SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 WARARKII MAY 29, 2006

  • Culuma-u-diinka Beesha Murusade oo caddeeyay in Garoonka Dayniile laga dhoofiyo dad islaam ah..

  • Xuseen oo daboolka ka qaaday in aysan soomaaliya ku sugneyn argagixiso..

  • C/llaahi Yuusuf oo maanta la filayo in uu ambabaxo Nairobi ..

  • Ugaas Max’ed Wali oo hambalyo u diray culuma-u-diinka Beesha Murusade ...

  • Xulka Qaranka ee da’doodu ka hooseyso 17-jirka oo la magacabay..

  • Wabarka beesha Cayr oo u soo jeediyay Caato in uu ka digtoonado...


Culuma-u-diinka Beesha Murusade oo caddeeyay in Garoonka Dayniile laga dhoofiyo dad islaam ah..

Kulan ay shalay isugu yimaadeen Culuma-u-diinka beesha Murusade ayaa waxay si weyn uga hadleen dagaalada maalmahan ka socda magaalada Muqdisho ee u dhexeeyay Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Isbahaysiga la magacbaxay la dagaalanka Argagixisada, waxayna cadee-yeen in garoonka deyniile laga dhoofiyay dad Muslimiin ah oo loo gacan geliyay caddowga Islaamka.Waxa sheegeen Culuma-u-diinku in Max’ed Qanyare Afrax uu ku gacan sayray in dagaalada ka socda Muqdisho lagu dhameeyo wada hadal, waxayna u soo jeediyeen Beesha Murusade in ay ka digtoonadaan dibindaabyada lagu wado diinta Islaamka.Sheekh C/raxmaan Max’ed Faarax oo ka mid ahaa Culuma-u-diinkii ka hadlay kulankaasi ayaa waxa uu sheegay in Beesha Murusade ay weligeedba horseed u ahayd fidinta Diiinta Islaamka iyo difaaciddeeda, waxa uuna beesha Murusade u soo jeediyay in ayka digtoonaadaan kuwa u adeegaya Mareykanka iyo Yahuuda.

Xuseen oo daboolka ka qaaday in aysan soomaaliya ku sugneyn argagixiso..

Xuseen Max’ed Faarax Caydiid oo mudo dhowr bilood ah warkiisa aan la maqlin ayaa waxa uu daboolka ka qaaday in Soomaaliya aysan ku sugneyn waxa la yiraahdo argagixiso.

“Dadka Soomaaliyeed way is yaqaanaan ma jiro qof la dhihi karo waa argagixiso” ayuu yiri Xuseen Caydiid oo sheegayin Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah ay qabtaan howlo muhiim ah oo ah sugida nabadgelyada iyo dib soo celinta kala dambeyntii.

Xuseen Caydiid oo ah Ra’isul Wasaare ku xigeenka Dowladda Federaalka ahna Wasiirka arrimaha Guddaha ayaa waxa uu sheegay in Dowladda Mareykanka ay og tahay in Soomaaliya aysan ku sugneyn wax argagixiso ah, isagoo sheegay in dowladda Mareykanku aysan bixin wax lacag oo ay siisay hogaamiye kooxeedyada ku sugan Muqdisho.

“Dowladda mareykanku waxay diyaar u tahay in ay la shaqeyso Dowladda Federaalka” ayuu yiri xuseen Caydiid oo ugu baaqay wasiirada ku dhawaaqay Isbahaysiga in ay dib uga laabtaan isla markaana waxa uu u soo jeediyay inay la shaqeeyaan Dowladda Federaalka, waxaa kaloo uu sheegay in uu dalka uga maqan yahay wax uu ugu yeeray arrimo qaran, isagoo sheegay in uu dib ugu laaban doono Baydhabo.

C/llaahi Yuusuf oo maanta la filayo in uu ambabaxo Nairobi ..

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ay maanta u ambabixi doonaan magaalada Nairobi.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in Magaalada Nairobi u tagayo sidii uu wadamada deeqda bixiya uga la hadli lahaa lacago ay wadamadaasi ugu deeqeen Dowladda Federaalka oo ay ugu talagaleen dib u dhiska iyo dib u soo celinta ammaankii dalka.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf waxaa ka sii horeeyay Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi oo isna Magaalada Nairobi u jooga sidii wadamada deeqda bixiya u hor dhigi lahaa miisaaniyadda Dowladda Federaalka ee lixda bilood ee ugu soo horeysa oo gaareysa 34 Malyan oo doolar oo loogu talagalay dib u heshiisiinta iy dib u dhiska dalka.

Warar ayaa waxay sheegayaan in Guddoomiyiha Baarlamaanka Shariif Xasan Siikh uu isna gaari doono maalmaha soo socda magaalada Nairobi si beesha caalamka loo tuso in Dowladda Federaalka ay si wadajir ah uga shaqeyneyso sidii wadanka Nabad loogu soo dabaali lahaa, iyadoo la filayo in ay si wadajira u saxiixaan Miinsaaniyadda Dowladda ee lixda bilood ee soo socota.

Ugaas Max’ed Wali oo hambalyo u diray culuma-u-diinka Beesha Murusade ...

Ugaas Max’ed Wali Ugaas Axmed Nuur oo ah Ugaaska Beesha Sade ahna afhayeenka Salaadiinta Beesha Daarood oo doraad dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kaddib markii uu ka qaybgalay caleema saarkii iyo fantisiyihii loo sameenayay Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac oo ka dhacay magaalada Laascaanood, waxa uuna ugaasku sheegay in Caleema-Saarkii ugaaska uu ahaa mid ka tarjumayay is dhexgalka bulshada Soomaaliyeed iyo waliba midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Ugaaska oo soo maray Magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay in uu aad ugu farxay mangalyada iyo xasiloonida buuxda ee ka jirta gobalada Waqooyi ee Soomaaliya, tasoo uu sheegay in ay ka shaqeeyeen Odoyaasha dhaqanka iyo Salaadiinta.

Ugu dambeyntii ugaasku waxa uu hambalyo u diray Culuma-u-diinka Beesha Murusade oo uu sheegay in ay daaha ka rogeen xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta magaalada Muqdisho gaar ahaan dagaalka u dhexeeya Midowga Maxakiimta islaamiga ah iyo Isbahaysiga isku magacaabay la dagaalanka argagixisada. “Waa ayaan-daro in dadku qabiilka fahmaan balse ay Diinta garan waayaan” ayuu yiri Ugaaska oo u soo jeediyay Culuma-u-diinka Beesha Murusade in ay halkaasi ka sii wadaan wacgelinta bulshadooda.

Xulka Qaranka ee da’doodu ka hooseyso 17-jirka oo la magacabay..

Tababarashayaasha Xulka Qaranka ee Da’doodu ka hooseeso 17-jirka Cabdi Kuus iyo Shiikhaalow ayaa magacaabay Xulka Qaranka ee da’doodu ka hoseeso 17-jirka kuwaasoo ka qaybgalaya tartamayo ka dhacay Rwanda iyo Burundi, waxayna magacyadoodu kala yihiin Kamaal Cali Cumar (Dekedaha), Abuukar Suudi Abuukar (Kesco), Yaasiin Dirir Xirsi (Kesco), C/fitaax Max’ed Maxamuud (G/Afrika), Naasir Max’ed Nuur (Dekedaha), Xasan Max’ed Kulmiye (Dekedaha), C/salaam Maxamed Maxamuud (Jamhuuriya), Xasan Cali Rooble (Elman), Yaasiin Cali Cigaal (Elman), C/qaadir Max’ed C/raxmaan (Camel), X / Wali Cabdi Max’ed (B/Telecom), Cabaar Max’ed Faarax (Daalo), Max’ed Calasow Raage (Dekedaha), Max’ed Jaamac Iimaan (Kesco), C/kariin Abuukar Xaaji (Top), Nuune Cabdi Abtidoon (Top), N/Deeq C/kariin Muxiyadiin (SITT), Jaabir Amiin Cali (Elman), C/naasir C/llaahi Cabdi (Dekedaha), guuleed Axmed Weheliye (SITT), Caadil N/Buur Cali (Elman), Qaasim Nuur Macallin (Elman), Muuse Cali Bilaal (Super Shell), Bashiir Ciise Max’ed (Savaana), Max’ed Xasan Kaahin (Savaana), C/fitaax Carab (B/Telecom).

Labada tartan oo ay ka qaybgalayaan ayaa waxa uu dhacayaa 28-Luulyo iyo Bisha Agoosto hotaanteeda, iyadoo tababarka xulka Qaranka uu bilaabanayo maanta.

Wabarka beesha Cayr oo u soo jeediyay Caato in uu ka digtoonado...

“Waxaan ugu baaqayaa guddiga nabadeynta cusub ee uu hogaaminayo Cusmaan Xasan Cali Caato ayna ka mid yihiin Maxamuud Salaad Nuur iyo Cali Calas Qaareey, in ay u guntadaan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Muqdisho” sidaa waxaa yiri Wabarka Beesha Cayr Wabar C/llaahi Orey Caraale oo intaa raaciyay “waxaan ugu hambalyeynayaa sida ay ugu soo dhiiradeen in ay nabad ka dhaliyaan Magaalada Muqdisho.

Wabar C/llaahi waxa uu uga digay Cusmaan Caato iyo xubnaha la socda in aysan ku biirin guddigii Nabadeynta ee fashilmay, horeyna u fariisan jiray Hotelka Nabadda kaasoo ahaa mid aan xaaladda dhex dhexaad ka ahayn, isagoo ku tilmaamay in guddigaasi ay ahaayeen kuwo ku shaqeynayay cadaalad daro iyo iska horkeen, ugu dambeyntii waxa uu u rajeeyay Cusmaan Caato iyo Xubnaha ku wehliya nabadeynta in uu Illaah la garab galo arrimaha ay u yimaadeen Magaalada Muqdisho ee nabadeynta ah.

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | May 29, 2006

Maxaa ka soo baxay kulankii Cusmaan Caato iyo Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah...
»Barre Hiiraale "C/llaahi Yuusuf iyo Geedi ayaa ka dambeeyay
»Wabarka beesha Cayr oo u soo jeediyay Caato in uu...
»Warar ku saabsan dagaalo shalay ka dhacay Muqdisho..
»C/llaahi Yuusuf oo beri u ambabaxaya Magaalada Nairobi..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... May 28

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD