SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 WARARKII JUNE 18, 2006

  • Ciidamo Itoobiyaan ah oo la sheegay in ay soo galeen Magaalada”  

  • C/llaahi Yuusuf “Haddii ay Maxaakiimtu ay Aqoonsadaan waan la kulmayna...”

  • Wafdi ka socda Dowladda Mareykanka oo ku soo jeeda Muqdisho...

  • Maxkamad Islaami ah oo laga furay Magaalada Mahadaay…

  • Hubkii Muuse Suudi oo wali uu ka taagan yahay Muran Xoogan...


Guddoomiyaha G/Mudug, C/Rashiid Cali Xaashi Dhuubane oo Fadwooday... DHEGEYSO


Ciidamo Itoobiyaan ah oo la sheegay in ay soo galeen Magaalada”

Dad ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa noo xaqiijiyay in Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku hubeysan gawaarida gaashaaman soo gaareen Magaalada Baydhabo, gaar ahaan iyadoo ay keentay diyaar kuwa Milatariga ah oo ay leedahay Dowladda Itoobiya, waxaana saarnaa sida na loo xaqiijiyay 300 oo Askri oo la sheegay in ay hordhac u yihiin ciidamo kale oo la sheegay in ay ka soo talaabeen xuduuda Soomaaliya iyo Itoobiya. Imaanshaha Ciidamada Itoobiya waxay xadgudub ku yihiin qaraarkii cunaqabteynta hubka ee Soomaaliya, sidoo kale waxay xadgudub ku yihiin shuruucda caalamiga ah ee u degsan Qaramada Midoobey, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Islaamka iyo IGAD, iyadoo ciidamadaani ay ka soo hordhaceen xiligii loogu talagalay, waxayna dhabar jab ku noqoneysaa Dowladda Federaalka oo iyadu sheegtay in marka hore imaanayaan ciidamo ka socda wadamada Uganda iyo Suudaan. Xaaladda Magaalada baydhabo ayaa aad u kacsan iyadoo si aad ah loo adkeeyay ammaanka Magaalada, waxaana la sheegay in qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka ay isaga bixi doonaan Magaalada Baydhabo, maadaama lagu xadgudubay Dastuurkii iyo Xeerkii u degsanaa, laguna xadgudbay cunaqabateyntii hubka ee Qaramada. Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa iyagu sheegay in ay ka hortagi doonaan ciidamo shisheeye oo la keeno soomaaliya.


Mudaharaadkii Muqdisho, June 17, 2006

Wafdi ka socda Dowladda Mareykanka oo ku soo jeeda Muqdisho...

Warar aanu helnay ayaa waxay sheegayaan in wafdi ka socda Dowladda Mareykanka ay maalmaha soo socda soo gaari doona Magaalad Muqdisho si ay wada hadal ula yeeshaan Midowga Maxaakiimta islaamiga ah oo iyagu doonaya in ay taageero ka helaan beesha Caalamka oo uu ugu horeeyo Mareykanka.

Wafdigaan oo heer Diblamaasiyadeed ah ayaa la sheegay inay imaanshahooda ogolaadeen Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa horey u sheegay in ay diyaar u yihiin in ay wada shaqeyn dhex marto iyag iyo Mareykanka,. hase yeeshee Sheekh Shariif waxa uu u soo jeediyay inay u hogaansanto rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed oo iyagu kacdoon ku riday hogaamiyaasha kooxaha oo mudo lix iyo taban sano ah xoog ku haystay shacabka gobalka Banaadir.

Dhanaca kalana Dowladda Yemen ayaa wada sidii ay u dhex dhexaadin lahayd Dowladda Federaalka iyo Midowga Maxaakiimta Islaamiga, waxaana la sheegay in labada dhinac ay si weyn u aqbaleen.

Maxkamad Islaami ah oo laga furay Magaalada Mahadaay…

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Mahadaay oo ka tirsan gobalka Sh/dhexe, waxay sheegayaan in maalintii shalay ahayd magaaladaasi looga dhawaaqay Maxkamad Islaami ah oo ka mid noqoneysa Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah oo iyagu maalin maalinta ka dambeysa ay awoodoodu sii kordheyso, waxaana ka qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Midowtga Maxaakiimta Islaamiga ah. Maanta ayaa la filayaa in banaanbax lagu t aageerayoi Magaalada Mahadaay uu ka dhacao Magaaladaasi, sidoo kale Maxkamad Islaami ah ayaa looga dhawaaqay Degmada Yaqshiid oo ka tirsan Gobalka Banaadir.

C/llaahi Yuusuf “Haddii ay Maxaakiimtu ay Aqoonsadaan waan la kulmayna...”

C/llaahi Yuusuf oo ah Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhyabo ayaa si weyn u soo dhaweeyay go’aankii Baarlamaanka ee ahaa in dalka la keeno ciidamo shisheeye isagoo sheegay in go’aankaasi uu ahaa mid mar horey la sugayay.

Mar wax laga weydiiyay is bedelka ka dhacay Magaalada Muqdisho ayuu C/llaahi Yuusuf ku jawaabay “Horey ayaan u soo jeediyay in Maxaakiimtu ku ekaadaan Muqdisho aysan u gudbin gobalada kale, waxaana haatan kula talinayaa in ay ka baxaan gobalada ay joogaan”, waxa uu intaasi sii raaciyay “waxaan u arkaa in ay yihiin Qatar, balse waa in ay ka haraan awooda qoriga oo ay wax walba ku xaliyaan wada hadal iyo is afgarad”.

“Marka ay aqoosadaan Dowladda Federaalka ayaan wada hadal la galeynaa balse inta uu qalbigoodu ku jiro is balaarin iyo siyaasad ku dhisan gursi wax wada hadal ah la gali meyno” ayuu yiri C/llaahi Yuusuf oo sheegay in uu qoraal ka helay Madaxweynaha wadanka Yemen, waxa uuna C/llaahi Yuusuf sheegay in uu Madaxweynaha Yemen ka codsaday in ay wada hadal u furaan iyaga iyo Midowga Maxaakiimta, waxaa kaloo uu sheegay C/llaahi Yuusuf in Madaxweynaha Yemen uu u sheegay in haddii ay Dowladda Aqoosadaan Midowga Maxaakiimtu ay wada hadal diyaar ula yihiin.

Hubkii Muuse Suudi oo wali uu ka taagan yahay Muran Xoogan...

Warar ayaa waxay sheegayaan in Muuse Suudi Yalaxow iyo Bashiir Raage ay ka ambabaxeen Magaalada Muqdisho ayna ku baxeen Dooni soo gaartay Xeebta Mariino maalintii doraad ahayd.

Ilaa iyo hadda lama oga halka ay ku kicitimeen labadaasi xubnood oo ahaa rag ugu cad caddaa Isbahaysigii burburay ee la dagaalanka Argagixisada kaddib markii ay ka adkaadeen Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah. Warar ayaa waxay sheegayaan in Muuse Suudi uu dhaqaaqay dhinaca Cadale iyo Warshiid, warar kale ayaa waxay leeyihiin waxaa laga yaabaa in doontii siday ay gaartay Markab uu Mareykanku leeyahay oo taagan xeebta.

Muuse Suudi waxa uu ka tagay hub aad u fara badan oo isugu jira Qoryaha Lidka Diyaaradaha, madaafiicda Goobta, Gawaarida Gaashaa-man iyo Qoryaha darandooriga u dhaca, waxaana la sheegay in Maleeshiyadii haystay hubkaasi ay maalintii shalay ahayd isku qabsadeen hubkaasi, hase yeeshee Muuse ayaa hubkaasi waxa uu uga tagay taliye ku xigeenkiisii Cali Dalable.

Odoyaasha uu ka soo jeedo Muuse Suudi ayaa iyagu waxay dadaal ugu jireen sidii hubkaasi uu u noqon lahaa hub ay leedahay Beesha, si loogu sameeyo Maxkamad Islaami ah.

Odoyaasha iyo Kooxaha Maleeshiyooyinka ayaa haatan waxaa u dhexeeya muran aad u xoogan, hase yeeshee qaar ka mid ah Odoyaasha ayaa waxaa la sheegay in ay u yeereen Maxaakiimta Islaamiga ah si ay goob joog uga noqdaan wareejinta hubkaasi si hubku u noqdo mid loogu shaqeeyo Maxkamadda Islaamiga ah ee la filayo in looga dhawaaqo Waqooyiga Muqdisho.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com 

Wararkii JUne 17, 2006

Banaanbax looga soo horjeeday Ciidamo shisheeye oo shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho...

Maalintii shalay ahayd ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay banaanbax kii ugu balaarnaa oo ka dhacay Magaalada waxaana ka qaybgalay qaybaha kala duwan ee Bulshada, waxaana soo qabanqabiyay kacdoonka Shacabka, waxayna dadku wateen boorar ay ku qornaayeen “Dooni meyno Ciidamo shisheey noocay doonaanba ha ahaadeene” “waxaan kalsoonidii kala laabanay Baarlamaanka” “Mareykanku ha joojiyo faragelinta uu ku wado Soomaaliya” “Itoobiya Dooni meyno” iyo eryo kale.



Culuma’udiinkii halkaasi ka hadlay waxa ka mid ahaa Guddoomiye ku xigeenka Midowga Maxaakiimta Sheekh C/qaadir Cali Cumar waxa uuna sheegay in aysan marnaba ogolaan doonin in wadankooda ay yimaadaan ciidamo shisheey qaarad kasta haka yimaadaane, waxa kalloo uu sheegay in ay ka hortagi doonaan ciidamo shisheeye oo soo gala wadanka Soomaaliya, waxa uuna sheegay in ummadda Soomaaliyeed ay aad uga xumaatay go’aankii Baarlamaanka ee ugu yeeray Caddowga ummadda Soomaaliyeed.


Waxaa kaloo ka hadlay k hadlay Guddoomiyaha Kacdoonka Difaaca Diinta, Axmed Qare oo sheegay in ay naftooda u huri doonaan dalkooda iyo diintooda, ciidamo shisheeye oo la keeno dalka Soomaaliya, “Dalka haatna waa nabad siiba Magaalada Muqdisho marka looma baahna ciidamo shishee oo nabad suga” ayuu yiri Qamed Qare oo intaa raaciyay waxaan aad uga xunnahay in Shariif Xasan oo aan ku soo dhaweenay magaalada Muqdisho uu maanta Ummadda Soomaaliyeed u soo horseedo caddowga Ummadda Soomaaliyeed, waana mid aanan ka fileyn.



Banaanbaxa oo ahaa mid si aad ah loo soo abaabulay ayaa waxaa tabinayay war fidiyeeno ka socday beesha caalamka, waxayna si aad ah ula yaabeen Boor ay ku qornayeen “Bush dhegahaaga iyo indhahaaga fur”.


Dadka Soomaaliyeed ayaa iyagu walwal weyn ka muujiyay in Soomaaliya waqtigaan la keeno ciidamo shisheeye, Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ah macallin Wax ka dhiga Jaamacadaha Mareykanka ayaa waxa uu sheegay in waqtigaan aysan Soomaaliya u baahneyn Ciidamo shisheeye, sidoo kale waxaa iyana arrintaani ka soo horjeestay Culuma’udiinka Gobalada Baay iyo Bakool oo sheegay in ay la jihaadi doonaan cid kasta oo Soomaaliya u soo horjseeda Ciidamo shisheeye.

Golaha Midnimada iyo Badbaada Qaranka Soomaaliyeed ayaa isagu waxa uu sheegay in ay si weyn uga soo horjeedaan in Soomaaliya la keeno ciidamo shisheeye noocaan doonaanba ha ahaadeene, iyagoo sheegay in xaaladda Soomaaliya ay ku timid is bedel weyn oo dhinaca nabadgelyada ah kaddib markii ay Maxaakiimta ka adkaadeen qabqablayaasha dagaalka oo iyagu hor taagnaa in ay Soomaaliya hesho nabad buuxda.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Jun 18, 2006

Isha: codka: Radio daljir

TAARIIKH KOOBAN EE ISBEDELADA UGU DAMBEEYEY SOOMAALIYA::: Akhri...:

Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD