hadlin haddiiba ay guriga yimaadaan ilaa
ay aniga ila koodaan. Markii uu Suubanuhu yimid Madiina ayay labadoodu u
tageen inay soo arkaan, maysan soo laaban ilaa gabal dhicii ayay tidhi.
Markaan arkay baan la yaabay dhibaatada iyo murugada ka muuqata iyagoo caga
jiidaya, markaasaan u qoslay oo aan sidii caadada ahayd ka filay inay I
cayaarsiiyaan oo I qaadqaadaan. Waxaanse la yaabay sida aysan cidiba iigu
jeedin ee ay labadoodu u murmayaan. Waxay igu noqotay wax la yaab leh oo aan
horey iisoo marin. Adeerkey Abu Yasir ayaan maqlay isagoo Aabahay weydiinaya
su’aalahan:
Abu
Yasir: “Ma nebigii la sheegayey ee la sugayey ayuu ahaa?”
Aabahay: “ Haahey, waa isagii”!
Adeerkey: “ Ma naga hubtaa? Calaamadihiisii wax ma ka aragtay?
Aabahay: “ Aahey, aad iyo aad baan u aqaanaa. Aad baan u arkay wixii laga
sheegayey” Adeerkey: “ Haddaba maxaad sameynasaa? Maxaad ka leedahay
arrinkan?
Aabahay: “ Cadaawad baan u hayaa. Cadaawad baan u hayaa inta aan noolahay”!
Waxaa xaqiiqa ah in calaamadahan uu arkay Safiya aabaheed ay ahaayeen kuwii
uu ku islaamay Ninkii Yuhuuda ugu cilmiga badnaa shiikhoodana ahaa ee la
odhan jirey Abdullah ibn Salam iyo Kacab Al-Ahbar. Labadan caalimba waxay
xaqiijin jireen sheekooyinka ku qoran Towraad ee uu Abdullahi Ibn Camr soo
tebin jirey.
Kutubka Injiilna warkiisaba daa oo Magaca Rasuulka iyo abtirkiisa, Inuu Ummi
yahay, in Jibriil u imanayo, In Akhri la odhan doono, Isna wax ma akhriyo
ugu jawaabayo, Biyaha zamzamka iyo buuraha Paran, In Micraajka loo dheelmin
doono, In Sanam caabudku dhamaan doono iyo inaan Rasuul kale ka danbeyn ayaa
ka buuxa.
Suubanow Xabiibka Allow*
Raxmadii Saatir soo
dirayow
Dhamaan saameysay dunidoo
Salaan wacan naga
gudoomeey
Rasuulka intaas oo Kutub iyo kuwa kale oo aan anigu garaneyn lagu xusay ayaa
ilaa qarnigii 13-aad marba sidii la doona loo sawiraa, loo cayaa, loo
xumeeyaa, loo masabidaa. Qarnigani waa Qarnigii Islaamku xoogiisii uu Jabay.
Waa Qarnigii laga soo xaaqay Isbeyn iyo Yurub, Waa Qarnigii ilaa Hindiya iyo
Afrikaba lagu jebiyey, Waa Qarnigii Dalweynaha Mareykanka lagu gumaaday
Malaayiin Muslimiin ah oo aanu u naqaan Cali Beysteen. Waa Qarnigii
Malaayiin Muslimiin ah badaha laga talaabiyey oo la mariyey ciqaabtii iyo
bahdilkii dunida ugu darnaa. Waa Qarni la bilaabay siyaasadii ugu sirta
badneyd dunida iyo sidii uusan Islaam danbe xoog u yeelan lahayn. Waa Qarni
la qorsheeyey in Muslmimiinta dunida loo daabaco Buugaag ay ka buuxaan cayda
Nebiga, Diinta iyo Ilbaxnimadii Muslimiinta. Waa Qarni shida badan lahaa oo
ilaa maanta na daba socda!. Ilaa iyo 70-kii dhowaa ayaa carruurta aanu
dibada u dirsan jirnay la soo
bari
jirey in Suubanuhu uu sifooyin xunxun lahaa: Waali, Qalal, Suuxe, Iska
hadle, Riyoode, Quraafaadle, Sixiroole, Dhiigyacab iwm. Waxaa ay
Macallimiinta Ferenjiga
ahi
ay carruurteena ku horcaayi jireen Rasuulkooda iyagoon ka hadli karin ama
odhan karin Rasuulka sida u dhaama. Ilaa maanta Buugaagta laga dhigo dunida
oo dhan ayaa waxaa ka maqan Siirada Rasuulka, Ilbaxnimadii Islaamka,
Saynisyahanadii Islaamka iyo Halyeeyadii Dunida Islaamka. Waxaase ka buuxa
kuwa Ferenjiga sida Nabilyoon, Hitler, Churchil, Kolombos, Darwin, Diigool,
Bell, Newton, Dante, Notradamus, Shakespeare iwm. Waxaa naloo soo daabacay
Buugaagtoodii oo aan biyo la marin. Marka Ferenjigu carruurtooda uu barayo
si aad u tifatiran ayuu ugu sheegaa inay dunidan ugu sareeyaan, iyagu yihiin
kuwii loo abuuray inay hantaan, lana dagaalamaan cidii ku qabsata, in dadka
soo hadhay ay yihiin waxshi u dhaqma sida xayawaanka ayna muhiim tahay in la
tababaro si ay dad u noqdaan oo u fahmaan sharciyadayada iyo
ilbaxnimadayada. Waxay kaloo ka dhaadhiciyaan cadowgooda iyo sida uu u
egyahay iyagoo baraya dhaqankiisa, diintiisa, afkiisa iyo meelaha uu ka
nugul yahay.
Bureeqada kii la saaroo*
Habeen loo dheelmay
samadoo
Salaadaha noola yimidoo
Salaan wacan naga
gudoomeey
Haddaba cayda Suubanaha iyo aflagaadada loo geysanayo maaha wax haatan
biloowday ee waxaan anigu u arkaa inay tahay fahan cusub oo Dunida Islaamku
fahmayaan in haadaan laga tuuray oo ay haatan salaankii u horeeyey ay soo
fuuleen. Aflagaada tii ugu xumeyd oo weliba sawir wadata ayaa waxaa sameeyey
nin la odhan jirey Dante Alighieri. Durante (Dante) wuxuu ku dhashay
Magaalada Florence sanadkii 1265. Markuu soo barbaaray ayuu wuxuu aad u
akhristay Buug uu nin Islaam ahaa oo Reer Isbeyn ahaa oo la oran jirey Ibn
Alcarabi uu ka qoray Dheelmidii Rasuulka(csw) iyo Micraajkii 20 sano ka hor
intii uusan dhalan Dante. Wuxuu aad uga helay wixii ku qornaa iyo sida
wanaagsan ee looga sheekeeyey Dunida naga qarsoon ee aynaan cilmiga u lahayn.
Kadib, wuxuu bilaabay inuu alifo majaajilo iyo buugaag uu u bixiyey Divina
Commedia (The Devine Comedy) isagoo mala awaalaya samooyinkii, Jaranjaradii,
Naartii iyo Janadii uu ka akhristay Kitaabkii Ibn Carabi uu qoray. Wuxuu ka
sheekeeyey dadka lagu hurinayo Naarta oo uu sawiro fool xun ka sawiray.
Waxaa halkaa uu kula hadlayaa Suubanaha iyo Cali oo uu sawiray isagoo ku
jeesjeesaya oo uu wax aad u fool xun oo tilmaamo ah uu ka bixinayo. Labada
muuqaal ee foosha xun ee sida cadaawada ku jirta uu u taswiiray Faajirkani
ayaa waxaa ku dul qoran Suubanaha Magaciisa iyo Seyidinaa Cali. Ma doonayo
inaan halkan ku soo qoro wixii ku qornaa xumaanta ay leeyihiin, waxaanan
aaminsanahay in aan horey loo qorin odhaahyo qof lagu tilmaamayo oo ka fool
xun kuwa ninkani qoray, sawiro ka fool xuna kuwuu sawiray aan horey loo
taswiirin. Magacii ba’ Dante isagaa maanta Naarta uu sheegayo calooshiisa
iyo xiirmihiisu ku hurayaan cid u shafeecdana uusan haysan!
Waxaa ka sii fool xun waxan uu qoray Dante oo dharbaaxo aanu saljugle ula
dhacnay ah markii Jaamacadaheena iyo Iskooladeena iyo kuwa dunidaba lagu
dhigo Riwaayadii Dante iyo kuwii Shakespeare-ba iyadoo la barayo ardaygii
qaadanaya Suugaanta Qadiimka ah. Waxaa iyana xusid mudan in la sheego in
Dunida Islaamka badankeed aysan raacin wixii uu Suubanuhu la yimid. Waxaad
arkaysaa iyagoo ka doortay warkiisii war kale ama wixii uu yidhi sameeya aan
sameyneyn wixii uu yidhi iska daayana aanan ka hadhayn. Waxaa badan dadka
Islaamka ah ee haddana Islaamka kale laaya, kufsada, dila, dhaca, u diida
xoriyadooda, u diida diintooda, caaya Rasuulka iyo Ilaahay, Magacya xunxun
ku sheega Suubanaha. Maxaanu ku sheegi karnaa kuwan? Sow taswiir xun kamay
bixin Suubanaha iyo wixii uu la yimid?
Sadriga kii loo sargooyoo*
Malaa’igi ay sifeeyeenoo
Saxar iinle kaga tiginee
Salaan wacan naga
gudoomeey
Suubanuhu wuxuu tolan jirey kabahiisa, dharkiisa, Gurigiisa wuu dhisi jirey,
Beerta wuu fali jirey, Maryaha wuu kaban jirey. Haddaba qofka aan raacin
sunadiisaas maxaanu ku tilmaameynaa. Qofkii raaca ee ku dhaqma ee lagu dhibo,
lagu caayo, lagu takooro ama lagu quudhsado sow la mid maaha isagoo
Suubanaihii caayey. Haddiiba uu Midgaanku ama Tumaalku bir tumo ama kabaha
sameeyo, Jareerku beerta falo ama guriga dhiso, Reer Xamarku dharka tolo ama
kabo maxaa loo caayayaa haddiiba intaas iyo in kabadan uu Suubanuhu sameyn
jirey? Sow sawir xun lagama bixin Suubanihii sharafta badnaa?
Saliga Nebigeena wacanee*
Sadriga nuurkiisa weeyoo
Sed iyo Riixaantii weeyoo
Salaan wacan naga
gudoomeey
Adaa sinji sare ka soo
jeedoo
Adaa Eebahay ku saxayoo
Adaan sife lagugu
gaareynee
Salaan wacan naga gudoomeey
Weligiiba Faarax ha iska hadlo!
*Qasiidadan waxay qayb
ka tahay Nebi Amaan dheer oo uu curiyey Prof-Sufi Abshir Aw-Yusuf (Abshir
Fisigis)
C/Rahman
Eelay
eediran@yahoo.com
LABA KALA DARAN MID DOORO! -
Walle goorey ahaataba xaqu feedhuhuu ka dillaaci!
WQ: Eelay... Guji...