SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKII MAY 9, 2006

  • Warar ku saabsan dagaalaka ka socda Magaaladaa Muqdisho..

  • Baaqyo soo gaaraya kooxaha ku dagalamaya Magaalada Muqdisho..

  • Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah oo si rasmi ah ugu biirey Dagaalka..

  • Max’ed Dheere oo Xabsiga u taxaabay Ciidamo ka tirsan Booliiska ..

  • Suldaan Xaaji Abuukar “Waxaan u soo jeedinayaa Kooxaha ku dagaalamaya

  • Maalinta Bisha Cas iyo Laanqayrta Cas oo laga xusay Dalka
  • Dowladda Mareykanka iyo Itoobiya oo iska kaashanaya Kooxaha Argagaxisada..


    MA OGTAHAY: Kenya waxay dhooofisaa Qaad Qiimihiisu dhan yahay $250 million sannadkiiba.. Akhri

Warar ku saabsan dagaalaka ka socda Magaaladaa Muqdisho..

Maalintii labaad ayuu galay dagaalka ka socda deegaanka Yaqshiid ee Xaafadda Kaaraan, waxyna labada dhinac ku isku adeegsanayeen hubka culus iyo midka fudud, waxa uuna dagaalkaani u dhexeeyaa Midowga Maxakiimta Islaamiga ah iyo koox iyana taageero ka heleysa dhinaca Isbahaysiga ee la dagaalanka "Argagixisada", waxaana dagaalkaasi shalay ku geeryooday ilaa iyo 9-qofood oo u badnaa dad rayid ah oo ay rasaastu ugu tagtay guryahooda.

Dagaalkii shalay ayaa waxa uu ku baahay Xaafaha Jamhuuriya oo ka tirsan Degmada Karaan, Arjantiin iyo Sanca, waxaana shalay la arkayay dad aad u fara badan oo ka qaxaya guryahooda, una cararayay meel ay kaga kambadaan rasaasta habowga ah.

Ilaa iyo haatan ma jiraan wax isku xilqaamay joojinta dagaalkaasi oo isagu ka socda xaafado si aad ah loo degan yahay lagana cabsi qabo in Xaafadahaasi oo dhan ay noqdaan kuwo lagu kala cararay, balse waxaa soo gaaraya baaqyo laga dalabanayo labada dhinac in ay dagaalka joojiyaan.

Baaqyo soo gaaraya kooxaha ku dagalamaya Magaalada Muqdisho..

Baaqyo fara badan ayaa soo gaaraya Kooxaha ku dagalamaya Magaalada Muqdisho kuwasoo ka imaanaya qaybaha kala duwan ee bulshada iyo Hay’adaha Xaquuqda Aadanaha.

Ugaas Cabdi Daahir Ugaas Nuur ayaa u soo jeediyay qaybaha ku dagaalamaya Magaalada Muqdisho in ay dagaalka joojiyaan oo ay khilaafkooda ku xaliyaan wada hadal, waxaa kalloo baaq ka yimid Xarunta Xaquuqda Aadanaha ee Dr. Ismaaciil Jimcaale, waxayna Hay’addu walwal iyo walaac ka muujisay dagaalada Ahliga ah ee ka socda deegaanka CC ee Degmada Yaqshiid ee Magaalada Muqdisho, waxay kalloo Hay’addu sheegtay in uu saameyn ku yeeshay Bulshada Rayidka ah, waxayna sheegtay in uu xadgudub ku yahay Shareecadda Islaamka, xeerarka soo jireenka ah ee Dhaqanka Soomaalida iyo baaqa Caalamiga ah ee Xaquuqda Aadanah, sidoo kale waxaa uu baaq ka naga soo gaaray Hay’adda Xaquuqda Aadanaha ee Wanlaweyn Human Rights, sidoo kale waxa uu baaq ka yimid Dowladda Federaalka oo iyana ugu baaqday kooxaha dagaalamaya in ay si shuruud la’aan ah dagaalka ku joojiyaan.

Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah oo si rasmi ah ugu biirey Dagaalka..

Guddoomiyaha Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa waxa uu sheegay in ciidamo iyo Tikniko ka tirsan Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah ay si rasmi ah shalay ugu biireen dagaalka, guddoomiyuhu waxa uu sheegay in sababaha ugu biireen dagaalka ay tahay kaddib markii la soo weeraray fariisimo ka tirsan Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah.

“Inkastoo aan ka soo horjeedno wax la yiraahdo dagaal, haddana waxaanan ka fursan kareyn in aan is daafacno, maadaama la doonayo in Diinteena iyo sharafkeena lagu baabi’iyo” ayuu yiri Shiikh Shariif.

Dagaalanka haatan ka socda Deegaanka Sii Sii ayaa isagu keenay khasaaro aad u fara badan, iyadoo labada dhinacba ku dagaalamayaan meelo ay ku badan yihiin bulshada, waxaana maalintii shalay ahayd dagaalkaasi ku dhintay ilaa iyo 9-ruux, waxaana ku dhaawacmay ilaa iyo 50 Qofood oo la dhigay Isbitaalada Magaalada Muqdisho, sidoo kale waxa uu dagaalkaani saameyn ku yeeshay dhinaca isku socodka Gaadiidka iyo waliba Waxbarashada.

Max’ed Dheere oo Xabsiga u taxaabay Ciidamo ka tirsan Booliiska ..

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar waxay sheegayaan in Guddoomiyaha Gobalka Sh/dhexe Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere) uu amray in xabsiga loo taxaabo 20 ka mid ah Ciidanka Booliiska kana tirsan Kooxda Bambayda.

Sababaha xabisga loo taxaabay ayaa lagu sheegay in ay tahay iyagoo doonayay in ay u baxsadaan dhinaca magaalada Baydhabo kaddib markii halkaasi ay uga yeereen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka.

Kooxdaan Bambayda Muusikada Ciidanka Booliiska, waxay markii hore ka tageen Magaalada Muqdisho kaddib markii Magaalada Jowhar ay degeen qayb ka mid ah Dowladda Federaalka, iyadoo intii uu joogeen halkaasi ay garaaci jireen Astaamaha Calamada Wadamada shisheeye iyo Munaasabooyinka ee uu leeyahay Qaranka Soomaaliyeed.

Ciidankaan oo haatan ku jira Xabsiga Saldhiga Magaalada Jowhar ayaa waxaa la sheegay in uu ku soo beegmay xabsigooda xili uu khilaaf ba’ani u dhexeeyo Dowladda Federaalka iyo Guddoomiyaha Gobalka Sh/dhexe Max’ed Dheere.

Suldaan Xaaji Abuukar “Waxaan u soo jeedinayaa Kooxaha ku dagaalamaya

Xaaji Abuukar shiikh Max’ed oo ah Suldaanka Reer Shiikh Muumin ee Buur-Hakaba ayaa na soo gaarsiiyay warqad qoraal ah oo ku saabsan baaq uu u jeedinayo Kooxaha ku dagaalamaya Magaalada Muqdisho.

“Weligey Diyaarad ma raacin Baabuurna ma raacin, meelna kama aadin Muqdisho Waxaanse maanta goostay in aan isaga baxo wadanka” ayuu yiri Suldaan Xaaji Abuukar oo si gaar ah baaq ugu jeediyay Beelaha Abgaal, Habargidir iyo Murusade in ay ka shaqeeyaan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Magaalada Muqadisho, isla markaana waxa uu sheegay in dagaal aan wax natiijo ah laga keeni karin, isagoo sheegay in dagaaladii horey u dhacay ay yihiin kuwo uga filan in ay ku tuusaale qaataan kuwo haatan dagaaladu u dhexeeyaan, wuxuunabaaqaani ku soo beegmay Xili ay dagaalo qaar ka jiraan Magaalada Muqdisho kaasoo dhibaato ku haya Bulshada ku nool Gobalka Banaadir

Maalinta Bisha Cas iyo Laanqayrta Cas oo laga xusay Dalka

Waxaa maalintii shalay ahayd Xarunta Bisha Cas ee Magaalada Muqdisho lagu qabtay xaflad lagu xusayay 8-May oo ku beegan Maalinta Bisha Cas iyo Laanqeyrta Cas ee Adduunka, waxaana xafladdaasi ka soo qaybgalay mas’uuliyiinta Hay’adaha Bisha Cas iyo Laanqeyrta Cas, Bahda Isboortiga, Shirkadaha Xawaaladaha, Ganacsato, Odoyaasha Dhaqanka, Culuma’udiinka iyo Dhallinyarada Mutadawiciinta ah ee Bisha Cas, ugu horeyntii waxaa halkaasi lagu daawaday ruwaad ka hadleysay waxqabadka Bisha Cas gaar ahaan dhinaca u gargaarida dadka dhaawaca ah, baafinta dadka kala lumay, u gargaarida dadka Musiibooyinka wax ka soo gaareen sida fatadahaadaha, Dhulgariirada iyo wixii la mid ah.

Waxaa halkaasi ugu horeyntii ka hadlay madaxa Bisha Cas ee Gobalka Banaadir Axmed Max’ed Xasan waxa uuna sheegay in boqol kun oo Mutadawiciin ah ay ka howlgalaan dadka kuwaasoo ku howlan arrimaha dhinaca bini’aadannimada ah, isagoo sheegay in shacabka looga baahan yahay in ay mar kasta gacan siiyaan bisha Cas maadaama ay tahay Hay’ad gargaar, waxaa kalloo xafladdaasi ka hadlay C/qaadir Xaaji Max’ed (Caafi) oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee Hay’adda Bisha Cas, waxa uuna sheegay in Bisha Cas iyo Laanqeyrta Cas ay diyaar u yihiin cid kastoo dooneysa in ay ku biirto Bisha Cas iyo Laanqeyrta Cas.

Xaflad la mid ah midaan ayaa ka dhacday Magaalada Marka ee Gobalka Sh/hoose, iyadoo intii ay socotay xafladdaasi Mas’uuliyiinta Bisha Cas ee Gobalka Sh/hoose ay gaarsiiyeen gargaar dadkii ay waxyeeladu ka soo gaareen Fatadahaaddii roobabka ee dhawaan ka dhacday Magaalada Marka, waxaana dadkaasi loo qaybiyay raashin kala duwan.

Jamaal Max’ed Siciid oo ah madaxa Bisha Cas ee Gobalka Sh/hoose ayaa waxa uu sheegay in gargaarkaasi ay ugu talagaleen dadkaasi uu yahay mid Bini’aadannimo, isagoo u soo jeediyay shacabka Gobalka Sh/hoose in ay gacan siiyaan Hay’adaha Bisha Cas iyo Laanqeyrta Cas oo iyagu ku howlan howlo dhinaca gargaarka ah.

Xuska 8-May waxa uu ku soo beegmay Xili Dagaalo qaraari ay ka dhacayaan Magaalada Muqdisho, waxaana hal ku dhigyadii sanadkan ee Hay’adda Bisha Cas ka mid ahaa, (Badbaadi dhaawaca) “u gurmo dadka ay dhibaatadu ka soo gaartay musiibooyinka”, iyadoo sanadkaan Bisha Cas ay gargaar balaaran gaarsiiyay dadkii ay waxyeeladu ka soo gaartay abaartii ka dhacday Koofurta Soomaaliya.

Shirkado iyo Ganacsato ayaa ballanqaaday in Hay’adda Bisha Cas ay siinayaan tabarucaad si ay dardar u geliso howlaheeda ku aadan dhinada Bini’aadannimada, sidoo kale Bisha Cas ayaa sanad kasta waxay tababaro siisaa Mutadawiciin kuwaasoo la baro Gargaarka Deg Degga ah, iyadoo ujeedada lagala leeyahayna ay tahay in qofkaasi uu wax u qaban karo qof dhibaateyan.

Munaasabad ballaaran ayaa iyana shalay lagu qabtay xarunta haya’dda bisha cas iyo laanqayrta cas ee magaalada Boosaaso, waxaa munaasabaddan ka qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan dawlad goboleedka Puntland, iyo saraakiisha bisha cas iyo laanqayrta cas ee Soomaaliyeed.
Tobannaan arday mutadawiciin ah kuna lebbisan astaanta bisha cas iyo laanqayrta cas ayaa lagu dhex arki karayey faras magaalaha Boosaaso, kuwaas oo dadka u qaybinayey kaarar ay kaga mid noqonayaan ururkaas muddo hal sano ah iyaga oo iska bixinaya hal doolar oo lacag ah. Munaasabaddii maanta lagu qabtay xarunta bisha iyo laanqayrta ayaa waxaa ka qayb galay guddoomiye kuxigeenka laanqayrta cas iyo bisha cas ee Soomaaliyeed, Gen Cabdinuur iyo madaxa bisha cas ee gobollada Bari iyo Karkaar, Bishaaro Cawil Qambi.

Isku soo duuboo Xafladahaani ayaa loogu talagaley in dadka lagu xusuusiyo Howlaha ay qabtaan Hay’adaha Bisha Cas iyo Laaqeyrta Cas, iyadoo Hay’adahani dhamaan ay ka howlagalaan wadanka Gudihiisa.

Dowladda Mareykanka iyo Itoobiya oo iska kaashanaya Kooxaha Argagaxisada..

Waxaa Dhawaan Magaalad Adis-Ababa ee Dalka Itoobiya kulan ku yeeshay Saraakiil ka socotay Sirdoonka Mareykanka iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Itoobiya, waxaana kulankaasi la iskula soo qaaday waxa loogu yeeray Kooxaha Argagixisada ee ka jira Geeska Afrika, gaar ahaan Wadanka Soomaaliya. Labada dhinc ayaa isku aragti waxay ka noqdeen in dalka Soomaaliya uu hali su yahay kooxaha Argagixisada ah, iyadoo kulankaasi lagu xoojiyay Heshiiskii u dhexeeyay Dowladaha Itoobiya iyo Mareykanka ee la dagaalanka Argagixisada, kaddib markii uu heshiiskaasi go’ay sanadkii 2001-dii Iyadoo Dowlddda Itoobiya la dagaalanka argagixisada ay ku qaadan jirtay sanadkii 17-Milyan oo Doolar, waxaana la isku afgartay in lacagtaasi dib loo soo celiyo si ay Dowladda Itoobiya ugu howlagasho. Sababaha heshiiskaai uu u burburiyay ayaa hayad kaddib markii Dowladda Itoobiya lacagahaasi u weecisay dagaalkii u dhexeeyay Itoobiya iyo Eriteriya iyadoo waliba ku soo gatay hub aad u fara badan oo ay ku caburisay kooxaha ku dagaalamaya gudaha wadanka Itoobiya. Dowladda Itoobiya ayaa si weyn u soo dhaweysay heshiiskaasi, kuna tilmaantay mid wax ka taraya ka hortaga waxa loogu yeeray kooxaha argagixisada ah ee ka jira geeska AFrika. dhinaca kale Dowladda Mareykanka ayaa caddeysay in ay dhaqaale siiso Kooxo Soomaaliyeed oo ku sugan Magaalada Muqdisho si ay dagaal ula galaan Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah, dagaalkaas oo wali ka socda haatan Magaalada Muqdisho. Sidoo kale Dowladda FEderaalka ayaa iyado Dowladda Mareykanka ku eedeeysay in ay ku xadgudubtay Qaranka Soomaaliyeed kaddib markii ay xiriir la sameysay qabqablayaal dagaal oo mudo 16 sano ah dhibaato ku haya shacabka Soomaaliyeed

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Isbahaysiga dooxada Jubba oo fara gelinaya dagaalladii ka socday galbeedka Kismaayo

 Isbahaysiga dooxada Jubba ayaa u diyaargaroobaya sidii uu faraha ula geli lahaa xakameynta dagaallo  dhowaanahan ka socday galbeedka magaalada Kismaayo oo galaaftay nolosha dad fara badan oo reer miya ahaa kuwaasoo loo dilay hab aargoosi iyo aano qabiil ah islamarkaana ay wali xaalada ka aloosanthaya degaanada galbeed ee magaalada kismayao

Ciidammada ammaanka ee isbahaysiga dooxada jubba ayaa la qorsheynayaa in maalmaha soo socda ay kala dhex galaan beelaha Gaaljecel iyo Cawramaleh ee maalmihii dhowaa ee la soo dhaafay dagaallada iyo dilalka isugu geystay degaannada Beerxaanni, Kaam Jirroon, Cabdi Dhoorre illaa Ceelkalluul oo dhammaantood ku teedsan galbeedka Kismaayo halkaasoo ay ka jiraan dilal iyo dagaalo ay isaga hor imaanayaan beelaha halkaas wada daga oo arintoodu ay in mudo ah soo jiitameysay.

Lama oga goorta ay ciidammadu u ambabaxayaan degaankaas, waxase jira diyaargarow maalmaha soo socda ay ugu baxayaan halkaas, tanina waxa ay ka dambeysay ka dib markii uu buray heshiiskii uu isbahaysiga dooxada Jubba madaxdoodu ay goobjoogga ka ahaayeen ee odayaasha labada beelood ay ku kala sixiixdeen tuulada Beerxaani.

cabdi qadar nuur maxamed filipiin
cabdiqadar84@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 9, 2006

Kenya waxay dhooofisaa Qaad Qiimihiisu dhan yahay $250 million sannadkiiba.. Akhri

C/llaahi Yuusuf “Beesha Caalamka waxay diyaar u tahay inay taageerto Dowladda Federaalka”
»Eng. Siidow Xasan Mahdi “si ay u kala badbaadaan Mirifle..
»Faarax Sendiko oo shalay dib ugu soo laabtay Muqdisho..
»Maleeshiyooyinkii Reer Puntland ee ku sugnaa Waajid oo..
»In ka badan Boqol Xubnood oo ka qaybgalaysa Doorashada..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... May 8

»Waraysi Ku saabsan Wiilasha Ka Tirsan Ciidamada Puntland [Dhegeyso]
.Warqado is-Khilaafsan oo uu Cabdi Cali Cigaal ka Qoray 3da Soomaalida

.Soomaalida NewZealand oo Baaq u diray Madaxweynaha DFKMG & DGPL
»
Saddexdii Soomaalida ahaa oo lagu Xakumay min Toban (10) Sano ..

»XABSIGA THAILAND::: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 |

Ogeysiis ku jeeda Soomaalida Minnesota (Midtown Exchange/ Global Market)

 
Soomaalida Minnesota waxaa la ogeysiinayaa in agagaarka Masaajidka cusub ee la gaday ee Abubakar al sidiiq agtiisa laga dhisay guryo la kireysto weliba dadka dan yarta ah qayb loogu talo galay.  Gurigaas oo aad u weyn waxaa uu ku yaalaa 2929 Chicago Ave South Minneapolis  Gurigan waxaa uu ku yaalaa meel u dhaxayso labo masaajid kuwaas oo kala ah Masji Abubakar iyo Masjid al Iimaan.  Waxaa kale oo aan ka dheerayn masaajidyada Umatu Muxammad, Al-towxiid, iyo masjid Cumar iyo labada suuq ee aadka u waaweyn ee Soomaaliyeed Karmal Mall iyo Mallka 24ka.
 
Gurigan dib u habaynta lagu sameeyay waxaa la yiraahdaa Midtown Exchange Apartment.  Ka dib markii la arkay horumarka iyo soo noolaynta ay immigrants ku sameeyeen Lake Street muhaajiriintaas oo u badan Latino iyo Somali ayaa ganacsato kaashanaysa shirkadda weyn ee Allina iyo madaxda magaalda Minneapolis iyo Congressmenka Minnesota oo ay ka mid yihiin Senator Coleman, Senator Dayton, Congressman Sabo waxaa suurtogal noqotay in Midtown Echange dib loo dhiso weliba Global Market uu noqon doona suuq caalami ah marka la furo.
 
Global Market waxaa talada lagu dhisay wax ka lahaa nin Soomaaliyeed oo la yiraahdo Hussein Samatar oo ah madaxa hayada African Development Center. Degaankan waa mid afka Soomaaliga lagu qoray meelkasta maalinta furitaanka  Amiin Caamir ayaa ku soo bandhigi doonaa farshaxan Soomaaliyeed.  Waxaa kale oo ka soo qaybgeli doona madaxda gobolka iyo dadweyne badan.
 
Xafladda furitaanka
 
Midtown Exchange  & Global Market.
 
June 3, 2006    saacada markay tahay 10:00 subaxnimo ilaa 4:00 galabnimo
 
Kala xiriir Guryaha Midtown Echange 612-823-1104
Global Market business  African Development Center 612-333-4772
 
Waxaa soo tebiyey: Maxamuud Wardheere
mnwardere@yahoo.com