SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo
28 February 2006
 
Qaramada Midoobey oo aad uga daysrisay xaaladda Ogaadeenya.
 
Guddoomiye ku xigeenka JWXO oo booqasho ku jooga Norway.
 
 QM: Eritereya iyo Itoobiya waa inay xadkooda calaamadeeyaan.
 
Askar Itoobiyaan ah oo Soomaaliya soo galay.
 
 
======================   



Sawiro badan oo sannadkan 2006 laga qaaday goobihii ugu bilicda samaa xamar ka hor 1991 iyo sida ay hadda yihiin, la soco sawirada kale... waxaana sawiradaas qaaday Muuse Maxamuud Jiisow
Xaaladda bani’aadamnimo ee Ogaadeenya ayaa ka sii daraysa, iyadoo xooluhu ay aad u dhammaadeen, biya la’aan xumi ay ka jirto, heerka nafaqa xumaduna uu gaadhay meel halis ah, sidaas waxaa isniintii ka digay hay’adda arrimaha gargaarka u qaabilsan Qaramada Midoobey.
 
Xaaladdu way ka sii daraysaa xilliga Jiilaalka, oo ah inta u dhaxaysa Janawari iyo Maarso, sidaas waxa alagu sheegay bayaan ka soo baxay Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan isku xidka arrimaha bani’aadamnimada ee OCHA.
 
Bayaankan waxaa kaloo lagu sheegay in, in kastoo Ogaadeenya laga fulinayo  mashaariic dhibaatada abaaraha lagula dagaallamayo, haddana loo baahan yahay in gargaar dheeri ah la gaadhsiiyo oo gaar ahaan u badan adeegyada aan cuntada ahayn.
 
Dhibaatooyinka ugu badan ee dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya hadda haysta waa biya la’aantam iyadoo Ceelashii laga cabbi jiray ay ku fillaan la’yihiin dadka oo dhan. Gaar ahaan markii Baraagihii laga cabbi jiray ay waxna gudheen, waxna ay ciidammada gumaysiga Itoobiya u diideen dadkii lahaa inay ka cabbaan, si ay iyagu u isticmaalaan.
 
Guddoomiye ku xigeenka JWXO oo booqasho ku jooga Norway.
 
Guddoomiye ku xigeenka Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya Maxamed Ismaaciil Cumar ayaa maalmahanba booqasho ku joogay dalka Norway. Guddoomiye ku xigeenku wuxuu kulanno kala duwan la yeeshay dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya eek u dhaqan dalka Norway iyo masuuliyiin ka tirsan dawlada Norway.
Warbixin ku saabsan booqashada guddoomiye ku xigeenka waxaa magaalada Oslo nooga soo diray wariyaha Radio Xoriyo;
 
QM: Eritereya iyo Itoobiya waa inay xadkooda calaamadeeyaan.
 
Itoobiya iyo Eritereya waa inay xadka u dhexeeya asteeyaan sidii afar sano ka hor lagu heshiiyay, isla markaana ay la kulmaan guddiga masuulka ka ah astaynta iyo jeexidda xadka, sidaas waxaa yidhi Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.
 
Golaha Ammaanka ayaa bayaan uu jimcihii soo saaray kaga codsaday labada dal ee Itoobiya iyo Eritereya ugu baaqay inay la kulmaan guddiga u xilsaaran astaynta xadka oo ay kala shaqeeyaan sidii go’aankiisa loo fulin lahaa, iyadoon la dib-ridin.
 
”Waxaan labada dhinacba si xoog leh uga codsanaynaa inay kulanka ka qayb qaataan oo la shaqeeyaan, isla markaana fuliyaan waxa uu guddigu ka dalbayo oo dhan, si loogu guulaysto astaynta xadka, sidaas waxaa lagu yidhi bayaanka Golaha Ammaanka.
 
Bayaankan waxaa sidoo kale lagu sheegay in labada dal ee Eritereya iyo Itoobiyaba ay oggolaadeen oo ku heshiiyeen in go’aanka guddiga ee astaynta xadka ku saabsan uu noqdo mid kama danbays ah oo waajib ku ah labada dhinacba.
 
Dawlada Eritereya ayaa oggolaatay go’aanka guddigii Qaramada Midoobey ee loo xilsaaray xal u-helidda dhibaatada xuduudeed ee Itoobiya iyo Eritereya, hase yeeshee waxaa go’aanka ku gacan saydhay xukuumadda Itoobiya. Beesha caalamka ayaa sidoo kale ku guul darraysatay inay xukuumadda Itoobiya ku qasabto inay u hooggaansanto go’aanka Qaramada Midoobey.
 
Askar Itoobiyaan ah oo Soomaaliya soo galay.
 
Wararka ka imanaya magaalada Hargaysa ee gobolka Waqooyi Galbeed ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in Ciidammo Itoobiyan ah oo tiradooda lagu qiyaayey 15 askri ay soo gaadheen maagalada Hargaysa.

Askartan oo u badan qowmiyada Xabashida iyo tiro yar oo Oromo ah, ayaa soo gaadhay magaalada Hargaysa, ka dib markii ay ka soo goosteen ciidammada gumaysiga Itoobiya ku sugan gobolka Qorrexey iyo magaalada Gurdumi.
 
Askartan Itoobiyaanka ah ayaa la sheegayaa inay u sii gudbeen dhinaca magaalada Gaalkacyo, ka dib markii magaalada Hargaysa lagaga furtay hubkii ay wateen.
 
Goosashada ayaa ku badan ciidammada Itoobiya iyadoo nolol xumuada iyo maamul xumada ciidammada gumaysiga ka dhex jirta ay sabab u tahay inay koox-koox ugu goostaan marba meesha ay is-leeyihiin waad ku nabad galaysaan. Inta badan waxay isu dhiibaan dalalka Eritereya iyo Jabuuti.
 
Radio Xoriyo
 
 28 February 2006.
Axmed Xidig
 
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9820 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

 


XAALAD ADAG OO SOO WAJAHDAY ARDADA SOOMAALIYEED EE KUNOOL WADANKA MALAYSIA. Qaybtii 2aad... Akhri

Warbixin dheer oo ku saabsan khudbadihii laga jeediyay kulankii Baarlamaanka ee Baydhabo..
C/llaahi Yuusuf "Baarlamaanka waxaan ka codsanayaa in aanan isku koobin xilalka".. Cali Max’ed Geeddi "Mudadii aan kala maqneyn waxaan ku nooleyn xaalad laga naxo”" hadaladaas iyo wararkii Soomaaliya oo faahfaahsan ka akhri halkan.. Guji.. Feb 27

 

Qanyare, Muuse Suudi, Cumar Finish, Bashiir Raage oo Qabtay shir Jaraa’id
»Shiikh Aweys” Niman Ajnabi ah oo dalka jooga ma jiraan..
»Max’ed Dheere oo Warqad gaarsiiyay Isbahaysiga...
»C/llaahi Yuusuf oo uusan la socon Ra’isul Geedi oo gaarey..
»Roob ka da’ay shalay Magaalada Baydhabo…
»Xubno ka tirsan DFKM ah oo magaalada kismaayo..
»Finland oo dalkeeda dib u celinaysa dad Soomaaliyeed...
iyo Warar GooGoos ah ka akhri halkan... Guji...