SOMALITALK.COM   XAYAYSII


Home | Zakaat | Quraan |   Siiro | Search | Saxaabo |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - DENMARK


  • Muslimiinta Minnesota oo Dhigay Bannaanbax ballaaran...
  • Muslimiinta Australia oo Cambaareeyey Ra'iisul wasaaraha Dalkaasi
  • Flemming Rose oo Ku Adkaysanaya Sawir Gacmeedkii Aflagaadeeyey Rasuulka

Muslimiinta Minnesota oo Bannaanbax ballaaran oo ay ku muujinayaan Jacaylka Nebi Muxamed NNKH ku dhigay Minneapolis.
SomaliTalk.com | Minnesota | Feb 20, 2006 | Updated: Feb 21, 2006
Sawirada waxaa qaaday:
photo by zakaria aden (Somalishowtv,mpls mn)

Soomaalida Minnesota oo si weyn uga soo qayb galay bannaan baxii Axadii Feb 19 ee lagu muujinayey Jacaylka Nebi Muxamed NNKH, loogana soo hor jeedey Aflagaadadii loo geystey Rasuulka.


Muslimiin tiradoodu gaareysey boqolaal iyo boqolaal ayaa galabnimadii Axda Feb 19 bannaanbax ballaaran ku qabtay xaafada Cedar ee Soomaalidu u badan yihiin ee magaalada Minneapolis. Muslimiintaas oo muujinayey jacaylka ay u qabaan Nebi Muxamed NNKH, ayna ku muujiyaan shucuurtooda Islaam nimo iyo sida ay uga soo hor jeedaan sawir gacmeedyadii lagu aflagaadeeyey Nebi Muxamed NNKH.

Muslimiintaas bannaanbaxayey waxay markii hore isugu yimaadeen xarunta loo yaqaan "Brian Coyle Community Center" ee xaafada Cedar, halkaas oo laga soo jeediyey erayo lagu muujinayo dareenka Muslimiinta Minnesota iyo sida ay u jecel yihiin Nebi Muxamed NNKH. Mid ka mid ah dadkii halkaas ka hadlay  oo ah qareen Muslim ah ayaa yiri "waxaan la nool nahay dad aan haba yaraate waxba naga oqoon, waxaan isugu soo baxnay in aan wax barno dadkaas."

Kaddib Muslimiinta bannaanbaxa dhigayey waxa ay socod ku mareen wadada Ceder-Reverside ee magaalada Minneapolis, iyagoo u babac dhigay cimilada/hawada oo aad iyo aad u qaboobeyd si ay u muujiyan jacaylka Rasuulka (Nebi Muxamed Nabad gelyo iyo Naxariis Allah korkiisa ha yeelee).

Xassan Maxamuud oo ah iimaamka masjidka Al-Taqwa ee magaalada St. Paul, kana mid ah qaban qaabiyayaashii bannaanbaxa, ayaa yiri mudaharaadkan waxaa loo qabtay si loo muujiyo ka soo horjeedka sawir gacmeedyadii lagu aflagadeeyey Nebi Muxamed, iyo si loogu mahad celiyo warbaahinta Maraykanka sida ay isaga xakameeyeen (daabacada sawir gacmeedyadaas) iyo si loo muujiyo in Muslimiintu bannaan bixi karaan xataa haddii dareen koodu aad u kacsan yahay.


Mustafa Diiriye oo ah  28-jri reer Minnesota ah ayaa sheegay sababta uu bannaanbaxa uga sooqayb galay in ay tahay in uu dareemayo xanuun badan oo loo gooystey markii lacaayey Rasuulka, xanuunkaasna ay la qabaan 1.3 billion oo Muslimiin oo ku nool daafaha dunida.

Farheen Hakeem oo ah 30-jir ahna musharaxadii duqa magaalada Minneapolis, kana tirsan xisbiga Green Party, ayaa tilmaantay carruurta badan ee ka soo qayb gashay bannaanbaxa in ay dhigtan iskuulada degaankan, waxana ay tiri "waxaan ka mid nahay bulshada halkan, sida meelo kale oo dunida kamid ah, waxaana weydiisaneynaa in lana maqlo."

Rihab Shoshan oo ah 25-jir ayaa yiri waxaan adduunka u sheegeynaa sida ay muhiimka u tahay in laga taxadaro diimaha".

Ammina Kahn oo dhigata Jaamacada Minnesota ayaa tiri sabata aan bannaanbaxa uga soo qayb galay waa in aan helo fursad aan ku muujiyo dareen kayga ku aadan sawir gacmedyadii (Lagu aflagaadeeyey Nebi Muxamed NNKH). Waxana ay sheegtay markii ugu horeysey ee ay warka ka maqayashay sawir gacmeedyadaas in ay aad iyo aad uga xumaatay.



Dadka isugu soo baxay Mudaharaadka waxaa lagula hadlay luqadaha Soomaaliga, Carabiga iyo Ingiriiska.

Jariidada Startribune oo qoraal ka qortay mudaharaadkii Axadii Feb 19 ka dhacay Minneapolis ayaa tiri: In kasta oo aan la hayn qiyaas sax ah ee Muslimiinta ku dhaqan Minnesota sababtoo ah immigrant badan ee soo galay, laakiin waxaa lagu qiyaasay 120,000 ilaa 150,000. Jariida oo hadalkeedii sii wadata waxa ay tiri mudaharaadka Axadii feb 19 dadka isugu so baxay waxay ahaayeen dadka ku xiran 13 masaajid iyo xarumo Islaam oo ku yaal aagga. Waxayna u badnaayeen Somali-American.

Larger view
Gabdho muslimiin ah oo ka qayb qaaday bannaanbaxii Minneapolis ee Axad Feb 19 lagu muujinayey Jacaylka Nebi Muxamed NNKH
ISHA: Sawirka MPR... Guji


Sawirka: StarTribune| Bannaanbaxii Minneapolis

Sawirada sare waxaa qaaday
photo by zakaria aden (Somalishowtv,mpls mn)

Faafin: SomaliTalk.com | Updated: Feb 21, 2006


Muslimiinta Australia oo Cambaareeyey Ra'iisul wasaaraha Dalkaasi


John Howard

Muslimiinta ku dhaqan dalka Australia ayaa Isniin Feb 20, cambaarayn u soo jeediyey erayadii ka soo yeeray ra'iisul wasaaraha Australia John Howard ee ahaa in laajiyiinta Muslimiinta (Muslim immigrants) aysan ahayn kuwo dhex galay bulshada Australia, waxaana Muslimiintu hadalkaas ku tilmaameen arrrin looga soo hor jeedo Islaamka.

Ra'iisul wasaaraha Australia waxa uu yiri waan ku adkaysanayaa hadalkaygaas ahaa in qayb yar oo kamid ah Muslimiinta Australia sabatoo ah hadalkooda ku saabsan Jihaadka in uu yahay mid xag jira.

Australia waxaa ku dhaqan 300,000 Muslimiin ah, tirada dadka dalkaasina waa 20 million.

Toddobaadkii hore ayey ahayd markii Xildhibaanad reer Australia ah oo Raali gelin ka bixisay hadalkeed "Qaranka Islaamka Australia" ee ay sheegtay in Australia ay noqoneyso qaran Islaam ah 50 sano gudhood, sababtoo ah ayey tiri reer Australia waxa ay soo xaaqayaan ama uurka ka soo ridayaan dad noqon lahaa Australian.


Flemming Rose

Flemming Rose oo Ku Adkaysanaya Sawir Gacmeedkii Aflagaadeeyey Rasuulka

Wararka ka imanaya Denmark ayaa sheegay in tifatirihii sameeyey sawir gacmeedyadii aflagaadeeyey Rasuulka in uu ku adkaysanayo islamar-ahaantaasna uu difaacey daabacadii sawir gacmeedyadaas, arrintaas oo ka dambeysey kaddib markii rag ganacsato ah oo reer Denmark ah ay bog buuxa oo xayaysiis ah ku daabaceen jariidado ka soo baxa Sucuudiga, xayaysiiskaas oo ku saabsan cudurdaarkii afka carabig aku qornaa ee kii hore uu u daabacay isla wargeyskaasi. Warkaas ka eeg halkan...

Sheikh reer Pakistan ah oo lacag ballan qaaday ka akhri halkan...

 

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 21, 2006


BARO SIIRADII NEBI MUXAMED (NNKH)

@Spam!

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Allah Is Great
Warar Kooban: Sawir Gacmeedyadii lagu Aflagaadeeyey Nebi Muxamed NNKH.Guji



Mudaharad Looga soo Horjeedo Aflagaada loo Geystey Nebi Muxamed NNKH oo lagu Qabtay Boosaaso


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD