SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Soomaaliya iyo CIA

Maxaa ka jira in CIA-du Xamar ku Dishay Ganacsade iyaga u shaqeynayey?

Qore: Maxamed Xaaji (Ingiriis)

Brussels, Belgium

Email: ingiriis@yahoo.com

Maarso 10, 2006



Sawirkan waa haraagii Dhismihii Baarlamaankii Hore ee Soomaaliya, waxaana sawirkan la qaaday 2006, Waxaana qaaday: Muuse Maxamuud Jiisow
Sawirka hoose waa Baarlamaankii Soomaaliya ka hor burburkii Soomaaliya


 Isha saiwkan: www.swan.ac.uk

Ibraahin Xuseen oo ahaa ganacsade Soomaali ah, wuxuu ahaan jiray ninka CIA-da u jooga Muqdisho sannadihii 1990-1993. Sida ka dhex muuqata tafaasiil ay bixiyeen saraakiil horey uga soo shaqeysay CIA-da, Ibraahin gacantiisa ayuu isku dilay sannadkii 1993-kii isagoo ciyaaraya dheesha loo yaqaan Russian roulette (waa ciyaar bistooladda wareegta la geliyo xabbad, kaddibna qofku uu dhafoorka isaga qabto, isagoo ridaya bal in xabbadi ka soo boodo iyo in kale).

Hase ahaatee, toddoba sano ka hor ayay CIA-du ku tuhuntay Mike Shanklin oo ahaan jiray ku xigeenka Madaxa xafiiska CIA ee Muqdisho inuu isagu ka dambeeyey dhimashadii Ibraahin. Sababta tuhunkaa dhalisay waxay ahayd Shanklin oo guursaday gabadhii ay Ibraahin isu doonanaayeen oo u dhalatay Talyaaniga, Stefania Pace oo ahayd dhakhtarad Talyaani ah oo howlaha samafalka Soomaaliya ka shaqeyn jirtay.

Guurka uu guursaday Pace awgeed, waxa ay CIA-du albaabada ka xiratay Shanklin, waayo ma uusan u sheegin madaxdii ka sarreysay arrintaa. Sida muuqata, waxaa jira sharci CIA-da u yaalla oo ka ilaalinaya shaqaalaheeda inay guursadaan dad ajnabi ah, waayo ceyrinta Shanklin waxaa loo cuskaday inuu jebiyey xeerarka hay’adda.

Qoraaga rugcaddaagga ah, Vernon Loeb oo u qaabilsan arrimaha sirdoonka iyo milatariga Jariiradda Washington Post ayaa dhowr maqaal ka qoray qaabkii uu u dhintay Ibraahin Xuseen oo dadka la socda xaaladdiisu ay aaminsan yihiin inuu isagu is dilay. Waxa uu Loeb qoray in Ibraahin uu dhintay iyadoo CIA-du ay ku jirto howl xasaasi ah oo ay ku soo qabanayso Gen Maxamed Faarax Caydiid.

Waxay ahayd goor galab ah markii uu Ibraahin soo istaagay barxadda gurigiisa, isagoo bistoolad ay hal xabbo ku jirto madaxa ka saaray nin shaqaalihiisa ka mid ahaa, kaddibna keebka u qabtay. Laakiin xabbad kama soo boodin. Nin kale oo la socday ayuu madaxa ka saaray. Sidoo kale, xabbad kama soo bixin. Nin saddexaad ayuu sidii oo kale ku sameeyey, laakiin Ilaahey amarkii xabbad kama soo duulin. Markii afraad ayuu isagu madaxa iska saaray. Hase ahaate, markan xabbad ayaa ka soo boodday bistooladdii, waxayna fariisatay maskaxdiisa.

Stefania Pace, oo sheegtay inay mar kasta ka xumeyd sida jaceylkeedu u jecel yahay qoryaha, ayaa maqashay dhawaaqa xabadda iyadoo saaran dabaqa guriga. Waxa ay hoos u soo fiirisay meeshii xabaddu ka qaraxday. Waxa ay aragtay saaxiibkeed oo ku dhex jira waasko dhiig ah (a pool of blood).

Waxaa Ibraahin degdeg loola cararay isbitaal milatariga Mareykanku ku dhex lahaayeen Muqdisho. Shanklin waxaa laga wacay telephone-ka, waxaana loo sheegay dhaawaca Ibraahin. Wuxuu degdeg ku tagay isbitaalkii, halkaas oo uu kula kulmay nin gacanyare u ahaa Ibraahin oo shaarka uu wato uu dhiiggu ka tifqayo. Shanklin wuxuu siibay shaarkiisii, wuxuuna siiyey ninkii, isagoo ka qaatay kii dhiigga lahaa, waxaana uu yiri “dhiiggaa da’aya waa dhiiggeygii.”

Nasiib darro, dhaqtarkii madaxda ka ahaa isbitaalka milatariga Mareykanka ayaa diiday inuu daweeyo dhaawaca Ibraahin, waayo isbitaallada milatariga laguma daweyn karo qof aan ahayn muwaadin Mareykan ah. Wuxuu ku dooday dhaqtarku “halkani waa isbitaal Mareykan, ninka xabaddu madaxa uga taallana waa muwaadin Soomaali ah.”

Si looga dhaadhiciyo dhaqtarka inuu qalliin ku sameeyo Ibraahin ayaa Taliyihii xafiiska CIA-da Muqdisho, Garrett Jones waxa uu diray ku xigeenkiisii John Spinelli. Laakiin dhaqtarku wuxuu ku adkeystay go’aankiisa, taasoo keentay in Spinelli iyo nin kale oo ka socday mukhaabaraatka milatariga iyo dhaqtarkii Mareykanku uu dhex maro muran lagu sigtay in gacmaha laysula tago.

Kaddib markii uu Spinelli ugu hanjabay dhaqtarka inuu ku celin doono Mareykanka ayuu wacay Jones, waxaana uu ku yiri, “Garrett, ninkani (Ibraahin) wuxuu u muuqdaa mayd, laakiin weli waa nool yahay, mana muuqato illaa subaxnimada in qalliin lagu sameynayo.” Subaxnimadii xigtay waa uu dhintay Ibraahin iyadoon far loo nuuxin dhinaciisa, waxaana Shanklin uu geeridiisa wargeliyey Pace oo ku oyday garabkiisa. Shanklin, waxa uu sheegay inuu si xan ah u maqli jiray in Ibraahin ciyaaro Russian roulette, laakiin uusan weligii ku arag.

CIA-du wey ka xumaatay geerida Ibraahin, waayo waxay rumeysnaayeen inuu gacan weyn ka siin doono dadaalkii ay ugu jireen inay ku soo qabtaan Gen Caydiid. Wuxuu dhintay iyadoo uu jiro qorshe CIA-du ku doonayeen in Ibraahin haddiyad ahaan uu Caydiid ugu geeyo bakoorad ay ku dhex jiraan qalab lagula soconayo qofka sita meesha uu joogo.

Stefania Pace, waxa ay dib ugu noqotay Talyaaniga iyadoo dareemaysa qalbi-jab kala soo dersay geerida gacaliyaheeda. Waxa ay gocatay inay jeclayd inay shil la gasho mooto ay kexeysan jirtay markii ay dalkeeda ku noqotay. Shanklin waxaa la siiyey oggolaansho uu ku soo booqan karo Pace.

“Waxaan dareemay inaan gebi ahaanba go’doon ku jiro. Ma rabin inaan noolaado, laakiin waan ogaa inay tahay inaan noolaado. Waalidkey keligey bey i dhaleen. Waxaan u baahnaa inaan helo qof yaqaanna Soomaaliya, laakiin saaxiibadey ma aysan garanayn, sidaa awgeed waxaa ii yimid Mike oo wax wanaagsan ii sameeyey” ayay soo xusuusatay Pace.

Wax yar kaddib Shanklin iyo Pace waxa ay isku arkeen Kenya, waxaana ay billaabeen inay is jeclaadaan. Shanklin oo go’aansaday inay is guursadaan Pace, kaddibna degaan Kenya, ayaa waxaa soo food-saartay inuu kala doorto CIA iyo Pace, waxaana uu doortay Pace, isagoo ka ruqseystay shaqadii. Saraakiisha CIA-du waxay ku adkeeyeen in shaqa-ka-tegistiisu ahaato mid qarsoodi ah, taasoo macnaheedu yahay inuusan qofna u sheegi karin inuu 13 sano u soo shaqeynayey CIA-da.

Hase ahaatee, Shanklin waa jebiyey axdigaas, waxaana uu u sheegay dhowr shirkadood oo Mareykan ah oo Kenya deggan oo uu shaqo la-talinta amniga ah ka doonayey inuu u soo shaqeeyey CIA. Markii dambe isaga iyo Stefania Pace waxa ay go’aansadeen inay wada degaan Fairfax, Virginia.

Waxa uu dabadeed Shanklin aaday xafiiska CIA-da, si uu u helo shaqo qandaraasle ammaanka iyo tababarrada. Kumannaan shaqaale hore oo CIA-da ah ayaa habka noocaas ah ku shaqeeya, waxayna helaan kaarka cagaaran oo awood u siinaya inay hay’adda xiriir dhow la sii lahaadaan. Si uu kaarkaas u helo, Shanklin wuxuu u baahnaa in baaritaan adag la mariyo.

Baaritaankii lagu sameeyey Shanklin 


Mike Shanklin
Intaan baaritaanku billaaban, waxa uu Shanklin qirtay inuu ku guuldarreystay inuu soo sheego xiriirkii soke ee uu la lahaa Stefania Pace. Baaritaankii wuu ku dhacay. Mid kale ayaa la iclaamiyey. Baaritaanka labaad kii hore waaba ka sii xumaaday, iyadoo ay jirto in Shanklin go’aansaday inuu daacad u hadlo.  Wuxuu markan qirtay inuu wax u sheegay nin buug ka qorayey CIA-da iyo inuu shirkado Kenya jooga u sheegay shaqadiisii hore ee CIA-da. Wuxuu kaloo qirtay inuu ku caawiyey nin Soomaali ah oo miino la qaraxday sidii loogu heli lahaa daaweyn degdeg ah, isagoo ku andacooday inuu ninkaasi yahay nin CIA-da la shaqeeya, balse runtu ay sidaas ka duwanayd.

Intii baaritaankan labaad lagu jiray, raggii su’aalaha weydiinayey Shanklin waxa ay ku eedeeyeen inuu isagu ka dambeeyey dilkii ganacsade Ibraahin Xuseen. Waxa ay tani Shanklin ku riixday inuu si daran u qayliyo, waxaana ka baxay dhawaaq cabaad leh. Iyagoon bixin wax caddeyn ah ayay baarayaasha CIA-du sheegeen in Shanklin lug ku leeyahay dilka Ibraahin. Baaritaanku wuxuu noqday musiibo. Baaritaan saddexaad ayaa la iclaamiyey.

Baaritaankan waxaa lagu weydiiyey Shanklin su’aalo ku saabsan xiriirro uu la lahaa dad ajnabi ah iyo warar sirdoon ah oo loo maleynayo inuu hoosta ka bixiyey, hase ahaatee xamaasaddiisa ayaa kacsanayd, taasoo weli u muujisay ragga baaritaanka Polygraph-ka loo yaqaan ku dhex jiray inay jirto weli wax uu qarinayo (Polygraph waa qalab baarayaasha CIA-du ku gartaan qofku inuu run sheegayo iyo inuu been sheegayo). Waxa uu Shanklin qeexay inaysan jirin wax dambe oo uu qirto. “Waxay u maleeyeen inaan wax qarinayo, balse waxba kama qarin” ayuu yiri.


Marxuum: Gen Maxamed Faarax Caydiid
Waxaa la sameeyey baaritaankii ugu dambeeyey, waxaana ka soo baxday inuusan istaahilin in la siiyo kaarka cagaaran. “Waa la i waxyeelleeyey, waana la i niyad-jebiyey. Waxaan rajeynayey in lay dhihi doono ‘waa inaadan sameynin waxyaabahan qaladka ah, waana ku fiirin doonaa ee mar dambe ha sameyn’” ayuu ku calaacalay. Waxa isaga iyo Pace ay kaddib go’aansadeen inay u guuraan Talyaaniga oo ay markii ugu dambaysay degenaayeen. (Pace oo aan la xiriiray, kama helin wax jawaab ah).

 
Barashadii Ibraahin iyo Shanklin 

Mike Shanklin, waxa uu noqday ku xigeenka Madaxa xafiiska CIA ee Muqdisho 1990-kii markii dagaalyahanno uu hoggaaminayo Gen Maxamed Faarax Caydiid ay billaabeen inay irdaha u soo xiraan 21 sano oo keli-talisnimo axmaqnimo ah uu Soomaaliya ku horsocday Gen Maxamed Siyaad Barre.

Ka hor inta aysan dowladdu burburinin, muddo bilo ah ayuu Shanklin habeen iyo maalin ka shaqeynayey sidii uu xiriir ula sameyn lahaa ganacsade hanti badan haysta oo deggenaa waqooyiga Muqdisho (Ibraahin). Ganacsadahan oo ahaa nin dhallinyar oo awood badan leh, xiriirkiisuna badan yahay wuxuu sameystay ciidamo uu isagu gaar u leeyahay markii dagaalku dhacay kaddib, waxaana uu noqday nin CIA-da la shaqeeya, isagoo ku caawiyey dokumentiyo sir ah oo Shanklin uu ka gaabsaday inuu shaaciyo.


Black Hawk Down | Eeg Khariidada Muqdisho

Ciidanka Delta Force
Waxa uu sheegay Shanklin inay Ibraahin yeesheen xiriir aad u sokeeya oo daacadnimo ku jirto. Markii qalalaasuhu ku soo dhowaaday Muqdisho, waxa ay Shanklin is barteen Stefania Pace oo ay Ibraahin lammaane ahaayeen. Shanklin waxa uu Xamar ka baxay 1991 kaddib markii dagaalyahannadii Caydiid ay ku guuleysteen inay Barre kala wareegaan awoodda, kana qabsadeen Muqdisho ka hor inta aysan iyagu qoryaha iskula soo jeesan.

Markuu ku noqday xarunta CIA, waxaa loo diray dagaalkii Gacanka, si uu ugu dhexeeyo mukhaabaraatka iyo milatariga Mareykanka. Kaddib waxaa loo beddelay dalka Liberia oo looga dhigay madaxa xafiiska CIA-du ku leedahay halkaas. Markuu howshii soo dhammeystay ayuu u sheegay madaxdiisa inuu doonayo in hadda kaddib loo diro meel hadduu nalka shido uu nalku shidmayo, haddii qasabadda uu furana ay biyo ka imaanayaan. Codsigiisa cidna ma diidi karin, waxaana la geeyey London isagoo xiriiriye u noqday mukhaabaraatka Mareykanka iyo kan Ingiriiska.


Madaxweyne Bush oo jooga Baydhabo

Markii Madaxweynihii hore ee Mareykanka, George Bush uu ku dhawaaqay inuu gaas Marines ah u dirayo Soomaaliya, si ay u hubiyaan in gargaarka la gaarsiiyo dadka macluulsan ayaa CIA-du doontay Shanklin inuu qarsoodi ku galo Muqdisho iyadoo ay wehliyaan xayn kale oo sirdoon ah, si ay u suura-geliyaan in ciidanka Mareykanku ay degaan xeebta Xamar iyagoon dhibaato la soo dersin.

Iyadoo Ibraahin uu ku caawinayo taageero dhinaca farsamada ah ayaa xubnihii sirdoonka CIA-du waxay ku duuleen diyaarad aad u yar, waxayna ka degeen garoonka Cisaley ee waqooyiga Muqdisho horraantii December 1992. Si kasta ha noqotee, joogitaanka ay Muqdisho joogaan ayaa halis ku ahayd dhammaantood. Sida Shanklin uu yiri, “Waxay Muqdisho ahayd meel waali iyo sharci la’aani ka jirto, kuwa xoogga lihina ay gawaarida tiknikada ku socdaan, ugu yaraan qof walbana wuxuu sitay qori.”

Ciidammadii ugu horreeyey ee Marines-ka Mareykanku markey caga dhigteen xeebta Muqdisho 9-kii December 1992, Shanklin oo ay la socdaan rag Soomaali ah oo uu Ibraahin ku soo daray ayaa waxay taagnaayeen xeebta Liido, iyagoo sameynayey howlgal waardiyeyn ah, waxaana uu Shanklin sheegay inuu ku kalsoonaa in dagaalyahannada Caydiid aysan soo weeraraynin ciidammada degaya.

Hase yeeshee, kalsoonidiisii waa burburtay markii xaafadda Bermuuda ay barqanimadii maalintaas ku joojiyeen miliishiyo hubeysan, isagoo wada Taliyihii CIA-da Muqdisho, si uu u soo baro Ibraahin. Isla markiiba miliishiyadii waxay qaateen qori casri ah oo CIA-du lahayd, iyagoon garanayn ragga ay hayaan inay sirdoon Mareykan yihiin iyo in kale. Shanklin oo qatar ugu jira in la dilo isaga iyo ragga kale ee la socda ayaa degay oo ka dalbay taliyihii miliishiyada Soomaalida inuu xaalka dejiyo. Kaddib markii uu maliishiyada mashquuliyey ninkii qoriga qaatay ayaa waxaa u suura-gashay Shanklin inuu degdeg ku fuulo gaarigii, si xowli ahna ku dhaqaajiyo oo uu meesha kaga ordo. 

Waxa uu isla markiiba u tagay Ibraahin oo uu u sheegay inuu soo badbaadiyey naftiisa iyadoo qori AK47 uu dhafoorka ka saaran yahay. Waxaa Shanklin iyo taliyihiisaba ka yaabisay inuu Ibraahin isla markiiba diray maliishiyadiisii, kuwaasoo ku soo guuleystay daqiiqado gudahood in la soo dhiciyo qorigii askariga CIA-da laga qaatay.


Garaashkii Qaasim Sheekh Maxamuud
Shanklin, waxa uu sheegay shaqsiyan inuusan ahayn nin si sahlan ku argagaxa, laakiin “Soomaaliya waa ii cabsiisay” ayuu yiri. (Shanklin, waxa uu gaari ku dhex maray isagoo uu la socdo basaas kale jidgooyooyin dhowr ah oo yiillay Bariga Dhexe oo ay fadhiyeen rag waxa ay dunida ugu jecel yihiin ay tahay inay dilaan basaasiinta CIA-da, isagoo ku galay halkaas viso dalxiis).

Falkan dambe ee Shanklin, waxaa lagu soo xusuusan karaa Mark Bowden oo ah qoraaga buugga Black Hawk Down oo ku xusay buuggiisa in xilligii uu ku howlahaa ururinta xogta uu tagay Muqdisho, kaddibna ay kulmeen ganacsadihii caanka ahaa, Qaasim Sheekh Maxamuud (Qaasim Dameer) oo lagu dilay duleedka Muqdisho.

Qaasim oo la fajacay baaritaanka uu Bowden ka sameynayey Xamar ayaa yiri isagoo qoslaya, “Waxaan shaki iiga jirin inaad tahay CIA, waayo waxba kaama fakanayaan.” Bowden oo wax ku qori jiray wargeyska Philadelphia Inquerer, waxa uu yiri, “Waxaan u sheegay ganacsade Qaasim inaanan xitaa lahayn tababar ciidammada ah.” Qaasim, wuxuu ahaa ganacsade maalqabeen ah oo ay si gardarro ah garaashkiisa u burburiyeen ciidanka Delta Force waqtigii ay raadiyeen Gen Caydiid. Waxaa garaashka ugu kaydsanaa gaadiidka dhismaha iyo qalab loo adeegsado dayactirka.

 
Qabashadii Cusmaan Caato 


Sawirka Maxamed Xaaji (Ingiriis) iyo Cusmaan Caato waxaa la qaaday bishii November 2002 xilligii shirkii Eldoret. Waxaa qaaday television-ka CBC ee Canada.
Geerida Ibraahin kaddib, xubno ka tirsnaa CIA-da ayaa rumeysnaa in awoodda Shanklin uu u leeyahay inuu basaasiin Soomaali ah abaabulo ay meeshaas ku baa ba’day. Hase ahaatee, Shanklin wuxuu si dhaqso leh u garwaaqsaday in ninkii uu shaarka dhiigga leh ka beddeshay uu ahaa nin aan ka yareysan saaxiibkiisii geeriyooday.

Waxa uu weydiistay Garrett Jones oo ahaa Taliyihiisa inuu ku daro rag CIA-da ka tirsan oo aan badnayn, si ay u degaan gurigii ganacsade Ibraahin oo ku dhowaa garoonka Konis Stadium, una jiray safaaradda Mareykanka 15 mile, si ay ugu suura-gasho in la soo qabto Gen Caydiid. Kooxdan waxaa ku jiray afar nin oo aad u hubeysan oo ah ciidanka Navy Seals ee commandos-ka, laakiin ma ahayn niman is-hortaagi kara haddii ciidanka Caydiid ay ku soo qaadaan weerar buuxa.

Shanklin, wuxuu halkaas ka billaabay inuu ku tababaro rag Soomaali ah oo basaasiin u noqonaya CIA-da, soona sheegaya goob kasta oo ay ku tuhmaan Gen Caydiid. Qatartu aad ayay u badnayd, kooxduna ma ahayn koox si fiican u saantiratay. Waxa uu sheegay Shanklin inuusan weligii meesha ka saarin in ragga uu tababarayo qaarkood ay yihiin kuwo Caydiid xiriir la leh. Kooxda CIA-du waxay anteenooyin tira-badan ku xirteen gurigii, taasoo keentay in dadkii Soomaalida ahaa ee hareeraha guriga deggenaa ay u bixiyaan “gurigii CNN-ta.”

Saddex toddobaad markuu meeshaas howsha ka waday ayaa waxaa nin Soomaali ah oo kooxda basaasiinta ka mid ahaa uu Shanklin u soo sheegay in Gen Caydiid ogyahay in xubno CIA ahi ay ku jiraan guriga “CNN-ta.” Shanklin, wuxuu degdeg ku wacay taliyihiisii Jones, wuxuuna ku yiri, “Garrett, fiiri, sheekadu waa xun tahay ee naga bixi meesha.” Labaatan daqiiqo gudahood ayaa diyaarad helicopter ah waxay ka soo daadgureysay garoonka Konis.

Laakiin, Shanklin wuxuu sii waday xiriirkii uu la lahaa raggii uu tababaray, kuwaasoo mar dhow wacdaro muujin doona iyo qiimaha ay CIA u leeyihiin. Markii Gen Caydiid uu noqday nin aan la heli karin ayaa basaasiintii Soomaalidu soo sheegeen inay heleen nin maalin walba la kulma Cusmaan Caato oo kaalinta labaad kaga qornaa liiska dadka ay raadinayaan Mareykanku, ahaana ganacsade hanti leh oo hubka soo dejiya, lacagtana u haya Caydiid. (Lama shaacin ninka la soo helay magaciisa, waxaase la xusay inuu ahaa nin deggan waqooyiga Muqdisho oo saaxiib dhow la ahaa Cusmaan Caato).


Xaruntii Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho

Shanklin, wuxuu faray basaasiinta Soomaalida inay bakooraddii qalabku ku xirnaa u dhiibaan ninkaas, si uu ugu geeyo Caato. Ninkii ayaa gaari ka soo raacay waqooyiga Muqdisho, wuxuuna u yimid Caato oo ay ballansanaayeen. Waxay dabadeed isla soo raaceen gaari kale, waxaana uu gaarigii istaagay meel shiidaal looga shubayey. Markaas ayaa Shanklin waxaa soo wacay ragguu tababaray oo wargeliyey in Caato ku jiro gaariga dhexdiisa, wuxuuna wacay ciidanka Delta Force oo degdeg ku soo howlgalay.

Diyaarad yar oo helicopter ah ayaa gaariga heshay, waxaana ay isku soo laadlaadisay hoos. Nin askari ah ayaa matoorka ka shiishay gaariga. Isla markiiba ciidankii Delta waxay gaariga kala soo degeen Caato oo ay jeebeeyeen. Waxay ahayd markii ugu horreysay taariikhda ciidanka Mareykanka oo gaari dhaqaaqaya lagala dego qof, siduu sheegay Shanklin. Qaabka CIA-du ku qabatay Caato, waxaa aad u bogaadiyey Gen William F. Garrison oo ahaa Taliyaha ciidanka Delta Force ee Muqdisho ku sugnaa.

Hase yeeshee, guushaas ay CIA-du soo hoysay ma noqon mid sii waarta. Wax ka yar laba toddobaad ayaa waxaa qarxay dagaalkii 3-da October ee loo bixiyey Battle of Black Sea, waxaana dhacay halaag lagu muujiyey movie-ga Black Hawk Down. Waxaa furinta dagaalkaas ku le’day boqolaal Soomaali ah iyo 18 askarta Mareykanka ah.


Robert B. Oakley
Gen Maxamed Faarax Caydiid oo ku faraxsan guusha ay dadkiisu ka soo hooyeen dagaalkaas iyo sida ay u bahdileen sirdoon ku faana inuu qamar-sanaaciga kala socdo dhaqdhaqaaq walba ayaa ugu goodiyey Robert Bigger Oakley oo ahaa safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, “Waxaan ahay Eisenhower. Markey noqoto dagaal, waxaan ahay General Culus. Markey noqoto nabad, waxaan ahay Madaxweyne Weyn.” Jawaabta Oakley waxay ahayd, “Caydiid, nabaddii Soomaaliya albaabka ayay soo garaacday, waana inaad soo dhoweysaa.” (Dwight Eisenhower wuxuu ahaa Jeneraalkii ciidanka Mareykanka hoggaaminayey dagaalkii labaad ee dunida, wuxuuna markii dambe noqday Madaxweynihii 34-aad ee Mareykanka).

“Wax kasta oo siyaasaddeennu ahayd, maalintaas ayay dhammaatay” ayuu yiri Shanklin. Fadeexadihii Shanklin uu mas’uulka ka ahaa ee CIA-da ku dhacay waxaa ka mid ahaa markii ciidanka Mareykanku ay galeen guri u dhow guriga Gen Maxamed Ibraahin Liiqliiqatoo, isla markaana ay soo xirxireen shaqaalaha hay’ad samafal oo ka howlgalayey Muqdisho iyo markey u dheceen guri ku yaalla waqooyiga Muqdisho oo ay ku shirayeen waayeel iyo waxgarad ka mid ah qabaa’ilka deggan Muqdisho, iyagoo ka duulaya khabar loo soo sheegay oo ahaa in Gen Caydiid uu ku dhex jiro shirka.

Waxay ciidanka Mareykanku halkaas ku soo xireen Gen Axmed Jilicow Caddow oo ay u maleeyeen inuu yahay Gen Caydiid. Markii hore wuxuu ku adkeystay inuusan ahayn Gen Caydiid, hase ahaatee markii xoogaa la handaday ayaa Gen Jilicow oo ka welwelaya  in la dilo, waxa uu isku difaacay inuu yahay Gen Caydiid. Waxaa la geeyey siligga Mareykanka, halkaasoo saraakiisha Qaramada Midoobay oo ku faraxsanaa in la soo helay Gen Caydiid ay la yaabeen markey arkeen Gen Jilicow oo ahaa ninka ay la rabeen inuu noqdo Taliyaha ciidanka Police-ka Soomaaliya.

Qaladka kale waxa uu ahaa markii xafiiska CIA-da loo soo sheegay in laba nin oo ilaalo u ahayd Caydiid ay diyaar u yihiin inay sheegaan meesha hoggaamiyahoodu ku jiro. Garrett Jones ayaa kaddib u diray Spinelli oo ahaa ku xigeenkiisa inuu la soo shiro raggaas. Markuu Spinelli marayo xaruntii Warshadda Baastada ee Muqdisho ayaa dad taageersan Caydiid waxay xabadeeyeen gawaaridii CIA-du wadatay, waxaana si xun u dhaawacmay Spinelli oo sheegay inuu ku sigtay inuu dhinto.

Jones iyo Spinelli, waxa ay labaduba u aqoonsanaayeen Ibraahin Xuseen inuu yahay qabqable dagaal oo iyaga la shaqeeya, hase ahaatee waxa ay qireen inuu qiime sare ugu fadhiyey. Wareysi ku saabsan howlgalkii CIA-da ee Muqdisho oo labadooda lagula yeelan lahaa television-ka History Channel ee Mareykanka ayaa waxaa is hor taagay saraakiisha CIA-da oo horey u shaaciyey in warbixinnadan Washington Post ay daabacday ay awalkii horeba ahaayeen kuwo aan ku habboonayn in loo bandhigo dadweynaha.

           
Stevenson, Jonathan: Losing Mogadishu: Testing US Policy in Somalia.
Bowden, Mark: Black Hawk Down: A Story of Modern War.
Loeb, Vernon: The CIA in Somalia: After-Action Report, Washington Post.
Loeb, Vernon: Confessions of a Hero, Washington Post.
Loeb, Vernon: CIA tries to muzzle former Mogadishu Station Chief, Washington Post.
N Rapp, Jeffrey: Intelligence Requirements for Military Operations Other than War.
 
Waxaa Diyaariyey:
Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Email: Ingiriis@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi maayo aragtida SomaliTalk.com.

Qoraalkii Hore ee Maxamed Xaaji
Maxamed Dheere ayaa qabtay shir jaraa'id oo uu  ku caddeeyey inuu ka qayb geli doono dagaalka isagoo taageeraya kooxda Guji

Faafin: SomaliTalk.com | March 10, 2006

CRITICAL ANALYSIS ON THE DEFEAT OF TASK FORCE RANGER (pdf)

 Battle of Mogadishu


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir | http://www.somalitalk.com/sun/