SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo

09 Jun 2006 

 ======================   

Warriyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenay ayaa noo soo sheegay dagaallo ka dhacay meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah, kuwaasoo waxyeellooyin ba’an loogu gaystay ciidammada gumaysatada itoobiya. Dagaalladaasi waxay u dheceen sidatan; 

04/05/06 dagaal ka dhacay meesha lagu magacaabo Galbis, oo ku taalla dhinaca xadka Ogaadeenya iyo Oromiya, isla markaana u dhaw Gindhidh, waxaa ciidammada cadowga lagaga dilay 4 askari, 7 kalana waa lagaga dhaawacay. Askarta halkaas cadowga lagaga dilay waxaa ka mid ah ninkii haystay arrimaha siyaasada ee ciidanka aaggaas ka hawlagala iyo ku xigeenkiisii. 

Isla 04/05/06 dagaal ka dhacay Dalaato,oo dhinaca Bali ku taalla, waxaa cadowga lagaga dilay 4 askari, 6 kalana waa lagaga dhaawacay. 

09/05/06 dagaal ka dhacay meel u dhaxaysa Sallaxaad iyo Laba-hidda, waxaa ciidammadacadowga lagaga dilay 1 askari. 

25/05/06 dagaal ka dhacay Baar-guun, oo Godey ka tirsan, waxaa cadowga lagaga dilay 1 askari, 9 kalana waa lagaga dhaawacay. 

26/05/06 dagaal ka dhacay Baara-xoon, oo Sallaxaad u dhaw, waxaa ciidammada dac-darraysan ee gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 7 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay. 

29/05/06 dagaal adag oo ka dhacay Geel-doox waxaa ciidammada gumaysatada Itoobiya lagaga dilay 30 askari, 9 kalana waa lagaga dhaawacay. 

01/06/06 dagaal ka dhacay Cayuun, oo gobolka Nogob ka tirsan, waxaa ciidammada cadowga lagaga dilay 2 askari, 1 kalana waa lagaga dhaawacay. 

04/06/06 dagaal Toon-ceeley waxaa cadowga lagaga dilay 4 askari, 6 kalana waa lagaga dhaawacay. 

05/06/06 Gabagabo dagaal ay iskaga xoryimaadeen ciidammadaxoreynta Ogaadeenya iyo kuwa saama-laluudka ah ee Itoobiya, waxaa cadowga lagaga dilay 5 askari, 7 kalana waa lagaga dhaawacay. 

Arday lagu xidhxidhay magaalada Dhagaxbuur. 

Wararka ka imanaya magaalada Dhagaxbuur ayaa sheegaya in ciidammada gumaysiga Itoobiya ay ugu yaraan 30 arday ku xidhxidheen magaalada horraantii toddobaadkan, sidaas waxaan ka soo xiganay bogga internetka ee Ogalden Online. 

Ardaydan ayaa isugu jira arday dhigata dugsiyada dhexe iyo kuwa sare, waxayna ciidammada wayaanuhu ka kaxaysteen fasalladii ay wax ku baranayeen. Ardaydan ayaa waqtigii la xidhay qaarkood ay isu diyaarinayeen imtixaannadii fasallada siddeedaad iyo tobnaad. 

Ardaydan looma sheegin sababta loo soo xidhxidhay, hase yeeshee wuxuu xidhaygoodu ka mid yahay ololaha naxariis darrada ee ciidammada gumaysigu ka wadaan dhammaan gobollada dalka, kaasoo ay sii xoojiyeen markii ay u caddaatay inay ku guul darraysteen dagaalka ay kula jiraan ciidammada xaq u dirirka ah ee xoreynta Ogaadeenya. 

Ogaadeenya oo wali cunto xumo ka jirto. 

Roobkii Gu’ga ayaa u muuqda inuu joogsaday xilli ka horreeya waqtigii uu joogsan jiray, arrintaasoo keeni karta macaluul ka dhalata gobollada Ogaadeenya, haddii bishan Juun dhexdeeda roob di’i waayo, sidaas waxaa ka digay xafiiska isku xidhka arrimaha samafalka ee Qaramada Midoobey OCHA. 

Xafiiska OCHA wuxuu kaloo intaas ku daray in roobkii bisha May ka da’ay gobollada Ogaadeenya uu aad u yaraa, sidaas darteed ayna dadwaynuhu wali ka soo kabsanin dhibaatooyinkii ka soo gaadhay abaartii dheeraydee gobolka soo martay. 

Roobka Gu’ga ee yar wuxuu horseedi doonaa inuu is-dhimo dalaggii Beeraha ka soo gu’i jiray xilliga Gu’ga, arrintaasoo keeni karta cunto yaraan gobolka ka dhacda oo iyaduna horseedi karta macaluul loo hoobto.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in ugu yaraan dad gaadhaya 1,7 milyan oo qof oo ku dhaqan gobollada Bari ee Ogaadeenya iyo galbeedka gobolka Booranta ay dhibaato ba’ani ka haysato sidii ay Biyo iyo Cunto ku filan u heli lahaayeen.

Safiirkii hore ee USA: Itoobiya argagixiso denbe naguma khaldayso 

Safiirkii hore ee Maraykanka u fadhiyi jiray Itoobiya Herman Cohen ayaa sheegay in dawlada Maraykanka ayna Itoobiya mar denbe ku khaldi doonin arrimaha la dagaallanka argagixisada, sidaas wuxuu safiirku sheegay mar laga waraystay Idaacad Maraykanka ku taalla oo lagu magacaabo PBS, barnaamijkeeda New Hour Proggramme. 

Safiir Cohen ayaa sheegay in xukuumadda Itoobiya ay cabsi xad-dhaaf ah ka qabto inuu kacdoo islaami ahi kaga yimaado shucuubteeda, gaar ahaan Oromada, sidaas darted waxay muddo dheer nabadsugidda Maraykanka siinaysay xogo been-abuur ah oo tilmaamaya inay argagixiso la dagaallamayso. 

Wuxuu kaloo intaas raaciyay in dawlada Maraykanka, oo cabsi iyo khalkhal badan ka qabtay kooxihii lagu soo tababaray dalka Afganistan, ay iska rumaysan jirtay xogaha Itoobiya, balse ay hadda dhabta ogaatay, sidaas darteed ayna dawlada Maraykanku rumaysan doonin, kana garaabi doonin cabasho arrimaha argagixisada la xidhiidha oo ka timaada xukuumadda Itoobiya. 

09 Jun 2006.

Axmed Gaal-Eri                 

Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com

 

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 25 MB ee dhererkeedu yahay 11865 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

 

 

 

 Afeef: Aragtida qoraalkan ka akhri halkan....

Faafin: SomaliTalk.com | Jun 9, 2006

»Isbeddelka aasaasiga ah ee ka dhacay Muqdisho| Abokor
»Talo-siin Maxkamadaha iyo Maanso. | Caliqeyr
»Maxaa sababay isbadka Muqdisho? Sidee buu ku waari karaa? | Caafi
»Ba' Dagaal Oogaha, Barkhada Wadaadada iyo Baraaraha Shacabka
»
Muqdisho: shalay, maanta iyo barri (Q. 1aad/2aad) | Axmad
»Horumarka Maxkamadaha Mogadishu: Guul mise Khatar? | Faysal
»Taladaan la Ruugin, Waa Lagu Rafaadaa | C/xakiim
»
WARQAD FURAN OO KU SOCOTA MIDOWGA MAXAAKIINTA  | Cumar
»
Talo Wax-ku-ool ah oo ku socota Maxkamadaha Islaamka | Yusuf
»Aynu wada dhawrno.... | Jaamac
»MUQDISHO WAA LOO YAABAA | C/laahi


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD