SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

 Ugaas Max’ed Wali iyo Safarkiisii laas-Caanood 


Ugaas Maxamad Wali |
Email: kulmiyepress@hotmail.com

Waxaan nasib u yeeshay in laygu casuumo ka qaybalka caano shubkii Garaad Jaamac Garaad Cali oo ka dhacay degmada Laas-Caanood, run ahaantii waxay ahayd caleemo saar aad loo abaabulay, kaasoo aan dhihi karo wuxuu ka sareeyay qaabka abaabulka lagu yaqiinay marka la dooranayo hogaamiye dhaqameed, dadka wax indha-indheeya qaarkood waxay dareensanayeen abaabulkaan balaaran in uu salka ku hayo arrimo siyaasadeed, ujeedaduna ka fog tahay caleemo saar, dadka arrimahaasi is tusay waxay ka duulayeen aniga aragtideyda Prof, Cali Khaliif Galeyr oo ahaa Ra’isul Wasaarihii Dowladdii Carta lagu soo dhisay oo isagu si aada uga dhex muuqday abaabulka Caleema-Saarka Garaadka, hase yeeshee waxaa xusid gaara mudan casuumaaddii iyo martiqaadkii sharafta mudnaa in ay kala kulmeen Duubabka dhaqanka iyo Siyaasiyiinta Caleema Saarka Garaad Jaamac farxad iyo raynrayn, tasoo aan dhihi karo waxay furtay albaab xirnaa, waxay isku keentay walaalo kala baaday mudo dheer, oo aan is arag, kuwasoo dareemay ehelnimadii ka dhexeysay iyo in aysan haboonayn in ay is gooyaan, dad walaalo ah oo ay ka dhexayso Rixim iyo Dhalyaba.

Magalada Laas-Caanood waa magaalo furun ah, waxa isku hor fadhiya meel 30Km u jirta labada maamul ee Waqooyi Bari iyo Waqooyi Galbeed, taasi waxay keeneysaa in ay noqoto meel ay ku nool yihiin maleeshiyooyin fara badan oo hubkooda wata, dhex yaacayana magaalada, hase yeeshee dadka deegaanku waxay xaqiijiyeen in magaaladu ay xasiloontay, gaar ahaan dhinadca amniga, mana jirn meelo xitaa dadka lagu baarayo, lagu dilayo, walina ma maqlin xabad dhaceysa, balse Tiknikadaas iyo maleeshiyooyinkaas fara badan waxaa watay madaxda iyo Siyaasiyiinta Puntland, sida Madaxweynaha iyo Wasiirada.

Dhinaca Diinta.

Gobalka Sool waa meel caan ku ah fidinta Diinta Islaamka, waxay talis u ahaan jirtay Sayid Muxumad Cabdule Xasan dhamaadkii Qarankii 19-aad iyo Qarnigii 20-aad, waxayna xarun u ahayd Dawaariishtii, taasoo aynu og nahay wixii dhex maray iyaga iyo Gumeysigii saddex geesoodka ahaa, sida la wada ogsoon yahayna waxaa lagu daadiyay dhiig badan oo Shuhado ah, sida la og yahayna meeshii lagu daadiyo dhiig shuhado ciribteeda dambe way ka muuqataa oo waxay noqotaa meel wanaagsan.

Gobalka Sool gaar ahaan Laas-Caanood waxaa ka muuqday Nasrigii Illaahay iyo Iftiin Diimeed, Laas-Caanood waxay leedahay Masaajid fara badan iyo Dugsiyo Diimeed oo aan dhihi karo xaafad dhowr xabo ayaa ku yaal, weli ma arag intii aan socday meel ay ka jirto dacwo intaa la eg, waxaa I cajab geliyay ragga iyo dumarka Magaalada Laascaanood sida ay uga muuqato shacaa’irtii Diinta Islaamka iyo Soomaalinimada.

Waxaa kalloo la kulmay Sheekh ka mida mashaa’iqta Soomaaliya ku caan baxay fidinta Diinta Islaamka iyo fahamsiinta nuxurka Ujeedada waana Sheekh Max’ed Idiris, waxa uu ahaa dadkii ugu muhiimsanaa ee halkaasi ka waday wacgelinta Diinta Islaamka iyo baraarujinteeda, waxaana ilaah uga baryayaa in uu cimrigiisa u barakeeyo.

Degmada laascaanood waxaa dhibaato ku haya Sunta Cagaaran oo loo Yaqaano Qaadka kaasoo uga yimaada Itoobiya, run ahaantii markii aad dhabo gasho waxaa si barbar dhigeysaa kheyrka socda iyo dhibaatada uu qaadku ku hayo bulshada.

Maalin maalmaha ka mida Hotelkii aan deganaa nin Dhuuban oo qurux u dhashay, hase yeeshee aysan ka muuqan quruxdaasi marka loo fiiriyo wajigiisa oo ay diif iyo darxumo ka muuqatay, waxaana is iri, qofkaani waa uu xanuunsan yahay ayaa waxay indhaheygu ku dhaceen isaga oo wata majin weyn oo Qaad ah nooca loo yaqaano Hareeri, run ahaantii aad baan uga naxay, riyo ayay igu noqotay, markii hore waxay iigu muuqatay in xanuunsan ama jirin, balse markii aan qaadka ku arkay ayay layaab igu noqotay, waxaana weydiiday halka uu degan yahay iyo halka uu ka yimid , waxa uuna sheegay in uu ka yimid Baadiya Buuhoodle ee Gobalka Togdheer, waxa uuna ii raaciyay in Dadka reer Baadiyaha ah ay cunaan Qaadka gaar ahaan Geel-jirayaasha, waana arrin murugo leh.

Ugaas Max’ed Wali Ugaaska Beesha Sade ahna Afhayeenka Salaadiin Beesha Daarood. Email: kulmiyepress@hotmail.com

Waxaa soo tebiyey:
 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

 Faafin: SomaliTalk.com | Jun 10, 2006

SHARIIF XASSANOW WAXAA KU HORYAALA LABA ARIMOOD OO KALA DARAN EE KALA DOORO, TAN SADEXAADINA WAXAY TAHAY?

»Isbeddelka aasaasiga ah ee ka dhacay Muqdisho| Abokor
»Talo-siin Maxkamadaha iyo Maanso. | Caliqeyr
»Maxaa sababay isbadka Muqdisho? Sidee buu ku waari karaa? | Caafi
»Ba' Dagaal Oogaha, Barkhada Wadaadada iyo Baraaraha Shacabka
»
Muqdisho: shalay, maanta iyo barri (Q. 1aad/2aad) | Axmad
»Horumarka Maxkamadaha Mogadishu: Guul mise Khatar? | Faysal
»Taladaan la Ruugin, Waa Lagu Rafaadaa | C/xakiim
»
WARQAD FURAN OO KU SOCOTA MIDOWGA MAXAAKIINTA  | Cumar
»
Talo Wax-ku-ool ah oo ku socota Maxkamadaha Islaamka | Yusuf
»Aynu wada dhawrno.... | Jaamac
»MUQDISHO WAA LOO YAABAA | C/laahi


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD