SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKAII MAY 4, 2006

  • C/llaahi Yuusuf oo sheegay in Dowladdiisu goor ay ahaataba ay ka takhalusi ..

  • Wakiilka Ugaaska Beesha Cayr oo gurigiisa lagu weeraraey Bam..

  • Ra’isul Wasaare Geeddi oo si dhaqsi ah ugu soo laabtay Baydhabo.

  • Tartan lagu xusayo 15-ka May oo ka furmay Muqdisho.

  • Gudoomiyaha Baarlamaanka oo sii sagootiyay Odayaashii siminaarku u dhamaaday.

  • Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo soo dhaweeyay heshiiskii Sacad iyo Suleybaan.

  • Siminaar maanta loo furayo Xildhibaanada Baarlamaanka.

  • Faadumo Xasan Diirshe “Hay’adda Fatxa waxay u taagan tahay sidii ay Bulshada uga suuli lahayd caadadda xun ee FGM-ka

  • Amar Ay Isbahaysiga Dooxada Jubba Ku Mamnuucayaan Dekedaha Macmalka Ah Ee Jubbooyinka In Doomuhu Ku Xirtaan


Ogeysiis ku jeeda Soomaalida Minnesota (Midtown Exchange/ Global Market)

 
Soomaalida Minnesota waxaa la ogeysiinayaa in agagaarka Masaajidka cusub ee la gaday ee Abubakar al sidiiq agtiisa laga dhisay guryo la kireysto weliba dadka dan yarta ah qayb loogu talo galay.  Gurigaas oo aad u weyn waxaa uu ku yaalaa 2929 Chicago Ave South Minneapolis  Gurigan waxaa uu ku yaalaa meel u dhaxayso labo masaajid kuwaas oo kala ah Masji Abubakar iyo Masjid al Iimaan.  Waxaa kale oo aan ka dheerayn masaajidyada Umatu Muxammad, Al-towxiid, iyo masjid Cumar iyo labada suuq ee aadka u waaweyn ee Soomaaliyeed Karmal Mall iyo Mallka 24ka.
 
Gurigan dib u habaynta lagu sameeyay waxaa la yiraahdaa Midtown Exchange Apartment.  Ka dib markii la arkay horumarka iyo soo noolaynta ay immigrants ku sameeyeen Lake Street muhaajiriintaas oo u badan Latino iyo Somali ayaa ganacsato kaashanaysa shirkadda weyn ee Allina iyo madaxda magaalda Minneapolis iyo Congressmenka Minnesota oo ay ka mid yihiin Senator Coleman, Senator Dayton, Congressman Sabo waxaa suurtogal noqotay in Midtown Echange dib loo dhiso weliba Global Market uu noqon doona suuq caalami ah marka la furo.
 
Global Market waxaa talada lagu dhisay wax ka lahaa nin Soomaaliyeed oo la yiraahdo Hussein Samatar oo ah madaxa hayada African Development Center. Degaankan waa mid afka Soomaaliga lagu qoray meelkasta maalinta furitaanka  Amiin Caamir ayaa ku soo bandhigi doonaa farshaxan Soomaaliyeed.  Waxaa kale oo ka soo qaybgeli doona madaxda gobolka iyo dadweyne badan.
 
Xafladda furitaanka
 
Midtown Exchange  & Global Market.
 
June 3, 2006    saacada markay tahay 10:00 subaxnimo ilaa 4:00 galabnimo
 
Kala xiriir Guryaha Midtown Echange 612-823-1104
Global Market business  African Development Center 612-333-4772
 
Waxaa soo tebiyey: Maxamuud Wardheere
mnwardere@yahoo.com

C/llaahi Yuusuf oo sheegay in Dowladdiisu goor ay ahaataba ay ka takhalusi ..

C/llaahi Yuusuf Axmed oo haatan ku sugan dalka Sweden ayaa mar uu la hadlayay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan halkaasi ayaa waxa uu sheegay in dowladdu ay u baahan tahay in gacan laga siiyo arrimaha ammaanka, dib u dhiska, dib u soo nooleynta Ha’adihii Dowladda, isagoo sheegay in Dowladda ay balanqaadyo fara badan ka ka haysato wadamada IGAD, isagoo sheegay in wadamo ay ka mid yihiin Suudaan iyo  Ugandaba ay diyaar u yihiin ay u soo diraan Soomaaliya ciidamo nabad ilaalineed oo Dowladda gacan ka siiya dhinaca amniga. “Waxaa ka horeeya imaanshaha ciidamadaasi in marka hore Qaramada Midoobey ay ogolaato in ay Soomaaliya ka qaado cunaqabateynta hubka taasna waxaan filayaa in ay dhawaan dhacdo” ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo wax laga weydiiyay siada uu u arko Wasiirada hubeysan eek u sugan Magaalada Muqdisho, waxa uuna yiri “waqti ay ahaataba Dowladdu way ka taqalusi doontaa, waayo ciddna loo xayirnaan maayo”. Waxa uu ku eedeeyay Madaxweynuhu Dowladda Mareykanka in ay gacan dhaaf ku sameysay Dowladiisa kaddib markii Wasiirada hubeysan ay lacago ugu deeqday, kuwaasoo haatan dagaal ka wada Magaalada Muqdisho. “waxay in Dowladda Mareykanku ay la soo xiriirto Dowladda Federaalka si gacan loogu siiyo la dagaalanka Argagixisada” ayuu yiri C/llaahi Yuusuf oo sheegay in Dowlada Mareykanka uu dhowr jeer u qoray qoraalo uu kaga dalbanayo in ay taageeraan Dowladda Federaalka si nabadgelyo loogu soo dabaalo Soomaaliy taasoo muhiim u ah Wadamada geeska Afrika. C/llaahi Yuusuf waxa uu sheegay in Dowladda FEderaalka ay ku howlan tahay ciidamadii xoogga dalka Soomaaliyeed iyo waliba tababarida kooxaha Maleeshiyooyinka kuwasoo uu sheegay in xarumo looga furay qaar ka mid ah Gobalada dalka.

Wakiilka Ugaaska Beesha Cayr oo gurigiisa lagu weeraraey Bam..

Habeen hore saqdii dhexe ayaa xaafadda Yaqshiid ee Magaalada Muqdisho ay maqleen dadweynihii deegaankaasi qarax aad u weyn, waxaana qaraxaasi lala beegsaday guriga Wakiilka Ugaaska Beesha Cayr Ugaas Cabdi Daahir Ugaas Nuur, inkastoo qaraxaasi uu ahaa Bam gacmeed gacanta laga soo tuuray ayaa haddana uusan gaysan wax dhimasho iyo dhaawac ah.

qaraxaasi waxa uu burburiyay Gaari dhex yaalay guriga iyo waliba darbigii ka ag dhawaa goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana goobta markiiba u soo gurmaday dadka deganaa xaafadda.

Ilaa iyo hadda lama garan cidda ka dambeysay qaraxaasi, inkastoo Ugaas Cabdi Daahir uu maalmahan ku howlanaa sidii uu nabad loogu soo dabaali lahaa Gobalka Banaadir gaar ahaan kooxaha isku haya Magaalada Muqdisho, waxaa cambaareeyay falkaan qaraxa ah maamulka Gobalka Banaadir oo uu Guddoomiyaha ka yahay Maxamuud Xasan Cali Cadde (Gaabow), kuna tilmaamay fal fuleynimo ah.

Ugaas Cabdi Daahir oo u waramayay saxaafadda ayaa waxa uu sheegay in uusan garaneyn cidda ka dambeysay qaraxaasi isagoo sheegay in uusan ku niyadjabi doonin sii wada nabadeynta Gobalka Banaadir.

Ra’isul Wasaare Geeddi oo si dhaqsi ah ugu soo laabtay Baydhabo.

Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi oo mudo labo maalmod ah ku maqnaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa shalay galabnimadii di ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo.

Ra’isul Wasaaraha ayaa diiday in uu wax war ah siiyo saxaafada, hase yeeshee warar aanu helnay ayaa waxay sheegayaan in Ra’sul Wasaaruhu uu Magaalada Nairobi u tagay sidii uu kulamo ula yeelan lahaa wadamada deeqda bixiya, waxaana la sheegay in Ra’isul Wasaaraha uu u gudbiyay wadamada deeqda bixiya Buug ay diyaarisay Wasaaradda Qorsheynta oo la xiriira sida ay Dowladdu ugu baahan tahay dhaqaale lagu socodsiiyo howlaha Dowladda oo la xiriira dhinaca dib u dhiska, dib u soo nooleynta Hay’adihii dowladda iyo dib u habeynta ciidamadii xoogga dalka Soomaaliyeed, Ra’isul Wasaaraha ayaa la filayaa in maanta uu la hadlo warbaahinta si uu u faahfaahiyo waxyaabihii uu kala soo kulmay Magaalada Nairobi.

Tartan lagu xusayo 15-ka May oo ka furmay Muqdisho.

15-ka May oo ah maalintii la aasaasay Xisbigii SYL ee dhaliyay Xoriyadda ayaa tartan ku aadan maalinkaasi waxa uu ka furmay Machadka jir dhiska Qodxaaleey (Qodxaaley Fitness Centre).

Tartankaan oo ay ka qaybgalayeen 8–kooxood ayaa waxaa furay Aamiin Yuusuf Khasaaro oo ka mid ah Musharixiinta Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta guddiigiisa fulinta, waxa uuna kula dardaarmay kooxaha ka qaybgalaya tartankaasi in ay la yimadaan asluub iyo cayaar wanaagsan. Kulankii ugu horeeyay waxaa lagu furay kooxaha Badda iyo Dowladda Hoose, waxayna isla dhaafi waayeen 3-3, waxaana Rigoorayaal 5-4 ah ku bediyay Kooxda Badda, waxa kalloo wada cayaaray Jeenyo iyo Batroolka waxaana 3-1 ku bediyay Jeenyo.  

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo sii sagootiyay Odayaashii siminaarku u dhamaaday.

Gudoomiyaha Baarla-maanka Shariif Xasan Siikh Aadan ayaa maalintii shalay ahyad sii sagootiyay 90 Odey dhaqameedyo ka kala yimid degmooyinka Gobalka Bay, kuwasoo mudooyinkaan simaar ku qaadanayay Magaalada Baydhabo laguna barayay sida ugu haboon ee loo dhisi karo maamulka Deegaanka.

Guddoomiyaha loo la dardaarmayay Odoyaasha dhaqanka ayaa waxa uu soo jeediyay in ay dedejiyaan howlaha maamul sameynta degmooyinka Gobalka Bay isagoo sheegay in maamulkaasi uu noqon doono mid wada howlaha adeega bulshada iyo midkii dowladeedba.

“Waxaad haysataan mudo taban cisho ah, inkastoo ay yar tahay haddana waxaa loo baahan yahay in aad soo xushaan dad matali kara golaha Deegaanka” ayuu yiri Gudoomiye shariif Xasan, waxaa kalloo sii sagootiyay odoyaashaasi Yuusuf Baadiyow ah sarkaal ka tirsan Hay’adda CRD, waxa uuna u soo sheegay odoyaashaasi in loo baahan yahay in degmooyinka Bay ay noqdaan kuwii ugu horeeyay ee loo sameeyo gole deegaan.

Ra’isl Wasaare Cali Max’ed Geeddi ayaa dhawaan waxa uu sheegay in degmooyinka iyo golabada dalka dhawaan loo sameyn doono goloyaasha deegaanka, kuwaasoo ay soo dooran doonaan bulshada ku dhaqan deegaanadaasi.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo soo dhaweeyay heshiiskii Sacad iyo Suleybaan.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho maalintii shalay ahyd ka qaybgalay kulan ay soo qaban-qaabiyeen Haweenka Beelaha Sacad iyo Suleymaan, waxaana kulankaasi lagu taageerayay heshiiska Beelaha Sacad iyo Suleymaan ee ka dhacay Gobalada dhexe.

Haweenka ka qaybgalay kulankaasi ee ka socday labada dhinac ayaa waxay u mahadceliyeen intii ka shaqeysay in ay dib u heshiisiin dhex dhigaan labadaasi iyagoo sheegay inay ka qaybgali doonaan kulanka lagu soo gebagabeynayo khilaafka labadaasi beelood oo dhaca 15-ka May kana dhacaya Degmada Cadaado ee Gobalka Galguduud.

Cadde Gaabow oo ka hadlay kulankaasi ayaa waxa u soo jeediyay labada beelood waxgarkooda in ay adkeeyaaan si ficil ahna u filiyaan heshiiska dhex maray labada beelood, waxaa kalloo ka hadlay Max’ed Faarax Jimcaale oo sheegay in baaddu ay u baahan tahay in ay ka wada shaqeeyaan dhamaan bulshada Soomaaliyeed, waxa uuna u mahadcelinyay intii ka shaqeysay nabadeynta labadaasi beelood.

Siminaar maanta loo furayo Xildhibaanada Baarlamaanka.

Maanta ayaa la filayaa in Xarunta ku meel gaarka ah ee Golaha Baaarlamaanka ee Magaalada Baydhabo uu ka furmo Siminaar socon doona mudo shan maalmood ah waxayna Xildhibaanadu ku baran doonaan casho la xiriira dhinaca Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka.

Siminaarkaan ayaa waxaa cashiro ka jeedin doona labo Sharci yaqaan oo u kala dhalatay Wadamada Nayjeeiya iyo Kenya, waxaana Siminaarkaan furitaankiisa ka soo qaygali doona Gudoomiyaha Baarla-maanka iyo Kenya, waxaana Siminaarkaan furitaankiisa ka soo qaygali doona Gudoomiyaha Baarla-maanka Shariif Xasan Shiikh Aadan Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi oo isagu shalay dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay.

Ma ahan markii ugu horeysay ee siminaar loo furo Xildhibaanada Baarlamaanka, iyadoo dhawaan Siminaar socday mudo labo maalmood ah loo furay Xildhibaanada Barlamaanka kaasoo ay ku baranayeen arrimaha maamulka iyo sida ay u shaqeeyaan Baarlamaanada kale ee caalamka. 

Faadumo Xasan Diirshe “Hay’adda Fatxa waxay u taagan tahay sidii ay Bulshada uga suuli lahayd caadadda xun ee FGM-ka

`Mar aan booqday xafiiska Hay,adda Fatxa Woman Relief Development Organization  ayaa waxaa indhahayga qabteen halkudhigyo ka hadlaya caadada xun ee Gudniinka Fircooniga iyo halista Cudurka Aids-ka oo ah labo Barnaamij oo ay Hay,addaan aad bulshada uga wacyi geliso maadaama labadaani ay yihiin kuwo dhibaato ku haya bulshada Soomaaliyeed,

Hay’adda Fatxa oo la aasaasay sanadkii 1991-dii ayaa waxaa ay markii ugu horeysay ka howlgashay xeryaha dadka soo barakacay iyadoo halkaas ka fulisay Barnaamijyo la xiriira dhinaca caafimaadka, tacliinta iyo quudinta, maadaama xiligaasi ay jirtay abaar aad u baahsan.

1992- dii ayaa Hay’adda Fatxa waxay u wareegtay Gobalka Sh/hoose, waxa ayna halkaasi ka bilowday Barnaamijyo la mid ah kuwii  ay ka fulin jirtay Magaalada Muqdisho.

1992-dii ayaa Hay’addani ahayd midii ugu horeysay oo Dakhli gelin ku sameysay qaar ka mid ah Haweenka Soomaaliyeed si ay ugu maareeyaan noloshooda, maadaama Haweenka Soomaaliyeed intooda badani ay ahaayeen kuwo raggoodii iyo carruurtoodiiba ku waxyeeloobeen Dagaaladii Sokeeye, waxayna Hay’addu sheegtay in Barnaaamijkaani ay ka faa’iideysteen Haween aad u fara badan.

Hay’adda Fatxa waxay xiriir iskaashi la leedahay Hay’adda UNICEF ee Qaramada Midoobey u qaabilsan dhinaca carruurta, Hay’adda MSF-France, ICRC, DBG iyo Hay’ado kale oo ka jiray dalka, waxayna Hay’addu Hay’adahaasi kala kaashatay dhinaca waxbarashada, caafimaadka iyo Gudniinka.

xilligii UNISOM ay timid dalka ayaa  Hay’addaani waxay sii balaarisay howlaheedii dhinaca wax u qabashada bulshada, waxayna dayactir ku sameysay Dugsiyo iyo Ceelal, sidoo kale waxay haweenka Soomaaliyeed siisay waxbarasho aan toos aheyn iyo dakhli gelin, sidoo kale waxa ay bulshda ka baraarujin jirtay cudurka AIDS-ka iyo caadada xun ee FGM-ka (Gudniinka Fircooniga).

Hay’adda Fatxa oo Guddoomiye ay ka tahay Faadumo Xasan Diirshe ayaa waxay sheegtay in Hay’addooda ay waxbarasho ka bilowday xeryaha dadka soo barakacay, waxayna sheegtay in 15 carruur ah ay Hay’addu ka bixiso wixii tasiilaad ah oo ay uga baahnaayeen dhinaca waxbarashada  waxayna Faadumo sheegtay in arrintaani ay gacan ku siiyeen Dugsiga Al-Bilaad oo isagu balanqaaday in carrurtaasi uusan ka qaadi doonin wax lacag ah, waxayna Faadumo ugu baaqday Dugsiyada kale in ay ku daydaan dugsiga Al-Bilaad maadaama ay iyagu ka bixinayaan tasiilaadka kale ee dhinaca Dharka,   Buugaagta iyo Qalimaanta

Faadumo mar ay ka hadleysay dhinaca caadada xun ee Gudniinka Fircooniga ah ee FGM-ka ayaa waxay sheegtay in Hay’addoodu ay wacyigelin fara badan ka gaysatay sidii bulshada looga reebi lahaa caadadaasi oo ay sheegtay in ay tahay mid dhibaato ku ah gabdhaha Soomaaliyeed, gaar ahaan caafimaadkooda iyo marka ay gaaraan guurka, iyadoo sheegtay in wacyigelintaasi ay ka fuliyeen degmooyinka Gobalka Banaadir.

“Hay’ad ahaan waxaan aaminsan nahay in aan Gabdhaha la taaban, waana midda aan ka duuleyno mar kasta” ayay tiri Faadumo Xasan Diirshe oo ugu baaqday Haweenka Soomaaliyeed in ay ka tagaan caadadaasi xun, sidoo kale mar ay ka hadleysay dhinaca cudurka AIDS-ka waxay sheegtay in wacyigelin fara badan ay hay’addoodu ka sameysay Degmooyinka Gobalka Banaadir iyo deegaanada ku dhow dhow, maadaama cudurkaani uu yahay mid halis ku ah Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan dhalinyarada, Faadumo oo hadalkeeda sii wadata ayaa sheegtay inay Haween fara badan u fureen Siminaaro la xiriira dhinaca  FGM-ka iyo Cudurka Aids-ka, waxayna sheegtay in ay ka faa”iideysteen Haween fara badan, sidoo kale waxay sheegtay in Haweenka ku shaqeysta caadada FGM-ka iyana ay u fureen Siminaaro, taasoo inta badan ay qaateen wacyigelintaasi. waxay kaloo sheegtay in ay u fureen Siminaaro wacyigelin ah Ardayda Dugsiyada Gobolka Banaadir iyo Dugsiyada ku dhow Magaalada Muqdisho. Ugu dambentii Faadumo waxay u soo  jeedisay Haweenka Soomaaaliyeed in ay gebi ahaanba joojiyaan caadada FGM-ka oo ah mid aan u wanaagasaneyn Gabdhaha Soomaaliyeed.

Sahro Max’ed oo ah xoghayaha Hay’addaasi ayaa waxay sheegtay in dhawaan Isbitaalka Xayaat lagu qabta barnaamij daqli uruurin ah oo ay sheegtay in barnaamijkaasi ay ka soo xarootay lacago loogu talagalay in lagu fuliso barnaamijyada loogu gargaarayo dadka tabaaleysa iyo sidii bulshada loogu waxgelin lahaa Gudniinka Fircooniga iyo halista cudurka Aids-ka.

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com 


Amar Ay Isbahaysiga Dooxada Jubba Ku Mamnuucayaan Dekedaha Macmalka Ah Ee Jubbooyinka In Doomuhu Ku Xirtaan

Isbahaysiga dooxada Jubba ayaa waxa ay ciidammada badda ee mariniska oo ku hubeysan doonyo iyo hub kala duwan u direen xeebaha gobollada Jubbooyinka, iyaga oo shalay galabna ciidammadaas badda oo uu hoggaaminayo col. Ismaaciil Khaliif Shire ay gaareen dekedda magaalada Baraawe isla markaasna halkaas ay maanta qado ku leeyihiin iyagoo halkaas kula kumi doona saraakiisha degmada Baraawe si ay uga wada arrinsadaan ammaanka badda ee labada gobol.

Arrintaas ayaa waxa ay ka dambeysay ka dib markii ay doon u soo socotay dekedda magaalada Kismaayo koox burcad badeed ahi ka afduubteen inta u dhexeysa magaalooyinka Marka iyo Baraawe, isla markaasna ay la aadeen degaanka Xarardheere.

Si kastaba ha ahaatee IDJ ayaa arrintan waxa ay ka sameeyeen diyaargarow si aysan mar dambe u dhicin arrintaas oo kale waxana ay xiriir la sameeyeen ciidammada ilaalada badaha ee gobollada deriska ah si ay degaankooda u soo dhaafiyaan doomaha ku soo jeeda Kismaayo iyagoo ciidan ammaankooda suga soo raacinaya, ciidammada Badda ee IDJ-na ay ka soo kaxaynayaan xudduudda ay la leeyihiin gobolka shabeellada Hoose sida uu xaqiijiyay maareeyaha dekedda Kismaayo.

Maareeyaha Dekedda Kismaayo Mudane Cabdullaahi Salaad Yaroow ayaa sheegay in aan la oggolaan doonin in dekedaha macmalka ah ee Jubbooyinka ay doomuhu ku soo xirtaan, dekedda keliya ee Jubbooyinka ka shaqeyn kartana ay tahay dekedda Kismaayo ee caalamiga ah, wuxuuna intaas raaciyay in doontii lagu arko iyada oo deked macmal ah u socota in ay ciidammada badda ee Jubbooyinka soo qabtaan, waana lala wareegayaa iyada iyo waxa saaranba.
 
cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
kismaayo somaliya
cabdiqadar84@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 4, 2006

Kulankii Madaxweyne C/lahi Yuusuf iyo Soomaalida Sweden
"...Haddii la helo rag madaxweynaha la shaqeeya oo leh xirfadii iyo debecsanaantii laga rabey dadka noocaas ah, in wax badan la hagaajin karo."... C/risaaq Maxamed Xuseen

Nin dilay Macallin Dugsi Qur’aan oo lagu Qisaasay Muqdisho
»Shariif Xasan “Ra’isul Wasaare Geeddi wax lagu qanci karo..
»Shiikh Xasan Daahir “Ciidamo laga keenay gobol gaar ah ma..
»Xuseen Caydiid oo la filayo in maalinta beri ah uu soo gaaro
»C/llaahi Macallin “Hay’adaha Caalamiga ah waxaan ugu..
»Iska hor imaad shalay ka dhacay Magaalada Baydhabo…
»Shir ay London ku yeesheen Jaaliyadda Digil & Mirifle
»Dagaallo dhex-maray ciidammada xoreynta & kuwa cadowga
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... May 3


XABSIGA THAILAND:::
»Waraysi Ku saabsan Wiilasha Ka Tirsan Ciidamada Puntland
[Dhegeyso]
.Warqado is-Khilaafsan oo uu Cabdi Cali Cigaal ka Qoray 3da Soomaalida

.Soomaalida NewZealand oo Baaq u diray Madaxweynaha DFKMG & DGPL
»
Saddexdii Soomaalida ahaa oo lagu Xakumay min Toban (10) Sano ..

»XABSIGA THAILAND::: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 |


Nin dilay Macallin Dugsi Qur’aan oo lagu Qisaasay Muqdisho
»Shariif Xasan “Ra’isul Wasaare Geeddi wax lagu qanci karo..
»Shiikh Xasan Daahir “Ciidamo laga keenay gobol gaar ah ma..
»Xuseen Caydiid oo la filayo in maalinta beri ah uu soo gaaro
»C/llaahi Macallin “Hay’adaha Caalamiga ah waxaan ugu..
»Iska hor imaad shalay ka dhacay Magaalada Baydhabo…
»Shir ay London ku yeesheen Jaaliyadda Digil & Mirifle
»Dagaallo dhex-maray ciidammada xoreynta & kuwa cadowga
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... May 3