SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 

Daabaco Boggan | Print


C/Laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo Kala Saxiixday Heshiis

Heshiisku waxa uu dhigayaa in la soo afjaro khilaafkii u dhexeeyey... Guji...


 
Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku tabaalaysan dalka Yemen.. Guji


SHIRWEYNIHII OSLO OO AY SOOMAALIDA NORWEY SI WEYN UGU DIIRSADEEN... Guji...


Xaflad Boosaaso Loogu Sameeyey Heshiis Dhexmaray DFKMG iyo DGPL.... Guji..

MAQAALLO HORE:::
Embryo2HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!
ayadoo waligeedba dhakhaatiirta iyo xarumaha caafimaadku u doodaayeen in Naas nuujintu faa'ido u leedahay caafimaadka carruurta iyo hooyadaba ayey Baaritaankaan danbi ku soo kordhisay Guji..

Dolly and her first-born lamb, BonnieKoobiyaynta Dadka (humancloning)
Arrintani waa mid marka ugu horraysa ee dhagahaagu maqlaan laga yaabo in caqligu diido, balse waxaan shaki ku jirin markii aad si dhab ah u fahanto inaad ogaanayso in... Guji...
smallpoxAli Maow Maalin Qofkii ugu dambeyey ee uu Furuq lagaga daweeyo Soomaaliya... Akhri halkan
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga/ Maqaalada .. Guji

Soomaaley  wahaabiyo waa musline –taa ha la ogaado? 

Bisinka ilaah iyo saliga nebiga ayaan ku bilaabey. 

Eebe wuxuu yiri: (kuntom kheyra umaten ukhrijat lilnaasi tamurruna bilmacruufi wa tanhawuna cani almunkar wa tuminuuna billahi).Taaso micneheedu yahey waxaad tihiin umadi dadka ugu kheyr badneyd noqondoontana tii macruufka dadka farta baadilkana uga digta ilaahna rumeysa. 

Waxaana nebiga (csw) laga wariyey (hadii baadil kaa horyimaado gacantaada kuweeci, hadii aadan awoodin afkaaga kuweeci hadii aadan taa awodin uurkaaga kuweeci waana tan imaanka ugu liidata).Waxa xadiiskaasi kusal leeyahey imaanka qofka muslinka ah inta uu gaadhi karo.qofkii aan intaa midna yeelin baadilna u muuqdo wuxuu noqon qof ka raali ah . 

Doodihi tixnaa ee ku saabsana wahaabiyada (ladulmey) iyo suufiyada ayaa dad badani dhibsadeen kuna indicoodeen in aan maanta taasi habooneyn sababtuna ey tahey in Somali maanta qabaayil isku dagaashey  loona baahneyn in lagu daro iskhilaaf dineed iyo khalkhal kusoo kordha diinta iyo wadciga maanta yaala.Qofkaa sidaa dhaheyna waan ka aqbaley waana waano kuhaboon meesha laakin kaskiisa iyo aqoontiisa ayuu taliyey.Mana oga waxa la isku hayo iyo iney tahey caqiidadi islaamku ku saleysnaa oo hadii laga habaabo aan islaam jirin… 

Baadilka suufiyo meelkasta la taagan tahey ayaa igu kaliftey inaan dadka u soo bandhigo qoraaladeyda aan sal uga dhigey cilmi waxaan qabo iyo waaya aragnimo.Taasina maaha micneheedu inaan ikhwaan ahey ama itixaad ama salafiyo laakin waxaa ii geeyey inaan iska reebo suaal beri ilaah iweydiin doona oo ah “hadii aan cilmi kubarey caqlina kusiiyey baadilna aad aragtey maxaa kuu diidey inaad ka hadasho”? .Kolka ma filaayo in canaanta sida kor ku qoran hadaan tix geliyo ey i badbaadineyso aakhiro. 

Shiicadu waxey lumeen  markey ka leexdeen caqiidadi saxda aheyd oo islaamka. Markey saxaabtii rasuulka (csw) qaar kufrisiyeen sida abubaker,cumar,cisman iyo caasha umalmuminiin (rc) kuna tuhmeen waxaan laga maqal ama laga arag. xaga kalena sayid cali (rc) ka dhigeen rasuul amaba qaarkood ey gaarsiiyeen martabada ilaahnimada kana sheegeen waxaanu oran kuna sifeeyeen waxaanu u qalmin. 

Sidoo kale waxaan ku nacey suufiyo ugana baxey markaad manhajkooda eegto waxaad la kulmeysa wadadii shiicadu ku lumeen iney iyaguna hayaan.Taa waxaan u leeyahey suufiyo kama daasho iney gaaleysiiyaan clumada ahlu sunnaha oo u kamid yahey sh.Maxmed bin c/wahaab(rc) iyagoon u heyn daliil lagu qanco kuna yaal kutubta uu qorey kamana gabbadaan iney sh c/qaadir jeylaani ilaah nimo kusifeeyaan iyo waxaan lagu sifeyn karin bani aadan haduu nebi yahey iyo haduu saxaabi yahey toona.Daliilkeedana arintaas horaan u soo marney oo qoraaladeydi hore ayaan ku biyaanshy. 

Tankale oon suufiyo ku arkey waxey tahey iney sheegtaan iney raacsanyihiin caqiidada imam ashcari (rc) dariiqadana kaga deydeen sh c/qaadir (rc).laakin markaad ula timaado kutubta culimadaasi qoreen –sida alqunya iyo alibaana- daliilna uga dhigato iney khilaafeen culimaadaas ey isu nisbeynayaan waxey kuugu jawaabin c/qaadir nebi maaha oo uu gefi kara ama kitaabka wa la xarrifey ama haduu doono wuxuu ku oraan kitaabkan shiikhu ma qorin.Sidoo kale waxey cillado ku sheegaan axaadista ku soo aroortey caqiidada oo  kutaal saxiixeynka (Buxkhari, Muslim) hadii aaney la sineyen tan lunsan ey qabaan.Intaba waxaa ugu daran tawiilinta ayaadaha quraanka ku soo aroortey sifooyinka ilaahey iyo magacyadiisa asalna u ah caqiidada islaamka bal xita qaarkood oo doktooro ku takhsusey caqiidada sheegta ayaa dafirey in nebigu ilaah kula kulmey samada todobaad shanta salaadna lagu soo farey habeenkii dhacdadii micraajka iyadoo sidaasi kutaal saxiixeynka iyo  mawlidka looyaqaan barzanjiga soomalidu akhrido. 

Kolka akhristow hadaad waxaaso dhan ogtahey iyo wax kabadan miyuu kugu haboonyahey inaad ka aamuusto baadil kuu muuqda  awoodna aad u leedahy inaad dadka ka weeciso.Hadii laga aamuso baadilka, wuu xidideysan dhidbuhuuna aasan dadkuna xaq bey moodin.  

Bal iminka ila arka baadilka Jornaalada ka soo baxa Denmark iyo Norway iyo aflagaadeynta rasuulka (csw) ey ku qoreen, sidaana muda dheer ku wadeen waxaan ugu wacnaa aamusaka muslinka, laakin kolkii muslinku kacey waad argataan in gaalo iswaansatey oo dareentey mushkiladu intey leegtahey iyo in shakhsiga rasuulku (csw) dhayal dhayal aheyn.Taasna waxaa fadligeeda leh culimada succudiga (wahaabiyada loo yaqaan) markey ku iftoodeen in muslinku joojiyo gadashada wixii Denmark lagu sameeyey sida lagu soo baahiyey somalitalk.com iyagoo ku mahadsan. Sida halkan ku dhigan http://www.somaliatalk.com/ibraahim/jawaabo2.html  

Dhulkan aan joogo Dubai. xitaa caruurta iskoolka ayaa lagu wacyi geliyey inaaney wax Denmark leedahey gadan iyadoo la tix gelinaayo fatwadaa ey dheheen culimada sucuudigu iyo culimada muslinka oo kale.Sidoo kalena waxaa faley shirkadah waaween oo ganacsiga la yeesha Denmark. 

Hadaba Somaaley hadii ardeydii sh.Maxamed bin c/wahaab sida inoo muuqata u difaacayaan rasuulkeenii (csw) muslinkana ku booriniyaan sido kale waa yaabe xagey uga timi gaalnimadu, sow been laga sheegey maaha una baahan in laga duwu cidii tirina lagu celiyo, taana anigu horaan u ogaadey maantana idinkaan idin sheegin ee taa ha la ogaado. 

Tan iyo maalin danbe, akhristow naxiiris iyo nabad eebe baan kugu ogahey . 

C.M.Cabdalle
Dubai.UAE
chango_58@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 31, 2006

»Mid ka mid ah kutubta wahaabiyada wax ku qoran. | Garweyne

»Somaalay  bal ila arka suufiyo?  | C.M.Cabdalle

»Mugdiga Ina Garweene (Taarikhda Wahaabiyada) iyo Waanadi ibliis| CM

» MAQAALKII WALLAYS: QARAWGA WAHAABIYADA IYO CALAN LEYDA!! | Wallays

» QORAALKII GARWEYNE: Taariikhda wahaabiyada | Garweyne

» QORAALKII FAHAD: SUUFIYADA IYO BISHA SOONKA.