SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKII JUNE 6, 2006

  • Qaxootiga Soomaaliyeed oo la sheegay in ay Mas'uul ka yihiin Nabaad guurka Dhirta Kenya.
  • Muslim Aid iyo Wejigii  Labaad ee Abaaraha Koonfurta Soomaaliya. 
  • Ra’isul Wasaare Geeddi oo 50-xubnood oo ka tirsan Beesha Mudulood ku Marti qaadey Baydhabo..
  • Maleeshiyadii iyo hubkii Cabdi Qaybdiid oo soo galey Magaalada Muqdisho…
  • Midowga Maxaakiimta Islaamiga oo ka digay in wax diyaarad ah ay ka soo degaan garoonka jowhar…
  • Dowladda Kenya oo dalkeeda u diiday ineey sooo galaan wasiiradda xilka laga qaaday
  • Wada hadaladii u dhexeeyay Muuse Suudi. iyo Odayaasha Mudulood oo maraya.
  • Wabarka Beesha Cayr oo u soo jeediyay Maxaakiimta islaamiga in ay la yimaadaan…
  • Maleeshiyooyin iyo Tikniko loo diyaariyay in ay ka hortagaan Isbahaysiga…
  • WADOOYINKII OO LA FURAY, LA'ISNA DHEXQAADAY AAGA KULIYADA
Qaxootiga Soomaaliyeed oo la sheegay in ay Mas'uul ka yihiin Nabaad guurka Dhirta Kenya.

Canab Mumtaz | canabmumtaz@yahoo.com

 
Munaasabad si heersare ah loo soo agaasimay oo lagu xusayay Maalinta Deegaanka Aduunka ayaa maanta ka dhacday magaalada Gaarissa ee Xarunta u ah Gobolka W/Bari Kenya ee Ay Soomaalidu Dagto.
 
Xafladdan oo ay ka soo qaybgaleen Mas'uuliyiin kala duwan oo uu ka mid ahaa wasiirka deegaanka iyo Kheyraadka Guud ee Dalka Kenya Mr.Kivutha Kibwana Wasiirka Ku xigeenka Wasaarada biyaha Mr.Aadan Sugow,Qaar ka mid ah Mudanayaasha Gobolka iyo Hay'adaha Maxaliga ah ee Gobolka ayaa si weyn looga hadlay  ilaalinta Deegaanka iyo Muhiimada dhirta ay u leedahay Dalka guud ahaan.
 
Aadan Sugow ayaa xusay in Qaxootiga Soomaaliyeed ay sabab u yihiin in ay yaraato dhirta isla markaana uu nabaad guur ku dhaco deegaanka,dadka qaxootiga ah ayuu ku tilmaamay in ay dhuxul ka samaystaan dhirta,halka qaar kalena ayba iibsadaan dhuxusha ay ka sameeyaan dhirta deegaanka qaar kale ayuu sheegay in ay guryo ka dhistaan dadkaas oo ah qaxootiga ku jira xeryaha wadanka kenya iyo kuwa kale ee dhawaan soo gaaray Xeryaha.
 
Shirkan ayaa laga sheegay in Magaalada Kismaayo Loorkii dhuxusha ah uu la qiima yahay loor sokor ah,taas oo macnaheedu yahay in dhuxushu ay aad qaali u tahay,waxaana laga xussay sida ugu haboon ee loo ilaalin karo deegaanka wadanka Kenya uu yahay in la yareeyo shidashada dhuxusha illaalona loo yeelo.
 
Prof.Kivutha Kipwana waxa uu balan qaaday in uu hordhigi doono gollaha wasiirada ee dowlada in ay kala xaajoodaan Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR Nolosha Qaxootiga ku sugan xeryaha Kenya iyo ilaalinta Deegaanka.
 
Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan deegaanka ee loo yaqaano UNEP oo fadhigeedu yahay magaalada Nairobi ayaa iyagana ka hadlay Illaalinta deegaanka in ay ku xiran tahay Horumarka Noolaha,shirkaas ayaa ugu dambay la isla gartay in Deegaanka la dhowro dhirtana la ilaaliyo.

Muslim Aid iyo Wejigii  Labaad ee Abaaraha Koonfurta Soomaaliya. 

Wejigaani ma ahayn mid sidii kuwii ka horreeyay u adag. Sababta ugu weynina waxay ahayd iyadoo dadku ku doogsaday roobabkii GUGA oo markaas da’ay. Muslim Aid waxay ku dadaashay inay gargaarkeeda gaarsiiso dadka ugu tirada badan iyo meelaha ugu fog-fog ee gobollada Bay iyo Gedo. 

Dhulka oo dhooqo ahaa iyo dadka oo nafaqo darro horay u haysatay ay ugu darsameen cudurro cusub oo biyaha ka dhashay ayaa ahaa dhibaatooyinka ugu waawaynoo ee soo foodsaaray Muslim Aid muddadii aan ku jirnay gargaarka wejigiisa labaad. 

Wejigaan labaad oo ay ka faaiiideysteen dad kor u dhaafay 7,500 oo qoys oo ku kala baahsan tuulooyin ka tirsan gobollaada Bay iyo Gedo, waxaan qaybinay agab isugu jira Bariis, Galleey, Digir, Saliidda cuntada iyo daawooyin.  

Bukaan-socod-eegtada Wareegta ee Muslim Aid waxaa iyana soo  booqday dad ka badan 500 oo qof. Inkastoo ragga laftigiisu ay ka mid ahaayeen dadka baaritaanka lagu sameeynayay, haddana dadkaasi waxay u badnaayeen haween iyo carruur. Dadkaasi waxay heleen daawooyin bilaash ah iyagoo badankoodu u sheegeen Dhakhtarrada iyo kalkaaliyayaasha Muslim Aid inay tahay markii ugu horreeysay oo baaritaan caafimaad lagu sameeyo,  

Dadweynihii ka faaiideystay gargaarkaan waxaa wejiyadooda ka muuqday farxad dheeraad ah iyadoo farxaddii roobka ay ugu darsantay gargaar cunto iyo daawooyin oo ay ku sugaan inta xooluhu u soo kacayaan oo dalaggu uga soo go’ayo.  

Adduunka ku baxay wejigaan iyo wejiga soo socda oo sida qorshuhu yahay u badnaan doona dib-u-dhis iyo gargaar farsamo ayaa kor u dhaafaya adduun ka badan £115.000.  

Marka la isku soo duubo, wejigaan oo aan filayno inuu noqdo kii ugu dambeeyay ee dhinaca gargaarku, wuxuu ahaa mid ay dadku si wayn ugu diirsadeen iyagoo si aad ah ugu mahadceliyay Muslim Aid oo ka mid ahayd hay’adihii ugu horreeyay ee gurmadka degdegga ah la soo gaaray dadka abaarhaan ku waxyeelloobay.

Telfoon: 44 (0)207-377-4220 

Wixii af kala soo xiriira: ali@muslimaid.org

Ra’isul Wasaare Geeddi oo 50-xubnood oo ka tirsan Beesha Mudulood ku Marti qaadey Baydhabo..

Waxgarad, Odoyaal iyo Siyaasiin ka tirsan Beesha Mudullood oo tiradoodu gaareysay 50-xubnood ayaa maalintii shalay ahayd waxaa soo gaaray casuumaad uu u fidiyay Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi, ilaa iyo hadda lama faahfaahin sababaha uu Geeddi ugu yeeray xubnahaasi, balser warar aanu helnay ayaa waxay sheegayaan in Ra’isul Wasaare Geeddi uu xubnahaani kala arrinsan doono waxyaabaha ku soo kordhay magaalada Muqadisho iyo waliba sidii Dowladda Federaalka ah loola shaqeyn lahaa. Xubnahaan oo la filayo in ay si dhaqsi leh uga ambabaxaan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka mid ah Cali Mahdi Max’ed, Xaaji Max’uud Koogaar, Xuseen Xaaji Bood, Sheekh Shariif Sheekh Muxiyadiin, Ismaaciil Macallin Muuse, Macallin Nuur Max’ed Siyaad, Maxamuud Cali Ugaas, Xuseen Xaaji Kadare iyo xubno kale. Xubnahaani kuma jiraan xubnaha Beesha Mudullood ee ka mid ah Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah. Warar kale ayaa waxay sheegayaan in Ra’isul Wasaare Geeddi uu raggaani kala arrinsan doono boosaskii ay ka baxeen Wasiirkii hore ee ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow iyo Wasiirkii Diinta iyo Ow-Qaafta Cumar Finish, kaddib markii habeen hore laga qaaday xilalkoodii lagu eedeeyay in ay dagaalo ka horiyeen magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in siyaasiyiin ka tirsan Beesha Mudullood ay si aada isugu haystaan xilalkaasi, iyadoo qaar ka mida beelaha Mudullood ay ku doodayaan in labada xil ay isku haysteen hal beel, waxayna qaarkood soo jeediyeen in la kala qaado lagana dhigo mid wadaag ah, maadaama qaar ka mida Beesha Mudullood ay ku qadeen Golaha Wasiirada ee Dowladda Federaalka.

Maleeshiyadii iyo hubkii Cabdi Qaybdiid oo soo galey Magaalada Muqdisho…

Maleeshiyooyin iyo Tikniko uu leeyahay Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo xubin ka ahaa Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada ayaa soo banneeyay wadada tagta Afgooye, gaar ahaan halka lagu magacaabo Calamada oo ay dhowr isbaaro ku lahaayeen,

Tiknikadaan iyo Maleeshiyadan oo soo galay magaalada Muqdisho ayaa warar aanu helnay waxay sheegayaan in Tiknikadaas iyo maleeshiyadaas lagu wareejinayo Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah gaar ahaan Maxkmadda Al-Furqaan.

Waxaa socda wada hadalo lagu dhameynayo arrintaasi oo la doonayo in jidka Afgooye iyo Muqdisho isku xira looga sifeeyo jid-gooyooyinka yaala, kuwaadoo dhibaato ku haya gaadiidka iyo bulshada isaga koosha wadadaasi.

Wareysigii ugu dambeeyay ee uu Cabdi Qaybdiid bixiyo waxa uu sheegay in Jid-gooyinkaasi uu qaadayo haddii ay Midowga Maxaakiimtu ka hor qaadaan jid-gooyinka hor yaala Max’ed Qanyare Afrax ee agagaarka Dayniile taasina waxay keentay in burburaan wada hadalkii ay beesha Habargidir ka dhex waday labada dhinac.

Midowga Maxaakiimta Islaamiga oo ka digay in wax diyaarad ah ay ka soo degaan garoonka jowhar…

Wararka naga soo gaaraya degmada Jowhar ee Gobalka Sh/dhexe waxay sheegayaan in Midowga Maxaakiimta Islaamiga ee iyagu ku sii dhow magaalada Jowhar ay ka digeen in wax diyaar ah ku soo degaan garoonka Diyaaraha ee Degmada Jowhar waxaana si gaar ah looga digay diyaaradaha ajnabiga ah.

Sababaha ay digniintaan u soo saareen midowga Maxaakiimta ayaa lagu sheegay iyadoo laga yaabo in xubno ka tirsan isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada ay ka dhoofaan garoonkaasi, warar kale ayaa waxay sheegayaan in Maxkamaduhu ay doonayaan in ay is hor-taagaan in garoonkaasi aysan wax hub aysan uga soo digin Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada oo looga adkaa-day magaalada Muqdisho.

Dowladda Kenya oo dalkeeda u diiday ineey sooo galaan wasiiradda xilka laga qaaday

War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda ee wadanka kenya ayaa lagu sheegay in Dowladda Kenya ay diiday in dalkeeda ay soo galaan Wasiirada xilka laga xayuubiyay looga awooda roonaaday dagaalkii Muqdisho.

“Ma dooneyno in dalkeena aan ku martigeliyo dambiilayaal dagaal” ayaa lagu yiri warkaasi oo intaa raaciyay “Wasiiradaani xilka laga qaaday waxay ku xadgudbeen heshiiskii xabad joojinta ee Eldoret ee 27-kii October 2002.

Dowladaha ku jira Urur Gobaleedka IGAD ayaa iyana ka fiirsanaya waxa ay ka yeelayaan hogaamiye kooxeeydadaasi waxaana la filayaaa in shir dhawaan ka dhacay Magaalada Nayroobi looga hadlyo waxyaabaha ku soo kordhay dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho kaddib markii uu dagaalku dhex maray Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Isbahaysiga isku magacaabay la dagaalanka wax loogu yeeray Argagixiso.

Wada hadaladii u dhexeeyay Muuse Suudi. iyo Odayaasha Mudulood oo maraya.

Waxaa weli Mowlaca Sheekh Shariif Sheekh Muxiyadiin ee magaalada Muqdisho ka socda kulan u dhexeeya Odoyaal iyo Waxgarad ka tirsan Beesha Mudullood iyo Muuse Suudi Yalaxow oo Dowladda Cali Geeddi ka ahaa Wasiirka ganacsiga, waxayna wada hadaladaasi ku saabsan yihiin sidii Muuse Suudi uu u wareejin hubkiisa iyo sidii looga saari lahaa magaalada Muqdisho.

Muuse Suudi oo looga awood roonaaday dagaal dhex maray Isbahaysiga uu xubinta ka yahay iyo Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah, waxaana lagu waramay in Muuse Suudi uu ka biyo diidsan yahay in uu wareejiyo hubkiisa.

“Ma doonayo in dadkeyga iyo dalkeyga ka dhex baxo” ayaa lagu soo xigtay Muuse Suudi oo uu caadaadis kaga imaanayo Odoyaasha iyo Waxgaradka Beeshiisa si uu u wareejiyo hubka uu gacanta ku hayo maadaama shalay dhigiisii Max’ed Qanyare uu Midowga Maxaakiimta ku wareejiyay hubkiisii. Muuse waxa ay maleeshiyadiisu weli ku jiraan Isbitaalkii Keysanay oo ahaa Isbitaal fulin jiray howlo caafimaad gaar ahaan dhaawacyada soo gaaraya Bulshada Soomaaliyeed.

Wabarka Beesha Cayr oo u soo jeediyay Maxaakiimta islaamiga in ay la yimaadaan…

Wabarka Beesha Cayr C/llaahi Orey Caraale ayaa baaq u soo jeediyay Maxaakiimta Islaamiga ah ee la wareegay goobihii homaaiye kooxeeyada in aysan guushoodu noqon mid dhicisowda.

“Waxaan kula talinayaa Midowga Maxaakiimta in ay magaalada Muqdisho u sameeyaan maamul cadaalad ku dhisan” ayuu yiri Wabarka oo intaa raaciyay “Haddii kale waxay noqoneysaa guushu tii la gaari jiray waxna aan qaban jirin mudo 45 sanadood ahna aysan cadaalad ku saleysneyn”, waxa uuna Wabarku sheegay in Maxaakiimta iyo Kacdoonka Dadweynaha uu u rajeynayo guul iyo cadaalad.

Maleeshiyooyin iyo Tikniko loo diyaariyay in ay ka hortagaan Isbahaysiga…

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Balad-weyne waxay sheegayaan in maleeshiyo fara badan la soo dhoobay xuduuda u dhexeysa Hiiraan iyo Sh/dhexe, waxaana halkaasi loo soo dhigay ciidankaasi si ay u hor istaagaan waa haddii Maleeshiyada Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada ay u soo gudbaan dhinaca Degmada Baladweyne.

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal Degmada Jowhar ku dhex maro Midowga Maxaakii-ta Islaamiga ah iyo Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada, waxaana degmada Jowhar haatan ka socda diyaar garow la doonayo in looga hortagyo Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah.

Warar ayaa waxay sheegayaan in ay socdaan wada hadal la doonayo in Midowga Maxaakiimtu ay si fudud ku galaan Magaalada Jowhar oo xarun u ah Max’ed Dheere oo xubin firfircoon ka ah Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada.

Waxaa magaalada Jowhar haatan ku sugan wasiirkii hore ee amniga Max’ed Qanyare Afrax iyo Wasiirkii hore ee dhaqan-celinta malaashiyaddak Bootaan Ciise.


W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com


WADOOYINKII OO LA FURAY, LA'ISNA DHEXQAADAY AAGA KULIYADA

Sawirada iyo qoraalka: Muuse Maxamuud Jiisow

Waxaa markii ugu horeysay la furey dadkiina isdhexqaaday jidgooyadii tiilay kuliyada jalle siyaad , ceelka tusbaxle iyo wasaaradii gaashaan dhiga ,furitaanka wadooyinkaan halbowlaha u ah isusocodka dadweynaha iyo gaadiidka ayaa ka danbeysey ka dib markii xalku uu noqday in qalabkii iyo ciidankii maxamed qanyare afrax uu meesha isaga baxey.



waxaa maalamahaan lagula talinayey wasiirkii hore ee amniga in uu hubkiisa iyo ciidankiisa ku wareejiyo malleeshiyooyinka maxkamadaha, taa soo markii inbadan loo kala dabqaadayey ugu danbeyntii uu ogolaaday in uu isaga haajiro wixii ciidan iyo hub u hayey beesha murusade isaga oo yiri waxaan u haayey idinka mana doonayo in difaacidayda oo qura ay u geeriyooto boqolaada una burburto hantidooda isaga oo ka doorbiday in uu wadada cagta saaro.



Taas ayaa daawo iyo dhiigjoojin u noqotey in badan oo ay wax yeelo ka soo gaari laheyd sii joogitaankiisa , dad badan ayey fajac ku noqotey markii ay maqleen arinkaan waxaana la isweydiinayey ma runbaa mise waa been ilaa laga arko wadooyinkii oo furan malleeshiyadii ishorfadhiday oo isgacan qaadayso dadkii o isku dhexyaacay oo isku darsamay lana kala aqoon waayey dhinacyadii ayka kala safnaayeen.



daarihii dhaadheeraa ayey ka soo degeen ciidamadii midowga maxakiimta kuwii kale ee isbahaysiga ayaa meeshii ka baxay dadkii degaanka iyo malleshiyooyinkii ayaa banaanka u soo wada baxay sidii uu istaagay roob soconayey oo kale, wadada dheer ayey buuxdhaafiyeen dadweyne aad u qiireysan shacuurtoodune ay kacsaan tahay wax cabsi ah ma jirin kaftankune waa furaa barxadii kuliyada horteeda ayaa la isugu yimid waxaa loo dhaqaaqay dhinaca wadada dayniile.

waa markii ugu horeysey oo dadweyne intaa dhan uu isugu soo baxay wixi ka danbeyey sanadguuradii ugu danbeysay ee xuskii kacaankii 21 ka octobar.

SHIR LAGU TAAGEERAYO KU DHAWAAQIDA MAXKAMADA HIRGELINTA SHAREECADA ISLAAMKA LAGU

Waxaa Isniintii shir lagu taageerayo ku dhawaaqida maxkamada hirgelinta shareecada islaamka lagu qabtey guriga nabadoon cabdulaahi cashara oo ku yaalo xaafada deegaanka gubta xaafada isxijiwaaq

Maxkamadaan ayaa loo magacaabay ,

1) Sheekh Xuseen Sheekh Cali Fiidow (Guddoomiye) Foorculus Hilibi
2) Sheekh Cali Max’ed Raage (Sheekh Cali dheere) ( Guddoomiye ku-xigeen) Sabdi Israafiil
3) Sheekh C/llaahi Macalin Cali Naxar (Abuu-Cuteyba) (Taliyaha ciidanka) Sabdi Ayaansamo
4) C/llaahi Max’ed Xasan (Tima-Jilic) (Taliye ku-xigeen)Guddoomiye ku-xigeen) Sabdi Israafiil
5) C/raxmaan Max’uud Faarax (Janaqoow) Guddoomiyaha golaha shuurada maxkamadda

shirkaa oo ay ka soo qeyb galeen qaar ka tirsan culumaa,udiinka ,waxgaradka ,ganacsatada ,dhalinyarada .iyo odyaasha beesha karanle ee ku dhaqan magaalada muqdisho shirkaan oo ahaa mid lagu ayidayo isla markaana lagu taageerayo maxkamada hirgelinta shareecada islaamka ee maanta looga dhawaaqay dagmada dayniile ee duleedka magaalada muqdisho , isla markaana ku biirtey midowga maxaakiimta.



Ugu horeyntii waxaa ka hadlay C/raxmaan Max’uud Faarax (Janaqoow) Guddoomiyaha golaha shuurada maxkamadda wuxuuna ku nuuxnuuxsaday sida loogu baahan yahay kudhaqanka shareecada islaamka oo uu sheegay in ay ku jirto liibaan aduunyo iyo mid aakhiro wuxuuna ka cudurdaartey ku dhawaaqida haddii lagu degdegay taasoo laga ogolaaday cudurdaarkiisii waxaana kagu ayiday dhamaan warbixinadii uu halkaasi ka soo jeediyey,



Maxamed axmed yalax" madaxda cusub iyo culumaa,udiinkuba waa ku mahadsan yihiin howsha baaxada leh ee ay bulshada u qabteen waana ku hanbalyeynayaa ayuu hadalkii sii siiraciyey isaga oo dabadhigay intaa kitaabka wax ku hogaamiya ,ku dhaqa, ku dila kii wax dila. Maxamed xasan xaad oo isna halkaa ka hadlay ayaa yiri waxaan idinla garab taagan nahay dhiiri gelin ,taageero ,dardaaran hiil iyo hooba leh ,beeshu waxey horey u saxiixday ku dhaqanka shareecada islaamka isaga oo la hadlayey madaxda cusub ayuu yiri waxaad gacanta ku heysaan hubkii ,xoogii ,iyo hantidii anaguna waan idinku taagereynaa hadan nahay waxgaradka , culumada ,iyo dhaliyarada ,meel hadii looga dhawaaqo kitaabkii ayaan ku dhaqmeynaa waxaa taba taalo in cadowgu ka caroodo marka dagaal haloo diyaar garoobo waxaa suurta gal ah in gaalo soo duusho hada ayaa dagaal kow yahay balad iyo baadiyane waa in aan geynaa ku dhaqanka kitaabka alle.



Sh ibraahin xasan wargaadhi (fagaareeye ) ayaa halkaa hadalo mahadcelin iy guubaabo ah ka soo jeediyey isaga oo sheegay maanta in ay tahay maalin farxadeed u soo hoyatey beesha murusade waxaana ka soo gudubney maalmo badan oo dhib iyo murugo leh waxaan amahadcelin mudan kuwii isku so howlay barnaamijkaan waana ayideynaa 100% waxey u degdegeen wanaag xukun doon maaheen cidii xumaan u qaadata haka noqoto in aan gacmaha isqabsano oo aan ku midowno kitaabka quraanka kariimka ah ma jiri doonto anaa soo halgamey iyo anaa kaas ahaa halala tashado cuqasha iyo culumaa,udiinka wanaaga allaha na tuso ayuu jadalkiisii ku so gabagabeeyey.



Waxaa isne hadal gaaban halkaa ka soo jeediyey gudoomiye ku xigeenak maxkamada hirgelinta shareecada islaamka ee dayniile Sheekh Cali Max’ed Raage (Sheekh Cali dheere) waxaan arintaa u sameyney in umadda la badbaadiyo lana siiyo nabadgalyda ay xaqa u leeyihiin shacabka murusade waa shacab muslim ah cid cid ka xigta kitaabka alle ma jirto wuxuuna carabka ku adkeeyey in aan cidna lagu handadi Karin.

Dadkii halkaa ka hadlay ayaa dhamaan soo dhaweeyey ku biiritaanka golaha midowga maxaakiimta waxaana loogu baaqay dadkii ka qaxay deegaanada ay dagaaladu ka dhaceen in ay guryahoodii dib ugu so noqaan sidoo kale waxaa tacsi loo direy dadkiiku dhintey intii uu socday howgalku iyada oo loo duceeyey kuwii wax ku noqday.

Isku soo wada duubo arinta ayaa u muuqatey in ay eheyd mid musalsal ah oo mudo soo jiitameysay sida ay halkaa ka cadeeyeen maamulka cusub iyo qaar ka mirsan waxgaradka beesha arintaanu waxey socotey ayaamahaan oo dhan hadayse rag rabtaa ayuu yiri sh: ciise oo intaa raaciyey wixii tagey waa taageen wuxuuna bulshaweynta u sheegay in maxkamadaanu ay u shiqeyneyso dadka mulimka ah isaga oo yiri dadka u shiqeeya dalka wax tara wuxuna hadalkiisa ku soo gabagabeeyey wixii aan ka tegay waa sheydaan wixii aan sheegayna xag allah ayey ka ahaadeen


Sawirada iyo qoraalka:
Muuse Maxamuud Jiisow
Somali39@hotmail.com
Mogadishu – Somalia
002521576666
002521653623


Hambalyo Iyo Talo 

Anigoo ah Enj-Maxamed Xaashi Xirsi Xubin Firfircoon oo Ka Tirsan Xisbiga Shaqaalaha ee haya talada Dalkan UK waxaanhalkan hambalyo ugu soo gudbinaayaa Bulshada Gobolka Banaadir,Maxkamadaha Islaamiga iyo Ururada Bulshada Madaniga ah ee sidaMasuuliyada,damiir Wadaniyadeed leh Kacdoon Nabadeed CaasimadaQaranka Muqdisho ugu xoreeyeey Hogaamiyaasha Dagaalka.  

Waxaan ku boorinaayaa inta Gacanta ka geeysatay Xoreeynta Muqdisho iyo badbaadinta Ummadda Somaaliyeed in eey ka iska Illaaliyaan Khaladkii dhacay 91-kii oo kale kuna Maamulaan habka Shareecada islaamka(Kitaabka Alle) iyagoo illaalinaaya Nabada,Nidaamka iyo Xuquuqdda Dadka-ba iyo Soo celinta kala dameeyntaiyo helida nidaam shaqeeya.

Waxaan xurmadeeda leh guul weyna ah in Maanta CaasimadiiMuqdisho ka madax banaan tahay habkii afduub ee Qabqablayaashaiyo Dhammaan dhibaatooyinkii tacdiyada ahaa ee Ummadda lagu hayo,waxaana mudnaanta koowaad suguda Nabadgelyada.Illaalinta Xoriyadda Bulshadda Madaniga ah,Nidaamka Kitaabka Alle kuSaleeysan ayaa guusha leh ee ha lagu maamulo.-Guul Iyo Go abanimo.-

Enj-Maxamed Xaashi Xirsi.-Xubin Xisbiga Shaqaalaha UK. hersiuk@hotmail.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | Jun 6, 2006

Miwodga Maxaakiimta Islaamiga ah oo lagu wareejiyay Hubkii Max’ed Qanyare Afrax
»C/llaahi "Cagtii joogsan weyda mar bay ceeb la kulantaa"
»Geeddi oo xilalkii ka qaaday Wasiirradii hubaysnaa...
»Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah oo ku sii jeeda Jowhar...
»Max’ed Qanyare Afrax oo u baxsadey Magaalada Jowhar
»Ciidamadii ka cararay deegaanka Suuqa Xoolaha oo..
»C/llaahi Yuusuf oo soo gaaray Magaalada Baydhabo.
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... June 5


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD