SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKII MAY 7, 2006

  • Isbahaysiga la Dagaalanka "Argagixisada" oo isku haysta cidda Hoggaamineysa...

  • Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Wafdi uu Hagaaminayo oo maanta..

  • Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo ku soo jeeda Magaalada Nairobi..

  • Geeddi oo shalay booqday Isbitaalka Baydhabo..

  • Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo ku soo jeeda Magaalada Nairobi..

  • Hay’ad Cambaareysay Bamkii lagu weeraray Guriga Ugaas Cabdi Daahir

  • Saraakiil Itoobiyaan ah oo maalmaha soo socda ku soo fool leh...

  • Dalladda Waxbarashada SOFE oo qabatay xafladii gabagabada Tartanki Dugsiyadooda...



Tacsi: Xaaji Saciid Yuusuf  Maxamed oo Geeriyoodey May 6, 06

Dhaaman jaaliyada  Beesha Cali Saleeban ee ku nool  dalka   ingiiska waxay  tacsi  tiiraanyo leh u dirayaan dhaamaan qoskii  iyo eheladii ookugeeriyooday xaaji saciid yuusuf  maxamed oo kugeeriyooday  6/5/2006 dalka yaman  magaalada mukulla, waxaana tacsida diraya dadka kala ah:

faarax  yaasiin  dalmar beeldaaje(dalmarka labaad) iyo xaaskiisa hodon cabdulqaadir  iyo  caruurtooda
maxamed  axmed  xaaji  faarax(furcase)iyo xaaskiisa  nimca ibraahim  faarax iyo caruurtiisa
capt:maxamud xasan yuusuf(saeman)iyo  xaaskiisa  iyo  caruurtiisa
dr:maxamed  beeldaaje  cabdulaahi
dr:yaasiin     beeldaaje   cabdulaahi
eng:cabdirisaaq  beeldaaje  cabdulaahi
dr:warsame  maxamed  sicid  beeldaaje
dr:siciid   ismacil  sicid    beeldaaje
dr:  ismaciil  cabdulahi  siciid  beeldaaje
dr:maxamed  shire  faarax(beelwacatay)
dr:maxmed  siciid  cabulaahi
eng:siyaad  cali  yuusuf
col:maxamed  muuse  qoobey
nabadoon  maxamed   muuse  sugule
nabadoon  siciid  axmed   maxamed muuse
mursal  muuse    koonte
sheekh   maxamud  maxamed  axmed   daano
maxamud   salaad  cali  (hogato)iyo   xaaskiisa
xasan  ciid    cawad
fawsi  maxamed  khuurshe
xidig   idiris  cartan
abshir siciid   axmed
faadumo  jaamc  yuusuf  iyo  caruurteeda
caweys   xaaji  faarax
faadumo  muuse  xaaji  farax
adna   xiddig      xaaji  faarax
duniyo  yuusuf  ismacil
caasho siciid  axmed
drs:faadumo  nuur  maxamed
drs:nimco  nuur  maxamed
drs:aamino  siciid  cabdulaahi
waxaan  leenahay   ilaahay   samir  iyo  iiman  ha  inag  siiyo
isagana  janatul fardowsa haka waraabiyo   aamin  aamin  aamin

Waxaa soo tebiyey:
Faarx Yaasin Dalmar Beeldaaje
faaraxf@hotmail.com
London, uk

Isbahaysiga la Dagaalanka "Argagixisada" oo isku haysta cidda Hoggaamineysa...

Isbahaysiga la magac baxay la dagaalanka "Argagixisad" ayaa weli ku murunsan cidda loo magacabayo Taliyaha ciidanka la dagaalanka "Argagixisada", iyadoo qaar ka mid ah ay soo jeediyeen in Taliyahaasi laga keeno Banaanka oo uusan ka mid noqon xubnaha la dagaalanka "Argagixisada", halka kuwo kale ay soo jeediyeen in Taliyaha Ciidanka laga dhex magacaabo Xubnaha uu ku kooban yahay Isbahaysiga, waxayna si gaar ah farta ugu fiiqeeyeen Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid).

Kulamo dhowr jeer oo dhex maray xubnaha Isbahaysiga ayaa ku dhamaaday is afgaranwaa, waxana muuqaneysa in sidoo kale uu khilaaf ka taagan yahay cidda loo magacaabayo Guddoomiyaha Isbahaysiga la dagaalanka "Argagixisada", iyadoo Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere) uu sheegay in isagu uu mudan yahay in loo magacaabo, waxaana Max’ed Dheere ku haysta xilkaasi Max’ed Qanyare Afrax oo isna horey u sheegay in aan laga lahayn xilkaasi, waxa kaloo iyana la isku afgaran la’ yahay sidii loo uruurin lahaa maleeshiyooyinka Isbahaysiga isla markaana loogu yeeli lahaa astaan gaar ah tiknikadooda.

Dowladda Mareykanka ayaa dhawaan waxay sheegtay in ay dhaqaale siisay Xubnaha isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada ee dagaalka la galay Maxaakiimta Islaamiga ah, waxyna meesha ka saartay in ay hub siisay Isbahaysigaasi. Dhanka kale Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa isagu ku eedeeyay Dowladda Mareykanka in ay hareer martay Dowladda Federaalka isla markaana ay dhaqaale siisay qabqablayaasha dagaalka, dhaqaalahaas oo uu sheegay in haddii Dowladda Federaalka lagu taageeri lahaa ay wax weyni iska bedeli lahaayeen Dowladda Federaalka isla markaana ay awood u heli lahayd in ay wax ka qabato dhibaatada ka taagan dalka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Wafdi uu Hagaaminayo oo maanta..

Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa la filayaa in ay maanta u ambabaxaan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, inkastoo aan la faahfaahin waxa uu ku saabsan yahay safarka Guddoomiyaha Barlamaanka ayaa haddana warar waxay sheegayaan in Magaalada Nairobi uu kulan kula yeelan doono madaxda Hay’adaha Samafalka iyo Wadamada Deeqda Bixiya.

Guddoomiyaha ayaa la sheegay in uu sii taageeri doono Buug uu dhawaan Ra’isul Wasaare Geeddi u gudbiyay Madaxda Hay’adaha samafalka oo la xiriira dhinaca dib u dhiska iyo ammaanka, waxaana Buugaan diyaariyay Wasaaradda Qorsheynta ee Dowladda Federaalka, warar ayaa waxay sheegayaan in Guddoomiyaha marka uu dhameysto safarkiisa Magaalada Nairobi uu u sii ambabaxi doono Dalka Yemen, si uu madaxda wadankaasi u siiyo halka uu marayo heshiiskii dhex maray mas’uuliyiinta sarsare ee Dowladda ee Magaalada Cadan lagu kala saxiixday 4-tii Bishii Janaayo ee sanadkan.

Geeddi oo shalay booqday Isbitaalka Baydhabo..

Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi oo ay la socdaan qaar ka mid ah Wasiiradiisa ayaa shalay booqday Isbitaalka Magaalada Baydhabo oo dhawaan isaga lagu sameeyay howl dayactir ah.

Ra’isul Wasaaraha ayaa u kuurgalay qaybaha kala duwan ee Isbitaalka isagoo warbixin ka dhageystay madaxda Isbitaalka, waxayna sheegeen in Isbitaalku uu u baahan yahay in loo dhameystiro adeegyadii caafimaadka, gaar ahaan dhinaca qalabka.

Ra’isul Wasaaraha oo la hadlayay maamulka iyo Takhaatiirta ayaa waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka ay gacan ka gaysan doonto sidii uu Isbitaalku u noqon lahaa Isbitaal fuliya dhamaan adeegyadii Caafimaadka.

Dhowr sano kaddib ayaa maalintii shalay ahayd waxaa Isbitaalka fariistay hal Dhaqtar oo cudurada guud ah, iyadoo Isbitaalka ay ka jirto baahi Takhaatiireed, sidoo kale waxa uu Isbitaalku u baahan yahay kalkaaliyaal caafimaad oo fuliya howlaha yar yar ee Isbitaalka si ay ula tacaalaan Bukaanada imaanaya Isbitaalkaasi.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo ku soo jeeda Magaalada Nairobi..

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo maalmahan booqasho ku joogay qaar ka mid ah Wadamada Yurub ayaa haatan ku soo jeeda Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweynaha waxa uu magaalada Nairobi kulan kula yeelan doonaa guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan oo maanta la filayo in uu u ambabaxo Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Labadooda oo wadajira ayaa la filayaa in ay kulamo la yeeshaan Mas’uuliyiinta Hay’adaha Samafalka iyo waliba kuwa deeqda bixiya, Iyadoo Madaxweynaha uu dhawaan wareysi uu siiyay wargeysa ka soo baxa Wadanka Sweden uu Dowladda Mareykanka u eedeeyay in ay taageyro qabqablayaasha dagaalka oo Wasiiro ka ah Dowladda Federalaka.

“Dowladda Mareykanka waxay ahayd in ay la soo xiriirto Dowladda Federaalka ah si ay iskula meel dhigaan waxa laga yeelayo kooxaha argagisada” ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo sheegay in dhaqaalaha uu siinayo Mareykanku Kooxaha Hubeysan uu yahay mid Soomaaliya u sii horseedaya burbur iyo dagaalo sokeeye oo qarxa mar kale.

Hay’ad Cambaareysay Bamkii lagu weeraray Guriga Ugaas Cabdi Daahir

Hay’adda Xaquuqda Aadanah ee Ismaaciil Jimcaale ayaa Cambaareysay Bam gacmeedkii lagu tuuray Guriga Ugaas Cabdi Daahir Ugaas Nuur ee 3-dii Bisha May 2006, waxayna Hay’addu ku tilmaantay falkaasi mid xadgudub ku ah Shareecadda Islaamka, Xeerarka soo jireenka ah ee dhaqanka Soomaalida iyo baaqa caalamiga ah ee Xaquuqda Aadanaha.

Hay’addu waxay sheegtay in xadgudubyada loo gaysanayo bulshada rayidka ah ee ku howlan nabadda iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya ayaa Hay’addu sheegtay in uu noqday mid joogto ah, wuxuuna falka lagu weeraray Ugaaska uu Martiqaati u yahay xaaladda foosha xun ee ka dhaceysa Magaalada Muqdisho.

Hay’addu waxay sheegtay in kuwa gaysanaya xadgudubyada joogta ah ee lidiga ku aha Xaquuqda Aadamiga in loo diiwaan gelin doono xadgudubyadooda naxariista daran ayna imaan doonto maalin sharciga lagu hor xisaabin doono, waxaana ku saxiixnaa qoraalkaan guddoonka Xarunta Maryan Xuseen Owreeye.

Saraakiil Itoobiyaan ah oo maalmaha soo socda ku soo fool leh...

Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda Magaalada Baydhabo ay soo gaaraan Saraakii Itoobiyaan ah oo ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Itoobiya kuwaasoo la sheegay in ay ku gogol-xaari doonaan furitaanka Safaaradda Itooiya ee Magaalada Baydhabo.

Saraakiishaas ayaa eegi doona halka ugu haboon ee laga furi karo safaaraddaasi iyo waliba sida uu yahay ammaanka Magaalada Baydhabo, waxaana furitaanka Safaaraddaas loo sameyn doonaa xaflad aad ubalaaran oo ay ka soo qaygali doonaan Sayaasiyiin ka socota Urur Gobaleedka IGAD.

Dhawaan ayaa qaar ka mid ah Xubnha Dowladda waxay si aad ah uga caroodeen Xafiiska ay Dowladda Itoobiya ka furatay maamulka la magacbaxay Soomaaliland, waxayna ku tilmaameen mid la doonayo in lagu sii kala qaybiyo shacabka Soomaaliyeed, isla markaana lagu kala dhantaalo midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

Saafaradda laga furayo Magaalada Baydhabo ayaa ah mid magac u yaal ah iyadoo Howlaha Safaaradda ay noqon doonaa mid laga sii wado Magaalada Nairobi, iyadoo halkaasi uu horey u joogay safiirka Itoobiya ee Soomaaliya

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail:
  amiinkhasaaro@hotmail.com


Dalladda Waxbarashada SOFE oo qabatay xafladii gabagabada Tartanki Dugsiyadooda...

Waxaa maalintii khamiista ahyad xarunta Dalladda Waxbarashada ee SOFE ka dhacay xaflad aad u balaaran oo lagu soo gebagabeynayay tartankii K/cagta ee Dugsiyada hoostaga dalladdaasi, waxaana ka qaybgalay tatankaasi dhowr kooxood oo hoos tagga dalladda, waxaana ugu horeyntii halkaasi warbxin ka soo jeediyay Guddoomiyaha Isboortiga ee Dalladda Sacad Baariyow oo sheegay in intii uu socday tartanku uu ahaa mid ay maalin walba u soo daawasho tagayeen dadweyne aad u fara badan isagoo sheegay in tartankaasi uu ku dhamaaday sidii loogu talagalay, waxaa kalloo ka hadlay kusimaha Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed C/qaadir Ibraahim Gacal (Abkow), kusimaha Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta Salaad Macallin Max’ed (Salaad Gaab), waxayna dhamaantood sheegeen in guddigu Isboortigu uu aad ugu faraxsan yahay qabashada tartamada noocaan oo kale ah, iyagoo sheegay in Dalladda ay ku dhiirigelin doonaan arrimaha Isboortiga, waxaa kalloo ka hadlay Guddoomiyaha Dalladda SOFE Dr. C/qaadir Cumar Rooble iyo Guddoomiye ku xigeenka Dalladda (Tireless), waxayna labadooduba sheegeen in ay daladdu ay sii wadi doonto tartamada noocaan oo kale, maadaama Isboortigu uu yahay midka bulshada u horseeda is dhexgal iyo nabadeyn, waxaana halkaasi lagu bixiyay abaalmarinadii tartanka, waxaana ka mid ahaa dadkii la siiyay abaalmarinada Ciyaartooygii dhaliyay Goolkii ugu horeeyay ee Tartanka oo lagu magacaabo Ibraahim Xuseen Macallin, kana socday dugsiga Al-Mathal Madiina, Cayaartooygii ugu wanaagsanaa tartankaasi waxa uu noqday Sahal Cusmaan Rooble oo ka socday Dugisaga Caynaan, Cayaartooygii ugu asluubta wanaagsanaa waxa uu noqday Ciyaaryahan Max’ed Kheyre Cabdule oo ka socday Dugsiga Al-Mathal Waabari, Cayaartooygii ugu gool dhalinta badnaa waxa uu noqday Max’ed Cali C/llaahi oo ka socday Dugsiga Al-Bilaal, waxaana iyana shahaadooyin la gudoonsiiyay Wargeysyada Gool, Laacib, Idaacadda Banaadir, VOD Raadiyo Xamar, waxaana sidoo kale Shahaadooyin la guddoonsiiyay Xaaji Max’ed Subeyr (Geele), Dugsiga Shabeele ayaa isna la gudoonsiiyay kaalinta saddexaad, Dugsiga Al-Mathal Waabari oo isna la gudoonsiiyay kaalinta labaad, Waxaana goobkii ugu dambeyntii la gudoonsiiyay Dugsiga Al-Bilaal.

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 7, 2006

Kenya waxay dhooofisaa Qaad Qiimihiisu dhan yahay $250 million sannadkiiba.. Akhri

Itoobiya oo Safaarad ka furaneysa Baydhabo.
»Indha-Cadde: Mareykanka waxa uu igu yiri 5million qaado
»Max’ed Dheere: Yuusuf Indha-Cadde waa nin Hormuud u ah..
»Dowladaha Yemen, Itoobiya iyo Soomaaliya oo si wadajir..
»Faadumo X. Cali: Dhagxaanta & ciidda ay wada ku gonayaa..
»Ciidammada Itoobiya oo gabadh ku kufsaday Dhagaxbuur.
»Amnesty Intenational oo Itoobiya canbaareeyay.
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... May 6

Madaxweynaha KMG ee Soomaaliya oo wareysi siiyey saxaafada Sweden

WARBIXIN KU SAABSAN XAALADDA GOBOLLADII AY ABAARUHU KU DHUFTEEN
Warbixin ku qoran PDF ka ka akhri halkan... Guji... May 5

C/Raxmaan Faroole oo u Waramay Idaacada Australia
Wasiirkii hore ee Qorshaynta & Xiriirka Caalamiga ee DGPL ayaa shaaca ka qaaday in heshiisyada shidaal baarista ee DGPL uu yahay mid aan waafaqsanayn....
Guji...


XABSIGA THAILAND:::
»Waraysi Ku saabsan Wiilasha Ka Tirsan Ciidamada Puntland
[Dhegeyso]
.Warqado is-Khilaafsan oo uu Cabdi Cali Cigaal ka Qoray 3da Soomaalida

.Soomaalida NewZealand oo Baaq u diray Madaxweynaha DFKMG & DGPL
»
Saddexdii Soomaalida ahaa oo lagu Xakumay min Toban (10) Sano ..

»XABSIGA THAILAND::: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 |

Ogeysiis ku jeeda Soomaalida Minnesota (Midtown Exchange/ Global Market)

 
Soomaalida Minnesota waxaa la ogeysiinayaa in agagaarka Masaajidka cusub ee la gaday ee Abubakar al sidiiq agtiisa laga dhisay guryo la kireysto weliba dadka dan yarta ah qayb loogu talo galay.  Gurigaas oo aad u weyn waxaa uu ku yaalaa 2929 Chicago Ave South Minneapolis  Gurigan waxaa uu ku yaalaa meel u dhaxayso labo masaajid kuwaas oo kala ah Masji Abubakar iyo Masjid al Iimaan.  Waxaa kale oo aan ka dheerayn masaajidyada Umatu Muxammad, Al-towxiid, iyo masjid Cumar iyo labada suuq ee aadka u waaweyn ee Soomaaliyeed Karmal Mall iyo Mallka 24ka.
 
Gurigan dib u habaynta lagu sameeyay waxaa la yiraahdaa Midtown Exchange Apartment.  Ka dib markii la arkay horumarka iyo soo noolaynta ay immigrants ku sameeyeen Lake Street muhaajiriintaas oo u badan Latino iyo Somali ayaa ganacsato kaashanaysa shirkadda weyn ee Allina iyo madaxda magaalda Minneapolis iyo Congressmenka Minnesota oo ay ka mid yihiin Senator Coleman, Senator Dayton, Congressman Sabo waxaa suurtogal noqotay in Midtown Echange dib loo dhiso weliba Global Market uu noqon doona suuq caalami ah marka la furo.
 
Global Market waxaa talada lagu dhisay wax ka lahaa nin Soomaaliyeed oo la yiraahdo Hussein Samatar oo ah madaxa hayada African Development Center. Degaankan waa mid afka Soomaaliga lagu qoray meelkasta maalinta furitaanka  Amiin Caamir ayaa ku soo bandhigi doonaa farshaxan Soomaaliyeed.  Waxaa kale oo ka soo qaybgeli doona madaxda gobolka iyo dadweyne badan.
 
Xafladda furitaanka
 
Midtown Exchange  & Global Market.
 
June 3, 2006    saacada markay tahay 10:00 subaxnimo ilaa 4:00 galabnimo
 
Kala xiriir Guryaha Midtown Echange 612-823-1104
Global Market business  African Development Center 612-333-4772
 
Waxaa soo tebiyey: Maxamuud Wardheere
mnwardere@yahoo.com