SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 WARARKII June 1, 2006

  • Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah oo  dagaal kula wareegay Suuqa Xoolaha

  • Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo Mareykanka ka dhaadhiciyay..

  • Max’ed Dheere oo ay la socdaan dhowr Tikniko ah oo soo gaaray..

  • Colaado baryahan ka jiray Gobalka Hiiraan …

  • Dalladda Culumada Soomaaliyeed oo u soo jeediyay in ay ka digtoonadaan..


 Gudoomiyaha Hay’adda INXA ee Gobolada Puntland Cabdi Faarax oo Si Xun loogu Xiray Silsilad welina ku jira Xabsiga Bosaaso.

Waxaa weli maalintii sadexaad ku jira Saldhiga Magaalada Bosaaso Guddoomiyaha Bulshada Rayidka Ururka INXA Xafiiska Gobolada Puntland Cabdi Faarax, kadib markii uu isku dayey si nabad ah inuu ku dhigo banaanbax lagu muujinayo sida bulshada uga xuntahay Dagaalada Macnodarada ah ee Muqdisho ugu dhimanayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Cabdi Faarax wuxuu galay xaalad adag oo lugaha ayaa six un looga xiray silsilad adag oo labada dhinac qufulo uga dhegan yihiin, isagoo sheegay in horay lugta bidix uu naafo uga ahaa taasina ay dhilisay in neerfaha lugta ay shaqeynkari waayeen iminka.

Arrintan ayaa ah mid ka baxsan xaquuqda adaanaha in lagu xiro silsilad nin naafo ka ah lugaha oo weliba u ololeeya arrimaha bulshada.

Dastuurka Puntland ayaa dhigaya in qofkasta oo Reer Puntland ah uu xor u yahay inuu fikirkiisa cabirikaro siduu doon ha ku cabiree, dibadbax, qoraal, sawir, Suugaan iyo wixii la mid ah.

Ma ahan markii ugu horaysay ee maamulka Puntland dhibaato u gaystaan bulshada rayidka ah horay ayey waxay xabsiga u taxaabeen madaxda ururka Ramaas oo si xor ah u muujinayey aragtidooda siyaasadeed. Wuxuu kaloo xabsiga marar badan u taxaabay maamulka Puntland Kooxo Weriyayaal ah oo si madaxbanaan shaqadooda u gudanayey.

Waxaa intaas oo dhan ka daran weeraro dad ku dhinteen oo marar badan maamulka askar ka amar qaadata ku qaaday duulaan dad rayid ah oo aan wax ba galabsan.

C. G. N. Bosaso Puntland.
June 1, 2006

Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah oo  dagaal kula wareegay Suuqa Xoolaha

iyadoo ay maalmahan magaalada Muqdisho ay ka jireen dagaalo u dhaxeeya Midowga Maxkamadaha iyo Isbaheysiga la dagaalanka argagixisada, ayaa subaxnimadii Arbacada ciidamada Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah ay weerar ku qaadeen Suuqa Xoolaha oo fariisin u ahaa kooxo maleeshiyo ah oo daacad u ahaa, Bootaan Ciise Caalim wasiirka dhaqan celinta maleeshiyooyinka xubinna ka ah Isbaheysiga la dagaalanka argagixisada.

Dagaalkaas oo socday muddo kooban ayaa midowga maxaakiimta waxey ku guuleysteen iney cagta mariyaan kooxihii maleeshiyooyinka ahaa ee ku sugnaa Suuqa Xoolaha kuwaasoo la sheegay iney markii horeba ay dhibaato ku hayeen bulshada halkaasi ku dhaqan iyo isku socodka gaadiidka ee gobolada Soomaaliya.

Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah waxey dagaalkaasi kula wareegeen gawaari tikniko ah iyo hub iyadoo ciidamadii Maxaakiimta Islaamiga ah ay u dhawaaqeen dhinaca deegaanka Darmooleey, halkaasoo fariisin u ah maleeshiyooyin daacad u ah wasiirka Ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow, xubinna ka ah Isbaheyga la dagaalanka argagixisada.

Todobaad gudihii ayey Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah laba jeer guulo ka gaareen dagalada u dhaxeeya iyaga iyo Isbaheysiga la dagaalanka argagixisada, todobaadkii hore ayeyna aheyd markii ciidamada Midowga maxkamadaha ay dagaal culus la galeen ciidamada Isbaheysiga kaasoo ka dhacay deegaanka Km4, kaddibna ay halkaasi kula wareegeen gacan ku hayntii Isgoyska Km4, guushii labaadna waa tan maanta ay kula wareegeen Suuqa Xoolaha.

Sheekh Shariif Sh. Axmed oo ah guddoomiyaha Midowga Maxaakiimta oo wax laga weydiyey dagaalkii saakay ay kula wareegeen Suuqa Xoolaha, ayaa wuxuu sheegay in dagaalkaasi uu ku bilowday iyadoo midowga Maxaakiimta laga dilay laba qofood.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo Mareykanka ka dhaadhiciyay..

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Nayroobi waxay sheegayaan in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo  Magaalada Nayroobi dhawaan kula kulmay diblamaasiyiin ka socday Dowladda Mareykanka, waxyana isla soo qaadeen dagaalada ka socda Muqdisho ee u dhexeeya Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Isbahaysiga isku magacaabay la dagaalanka Argagixisada. Madaxweynaha ayaa Diblamaasiyiintaasi waxa uu u sheegayin Dowladda Mareykanka ay ku xadgudubtay qarannimadii Soomaaliya, maadaama ay si gaara u taageertay xubno ka tirsan Dowladda, isagoo sheegay in arrintaani ay tahay mid ka hor imaaneysa Qawaaniinta caalamiga ah.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf waxa uu sheegay in dagaalka ka socda Muqdisho ay mas’uuliyeeda leedahay Dowladda Mareykanka looga baahan yahay in ay raaligelin ka bixiso. Diblamaasiyiintii ka hadashay kulankaasi ayaa waxay meesha ka saareen in Dowladda Mareykanka ay taageero lacageed siisay Qabqablayaasha dagaalka ee ku sugan Magaalada Muqdisho, waxay kaloo sheegeen in Dowladda Mareykanka ay taageersan tahay Dowladda Federaalka wixii tasiilaad ah oo ay u baahan tahayna ay siin doonaan, hase yeeshee Saraakiil ka tirsan USA ayaa waxay qireen in Dowladda Mareykanka ay qarash siisay Hogaamiye kooxeedyada ku sugan Magaalada Muqdisho.

Max’ed Dheere oo ay la socdaan dhowr Tikniko ah oo soo gaaray..

Iyadoo maalintii shalay Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah ay la wareegeen gacan ku haynta deegaano ka tirsan Suuq Xoolaha oo fariisimo u ahaa Maleeshiyo taageersan Isbahaysiga la magacbaxay la dagaalanka Argagixisada kuwasoo firxad-koodii la geeyay Degmada Balcad ayaa warar ayaanu helnay waxay sheegayaan in ciidamo iyo Tikniko uu wato Guddoomiyaha Gobalka Sh/dhexe ay u soo dhaqaaqeen dhinaca Maagaalada Balcad, waxaana la sheegay in ka cabsanayaan in deegaanka Balcad ay ku soo siqaan Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah.

Ciidamada Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa muhiim u tahay qabshada deegaanka Suuqa Xoolaha waayo Maleeshiyada halkaasi ku sugneyd, waayo waxay Maleeshida Maxaakiimta ka hor taagnaayeen in ay gudbaan dhinaca deegaanka Balcad ama Dayniile.

Colaado baryahan ka jiray Gobalka Hiiraan …

Waxaa maalmihii la soo dhaafay gobalka Hiiraan ka jiray colaado u dhexeeyay beelo halkaasi wada dega, waxaana coladahaasi ku dhintay dad aad u fara badan, waxaana ku dhaawacmay tiro intaa ka badan.

Deegaanka Jawiil ayaa dhowr jeer waxaa ku soo laab-laabtay colaado u dhexeeyay beelaha Ujeejeen iyo Xawaadle, waxaana aaqiritaan-kii laga gaaray heshiis, sidoo kale deegaanka Maaxaas ayaa iyana waxaa ka taagnaa colaado u dhexeeyay Beelaha Murusade iyo Xawaadle, waxaase Coladahaasi markii dambe xakameeyay Odoyaasha iyo waxgaradka labada dhinac.

Dagaal insa aad u qaraar ayaa waxa uu ka dhacay degmada Jalalaqsi, waxa uuna u dhexeeyay Beelaha Xawaadle iyo Baadi-Cadde waxaana isna ku dhintay dad aad u fara badan, waxaase markii dambe soo kala dhex galay dagaalkasi Odoyaal iyo Waxgarad ka tirsan labada beelood.

Dalladda Culumada Soomaaliyeed oo u soo jeediyay in ay ka digtoonadaan..

Dalladda Culumada Soomaaliyeed oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xaruntooda ay ku leeyihiin Magalada Muqdisho ayaa waxa ay ka hadleen dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho ee u dhexeeyay Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada, Dalladdu waxay sheegtay in dagaaladu ay yihiin kuwo u dhexeeya Islaamka iyo kuwo u adeegaya Gaalada.

“Haddii aan nahay Dalladda Culumada Soomaali-yeed waxaan u soo jeedineynaa Ummadda Soomaaliyeed in ay taageeraan Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah oo iyagu gacan ka gaystay nabadgelyada magaalada Muqdisho” ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud oo ah guddoomiye ku xigeenka Dalladdaasi, waxa uuna intaasi sii raaciyay “marka hore waxaana nalagala dagaalamay nolosha, maanta waxaa la doonayaa in nalagala dagaalamo Diinta”.

Sheekh Baaruud waxa uu u soo jeediyay shacabka Soomaaliyeed in ay difaacdaan Diintooda oo ah mid ay ku gaari doonaan liibaan Adduun iyo mid Aakhiro, waxaa kalloo u soo jeediyay in ay ka feejignaadaan kuwa dibindaabyada la raba Diinta Islaamka.

 

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail:  amiinkhasaaro@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | June 1, 2006

Warar GooGoos ah: May 31
»Ugaas Max’edWali "Bashiir markii laga awood roonaaday..
»Aqoonyahano Soomaaliyeed oo Sawiro iyo Warbixino u...
»Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo ka qaybgalaya Kulan ay ..
»Hay’adda ICRC oo ka dalbatay Muuse Suudi in uu...
»Guddoomiyaha G/Banaadir oo shalay soo gebgabeeyay..
»Max’ed Dheere oo lagu eedeeyay in uu ku lug leeyahay..
»Hay’adda Xaquuqda Aadanaha ee Gaashaan oo...
»Xubnihii Golaha Deegaanka ee Baydhabo oo...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... May 31

Minneapolis/St. Paul: Wiil Soomaaliyeed oo 19-jir ah oo Toogasho lagu Diley


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD