SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Si Maxamed-dheere Jowhar loo Qaado waa in Cabdi Qeybdiid wax laga Qabtaa; Madaxtooyada Qarankana laga wareejiyaa Meleeshiyooyinka Haysta

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif


London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 


 Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Waxaan u hambalyeynayaa ummadda Soomaaliyeed meel kasta ooy joogtaba guushii ay soo hooyeen maxaakimta Islaamigaa, odayo-dhaqameedka, ururrada bulshada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed khaasatan kuwa Xamar. 

Intaas kaddib waxaan sidoo kale u duceyneynaa maxkamadda Furqaan ee ku jirta Midowga Maxaakimta kaddib markey noo dabbakheen xaddiiska nabiga (SCW) ee ahaa u gargaar walaalkaa hadduu gardaranyahay iyo haddii laga gardaranyahayba. Waa iyadii la ogaa siday u galeen C/Rashiid Il-qeyte iyo C/Shukri. Sidoo kale waa tii Maxkamadda Ifka Xalan ay Cabdi-waal Xamar ka saartay. Waxaa isna si sharaf leh oon dhib lahayn Xamar uga tagay Maxamed Qanyare oo si caqli ah tolkiis dhibkii uga dulqaaday. Sidoo kale waa tii walaalaha maxkamadda Towfiiq ay Bashiir Raage iyo Muuse Suudi ugu dhammeeyeen sidoo kalana iyagoo kaashanaya maxaakiimta kale iyo shacabka Soomaaliyeed ay Balcad uga xoreeyeen Muuse Suudi. 

Ilaahay hortiis maxkamadda Furqaan iyo qabiilka leh waxbaa noogu dhimman – waa iney hubka ka qaadaan Cabdi Qeybdiid iyo maleyshiyada degen Madaxtooyada. Hadday taasi dhacdo waxaa ku xigeysa in Muuse Suudi iyo Bashiir Raagana hubka u dhiibaan Mudulood sidoo kalana Maxamed-dheere looga qaado Jowhar. Waxaan maxkamadda Furqaan u sheegeynaa iney soo celiyaan jacaylkii ka dhexeynjiray halgamayaasha Soomaaliyeed. Haddiiba Maxamuud Yuusuf (Muuro) uu qaatay tallaalkii Allaha u naxariistii C/hi Ciise Maxamuud mar looga baqay in Talyaanigu sumeeyo waqti uu la rabay in C/hi Ciise shir u aado qaramada midoobay soow uma habboonna maxkamadda Furqaan inta madaxtooyada ka wareejiyaan meleeshiyada heysta iney ku soo dhoweeyaan guddoomiya maxkamadaha Shariif Axmed oo ay iyagu ugu horreeyeen kuwii wax ka doortay? Shaki iigama jiro iney sidaas iyo sharaftaas la rabaan Shariifka ee maqaalku wuxuu ku socdaa dadka qolodaas u dhashay ee aan maxkmadda ku jirin. Haddiiba Mareykan leeyahay waan la xaajoonayaa Shariifka iyo maxkamadaha soow lama rabo in dadkii Shariifka doortay ay iyagu madaxa saartaan. Marka haddii maqaalkani gaaro Xamar waxaan ka codsaneynaa maxkamaddaas iyo qabiilkey ka dhasheenba iney maalinta Jumcaha salaadda kaddib ay war kheyr na maqashiyaan oo ah iney Furqaan iyo Shariifka ku soo dhoweynayaan madaxtooyada iyo iney sidoo kale hubka ka qaadayaan Cabdi Qeybdiid. 

Muduloodka waxaan ku leeyahay horta dagaaloogayaashaas qaarkood hoosta idin ka soo galay ma jiraan cid aan Mudulood aheyn ooy wax u dhimeen. Sidaan maqaal hore ku sheegay bal sheega cidda kale ooy Muuse Suudi, Maxamed-dheere, C/Qaadir-beebbe, Bashiir Raage, iyo Cumar-filish ay wax u dhimeen oon Mudulood ka ahayn? Ma jirto. 

Waxaan Soomaali oo dhan iyo khaasatan Mudulood u sheegayaa inaan diinta Islaamka milicsanno. WALLAAHI  waxaad mooddaa iney haddeer soo degtay. Labo qoddob baan rabaan inaan xuso: 

  1. Waa in la iska ilaaliyo in la raaco sifooyinkii nin oday ahaa laakiin aad u nasiib darnaa waa C/hi Binu Ubayi binu Salool, munaafiqii weynaa. Wuxuu salaadda Jimcaha ka dhex istaagijiray masaajika nabiga (SCW) isagoo leh: Ansaareey kani waa nabigii Ilaahay ee haloo gargaaro; hala raaco iyo hadalo wanaagsan laakiin wuxuu intaas maleegijiray wax Islaamka iyo dadkiisaba dhib ku ah. Marka waa ceeb in la arko odayaal waaweyn oo marar badan aad ku arkeysid meelo kheyr iyo iyagoo dhexdhexaadin ka wada dadka dhexdiisa  laakiin aad mar mar ku arkeysid meel aan ku habbooneyn iyo iyagoo dhexfadhiya dad caadeystay dhibka diinta iyo shacabka Soomaaliyeed. Marka ninkii oday ama siyaasi sheegta oo sidaas ku sifooba wuxuu raacayaa C/hi binu Ubayi. Sideey ku dhicikartaa in dad u damqado nimankii qandaraaska ku qaatay dhibka diinta Islaamka iyo dadkeeda?
     
  1. Meel kasta oo lagu qabto wax diinta iyo dadkeeda ka soo horjeeda waxay raaceysaa masjidkii diraar/dhibka ee Madiina ka jiray oo munaafaqaas aan ka soo hadalnay iyo rag la mid ahi dhiseen si ay muslimiinta ula dagaalaan, gaaladana ku soo dhoweystaan. Marka maantadan aan joogno haddii masaajid ama mowlac ama madaxtooyo ama meel kalaba lagu qabto oo lagu soo dhoweeyo dad qandaraas soo qaatay waxay meeshaas noqoneysaa mid lagu dhejiyo magaca diraar/dhibka. Xitaa haddii masjid lagu soo dhoweeyo dagaaloogayaal si ay xaqa uga soo horjeestaan, masaajidkaas waa in laga tago oo uu noqdo mid kharaab ah oo magacaas kore la siiyo marka mowlac iyo madaxtooyo warkood daa.

Marka waa in dadkii gefku ka dhacay iyagoo leh qabiil kale wax u dhima ay ka soo noqdaan. Hadda waxaan rajeyneynaa in maxkamadda Furqaan iyo qolada dhisatay uu ka soo yeero war fiican oo ku saabsan Cabdi Qeybdiid iyo madaxtooyada marka Muduloodna waxaa laga rabaa iney hubka ka qaadaan Muuse Suudi iyo Bashiir Raage. Hubka Muuse waxaa loo dhiibikaraa Maxamuud Abuukar Suulaley iyo ragga qoladaas ah ee maxkamadaha ku jira. Kan Bashiirna waxaa lagu wareejinayaa Shariifka iyo Sheekh Cali-dheere. Culumadaan, Abuukar cumar Caddaan iyo shirkadda Banaadir baa kheyr ugu filan Mudulood. Marka haddeyba dadka noocaas oo kale heystaan waxay ahayd iney Ilaahay u xamdinaqaan. Marba haddii qolooyinka kale ooy xurguftu kala dhexeyso ay Shariifka ka dhigeen nin magac ku yeeshay Soomaali iyo adduunkoo  dhan sidoo kalana ay Maxamuud-cadde  ka dhigeen guddoomiyii Banaadir maxay kaloo rabaan? 

Haddii salaadda Jumcaha war kheyr ka soo yeero Furqaan iyo beesha leh waxaan rajeynayaa inaan ilaa Axadda war kheyr ka maqli doonno Jowhar oo Mudulood oo maxaakimta garabsanaya ay ka qabtaan Maxamed-dheere. Arrintaas ku saabsan Cabdi Qeybdiid iyo madaxtooyadu waxay fursad siineysaa munaafiqiin badan oon shacabka la rabin horumar. Khasab ma ahan in hal maalin ah laga baxo madaxtooyada laakiin waxaan maleyshiyada heysata ka rabnaa iney ku dhawaaqaan iney ku wareejinayaan maxkamaddooda Furqaan. 

Soomaaliyeey, qofkii Ilaahay sharfo dabadeedna naftiisa sharfa ayaa dadkoo dhami sharfaan. Hadda markii shacabka Soomaaliyeed soo dhoweeyey Shariifka ayaa dowladihii oo dhammi dheheen: ninkaas uma gacan-dhaafi karno shacabka Soomaaliyeed. Kuwoodii ugu fogaa oo Maraykan ka midyahay wakuwaas hadda leh waxaan la galeynaa wadahadal taxaddar leh. 

Haddii maxkamadda Furqaan iyo qolada lihi ay wax ka qabanweydo labadaas arrimood waxaan Shariif Axmed kula talinayaa inuu iska casilo jagadaas ileyn qorshihii la isku ogaa sidaas ma aheyne. Marka Furqaan ma heleyso wax cududaar ah oo ay arrintaas ku fulinweydo maxaa yeelay waxaa taageero la garabtaagan maxaakimtii kale iyo shacabka Soomaaliyeed. Marka waxaa dhab noqonaya dacaayadaha ay wadaan dadka inkaarta qaba. Waxaa dacaayadahaas ka mid ah: Mururusade oo raba iney Qanyare soo celiyaan! Waa beentood oo maanta Mururusade magac buu helay, diyaarna uma aha in qof ka mid ahi uu qandaraas u soo qaato wax dhib ku ah shacabka Soomaaliyeed waana arrin ku-dayasho mudan. Marka macquul ma ahan in Qanyarana hubkii u wareejiyey, Cabdi Qeydiidna iyo dad kalana ay u heystaan. Anigu waxaan aamminsanahay hadday Furqaan wax ka qabanweydo in shacabka Soomaaliyeed ay si xoog ah wax uga qabanayaan Cabdi Qeybdiid intay dib usoo xoogeysanlahaayeen qabqablayaal kale. 

Waxaa kaloo farxad u ah shacabkii Soomaaliyeed iney shaqeynweyday huuhaa iyo dacaayado badan oo khalkhal lagu gelinayo guusha u soo hoyatey shacabkaas. Waxaa jira waxgarad iyo siyaasiyiin badan oo u dhashay Mudulood oo sheegay in sheekada qabiilka oo ay Muuse Suudi, Maxamed-dheere iyo Bashiir Raage rabaan aysan soconeyn. Waxaa ka mid ah Xuseen Bood iyo Faarax Weheliye (Sandiko). Marka arrintu waa siday u dhaheen. 

Teeda kale waxaa jirta cilad ay leeyihiin dadka  Soomaaliyeed oo ah iney mar kasta dhinaca xun wax ka eegaan marba haddii qabiilku uusan kooda aheyn. Ogaada, qabiilkii maxkamadaha ku taageeray hubka iyo dhaqaalaha ugu badan ayaa sidoo kale ajarka iyo ammaanta  ugu badsanaya. Tusaale ahaan haddii beesha Cayr ama Harti Abgaal ay noqdaan qabiillooyinka ugu taageerid badan maxkamadaha dhinac kasta waxaan shaki lahayn iney ajarka ugu badanna helayaan hadday niyadda wanaajiyaan. Marka haddaan shacabka Soomaaliyeed nahay waan ognahay qolo kasta waxay ka geysatay halgankaas mana jirto cid inkirikarta xaqooda. Marka waa in lagu tartamaa sidii loo taageerilahaa maxkamadaha 

Maaddaama aan Soomaali ahay oon intaas oo sanana ku dhexjiray waxaan rajeynaa in maxkamadda Furqaan iyo qolada lihi aysan ka noqondoonin doorkoodii hormuudka ahaa ee ay ka qaateen kacdoonka dadweynaha.

C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 Faafin: SomaliTalk.com | June 9, 2006

Maxkamadaha Islaamiga: Fari kama Qodna Faanoole..

C/risaaq Xaaji Xuseen Is kama hadlin!!


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD