SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 WARARKII MAY 30, 2006

  • Khilaaf soo kala dhex galay Xubnaha Isbahaysiga la dagaalanka...

  • Maamulka Puntland oo diiday banaanbax looga Banaanbax looga soo horjeedo…

  • Cadde Muuse “Shirkado Mooryaan ah ayaanu heshiis la galeynaa”, waayo….”

  • Dagaalo maalintii saddexaad ka socda Degmada Jalalaqsi…

  • Cusmaan Caato oo shalay ka maqnaaday kulan ay shalay isugu yimaan lahaayeen…

  • Maleeshiyada Muuse Suudi oo qabsaday Isbitaalka Keysanay..


Khilaaf soo kala dhex galay Xubnaha Isbahaysiga la dagaalanka...

Warar aan si hoose u helnay ayaa waxay sheegayaan in xubnaha Isbaahaysiga la dagaalanka Argagixisada uu soo kala dhex galay khilaaf gaar ahaan dagaalkii ka dhacay agagaarka Lambar Afar.

Cabdi Nuure Siyaad oo xubin ka ah Isbahaysiga isla markaana ciidamadiisu ay ahaayeen kuwii ugu xooganaa ee ka qaybgalay dagaalkii ka dhacay Lambar Afar ayaa waxa uu ku eedeeyay dhinaca C/Rashiid Ilqeyte in aysan wax gacan ah ku siin dagaalkaasi.

Warar ayaa waxay sheegayaan in maleeshiyadii ku sugneyd Isgoyska Km4 ay ka codsadeen C/Rashiid Ilqeyte in uu siiyo lacago, hase yeeshee waxa uu u sheegay in uusan wax lacag dhiibeyn, waxayna taasi keentay in qaar ka mida maleeshiyadii ay halkaasi isaga dhaqaaqaan.

Waxaa iyana khilaaf u dhexeeya Muuse Suudi iyo Max’ed Dheere kaddib markii Max’ed Dheere uu ku eedeeyay Muuse Suudi in uusan wax gacan ah ku siin dagaalkii ka dhacay Geed Timir, taasina waxay keentay in Max’ed Dheere uu ciidamadiisii ka raro deegaanka Geed Timir dibna ugu celiyo Magaalada Jowhar.

Maamulka Puntland oo diiday banaanbax looga Banaanbax looga soo horjeedo…

Maamul Gobaleedka Puntland ayaa shalay is hor-taagay banaanbax ay qaban lahaayeen Bulshada rayidka ah kaasoo ay kaga soo hor- jeedeen dagaalka ka socda magaalada Muqdisho.

Banaanbaxaan ayaa ninkii hormuudka u ahaa waxa ay maamulka Putland dhigeen xabsiga, ninkaas oo lagu magacaabo Cabdi Faarax Max’ed oo ka mida Mas’uuliyiinta Hay’adda Inxa ee Maamul Gobaleedka Puntland.

Mas’uul u hadlay maamul Gobaleedka Puntland ayaa waxa uu sheegay in maamulku uu horey u joojiyay in wax banaanbax ah lagu qabto Magaalada Boosaaso kaddib markii banaanbaxyadii hore ay ka dhasheen iska hor imaadyo ay ku dhinteen dad fara badan, hase yeeshee Cabdi Faarax waxa uu sheegay in banaanbaxoodu uu ahaa mid nabadeed oo ay ku muujinayaan sida ay uga damqanayaan dagaalka foosha xun ee ka socda magaalada Muqdisho.

Qaar ka mida Gobalada Dalka ayaa waxaa ka dhacay banaanbaxyo looga soo horjeedo dagaalka dadka faraha badani ku dhinteen ee ka socda Muqdisho, waxayna dadkui dalbanayeen in si shuruud la’aan ah dagaalka loo joojiyo loona naxariisto dadka rayidka ah.

Cadde Muuse “Shirkado Mooryaan ah ayaanu heshiis la galeynaa”, waayo….”

Waxaa magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari ku sugan Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo halkaasi u tagay sidii uu gacan uga gaysan lahaa dhameynta khilaafka u dhexeeya Maamul Gobaleedka Puntland iyo Dowladda Federaalka gaar ahaan Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi.

Gen, Cadde Muuse ayaa mar uu kulan gaar ah la yeeshay Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa saxaafaddu waxay wax ka weydiisay waxyaabihii ay isla soo qaadeen, waxa uuna sheegay in guddoomiyaha Baarlamaanka si aad ah isugu afgarteen arrimihii ay isla soo qaadeen, mar la weydiiyay Gen, Cadde Muuse in Maamul Gobaleedka Puntland ay Dowladd u ku heysato in ay heshiis la galeen shirkado Maafiyo ama Mooryaan ah, waxa uuna yiri “waa run Mooryaan ah ama Jirri ah ayaanu heshiis la galnay, waayo shirkadihii kale way na diideen kuwaana waxaan ka sugeynaa in ay wax uun noo soo saaraan, waayo Gobalku waxa uu u baahan yahay dhaqaale”.

Gen, Cadde Muuse waxa uu intaa sii raaciyay “Shirkadihii Mooryaanta ahaa ayay dowladdu noo diidan tahay, may noo keenaan kuwo ka wanaagsan si ay noogu soo saaraan kheyraadka dhulkeen, runtii kuwaas ayaanu la macaamileynaa si uu Gobalku u helo dhaqaale wanaagsan”. Ugu dambeyntii waxa uu sheegay Cadde Muuse in wixii sharciyan ah ee ay dowladdu ku leedahay ay fulinayaan balse wixii sharci daro ah ay ka hor- imaan doonaan.

Hadalkii Cadde oo cod ah ka dhegeyso: http://www.somaliatalk.com/terry/terry49.html

Dagaalo maalintii saddexaad ka socda Degmada Jalalaqsi…

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jalalaqsi in magaaladaasi ay ka socdaan dagaalo u dhexeeya beelaha Xawaadle iyo Baadi-Cadde, waxaana dagaaladaani la sheegay in ay ka dhasheen kaddib markii nin u dhashay Beesha Xawaadle lagu xiray Magaalada Jowhar oo sheegeen in ay Beesha Baadi-Cadde ka dambeysay, dagaalkaan oo galay maalintii saddexaad ayaa labada dhinac waxay isku adeegsanayaan hubka culus iyo midka fudud.

Dagaalkaan ayaa ilaa iyo haata la xaqiijiyay in ay ku dhineen ilaa iyo Taban ruux ayna ku dhaawacmeen dhowr iyo taban kale, iyadoo dagaalkaani uu sababay barakac aad u baahsan oo dadkii ka qaxay qaarkood ay gaareen magaalooyinka Buula-Burde iyo Jowhar.

Ergo nabeed oo ka timid magaalooyinka Baladweyne iyo Jowhar ayaa ku sii jeeda Degmada Jalalaqsi si ay u kala dhex galaan dagaalka u dhexeeya labada beelood ee wada dega Magaalada Jalalaqsi.

Maleeshiyada ku xareysan xerada manaas oo loo qaybiyay lacago…

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in maalintii shalay ahyad ciidamada ku xarysna Xerada Manaas oo xoogooda ka yimid Maamul Gobaleedka Puntland tiradooduna gaareyso ilaa iyo 2500 ayaa maalintii shalay ahayd loo qaybiyay lacago mushaaro ah, waxaana lacagtaasi bixiyay Dowladda Federaalka.

Waxaa la sheegay in askarigii la siiyay SAgaal Boqol oo Shillin Soomaali ah, waxaana lacagtaani siismadeedu ku soo beegan tahay xili ciidamada ku xareysan Deegaanka Daynuu-naay ay hayso daruufo dhaqaale, kuwaasoo dhowr jeer sameeyayeen gadood ay ku qalqaliyeen ammaanka magaalada Baydhabo.

Lama garanayo sababaha kala soocay ciidamadaasi oo dhamaantood la sheegay in ay yihiin ciidamo qaran oo loo diyaarinayo sidii ay u sugi lahaayeen ammaanka dalka, waana markii labaad oo ay ciidamada Puntland qaataan lacago mushaaraad ah, iyadoo markii ay ka soo guurayeen xerada Kongo la siiyay lacago mushaar ah.

Cusmaan Caato oo shalay ka maqnaaday kulan ay shalay isugu yimaan lahaayeen…

Cusmaan Caato oo hor-kacaya ergo nabadeed oo ay Dowladda Federaalka u soo xilsaartay inay gacan ka gaystaan daminta colaadaha ka jira magaalada Muqdisho ee u dhexeeya midowga Maxaa-kiimta islaamiga ah iyo Kooxaha isku magacaabay isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada ayaa shalay ka maqnaaday kulan ay isugu imaan lahaayeen guddigii Beesha Habargidir ee loo xilsaaray daminta Colaada ka jira Muqdisho, kaasoo ka dhici lahaa Hotel Peace ee magaalada Muqdisho.

Ilaa iyo hadda lama garanayo sababaha ay ergadii uu horkacayay Cusmaan Caato ee ka socotay Dowladda ay ka maqnaadaan kulankaasi, balse warar ayaa waxa sheegayaan in Cusmaan Caato ay diidmo kala hor yimaadeen qaar ka mida xubnaha Isbahaysiga oo uu ka mid yahay Cabdi Qaybdii oo sheegayin dhinacoodu ay waan waan gali karaan haddii laga baxo goobihii la qabsaday 18-kii Feebaraayo wixii ka dambeeyay.

Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa iyagu si aad ah u soo dhaweeyay heshiis kasta oo ay wadaan xubnaha beesha Habargidir iyo Xubnaha Dowladda ee uu horkacayo Cusmaan Caato.

Maleeshiyada Muuse Suudi oo qabsaday Isbitaalka Keysanay..

Maleeshiyo daacad u ah Muuse Suudi Yalaxow ayaa shalay horey u galay oo qabsaday Isbitaalkii Keysanay ee ku yaalay duleedka magaalada Muqdisho, waxayna qabsashadaani ku soo beegan tahay xili uu Isbitaalku la tacaalayo dadkii ku soo dhaawacmay dagaaladii ka dhacay magaalada Muqdisho, oo xitaa ay ku jiraan kuwo ka tirsan Muuse Suudi Yalaxow.

Ilaa iyo hadda lama garanayo sababaha ay Maleeshiyada Muuse Suudi u qabsadeen Isbitaalkaasi oo ka mamnuuca in la weeraro ama la qabsado, maadaama Isbitaaladu dhex dhexaad ka yihiin dagaalada ay kooxuhu isaga hor yimaadaan.

Hay’adda ICRC oo Isbitaalka siisa daawooyinka ayaa walaac ka muujisay dhibaatada la soo deristay Isbitaalka Keysanay, iyadoo qaar ka mida bukaankii ku jiray Isbitaalkaasi ay shalay ka carareen, iyagoo ka cabsi qaba in Isbitaalku uu bar-tilmaameed u noqdo dagaalada u dhexeeyay Midowga Maxaa-kiimta Islaamiga ah iyo Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada iyo nabad soo celinta.

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 30, 2006

Xuseen Caydiid oo Sheegay in aysan Soomaaliya ku Sugneyn "Argagixiso"....
»Garoonka Dayniile laga dhoofiyo dad islaam ah oo loo..
»C/llaahi Yuusuf oo maanta la filayo in uu ambabaxo Nairobi..
»Ugaas Max’ed Wali oo hambalyo u diray culuma-u-diinka..
»Xulka Qaranka ee da’doodu ka hooseyso 17-jirka oo la..
»Wabarka beesha Cayr oo u soo jeediyay Caato in uu ka..
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Guji... May 29

Maxaa ka soo baxay kulankii Cusmaan Caato iyo Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah...
»Barre Hiiraale "C/llaahi Yuusuf iyo Geedi ayaa ka dambeeyay
»Wabarka beesha Cayr oo u soo jeediyay Caato in uu...
»Warar ku saabsan dagaalo shalay ka dhacay Muqdisho..
»C/llaahi Yuusuf oo beri u ambabaxaya Magaalada Nairobi..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... May 28

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD