SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKII MAY 8, 2006

  • C/llaahi Yuusuf “Beesha Caalamka waxay diyaar u tahay inay taageerto Dowladda Federaalka”..

  • Eng. Siidow Xasan Mahdi “si ay u kala badbaadaan Mirifle waxaan talo ku soo jeedinayaa..

  • Maleeshiyooyinkii Reer Puntland ee ku sugnaa Waajid oo soo gaaray Baydhabo..

  • Faarax Sendiko oo shalay dib ugu soo laabtay Muqdisho xili loo diyaar-garoobayo…

  • In ka badan Boqol Xubnood oo ka qaybgalaysa Doorashada Xiriirka K/cagta…



Tacsi: Xaaji Saciid Yuusuf  Maxamed oo Geeriyoodey May 6, 06

Dhaaman jaaliyada  Beesha Cali Saleeban ee ku nool  dalka   ingiiska waxay  tacsi  tiiraanyo leh u dirayaan dhaamaan qoskii  iyo eheladii ookugeeriyooday xaaji saciid yuusuf  maxamed oo kugeeriyooday  6/5/2006 dalka yaman  magaalada mukulla, waxaana tacsida diraya dadka kala ah:

faarax  yaasiin  dalmar beeldaaje(dalmarka labaad) iyo xaaskiisa hodon cabdulqaadir  iyo  caruurtooda
maxamed  axmed  xaaji  faarax(furcase)iyo xaaskiisa  nimca ibraahim  faarax iyo caruurtiisa
capt:maxamud xasan yuusuf(saeman)iyo  xaaskiisa  iyo  caruurtiisa
dr:maxamed  beeldaaje  cabdulaahi
dr:yaasiin     beeldaaje   cabdulaahi
eng:cabdirisaaq  beeldaaje  cabdulaahi
dr:warsame  maxamed  sicid  beeldaaje
dr:siciid   ismacil  sicid    beeldaaje
dr:  ismaciil  cabdulahi  siciid  beeldaaje
dr:maxamed  shire  faarax(beelwacatay)
dr:maxmed  siciid  cabulaahi
eng:siyaad  cali  yuusuf
col:maxamed  muuse  qoobey
nabadoon  maxamed   muuse  sugule
nabadoon  siciid  axmed   maxamed muuse
mursal  muuse    koonte
sheekh   maxamud  maxamed  axmed   daano
maxamud   salaad  cali  (hogato)iyo   xaaskiisa
xasan  ciid    cawad
fawsi  maxamed  khuurshe
xidig   idiris  cartan
abshir siciid   axmed
faadumo  jaamc  yuusuf  iyo  caruurteeda
caweys   xaaji  faarax
faadumo  muuse  xaaji  farax
adna   xiddig      xaaji  faarax
duniyo  yuusuf  ismacil
caasho siciid  axmed
drs:faadumo  nuur  maxamed
drs:nimco  nuur  maxamed
drs:aamino  siciid  cabdulaahi
waxaan  leenahay   ilaahay   samir  iyo  iiman  ha  inag  siiyo
isagana  janatul fardowsa haka waraabiyo   aamin  aamin  aamin

Waxaa soo tebiyey:
Faarx Yaasin Dalmar Beeldaaje
faaraxf@hotmail.com
London, uk

C/llaahi Yuusuf “Beesha Caalamka waxay diyaar u tahay inay taageerto Dowladda Federaalka”..

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa la filayaa in maalinta Arbacada ah dib ugu soo laabto Magaalada Baydhabo kaddib markii uu booqashooyin ku soo kala bixiyay wadamo ka tirsan Yurub, Carab iyo Afirka. Warkaan oo aan ka helnay rag ku dhow dhow Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa la sheegay in madaxweynuhu uu markii hore u aaday dalka Ingiriiska arrimo caafimaad, kaddibna waxa uu u sii gudbiyay wadanka Sweden halkaas oo uu kula kulmay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Sweden iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed.

Dowladda uu Madaxwey-naha ka yahay C/llaahi Yuusuf ayaa weli helin xarrun rasmi ah oo ay ku howlgasho, waxayna weli ku jirtaa guur guur iyo waliba si rasmi ah u degin Magaalada Baydhabo, waxaana Madaxweynaha hor yaala Howlo fara badan oo uu ku dhaqaajiyo Dowladdiisa, ha noqoto dhinaca ammaanka iyo dib u soo celinta amnigii iyo kala dambeyntii.

Dhinaca kale Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed mar uu la kulmay Mas’uuliyiinta Dowladda Sweden waxay u sheegeen in Dowladda Sweden ay soo dhaweyneyso in Soomaaliya loo diro ciidamo nabad ilaalin ah si ay u sugaan ammaanka isla markaana hubka uga dhigaan kooxaha maleeshiyooyinka ah, waxay kalloo Dowladda Sweden ballanqaaday in ay wax ka bixineyso qarashka ku baxaya Ciidamada nabad ilaalinta.

Eng. Siidow Xasan Mahdi “si ay u kala badbaadaan Mirifle waxaan talo ku soo jeedinayaa..

Iyadoo weli uu khilaaf ka taagan yahay cidda loo magacaabayo Guddoomiyaha gobalka Bay ayna isku haystaan Beelaha Mirifle ayaa waxa qoraal na soo gaarsiiyay Guddoomi-yaha Hay’adda Xaquuqda Aadanaha Wanlaweyn Human Rights Eng. Siido Xasan Mahdi, wuxuuna talo ku aadan is qabqab-sigaasi u soo jeedinayaa Beelaha Mirfle, waxa uuna yiri “Haddii aad ku heshiins weysaan Guddoomiyenimada Gobalka Bay waxaad ku sharaftaan oo aad u dhiibtaan nin ka tirsan Beelaha Digil”.

Eng, Siidow Xasan Mahdi waxa uu sheegay in Gobalka Bay oo uu haatan u baahan yahay in loo sameeyo maamul, maadaama xarun uu haatan u yahay Dowladda Federaalka, waxaa kale oo uu u soo jeediyay Beelaha Mirifle in ay ka wada shaqeeyaan nabadgelyada Gobalada Bay iyo Bakool.

Eng. Siidow Xasan Mahdi waxa uu sheegay in Bulshada ku nool Gobalka Bay ay si aad ah ugu baahan yihiin maamul iyo kala dambeyn, waayo mudo dhowr sano ah waxa uu sheegay Injineerku aysan helin wax maamul ah.

Dhawaan ayaa waxaa Siminaar u dhamaaday Odoyaa-sha Dhaqanka Gobalka Bay, waxayna Siminaarkaasi ku baranayeen qaabka ugu haboon ee loo sameyn karo golaha Deegaanka, waxyana haatan dib ugu laabteen Odoyaashaasi deegaanada ay ka yimaadeen ee degmooyinka Gobalka Bay.

Maleeshiyooyinkii Reer Puntland ee ku sugnaa Waajid oo soo gaaray Baydhabo..

In ka badan Kun Askari kuna hubeysan 45 Tikniko ah kana tirsan Maleeshiyooyinkii Reer Puntland ee ku sugnaa deegaanka Waajid ayaa soo gaaray Magaalada Baydhabo, waxaana maleeshiyooyikaasi lagu xareeyay xerada Manaas oo 30Km u jirta Magaalada Baydhabo.

Maleeshiyooyinkaas ayaa halkaasi loo keenay si loo biiriyo Maleeshiyooyin kale oo iyana ku sugnaa deegaanka Baydhabo si halkaasi loogu siiyo tababar dhowr bilood ah, inkastoo dadka deegaanka ay walwal ka muujiyeen haddana Xildhibaan Max’ed Ibraahim Xaabsade ayaa waxa uu sheegay mar uu u waramayay saxaafadda in ciidamadaasi ay yihiin kuwo loo uruurinayo Qaranka Soomaaliyeed, waxa uuna meesha ka saaray in ciidamadaasi ay ku wajahan yihiin deegaano kale.

Dhowr jeer ayaa Magaalada Baydhabo waxa uu isku dhac ku dhex maray Maleeshiyooyinka Deegaanka iyo kuwa ilaalada u ah Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, waxaana ku dhintay dhowr qof, hase yeeshee Dowladda Federaalka ayaa dadaal u gashay in ay xakameyso iska hor imaadyada ciidamada.

Max’ed Ibraahim Xaabsade waxa uu sheegay in dhawaan maamul loo sameyn doono Magaalada Baydhabo kaaoso uu sheegay in uu hanan doono ammaanka Magaalada Baydhabo.

Dagaal shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho oo u dhexeeyay Kooxaha…

Maalintii shalay ahayd ayaa dagaal la isku adeegsaday hubka culus iyo midka fudud waxa uu ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafadaha Yaqshiid iyo Karaan, waxa uuna dagaalkaasi u dhexeeyay Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah iyo kooxo taageersan ururka isku magacaabay la dagaalanka argagixisada uuna hor kacayay nin Magaciisa lagu sheegay Nuur Xasan Cali (Nuur Dhaqle).

Dagaalkaan ayaa waxaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen ilaa iyo afar ruux oo labada dhinac ah waxa uuna ka bilowday markii Maxkamadda Deegaanka CC ay damacday in ay soo qabato nin dacwad loo haystay hase yeeshee waxaa is hor taagay kooxda Nuur Dhaqle, sidaasna uu ku bilowday dagaalkii.

Guddoomiyaha Maxakiimta Islaamiga ah Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa waxa uu sheegay in kooxo ka amar qaata Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada ay weerar ku soo qaadeen Maxakmadda Deegaanka CC, taasina waxay keentay in Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah ay iska difaacaan.

Faarax Sendiko oo shalay dib ugu soo laabtay Muqdisho xili loo diyaar-garoobayo…

Faarax Weheliye Caddow (Sendiko) oo ah Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaali-yeed ayaa shalay dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho xili diyaargarow loogu jiro Doorashadii Xiriirka Soomaali-yeed ee K/cagta taasoo ka dhaceysa 15-ka Bishan Magaalada Baydhabo.

Faarax ayaa inta uu joogo waxa uu la tashiyo la sameyn doonaa qaar ka mid ah bahweynta Isboortiga oo la xiriira Doorshada Xiriirka Soomaali-yeed ee K/cagta, iyadoo la og yahay Faarax in uu ganaaxay Xiriirka K/cagta ee FIFA mudo toban sano ah.

Faarax ayaa la filayaa in uu dhawaan la hadlo saxaafadda si uu faahfaahin uga bixiyo safarkiisa Magaalada Muqdisho iyo aragtidiisa ku aadan qaabka doorshada Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta.

Faarax waxaa shalay garoonka Diyaaradaha ee Balli-Doogle ku soo dhaweeyay dhamaan xiriirada Soomaaliyeed ee hoos taga Guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo dadweyne kale.

In ka badan Boqol Xubnood oo ka qaybgalaysa Doorashada Xiriirka K/cagta…

15-ka Bishan ayaa la filayaa in Magaalada Baydhabo uu ka furmo Shirweynihii Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta kaasoo lagu dooranayo afarta sano ee soo socota mas’uuliyiintii hogaamin lahayd, waxaana ka qaybgalaya in ka badan boqol xubnood oo ka kala socota kooxaha wax dooranaya, Musharixiinta, Saxafiyiin iyo mas’uuliyiin ka socota Ururka K/cagta ee Adduunka ee FIFA.

Maalinta Sabtida ah ayaa la filayaa in Magaalada Muqdisho ay ka ambabaxaan mas’uuliyiinta Kooxaha iyo Musharixiinta, iyadoo afar xubnood ay u taagan yihiin Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta kuwasoo kala ah Yaasiin Abuukar Cariif, Bashiir Max’ed Jaamac (Bashiir Goobe), Muxiyadiin Xasan Cali (Darbaweyne), waxaana Guddoomiye ku xigeenada ku tartamaya ilaa iyo Toban Xubnood iyadoo la rabo 3-Guddoomiye ku xigeen, Xubnaha waxaa isku sharaxay 22- Xubnood, waxaana iyana laga rabaa 9-xubnood.

Qarashka ku baxay doorashadaasi waxaa bixinaya Xiriirka K/cagta Adduunka ha noqoto Cuntada, Gadiidka, Jiifka iyo Tasiilaadka kale, iyadoo maalintii shalay ahayd Dhamaan kooxaha ay ansixiyeen Dastuurka Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta iyo Qaabka ay u dhaceyso doorashada.

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 8, 2006

Kenya waxay dhooofisaa Qaad Qiimihiisu dhan yahay $250 million sannadkiiba.. Akhri

Isbahaysiga la Dagaalanka "Argagixisada" oo isku haysta cidda Hoggaamineysa...
»
Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Wafdi uu Hagaaminayo oo..
»Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo ku soo jeeda Nairobi..
»Geeddi oo shalay booqday Isbitaalka Baydhabo..
»Hay’ad Cambaareysay Bamkii lagu weeraray Guriga Ugaas..
»Saraakiil Itoobiyaan ah oo maalmaha soo socda ku soo ..
»Dalladda Waxbarashada SOFE oo qabatay xafladii..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji.... May 7

Itoobiya oo Safaarad ka furaneysa Baydhabo.
»Indha-Cadde: Mareykanka waxa uu igu yiri 5million qaado
»Max’ed Dheere: Yuusuf Indha-Cadde waa nin Hormuud u ah..
»Dowladaha Yemen, Itoobiya iyo Soomaaliya oo si wadajir..
»Faadumo X. Cali: Dhagxaanta & ciidda ay wada ku gonayaa..
»Ciidammada Itoobiya oo gabadh ku kufsaday Dhagaxbuur.
»Amnesty Intenational oo Itoobiya canbaareeyay.
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... May 6

Madaxweynaha KMG ee Soomaaliya oo wareysi siiyey saxaafada Sweden

WARBIXIN KU SAABSAN XAALADDA GOBOLLADII AY ABAARUHU KU DHUFTEEN
Warbixin ku qoran PDF ka ka akhri halkan... Guji... May 5

C/Raxmaan Faroole oo u Waramay Idaacada Australia
Wasiirkii hore ee Qorshaynta & Xiriirka Caalamiga ee DGPL ayaa shaaca ka qaaday in heshiisyada shidaal baarista ee DGPL uu yahay mid aan waafaqsanayn....
Guji...


XABSIGA THAILAND:::
»Waraysi Ku saabsan Wiilasha Ka Tirsan Ciidamada Puntland
[Dhegeyso]
.Warqado is-Khilaafsan oo uu Cabdi Cali Cigaal ka Qoray 3da Soomaalida

.Soomaalida NewZealand oo Baaq u diray Madaxweynaha DFKMG & DGPL
»
Saddexdii Soomaalida ahaa oo lagu Xakumay min Toban (10) Sano ..

»XABSIGA THAILAND::: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 |

Ogeysiis ku jeeda Soomaalida Minnesota (Midtown Exchange/ Global Market)

 
Soomaalida Minnesota waxaa la ogeysiinayaa in agagaarka Masaajidka cusub ee la gaday ee Abubakar al sidiiq agtiisa laga dhisay guryo la kireysto weliba dadka dan yarta ah qayb loogu talo galay.  Gurigaas oo aad u weyn waxaa uu ku yaalaa 2929 Chicago Ave South Minneapolis  Gurigan waxaa uu ku yaalaa meel u dhaxayso labo masaajid kuwaas oo kala ah Masji Abubakar iyo Masjid al Iimaan.  Waxaa kale oo aan ka dheerayn masaajidyada Umatu Muxammad, Al-towxiid, iyo masjid Cumar iyo labada suuq ee aadka u waaweyn ee Soomaaliyeed Karmal Mall iyo Mallka 24ka.
 
Gurigan dib u habaynta lagu sameeyay waxaa la yiraahdaa Midtown Exchange Apartment.  Ka dib markii la arkay horumarka iyo soo noolaynta ay immigrants ku sameeyeen Lake Street muhaajiriintaas oo u badan Latino iyo Somali ayaa ganacsato kaashanaysa shirkadda weyn ee Allina iyo madaxda magaalda Minneapolis iyo Congressmenka Minnesota oo ay ka mid yihiin Senator Coleman, Senator Dayton, Congressman Sabo waxaa suurtogal noqotay in Midtown Echange dib loo dhiso weliba Global Market uu noqon doona suuq caalami ah marka la furo.
 
Global Market waxaa talada lagu dhisay wax ka lahaa nin Soomaaliyeed oo la yiraahdo Hussein Samatar oo ah madaxa hayada African Development Center. Degaankan waa mid afka Soomaaliga lagu qoray meelkasta maalinta furitaanka  Amiin Caamir ayaa ku soo bandhigi doonaa farshaxan Soomaaliyeed.  Waxaa kale oo ka soo qaybgeli doona madaxda gobolka iyo dadweyne badan.
 
Xafladda furitaanka
 
Midtown Exchange  & Global Market.
 
June 3, 2006    saacada markay tahay 10:00 subaxnimo ilaa 4:00 galabnimo
 
Kala xiriir Guryaha Midtown Echange 612-823-1104
Global Market business  African Development Center 612-333-4772
 
Waxaa soo tebiyey: Maxamuud Wardheere
mnwardere@yahoo.com