SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 WARARKII MAY 31, 2006

  • Ugaas Max’ed Wali “Bashiir Raage markii laga awood roonaaday ayuu damcay inuu waji kale dagaalka ka dhigo

  • Aqoonyahano Soomaaliyeed oo Sawiro iyo Warbixino Naxdin leh u gudbiyey ..

  • Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo ka qaybgalaya Kulan ay isugu imaanayaan ..

  • Hay’adda ICRC oo ka dalbatay Muuse Suudi in uu Maleeshiyadiisa kala baxo Isbitaalka…

  • Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo shalay soo shalay soo gebgabeeyay aqoon is-weydaarsi looga hadlayay JNA

  • Max’ed Dheere oo lagu eedeeyay in uu ku lug leeyahay dagaalka ka soo cusboonaaday

  • Hay’adda Xaquuqda Aadanaha ee Gaashaan cambaareysay dilalkii ka dhacay Weed-Gelinsoor

  • Xubnihii Golaha Deegaanka ee Baydhabo oo xasarad ka abuuray


Ugaas Max’ed Wali “Bashiir Raage markii laga awood roonaaday ayuu damcay inuu waji kale dagaalka ka dhigo

Waxaa maalintii shalay ahayd Magaalada Muqdisho shir jaraa’id ku qabtay Afhayeenka Beelaha Salaadiinta Daarood ahna Ugaaska Beesha Sade Ugaas Max’ed Wali Sheekh Axmed Nuur, waxa uuna shirkaasi jaraa’id kaga jawaabayay hadal uu horey u sii daayay Bashiir Raage Shiraar oo xubin ka ah Isbahaysiga isku magacaabay la dagaalanka Argagixisada, kaddib markii qaar ka mida beelaha daarood uu ku eedeeyay in ay ku lug leeyihiin dagaalada u dhexeeyay Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada, waxa uu si gaara farta ugu fiiqay Beelaha Mareexaan, Ogaadeen iyo Majeerteen.

Ugaaska waxa uu hadalkii ku bilaabay sidatan: Anigoo ah Afhayeenka Saladiinta Beelaha Daarood waxaa u arkay in aan laga aamusi karin hadalkii milix la’aanta ahaa ee ka soo yeeray Bashiir Raage Shiiraar oo xubin ka ah Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisa, kasoo uu ku sheegay in ay ku soo duuleen Beelaha Hawiye qabiilada Daaroodka isla markaana uu si gaara u magacaabay Qabiilada Harti, Habsi iyo Mareexaan, sida runta ah, hadalka Bashiir Raage waa been abuur looga fogaanayo xaqiiqda jirta iyo Alle ka cabsiga, sida aan wada og nahayna Bashiir Raage markii uu bilaabay dhibaata ka aloosan Muqdisho, taasoo ay ku naf waayeen dad fara badan kuwo kalana ay ku dhaawacmeen, hanti fara badana ku burburtay iyo in intaasi ka badan ay ku barakceen, Bashiir Raage maalintii uu wareysanayay Yuusuf Garaad waxa uu caddeeyay in loo soo dhiibay waraaqo iyo Sawiro laguna amray in uu soo qabqabto Culumadii Soomaaliyeed, sidoo kale waxaan wada ogsoon nahay in nimankii la magacbaxay la dagaalanka Argagixisada ay ka amar qaataan Dowladda Mareykanka, dhaqaalana ka helaan, haddaba waxaan ugu baaqeynaa Shacabka Soomaaliyeed qodobada hoos ku qoran:.

1. Dhamaan Ummadda Soomaaliyeed waxaan ugu baaqeynaa in ay ilaabaan wixii dhibaato ahayd ee horey u dhex martay isla markaana ay u midoobaan caddowgooda soo jireenka ah iyo kan calooshiisa u shaqeysta ah.

2. Sidoo kale waxaan ugu baaqeynaa shacabka Soomaaliyeed in ay ka hor tagaan dadka wada Dilka, Dhaca, Kufsiga, Barakaca iyo Gaalo raacnimada.

3. Ummadda Soomaaliyeed waxaan u caddeynaa in aysan ku soo duulin Qabiilka Daarood Beelaha Hawiye, taasina waxaa marqaati u ah deegaan kasta way ku wada nool yihiin iyaga oo nabad ku wada jooga, waxaa xusid mudan in uusan dagaalku ahayn mid qabiil ee uu yahay dagaal Diimeed.

Hadalka Bashiir Raage waa been abuur sidaan horey u soo sheegeyna waxa uuna naf ka dadayaa markii laga adkaaday in uu abuuro fidno qabiil, taasoo uu u arko in uu maalmo ku sii dhuuman karo, laakiin Alle fadligiis shacabka Soomaaliyeed way ka bislaadeen qabiilkii lagu howgalin jiray iyo fikradaha xun xun ee guracan.

Qoraalo ay na soo gaarsiiyeen qaar ka mida Beelaha Daaroo ayaa iyana si aada uga xumaaday hadalka ka soo yeeray Bashiir Raage Shiiraar, waxayna ku tilmaameen mid uu Bashiir Raage ku doonayo in uu ku abuuro colaad mar kale dhex martay beelaha Daarood iyo Hawiye, iyagoo sheegay in Bashiir Raage uu dib ugu laabtay wax laga soo gudbay 15 sano ka hor.

“waad og tihiin in markii looga awood roonaaday dagaalkii Galgalato uu beelaha Mudullood ku beer-laxowsaday in deegaanada Mudullood lagu soo duulay, balse waa Illaah Mahaddii in dadweynihii Mudullood ay fahmeen, waxa uuna Bashiir Raage waayay cid ku taageerta arrimahaasi” ayay yiraahdeen Odoyaal iyo Waxgarad ka tirsan Beelaha Daarood.

Ugu dambeyntii waxay ugu baaqeen shacabka Soomaaliyeed in ay ka digtoonaadaan fidnada la doonayo in mar kale laga dhex abuuro beelaha Daarood iyo Hawiye oo ay sheegeen in ay wadaan Bashir Raage iyo kuwa ku fikirka ah

Aqoonyahano Soomaaliyeed oo Sawiro iyo Warbixino Naxdin leh u gudbiyey ..

Aqoonyahano Soomaali-yeed oo ku nool Cariga Mareykanka ayaa Dowladda Mareykanka u gudbiyay qoraalo iyo Sawiro naxdin leh oo laga sameeyay dagaalkaan foosha xun ee ka socda Magaalada Muqdisho ee u dhexeeya Midowga Maxaakiima Islaamiga ah iyo Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada. Sawaridaas ayaa waxaa ku jira ilmo yar yar oo si xun ugu dhawacmay dagaalka ka socda magaalada Muqdisho, sidoo kale waxaa ku jira dad qaxaya oo isugu jira Carruur iyo Waayeel oo ka cararaya xabadaha ay is weydaarsana-yaan. “Lacagtii uu bixiyay Mareykanku ayaan ku waayay labo carruur ah oo aan dhalay kaddib markii uu Madfac uu gurigooda ugu yimid” ayuu yiri nin odey ah oo ka mida dadkii ay waxyeeladu ka soo gaartay dagaalka Muqdisho, waxa uuna intaasi sii raaciyay “Dowladda Mareykanka waxaan uga fadhinaa in ay magdhow naga siiso dhibaatadaasi, maadaama hogaamiye kooxeedyadii aan dhibaatada ku qabnay haddana ay lacago abaalmarin ah ugu deeqday”, ugu dambeyntii waxa uu sheegay in Dowladda Mareykanka ay ka sugayeen gargaar Bini’aadannimo balse uu sheegay in ay lacag ku bixiyeen sidii loo dhibaateyn lahaa bulshada Somaaliyeed oo mudo 16 sano ah ku jiray dagaalo. “Mareykanku waxa uu horey u sheegay in uu maxkamad soo taagayo qab-qaybalayaasha dagaalka maadaama ay yihiin dambiilayaal dagaal, balse kama fileyn in uu siiyo lacago ay ku gataan guryo iyo Gawaari qurxoon” ayay tiri Haweenay lagu magacaabo Faadumo Siciid.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo ka qaybgalaya Kulan ay isugu imaanayaan ..

Waxaa maaliniti shalay ahayd Magaalada Baydhabo ka ambabaxay Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo waxayna isla shalay ku hakadeen magaalad Nayroobiy, balse warar ayaa waxay sheegayaan in Madaxweynaha iyo wafdigiisa ay ka qaybgalayaan shir ay isugu imaanayaan qaar ka mida wadamada Afrika ee ka hooseeya Saxaraha.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf inta uu jooga Dalka liibiya waxa uu kulamo la yeelan doonaan hogaamiyaha Liibiya Mucamar Al-Qadaari oo ay isla soo qaadi doonaan sidii dowladda Liibiya ay gacan u siin lahayd dowladda Federaalka, maadaama kulankii ugu dambeeyay ay wada yeesheen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Mucamar Al-Qadaafi uu hogaamiyaha Liibiya balanqaaday in uu dowladda kala shaqeyn doono dib u dhiska hay’adihii dowladda iyo dib u habaynta ciidamadii xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Hay’adda ICRC oo ka dalbatay Muuse Suudi in uu Maleeshiyadiisa kala baxo Isbitaalka…

Waxaa maalintii saddexaad Isbitaalka Keysanay uu gacanta ugu jiraa Maleeshiyo daacad u ah Muuse Suudi Yalaxow, iyadoo bokaankii ku jiray Isbitaalkaasi oo tiradoodu gaareysay ilaa iyo 60 qofood ay Isbitaalka ka carareen iyagoo ka cabsi qaba in ay magan noqdaan iska hor imaad dhex-mara Maleeshi-yada Muuse iyo Kuwa Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah.

Mas’uul u hadlay Hay’adda ICRC ayaa ka codsaday Muuse Suudi Yalaxow in uu si dhaqsi leh ciidamadiisa uga saaro Isbitaalka Keysanay oo isagu ka shaqeeya howlo la xiriira dhinaca Caafimaadka, gaar ahaan la tacaalida dadka Dhaawaca ah.

Dadweynaha deegaanka Kaaraan ayaa iyana qoraalo gaarsiiyay Muuse Suudi Yalaxow oo ay kaga dalbanayaan in uu ciidamadiisa kala baxo Isbitaalkaasi, maadaama Isbitaalku uu yahay mid dhex dhexaad ka ah dagaalada iyo iska hor imaadyada ka dhaca Dalka.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo shalay soo shalay soo gebgabeeyay aqoon is-weydaarsi looga hadlayay JNA

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa magaa-ada Muqdisho Maxamuud Xasan Cali (Cadde Gaabow) ayaa maalintii shalay ahayd soo gebgabeeyay aqoon si weydaarsi u socday qaybaha kala duwan ee Bulshada kaasoo looga hadlayay Barnaamijka JNA ee dib u dhiska iyo horumarinta dalka, gaar ahaan Gobalkan Banaadir.

Barnaamijkaan oo ay si wadajira u soo qabanqaabiyeen Hay’adaha CRD, FPENS iyo COGWO, waxayna ka qayb-galayaashii oo loo qaybiyay koox koox ay soo bandhigeen baahida iyo dib u dhiska Gobalka Banaadir, iyagoo ka eegay dhinacyo badan sida Dib-u-heshisiinta, Nabadda, Dhaqaalaha iyo Adeegyada Bulshada.

Guddoomiyaha Gobalka Cadde Gaabow ayaa waxa uu sheegay in Barnaamijka JNA uu yahay mid anfacaya gobalka Banaadir, maadaama gobalku ay ku dhaceen dhibaatooyinkii ugu xooga badnaa ee dagaaladii sokeeye.

Max’ed Dheere oo lagu eedeeyay in uu ku lug leeyahay dagaalka ka soo cusboonaaday

Iyadoo saddex maalmood ay dagaalo ka socdeen Magaalada Jalalqsi ee gobalka Hiiraan, Dagaalkaas oo u dhexeeyay Beelaha Xawaadle iyo Baadi-Cadde ayaa waxaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen 8-ruux ayna ku dhaawacmeen ilaa iyo 16 qofood.

Xasan Hilowle (Xasan Kacaan) oo ka mida mas’uuliyiinta Gobalka Hiiraan ayaa waxa uu sheegay in dagaalka ka bilowday Gobalka Hiiraan uu mas’uuliyadeeda leeyahay Max’ed Dheere, isagoo sheegay inuu doonayo in uu go’doomiyo Beesha Xawaadle.

“Max’ed Dheere intii uu soo aadayo gobalka Hiiraan, waa inuu aadaa Degmada Baladcad oo aysan gacantiisa ku jirin ka mida gobalka Sh/dhexe” ayuu si kulul u yiri Xasan Kacaan oo intaa raaciyay ‘wixii dhibaato ah ee ka dhacay gobalka Hiiraan waxay ku dambeyn doonaan Max’ed Dheere”.

Ugu dambeyntii Xasan Kacaan waxa uu u soo jeediyay Max’ed Dheere in uu gacmaha kala baxo arrimaha Gobalka Hiiraan, haddii uu faraha kala bixi waayana wixii dhibaato ah ee ka yimaada uu dusha u ridan doono, wuxuuna u soo jeediyay Labada Beelood ee dagaalku ka dhexeeyo in ay ka shaqeeyaan caqliga ayna ka digtoonaadaan faragelinta uu ku hayo Max’ed Dheere.

Hay’adda Xaquuqda Aadanaha ee Gaashaan cambaareysay dilalkii ka dhacay Weed-Gelinsoor

Qoraal ka soo baxay xafiiska Hay’adda Xaquuqda Aadanaha ee Gaashaan ayaa waxaa si kulul loogu cambaareeyay dilalkii ka soo cusboonaaday deegaanka Wed-Gelinsoor oo ka tirsan Gobalka Galduud kana mida goobihii Dagaalada ahliga ah ay ku dhex-mareen Beelaha Sacad iyo Suleymaan.

Hay’addu waxay ka walaacsan tahay saan saanta colaadeed ee dib uga bilowday deegaankasi, xili laga dhur- sugayay sii ambaqaadida dadaaladii dib u heshiisiinta lagan gaaray guulo hordhac ah, sida xabad joojin, Hay’addu waxay ka codsaneysaa waxgaradka labada beelood in ay arrintasi si deg deg ah ku xakameeyaan, isla markaana talaabo wax ku ool ah ka qaadaan kuwii ka dambeeyay dilalkii dhacay si looga hortago fashil iyo qatar ku timaada ka miro dhalinta dib u heshiisiintii socotay.

Dhinaca kale Hay’addu waxay ugu baaqeysaa dhinacyada ku diriraya Muqdisho ay ahmiyadda koowaad siiyaan badbaadinta shacabka ay dushooda ku dirirayaan loona bedelo gacan ka hadalka wada xaajood, waxaana qoraalkaani ku saxiixnaa Cali Max’ed Maxamuud oo ah Guddoomi-yaha Hay’adda Xaquuqda Aadamaha ee Gaashaan.

Xubnihii Golaha Deegaanka ee Baydhabo oo xasarad ka abuuray

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in muran xoogani uu ka taagan yahay xubnihii Golaha Deegaanka oo dhawaan loo gudbiyay Wasaaradda Dib-u-heshiisiinta Dowladda Federaalka, kaddib markii qaar ka mida beelaha Digil iyo Mirifle ay ku hanjabeen in xubnaha la gudbiyay ay keeni karaan dagaalo iyo qala-laaso ka dhaca Magaalada Baydhabo.

Qaar ka mid ah Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa waxay ka codsadeen Wasaaradda Dib-u-heshiisiinta in si dhaqsi leh loo soo celiyo magacyadaasi, waxayna ku tilmaameen mid cadaaladdaro ah.

Xubnaha la gudbiyay oo tiradoodu gaareyso 27 xubnood ayaa waxaa lala sugayaa imaanshaha Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 30, 2006


Tartankii cayaaraha ee xiliga kuleelaha oo si habsimi leh uga socda caasimada dalka Finland ee Helsinki

30-May 06 Tartankii cayaaraha ee xiliga kulaalaha oo ka socda caasimada wadanka Finland ee Helesinki ayaa halkiisii ka sii socday iyadoo sanadkan loo badalay qaab kii hore ee lagu yaqaanay oo loo badalay oo kaliya in la cayaaro maalmaha Sabtiga iyo Axada iyadoo ay wada cayaareen sabtigii afar kooxood oo kala ah...
 



FC-Tampare iyo Fc-Salama waxaana ay cayaarta Qaybteedi hore ku dhamaatay 0/0 iydoo ay ahayd cayaar aad u kulul oo ay dadkii halkaasi ka soo xaadireen ay aad u jeclaysteen  qaybtii labaad ee cayaarta daqiiqadii 68 aad ayaa waxaa usuurta gashay cayaar yahanka dada ayar ee Mustaf Faarax oo kooxda Fc-Salama uga cayaara Qadka Dhexe uu goolkii ugu horeeyay kooxdiisa usaxiixay waxayna ku Dhamaatay 1/0 oo ay guushii ku raacday kooxdii FC-Salama.



Qaybtii labaad ee cayaarta waxaa wada cayaaray  kooxa kala ah FC.Turku & FC.Vanta
Waxaana ay isla dhafi waayeen barbar dhac O / O  sidaas ayayna cayaarta labadii qayba ku dhamaatay waxana ay ahayd cayaar adag oo aad uwanaagsanayd oo aan wax calaamadana laga bixin oo ay labada kooxoodba uwada cayaarayeen sidagan oo farsamadi ku dheehan tahay.


 

Maalintii Axada ayaa waxaa wada cayaaray kooxaha kala ah FC-Golis & FC-Kanava waxaana Cayaartaasi aad ufarsama fiicnaa oo cayaar dad waynihii goobta joogay aad usoo jiitay kooxdii FC-Golis oo runtii muujiyay cayaar wanaag aad ufarsama fiicnayd iyo ismaqalka cayaartooydooda iyo tababarahooda  waxaana ay guushii ku raacday kadib markii ay dhabatrka usaareen 5/0 kooxdii Kanava oo aan looga baran sidan in loo galo oo marar badan ahaan jirtay kooxaha ugu sita ee dalkan finlan Jaaliyadeeda Soomaliyeed Goolashaasi oo kala dhashay Qaybtii kowaad iyo Qaybtii Labaad Ayaa waxaa ukala saxiixay Cayaaryahanada kala ah ,Ismail Xululaad oo sitaya Lanbarka 11  waxa uu dhaliyay 2 gool  halka Liibaan Yaxye oo sita lanbarka 8aad waxaa uu isna dhaliyay 2Gool, Sacid Aadan oo isna qaata lanbarka 5aad Waxa uu dhaliyay 1 Gool oo ahaa kii ugu danbeeyay oo cayaartana lagu soo gabagabeeyay iyadoo halkaasi ay guuldaradii abid soo wajahda kooxda FC-Kanava ay noqotay .

Shalay Galab aad ayuu ufaraxsanaa Tababaraha kooxda FC-Golis  Ingineer Iiman Sahal iyadoo Cyaartan tii ka horaysay ee todobaadkii hore kooxdiisa laga badiyay Hada waxa uu umuuqdaa inuu usoo gudbidoono cayaaraha is reebreebka.
 


Cayaarta Qaybteed labaadna waxaa wada cayaaray kooxaha kala ah  FC-Alhuda &  FC-Safara iyadoo ahayd cayaar labada kooxoodba ay ahaayeen kuwa isu dhow cayaarahooda ayaa hadana waxaa ay guushii ku raacday kooxdii FC-Safara oo kaga adkaatay 4 / 2 kooxdii kale ee ahayd FC-Alhuda oo runtii la timid cayaar dagaal iyo waliba aflagaado oo ay ugaysanayeen Garsoorihii cayaarta oo marna ayba la dagaalameen halkaana laga siiyay digniino Fara badan iyadoo markii danbana mutaystay in cayaarta lagaba saaro laba cayaartooy oo ka tirsanaa  FC-Alhuda kadib markii ay qaateen calaamada casaanka Garsooruhuna waxa uu ahaa garsoore aad udegan oo aad udulqaad badan ,waxaana ay guushii Raacday kooxdii FC-Safara oo ku guulaystay  4 / 2

Waa inoo iyo Todobaadka Danbe iyo Cayaarihii oo halkoodi inooga socda.

Waxaa soo tebiyey
mseraar dahir | musseseraar77@hotmail.com 


Barnaamijkii Radio Xoriyo
30 May 2006
 
Gudoomiya JWXO oo ka warbixiyey xaalada milatari ee ciidanka gumaysiga Itoobiya
 ka wadaan Ogadenya(Maqal).
 
 Magaalada Q/Daharre oo dadkii lagu armay inay isasoo diiwaan galiyaan.
 
Ciidanka Gumaysiga Itoobiya oo madaafiic la beegsaday Q/Daharre.
 
Banaanbax iyo Dhagaxtuur ka dhacay magaalada Qabridaharre.
 
 
======================               
 
Wararka naga soo gaadhaya Ogadenya ayaa sheegaya in 2 xafiis laga furay Magaalada Q/Daharre,labadaas xafiis ayaa mid waxaa loo furay ciidanka gumaysiga itoobiya ee hawlgalka cusub loo keenay Ogadenya,halka midka kalana loo furay calooshood-ushaqaystayaalkii maamul ku sheega horboodayay ee laga soo kala caydhiyey Jigjiga.
 
 
Ciidanka Gumaysiga Itoobiya ee ku sugan Q/Daharre iyo nimanka maamulka horbooda ayaa shacabka ugu hanjabay inay isasoo diiwana galiyaan isna fashiliyaan,hadii kale laga qaadi doono talaabo,Dadkii shacabka ahaa ayaa arrintaas ka diiday kuna adkaystay in aysan iman doonin xafiisyadaas isna fashilin iyo diiwaan galin doonin hadii xabbad lala dhaco iyo hadii la xidh-xidho midna.
 
Waxaa kaloo ay isku dayeen inay kala xidhaan shacabka iyo Jabhadda kadib markay dhammaanba joojiyeen bixidii iyo soo galidii magaalooyinka,hasa-yeeshee uma suura galin arrintaasi kadib markay shacabka iyo jabhaduba ka tabaabushaysteen arrintaas oo la fashiliyey qorshahoodii intuusan hirgalinba.
 
Xafiisyadan ayaa kamid ah talaabooyin cusub oo ay  ciidanka gumaysigu doonayaan inay ku hirgaliyaan qorshayaalkooda milatari ee kolba fashilmaya iyadoo aan laba bilaabin.
 
Ciidanka Gumaysiga Itoobiya oo madaafiic la beegsaday Q/Daharre.
 
Labo qarax ayaa waxay ka dhaceen magaalada Q/Daharre habeenimadii Axada  ahayd ee u dambaysay,labadan qarax oo ahaa  laba baasuuke oo ay ciidamada gumaysiga itoobiya kasoo tuureen xerada ku dhow xaafada magaalo cusub ee Q/Daharre ayaa waxay la beegsanayeen masaajid ku yaala xaafadaasi.
 
Labadaas qarax ayaa waxay seegeen taargadkii(Yoolkii) loogu tala galay waxayse ku dhaceen guri ku yaala xaafadaasi magaalo cusub oo uu la haa ninka lagu magac aabo C/raxmaan Yuusuf Xirsi oo dagan xaafadaas,labadaas qarax ayaa midkood qarxay midkii kalana nasiib wanaag uusan qarxin,waxaana ku wexyeeloobay labadaas qarax laba wiil oo yaryar oo uu dhalay C/raxmaan Yuusuf Xirsi oo dhaawac sahlani soo gaadhay.
Qaraxyadaas ayaa waxay ciidanka gumaysigu uga danlahaayeen inay ku argagax galiyaan shacabka magaalada Q/Daharre.
 

Banaanbax iyo Dhagaxtuur ka dhacay magaalada Qabridaharre.

 
Wararka  soo gaadhaya  ayaa sheegaya in maalinimadii shalay ahayd(Isniin)uu banaanbax weyn ka dhacay magaaladaQ/Daharre kadib markay ciidamada gumaysiga Itoobiya iyo nimanka horbooda maamulku shir ku qabteen magaaladaasi.
Nimankaa horbooda maamulka ee laga soo caydhiyey magaalada Jigjiga ayaa dhammaantoodba halkaa ka khudbeeyey waxayna shacabkii ku amreen inay ka qaybqaataan hawl-galka milatari oo ay ka hortagaan JWXO,waxayse dadkii halkaas joogay bilaabeen foodhi iyo dhagaxtuur ay la beegsanayeen nimankii iyo ciidankii halkaa joogay.
 
Ciidankii gumaysiga ee halkaa joogay ayaa waxay bilaabeen inay dadkii ooda uga qaadaan rasaas,hasa-yeeshee ilaa iyo hadda nama soo gaadhin khasaaraha halkaasi ka dhashay inta uu la eg yahay,nimankii maamulka kasocday ee halkaas ka khudbeeyey ayaa waxa alagu soo waramayaa inay cagaha wax ka dayeen oo ay ku carareen xero halkaas ka dhawayd illaa iyo hadana halkaas lagu ilaaliyo.
 
30 May 2006.
C/nuur Sh. Maxamed
 
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 25 MB ee dhererkeedu yahay 11865 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

 

Minneapolis/St. Paul: Wiil Soomaaliyeed oo 19-jir ah oo Toogasho lagu Diley

Khilaaf soo kala dhex galay Xubnaha Isbahaysiga labaxay la dagaalanka..
»Maamulka Puntland oo diiday banaanbax looga Banaanbax..
»Dagaalo maalintii saddexaad ka socda Degmada Jalalaqsi…
»Cusmaan Caato oo shalay ka maqnaaday kulan ay..
»Maleeshiyada Muuse Suudi oo qabsaday Isbitaalka..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji.. May 30

Xuseen Caydiid oo Sheegay in aysan Soomaaliya ku Sugneyn "Argagixiso"....
»Garoonka Dayniile laga dhoofiyo dad islaam ah oo loo..
»C/llaahi Yuusuf oo maanta la filayo in uu ambabaxo Nairobi..
»Ugaas Max’ed Wali oo hambalyo u diray culuma-u-diinka..
»Xulka Qaranka ee da’doodu ka hooseyso 17-jirka oo la..
»Wabarka beesha Cayr oo u soo jeediyay Caato in uu ka..
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Guji... May 29

Maxaa ka soo baxay kulankii Cusmaan Caato iyo Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah...
»Barre Hiiraale "C/llaahi Yuusuf iyo Geedi ayaa ka dambeeyay
»Wabarka beesha Cayr oo u soo jeediyay Caato in uu...
»Warar ku saabsan dagaalo shalay ka dhacay Muqdisho..
»C/llaahi Yuusuf oo beri u ambabaxaya Magaalada Nairobi..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... May 28

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD