SOMALITALK.COM   XAYAYSII


Home | Zakaat | Quraan |   Siiro | Search | Saxaabo |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - DENMARK


Maanta iyo wararka Caalamka

Feb 22, 2006

  • Ra'iisalwasaaraha Danmark oo diiday in baaritaan lugu sameeyo qaabkii loo wajahay xiisadda ka dhalatay aflagaadii Nabi Muxamed NNKH
  • Sacuudiga oo xiray wargeys daabacay sawiradii Nabiga ihaaneynayey
Ra'iisalwasaaraha Danmark oo diiday in baaritaan lugu sameeyo qaabkii loo wajahay xiisadda ka dhalatay aflagaadii Nabi Muxamed NNKH
 
Ra'iisalwasaaraha dalkaasi Anders Fogh Rasmussen Denmark ayaa gaashaanka maanta u darruuray in baaritaan guud lugu sameeyo waxyaabihii ka dhashay aflagadaadii Nabi Muxamed NNKH ee wargeys dalkaasi kasoo ku kacay iyo qaabkii ay dowladiisa u maareysay. "Xiisadu maaheyn mid su'aal laga keeno qaabkii loowajahay ama warbixin dadka loo soo gudbinayo" ayaa lugu yiri war laga helay wasaarada arrimaha dibada dalkaasi.
 
"Diblomaasiyiin ayaa habeen iyo maalin ku howlan siddii xal loogu helil ahaa mana ahan iney kalsooni darro abuuranto. Haddi mucaaradku doonayaan iney mas'uliyada dusha dowlada u saaran waxba kama qabno" ayuu yiri Anders Fogh Rasmussen oo misna hoosta ka xariiqay in baaritaanka ay ku baaqeen mucaaridka dalkaasi aysan aheyn mid wax ka badaleysa dhinacyadii ay xiisadan quseysa ama xalkooda keeni karta.
 
 
  Sacuudiga oo xiray wargeys daabacay sawiradii Nabiga ihaaneynayey
 
Dalka boqortooyada Sacudiga  Careebiya ayaa xiray wargeys kasoo baxa dalkaasi oo maalinle ahaa kadib markii wargeyskaas la sheegay inuu sawiray sawiradii kartoonada ahaa ee lugu ihaaneyey Nabi Muxamed NNKH. Wargeyskan oo ah mid uu lahaa nin kasoo jeeda qoyska reer boqor ee dalkaasi oo markii dambe u weecday dhinaca ka sheekeynta arrimaha dhalinyarada ayaa muddo haatan laga joogo saddex toddobaad daabacay sawiradaasi.

Dhinaca kale wargeyskan ayaa abuuray muran la xirriira markii uu bilaabay inuu ka hadlo arrimaha dumarka dalkaasi iyo dowrka ay ka qaadan karaan adeegyada bulshada, British Broadcasting Corporation -na waxey sheegtay in amuurtan keentay in dowladu ay ka guuxdo.

Tafaftirka guud ee wargeyskan lugu magacaabo Sham ayaa sheegay markii wax laga weydiyey sabata ay ku daabaceen sawiradasi muranka dhaliyey iney u jeedadoodu aheyd sidey indhaha dhalinta  Sacuudiga ugu soo jeedin lahayeen dalkaasi Denmark. Wasaarada warfaafinta iyo dhaqanka dalkaasi ayaa haatan waxey si kumeel gaar ahaan u xirtay wargeyskaasi maalinlaha ah tan iyo inta ay dowladu baaritaanka kaga soo saareyso sababihii dhaliyey in la daabaco sawirada si weyn u dhaawacay dareenka muslimiinta caalamka.

Wargeyska Al- Shams wuxuu kamid yahay shan wadan oo dunida carabta ka tirsan oo ay wargeysyadooda soo bandhigeen sawiradii ihaanada ah ee loo geystay Suubanaheeni Muxamed NNKH.


  • Ra' isul Wasaaraha Finland oo ka cudur daartay Dacaayadii Rasuulka.
  • Wargeyska "Jyllands- Posten maanu bixin raaligareyn!!"
  • Wargeys Ruush ah oo la xiray kadib markii uu daabacay sawiradii Aflagaada ahaa ee lugu ihaaneynayey Nabi Muxamed
Ra' isul Wasaaraha Finland oo ka cudur daartay Dacaayadii Rasuulka.
21.2.2006
Ridwaan Xaaji Cabdiweli, Helsink, Finland.
 

Matti Vanhanen
Ra'iisul Wasaaraha Dalka Finland Matti Vanhanen ayaa Raali galain xoogan ka bixiyay Daabacaadda qaar kamid ah Shabakadaha dalkan Finland ay daabaceen ee ku aadan Sawiradii aflagaadada ahaa ee lagula dhaqaaqay Rasulkeena Muxamed Calayhi Salaatu wasalaam, Waxaana uu tilmaamay in aan loo dul qaadan karin arimahaasi oo kale marnaba.
 
Warar ku dhow Dawladda dalkan oo qaar kamid ah Saxaafadda Dalkan ay daabaceen ayaa sheegaya in Raali galintaasi uu bixiyay Ra'iisul Wasaare Vanhanen ay muran ka dhex dhalisay Xubnaha sar sare ee Dawladda oo qaarkood u arka in aanay qasab ahayn in Cudur daar sidaasi u adag ay bixiso Finland.
 
Raaligalinta Finlad waxaa ay ka danbaysay socdaal uu dhowaan ku tagay Dalkaasi Kuwait oo si weyn uga xumaa Qoraalada ay daabaceen qaar kamid ah Websiteyada Xagjirka ah ee Dalka Finland oo ay uga hadlayeen Sawir Gacmeedkii lagu aflagadaynayey Nabi Muxamed Calayhi Salaatu Wasalaam.
 
Dadwaynaha Finland waxaa lagu sheegaa in ay yihiin dad aad u tixgaliya nabadda oo neceb in dhibaatooyin loo gaysto dhinac walba, taas ayaana keenaysa in rai'isul wasaaraha dalkan Finland uu durbaba muujiyo sida uu uga xunyahay arinka ay ku dhaqaaqeen shabakadaha dalkan ee xigashada Sawir gacmeedkaas.
 
Ridwaan Xaaji Cabdiweli, Helsinki, Finland.
ridwanhaji@yahoo.com
 
Wargeyska "Jyllands- Posten maanu bixin raaligareyn!!"

War kasoo baxay wasaarada arrimaha dibada dalka Denmark iyo tafatiraha wargeyskii dhawaan ihaanada u geystay Nabi Muxamed NNKH ayaa laga soo xigtay iney sheegeen warkii cudurdaarka ahaa ee shalay lugu soo daabacay jariirada afka carabiga ee Sharqul-Awsat inuusan aheyn mid wargeyska Jyllands Posten  soo gudbiyey ee ay  tahay mid si shaqsi ahaan ay u soo gudbiyeen shaqsiyaad is xilqaamay. "Haatan waxaa lugu jiraa baaritan la xirriirta ciddii dirtay farriintaas cinwanka looga dhigay Raali gareyn" ayaa lugu yiri warbixin laga soo xigtay wasaarada arrimaha dibada ee Denmark.

Shalay ayuu wargeyska Sharqul Awsat daabcay qoraal lugu sheegay inuu ku wajahan yahay dunida Muslinka taasoo shaqsi ku hadlayey magaca wargeyska codsaday in laga raali ahaado wixii ihaano ah ee ay u geysteen Rasuulka oo ay dhalisay waxa loogu yeeray isfahan darro.

Wargeys Ruush ah oo la xiray kadib markii uu daabacay sawiradii Aflagaada ahaa ee lugu ihaaneynayey Nabi Muxamed

Wargeys maxali ah oo kasoo baxa dalka Ruusha ayaa gebi ahaanba shaqada ka eryey tafatirihii iyo shaqaalihi kale ee wargeyskaas ka howl gali jiray kadib markii ay daabaceen sawiradii kartoonada ahaa ee lugu ahaaneyey Nabi Muxamed NNKH.

Bishan 15-keedii ayaa wargeyskani wuxuu daabacay sawirada muranka ka taagan yahay ee muslimiin badan oo dunida ka careysiiyey. Ninka leh wargeyskan ayaa sheegay inuusan damaano qaadi karrin amaanka weriyeyaashaasi sidaas daraadeedna uu gartay inuu shaqada ka fariisiyo gebi ahaana alabaabada u laabo wargeyskaas maxaliga ah.

Duqa magaalada Vologda ee wargeyskani kasoo baxo ayaa u sheegay wakaalada wararka ee dalkaasi ee Inter Fax in raali gareyn loo diro doono dhamaan 15- milyan ee muslimiinta dalkaasi Ruusha si loogu sheego in wargeysku aan qasdigiisu  aheyn inuu wax u dhimo dareenkoda.   

       Neyjeeriya oo muslimiin careysan oo kaniisado dab qabadsiiyey

Maalinba maalin, dalba dal ayuu u sii gudbay una sii kordhay xiisada ka dhalatay sawiradii foosha xumaa ee kartoonada ahaa luguna sheegay iney ahaayeen Nabi Muxamed NNKH ee uu sawiray wargeys Denish ah. Beesha caalamkuna weli xal amuurtaas ku saabsan oo ay ka gaartay ma jirto marka laga reebo baaqyo caalami ah oo laga soo saaray.

Dalka Neyjeeriya ayaa magaalo ku taal waqooyigiisa waxaa ku dhintay dad gaaraya toboneeyo qof kadib markii halkaasi maanta banaanbaxyo ka dhaceen. Muslimiin careysan ayaa lugu soo waramaya iney dab qabadsiyeen kaniisado ku yaala magaalada la yiraahdo Bauchi.

Weriyaha wakaalada wararka Rueters ayaa sheegay inuu arkay dhalinyaro dab qabadsiineysa ugu yaraan labo kaniisad waxey jidka ku gooyeen shaagaga baaburta, dukaaman ku yaala nawaaxiga ay rabshaduhu ka dhacayaan ayaa sidoo kalena dab la qabadsiyey. Ilaa iyo haatan lama hayo tiro rasmi ah oo ku dhintay rabshadaha halkaasi ka dhacay balse weriyaha wakaalada wararka Rueters ee halkaasi ku sugan wuxuu soo sheegay inuu arkay 10 qof oo meyd ah halka boqolaal qof oo dhaawac ahina loola cararay cisbitaalada.
Shalay oo axad ah ayaa rabshado kale oo la xirriira sawirada lugu ihaaneynayo Nabi Muxamed NNKH oo muslimiinta dalkaasi oo aad gu careysani ka dhaceen  dalkaasi waxaana halkaasi ku dhintay 28 qof, balse hey'ad ay leeyihiin masiixiyiinta dalkaasi oo la yiraahdo (Christian Asscociation of Nigeria) ayaa sheegtay dadkii ku dhintay qalalaasihii shalay iney gaarayaan cadadooda 50 qof. 

         Maxamuud Cabbaas oo Xamaas ka codsaday iney dowlad soo dhisto


Sida ay ku waramayaan mas'uuliyiin sare oo ka tirsan ururka Xamaas ayaa sheegay in Madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabbaas Abuu Maazin uu ka codsaday Ismaaciil Haniyah in dowlad soo dhiso. Ninka la yiraahdo Maxamuud Zarhar ayaa maanta oo talaado ah u sheegay warfdiyeenada in Abuu Maazin oo kulan la yeeshay Ismaaciil Haniyah uu ka codsaday inuu sida ugu dhaqsaha badan dowlad ay Xamaas ku soo dhisto.

               Wasiirka arrimaha dibada Ingiriiska oo Bakhdaad tagay

Wasiirka arrimaha dibada dalka Ingiriiska Jack Strow ayaa maanta oo isniin ah booqasho ku tagay dalkaasi Ciraaq si uu kala hadlo mas'uuliyiinta dalkaasi si dowlad loo dhan yahay ay u soo dhisi lahayeen kadib markii muddo labo bilood ay qaadatay dooroshooyinkii dalkaasi ka dhacay.
Mas'uul u hadlay wasaarada arrimaha ayaa Rueters u sheegay in tani tahay fursadii ugu dambeysay ee lugu doonayey in taabo gasho dowlada Ciraaqiyiinta islamarkaasina ka qeyb qaadan lahaayeen dhamaan  dhinacyada siyaasadeed ee dalkaasi ka jira.

Booqasha  Jack Strow ayaa ku soo aaday xilli ay dadka reer Ciraaq ay ka xun yihiin falka waxashnimada leh ay ciidama Ingiriiska dalkaasi joogay ay jir dil ugu geysteen dhalinyaro ciraaqiyiin ah oo banaanbaxayey kuwaasoo ay dibada kasoo qabsadeen.Sidoo kale ciidama Ingiriiska ayaa kala qeyb qaatay duulaanka uu Mareykanka dalkaasi ku qabsaday sanadkii 2003-da ee ay xukunka kaga tuureen madaxweyne Saddaam Xuseen.

Waxaa diyaarisay; Ikraam Cali-kaar
Gothenburg- Sweden
ikraam@journalis.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 21, 2006


BARO SIIRADII NEBI MUXAMED (NNKH)

@Spam!

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Allah Is Great

Warar Kooban: Sawir Gacmeedyadii lagu Aflagaadeeyey Nebi Muxamed NNKH.Guji


Mudaharaadkii London, UK

Dumar reer Flastiin ah oo mudaharaadaya oo kor u sida Kitaab Qur'aan ah.

Mudaharad Looga soo Horjeedo Aflagaada loo Geystey Nebi Muxamed NNKH oo lagu Qabtay Boosaaso


Kumanaal Muslimiin reer Bangaladhesh ah oo magaalada caasimada oo k amudaharadaadaya aflagaadadii loo geystey Nebi Muxamed

Reer Siiriya oo sii wada mudaharaadka

Reer Joordan oo k amudaharadaada sawir gacmeedka lagu aflagaadeeyey Rasuulka

Ciraaqiyiin ku timanaya calanka Denmark

Muslimiinta Indonesia oo gubya calanka Denmark
Young supporters of Islamic Felicity Party shout slogans in front of the Danish Embassy in Ankara, Wednesday, Feb. 1, 2006, to protest caricatures of the Prophet Muhammad published by a Danish newspaper, sparking outrage in Muslim countries, Protesters asked people to boycott Danish goods.(AP Photo/Burhan Ozbilici)
Muslimiin Arbacadii ku hor mudaharaadaya safaarada Denmak ee Ankara.. Washintonpost

Sawir gacmeedyadu waxay meel uga dheceen 1.3billion oo Muslim ah


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD