SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 

Daabaco Boggan | Print


C/Laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo Kala Saxiixday Heshiis

Heshiisku waxa uu dhigayaa in la soo afjaro khilaafkii u dhexeeyey... Guji...


 
Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku tabaalaysan dalka Yemen.. Guji


SHIRWEYNIHII OSLO OO AY SOOMAALIDA NORWEY SI WEYN UGU DIIRSADEEN... Guji...


Xaflad Boosaaso Loogu Sameeyey Heshiis Dhexmaray DFKMG iyo DGPL.... Guji..

MAQAALLO HORE:::
Embryo2HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!
ayadoo waligeedba dhakhaatiirta iyo xarumaha caafimaadku u doodaayeen in Naas nuujintu faa'ido u leedahay caafimaadka carruurta iyo hooyadaba ayey Baaritaankaan danbi ku soo kordhisay Guji..

Dolly and her first-born lamb, BonnieKoobiyaynta Dadka (humancloning)
Arrintani waa mid marka ugu horraysa ee dhagahaagu maqlaan laga yaabo in caqligu diido, balse waxaan shaki ku jirin markii aad si dhab ah u fahanto inaad ogaanayso in... Guji...
smallpoxAli Maow Maalin Qofkii ugu dambeyey ee uu Furuq lagaga daweeyo Soomaaliya... Akhri halkan
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga/ Maqaalada .. Guji

بسم الله الرحمن الرحيم

Maxaa la gudboon dadka islaamka kadib aflagaadadii loo geystey rasuulka (NNKH

 Mohamed A.rahmaan ismail (hamdi)
 Sana,a-yemen
hamdicr315@hotmail.com

Ilaahay  ayaa mahadleh  inagu manaystey  diinta islaamka , nabad iyo naxariisna waxay kor ahaatay  rasuulkii ilaahay u soo diray dadka k kornool dunida si uu u gaadhsiiyo  diinata xaqa ah ee ay ku dheehantahay naxariistu ,  saxaabadii iyo taabiciintii iyo cidkasta oo jidkii rasuulka haysana haka abaalmariyo.

Intaa kadib ilaahay  ayaa quraanka kariimka ah ku leh:( وما اَرْسَلْنَاكَ إلا  رَحْمَةً لِّلْعَالَمِينَ){al-anbiyaa107}, isagoo ku cadaynaya in rasuulka (NNKH) u soodiray raxmad iyo naxariis dadkoo dhan , kana saaro modowga una gaadhsiiyo iftiinka , ku  hadeeyo dariiqa saxa ah , ayadoo markaa aduunku  ku waabiriistay nuurka uu sido rasuulku (NNKH) ee ka yimi xaga ilaahay , taas oo keentay inuu calankii kufrigu hoos u dhaco daalimiintii iyo mulxidiintiina  dabkood damo  ayadoo ka tarjumaysa  ayaada kariimka ah :(  هُوَ الَّذِي أَرْسَلَ رَسُولَهُ بِالْهُدَى وَدِينِ الْحَقِّ لِيُظْهِرَهُ عَلَى الدِّينِ كُلِّهِ وَلَوْ كَرِهَ الْمُشْرِكُونَ ) {towba33}, taas oo keentay inay qaar badan oo ahl-kitaabka ahi (yahuuda  iyo nasaarada) ay cadowtinimo ku abuurtay quluubtooda ay u qabaan qofkasta oo muslima  oo aaminay diinta xaqa ah ee ilaahay ku manaystey, ayagoo jecel inay dib ugu soo celiyaan jahligii,  aayad quraana ayaa ayaduna ka tarjumaysaa macnahaa  :(   وَدَّ كَثِيرٌ مِّنْ أَهْلِ الْكِتَابِ لَوْ يَرُدُّونَكُم مِّن بَعْد إِيمَانِكُمْ كُفَّاراً حَسَداً مِّنْ عِندِ ِ  (أَنفُسِهِم مِّن بَعْدِ مَا تَبَيَّنَ لَهُمُ الْحَقُّ{baqara 109} isagoo ilaahay inoo sheegay  xaqdiga iyo xaasidka  ay u hayaan  dadka muslimiinta iyo gaar ahaan nabigeena sharaftaleh (NNKH) ayuu ilaahay yidhi :(  وَلَن تَرْضَى عَنكَ الْيَهُودُ وَلاَ النَّصَارَى حَتَّى تَتَّبِعَ مِلَّتَهُمْ){baqara120} 

Qofka indho indheeya taariikhdii hore anba wakhti xaadirkanba waxa u cadaanaysa cadowtinimada ay  u hayaan qaar kamida yahuuda iyo nasaaradu umada nabi muxamed (NNKH) ,cadaawadaa oo sii kordhaysa  markay arkaan cadaalada islaamka ,dulqaadnimada iyo dadka oo u soo galaysa afwaaj diinta ilaahay . taas oo ku kalifta inay xaalkoodu gaadho meel waaliya oo ay wax kaga sheegayaan diinta islaamka  iyo maqadasaatkeedaba ,  

Arinta ugu danbeysey ee ay ku kaceena  ay gaadhay waxay so daabeceen qaar kamida  saxaafada laba dowladood oo kala ah (Denmark  iyo Norway ) kuwaas oo afkooda dheeri ku joogi waayey intii aynu maqalnay anba aragnay ee ay kamidka ahayd  inay wax ka qoraan xajka oo ah arkaanta ugu waaweyn diinta islaamka, hadaba ayagoo khadka cas dhaafaya ayuu xaalku la gaadhay inay waxkasheegaan rasuulka  (NNKH) –waxaanu u hurnay naftayada hooyooyinkayo iyo aabayaashayo – (NNKH) ayagoo ku soo bandhigay sawiro aad  u foolxun oo aflagaado ah , ayagoo ka talaabsaday  caqliga iyo xaqiiqada  kuna xadgudbay dad ka badan 1.5 milyaar oo qof oo dunida dusheeda ku nool . 

Hadaba  maxaa la gudboon  qofkasta oo muslima , si uu ugu hiiliyo diintiisa iyo qof uu nafdiisa ka jecelyahay siduu rasuulku ku yidhi  xadiis shariifa, ilaahna casa wajalee wuxuu  yidhi:( يا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِن تَنصُرُوا اللَّهَ يَنصُرْكُمْ وَيُثَبِّتْ أَقْدَامَكُمْ وَالَّذِينَ كَفَرُوا فَتَعْساً لَّهُمْ وَأَضَلَّ أَعْمَالَهُمْ).  

Waxa hadaba laynooga baahan yahay inuu qofkastaaba meeshiisa u aaro diintiisa iyo  aflagaadeda gaadhay in nabigeena  wax laga sheego ,kana hortagayna   dagaalka gaaladu inagu hayso taas oo meel weyn kaga jirta diinta islaamka  

  • Hadaynu nahay dhalinyarada islaamka gaar ahaan kuwa ku hadla afka somaliga waa waajib sharciya  inaynu u cadhoono rasuulkeena (NNKH), inaynu  u aarno diinteene  qofkastaa intuu karo iyo meeshuu joogoba,taasoo  ay ugu horayso inaynu qaadacno badeecadaa iyo waxay labadaa dowladood soo saaraan , waa haday inagu jirto qiiro diinteena aynu u qabnee.
  • Culimada waxa la gudboon inay dadka jidka saxa ah ku hanuuniyaan uguna yeedhaan diinta islaamka, taas oo ay ugu horayso inay u cadeeyaan dadka walaaltinimada dadka islaamka iyo cadowtinimada gaalada iyo kufaarta, iyo  soo bandhigida siirada rasuulka (NNKH)ee sharafta iyo akhlaaqda sare wadata,
  • Maamulka sare ee  umadu waa inay muujiyaan cadhoda ay ka qabaan arintaa  foosha xun uguna yartay inay xadhiga u jaraan labadaa dowladood ilaa ay dib uga laabanayaan waxay ku kaceen.

Ugu danbeyntii umada islaamka waxa lagu samaynayo iyo waxa loo gaysanayaa wax ka dhimimaayaan , iskaba dhaafe waxay ku dhajinaysaa diintooda  - insha alaah 

Alaahu  akbar  walilaahil xamd 

Mohamed A.rahmaan ismail (hamdi)
 Sana,a-yemen
hamdicr315@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 31, 2006