SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Pan-Somali Council for Peace and Democracy (ISRAACA)
1201 Pennsylvania Ave, NW #300 PMP #49 Washington, DC 20004
Telephone: (202) 661-4653 Email: contact@israac.org
www.israaca.org


 Mudanayaal, 

Ka dib Shan iyo toban shir oo dib u heshiineed oo lagu guul daraystay iyo lix iyo toban sanno oo fawdo lagu jiray oo ay u dambaysay dhawr bilood oo iska hor imaad dhiig ku daatay oo boqolaal, badanku yihiin shacab aan waxba galabsani, ku naf waayeen uu Muqdisho ka taagnaa, waxaad moodaa in dharaaro rajo huwani in ay u waabariisanayso Soomaaliya

 Isbedel aan si dhab ah loo qeexi karin ayaa ka dhashay ayaamahan aad moodeysey iney ahaayeen kuwii loogu raja xumaa ilaa iyo bilowgii dagaalka  gacal xasuuqa ee bilowday sagaashanaadkii. Nabad ayaa, xilligan aynu ku jiro, dib loogu soo celiyey suuqyada iyo wadooyinka Muqdiho. 

Dabaaldegyo aan qabiil keliya ku koobnayn ayaa xamar weli ka socda oo bilaabmay todobaadkii hore kuwaasoo ay keentay in dagaal oogayaashii karaahiyada ku ahaa ummada oo xasilooni darrada iyo dagaalka  joogtayn caadada ka dhigtay kuwaas heshiis kasta oo nabadeed wax kuma yaal ka dhigayey in ay Muqdisho maxaakiimka Islaamku debeda uga tuuraan 

Inkastoo Maxkamaddaha Islaamka loo maleeyey inay yihiin kooxo argagixiso, sidaa oo ay la noqotay Maraykanka isaga oo aad moodo inuu ku hawgalayo “war aan sal lahayn” oo Itoobiya ka yimi. Assaaskeedu wuxu muujinayaa inay yihiin maxkamado ku salaysan qabiil oo isu xil saaray inay buuxiyaan maqnaashaha awood sharci ah oo rabta ama karta in kala dambayn iyo sharci laga helo Muqdisho. Sidaa darted, shakiga laga qabo in xiriir argagixiso jiro waa mid aan gebi ahaan weli tirtimin. 

Maxkamadaha Islaamku inta laga ogyahay laga yaabee in aanay ka marnay daldaloolo aha habka ay wax u dhaqan geliyaan  ama aanay sida ay wax u qabtaan noqon sidii loo wada baahnaa. Gudoomiyaha Maxkamaha Shiikh Shariif Shiikh Axmed wuxu dhowr jeer ku tilmaamay wareysiyadiisa, in Midowga Maxkamaduhu aanay damacsanayn inay Soomaaliya ka taliyaan oo aanayna rabin in ay dul saaraan waxay aaminsan yihiin dalal kale, in kastoo ay ka haystaan kaalmo muwaadinka Soomaaliga caadiga ah, dadka ganacsatada oo dhaqaalaha dalku ku dhisan yahay iyo ururada bulshada isu haysay inta ka hadhay dadyowga. Waxay kaloo Maxkamada ha Islaamku soo dhoweeyeen damac ku jira Maraykanka oo ah inuu wada hadal la furo iyo inay aqoonsanayaan Dawlada Ku Meel Gaarka ah. 

Iyadoo taa madaxa lagu hayo, Ururka Israacu wuxu si adag ugu boorinayaa  Maraykana, Qaramada Midoobay,  Midowga Yurub, Ururka Afrika, Ururka Islaama, Jaamada Carabta iyo beesha caalamku inay garab istaagaan Maxkamada Islaamiga si wax loogu dhiso ibedelkan taariikhiiga ah iyo majwadaha siyaasasdeed ee taagan. Iyo inay raacaan talooyinka si ay u sii jirta neecawda nabada iyo rajada ee hadda jirta: 

I. Waa in aan dalna garab istaagin dagaal oogayaasha si aanay u wadin  argagaxisnimadooda 

II. In la garab istaago Maxkamadaha Islaamka si ay u ilaaliyaan nabada iyo kala  dambaybta, 

III. In la taageero iyo in awood loo yeelo Dawlada Federaaliga  is ay u gudato  waajibaadkeeda dastuurnimo 

IV. In la dhowro oo la hirgeliyo Go’aankii 733 ee cunaqabataynta saaraayey Soomaaliya 

V.  Inay u diidaan ciidooda dagaal oogayaashu inay dugsadaan 

VI. In la taageroo samaynta Maxkamada Soomaaliyeed ee Denbiilayaasha Dagaal 

VII. In lagu kaalmayo dhisida machadyo  samaya barnaamijyada dib dejinta iyo  dhowrida nabada iyo xoogaynta dimoqraadiyada. 

VIII. Ina la taageero ururuda bulshda sharciga oo muujiyey waxqabadkooda.    

X.     In loo fidiyo tababar la xidhiidha qaabka wax loo xukumo. 

Waxay noqononaysaa fiira daro haddi aanan mahad celin gaar ah u fidin Midowga Yurub oo ah kuwa ugu weyn oo deeqaha la garab taagan Soomaaliya, ilaa iyo Oktoobar 2002 markaas oo ay bilaabeen inay in maalgeliyaan Shirkii Nabad Raadinta ee Kiiniya lagu qabtay ee IGAD wadatay. Midowga Yurub, Maaj 2006, oo la sameeyey shirkii 2718naad ee Gudiga Arrimaha Guud, wuxu gaaray go’aan ay Soomaaliya ka dhigayaan dalalka ay aad muhiim u tahay in la eego. Taas oo ah in Midowga Yurub ay tahay inay ka kaalmayaan Soomaaliya meelaha aad muhiimka u ah oo ay ka mid yihiin dib u heshiinsiinta, dib u dejinta iyo Hor marrinta. Jabuuti yo Kiiniya ayaan iyana la ilaawin karin soo dhoweyntooda iyo garab galka siyaasadeed iyo moral oo ay keeneen. 

Dadka Soomaaliyeed, gudaha ama dibeda miduun ha joogeene markasta way u mahadcelinayaan 

Ururka Israacu waxa saldhig u aha magaalada Waashinton.

The Pan-Somali Council for Peace and Democracy is a Washington-based Somali advocacy organization with a wide-range of membership in Somalia and around the world who are made of professionals, academician, public intellectuals, and activists. 

The Pan-Somali Council for Peace and Democracy pledges to help any body, nation or nations that seek to find a lasting solution to the prolonged Somali Conflict. 

Mahadsanidiin,

Said Salah,
Xoghayaha Guud ee Ururka Israaca 

Pan-Somali Council for Peace and Democracy (ISRAACA)
1201 Pennsylvania Ave, NW #300 PMP #49 Washington, DC 20004
Telephone: (202) 661-4653 Email: contact@israac.org 
www.israaca.org

Faafin: SomaliTalk.com | Jun 14, 2006

Warar GooGoos ah: June 13
»Sheekh Qaasim “Haddii ay yihiin ciidamo Qaran maxay u..
»C/llaahi Yuusuf iyo Geeddi maxay ka dooneen Kenya…?
»Dowladda Itoobiya oo ka codsatay IGAD in ay qayb ka
»Doodii ku saabsaneyd keenista Ciidamo oo maaanta...
»Xarunta Ismaaciil Jimcaale oo Siminaar u soo....
»Gumaysiga Itoobiya oo jawaasiis badan qortay.
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Jun 13
 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD