SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKII MAY 11, 2006

  • Garoonka Kismaayo oo ay Ka bilaabatay Indho shareer ka Qaadida hablaha Soomaaliyeed...

  • Maleeshiyaadkii ku dirirsanaa galbeedka Kismaayo oo la kala qaaday

  • Isbahaysiga "la dagaalanka Argagixisada" oo sheegay in aysan aqoonsaneyn..

  • Wararkii ugu dambeeyay dagaalkii ka socda Muqdisho ...

  • Shariif Xasan oo ku gacanseyray Codsi uga yimd Odayaal ka tirsan.

  • Beesha Gaal-Jecel oo digniin ka soo saartay odayaal ku xiran Magaalada ..

  • Qadaafi oo ballanqaaday in uu Dowladda Federalka ka saacidi doono...


Ra'iisul wasaaraha Australia oo Ka Hor Yimid Soo Jeedintii Mamnuucida Khimaarka Guji...
Fartun xishoodkeedu wuxuu soo shaacbaxaa waqtiga qadada ee lajoogo Kafeeteriyada, halkaas oo ay waqtigeeda kuqaadato akhris halkii ay la-bulshayn lahad gabdhaha kale ee Soomaalida.. GUJI...

Mamnuuciidii Maxamed DHeere ee Indho Shareerka:: 2004

Lila iyo Alma waa walaalo laga cayriyey iskuulka
Faansiiska iyo Xijaabka Guji.

Garoonka Kismaayo oo ay Ka bilaabatay Indho shareer ka Qaadida hablaha Soomaaliyeed ee Xijaaban

Ciidanka ilaalada Airoportka magaalada kismaayo ayaa maalmahan waxaa ay bilaabeen in ay baaritaan ku sameeyaan haweenka indho shareeran ee ka dhoofa madaarka caalamiga ah ee magaalada kimsaayo ayadoo haweenkaas marka ay doonayaan in ay ka duulaan garoonkaas laga qaado indho shareerka islamrkaana baaritaan lagu sameyo.

Arrintaan oo ah mid ku cusub gobolkan gaar ahaan garoonka dayuuradaha magaalada kismaayo ayaa waxaa ay tahay arrin inta badan ay aad u hadal hayaan shacabka taasoo ay ku tilmaameen arin aad u xun oo looga soo horjeedo shareecada islaamka.

Baritaan ay sameysay shabakada SomaliTalk ayaa waxaa ay ku soo ogaatay in arinka indho shareer ka fiiqida hablaha uu yahay mid lagu macneeyey "arin ay cidanka amaanka ee garoonka kismayo iyo waliba maamulka kismayo ay ku doonayaan adkeynta amaanka garoonka kismaayo", waxaana arinkaas u xaqiijiyay shabakada warbaahinta ee SomaliTalk abaan duulaha ciidnaka isbahaysiga dooxada jubba ninka lagu magacaabo Cabdulhaai sh. Ismaaciil Farataag.

Farataag oo u waramaya websedka SomaliTalk ayaa waxaa uu yiri: "Waanu ognahay in ay diiniyan qabin in haweenka xijaaban laga qaado indho shareerka islamarkaana aysan habooneyn in haweenka dharka ay ku asturanyahiin ee ay shareecada islaamaka baneysay laga qaado, laakiin arinkaan ayaa waxaa uu yahaay mid aanu ku dooneyno in aanu ku adkeyno ammaanka Airoportka kaasoo ay masuuliyadiisa ina saarantahay, ka maamul ahaan". Waxaa uu Farataag intaasi ku daray "in aysan haweenka baarin rag ee ay baaraan dumar taasina ay tahay arin wanaagsan.", waa sida uu hadalka u dhigay'e.

Arrintan ah in haweenka ka dhoofa garoonka kismaayo laga qaado indho shareerka ayaa waxaa ay tahay mid ay hadal haynteeda ay aad ugu badantahay shacabka reer kismaayo waxaana ay sheegayaan in arrintaan oo kale uu horay u sameyn jiray gudoomiyaha gobolka shabeelada dhexe Maxamed Cumar Xabeeb "maxamed dheere" taasina ay tahay mid ka soo horjeeda shareecada islaamka.

###

Maleeshiyaadkii ku dirirsanaa galbeedka Kismaayo oo la kala qaaday

Markii ugu horreysay ayaa Arbacadii May 10 waxaa la kala qaaday maleeshiyaadkii beelaha Cawra ma leh iyo Gaaljecel oo dhowaanahanba dagaal iyo dirir awgeed isku hor fadhiyay degaamo ka tirsan Beerxaani illaa Kaamjiroon.

Maleeshiyooyinkan ayaa waxaa kala qaaday odayaasha labada beelood ee iyagu maalmahanba ku hawlanaa sidii ay xaaladda u qaboojin lahaayeen.

Taladadii ayaa waxaa degaannadaas ukicitimay taliyaha ciidammada isbahaysiga dooxada Jubba Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale) oo ay la socdaan raxan ciidanka ammaanka ee magaalada Kismaayo.

Taliyaha ciidammada isbahaysigu waxa uu xalayba wada hadallo kala duwan la lahaa odayaasha iyo wax garadka beelaha degaankaas, isagoo ugu baaqay inuu ka gacan siinayo fulinta wada hadal nabadeed.

cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
kismaayo somaliya
cabdiqadar84@hotmail.com


Isbahaysiga "la dagaalanka Argagixisada" oo sheegay in aysan aqoonsaneyn dhaqdhaqaaqa Bulshada Rayidka ah,..

Amiin Yuusuf | Xamar

Gabar Soomaaliyeed oo Laga Raadinayo Webiga Mississipi ee Dhexmara Minneapolis Guji...

Shir Jaraa’id oo ay shalay qabteen Isbahaysiga labaxay "la dagaalanka Argagixisada" ayaa waxaa si weyn loogu weeraray dhaqdhaqaaqa Bulshada Rayidka ah, waxa uuna Isbahaysigu Bulshada rayidka ah ku tilmaamay kuwo aan kalsooni ka haysan Bulshada Soomaaliyeed.

“Cid soo dooratay iyo cid ay wakiil ka yihiin ma jirto mana aqoonsanin wax la yiraahdo dhaqdhaqaaqa Bulsha rayid ka ah” ayaa lagu yiri Shirkaasi Jaaraa’id.

Shirkaan Jaraa’id ee ay qabteen Isbahaysiga isku magacaabay la dagaalanka Argagixisada ayaa waxa uu ku soo beegmay Xili ay dagaalo culus ka socdaan Magaalada Muqdisho oo u dhexeeya Midowga Maxaakiimta islaamiga ah iyo kooxaha la dagaalanka Argagixisada, iyadoo bulshada rayidka ah ay u soo jeediyeen labada dhinac in ay dagaalka joojiyaan oo ay khilaafkooda ku dhameeyaan wada hadal iyo is afgarad, inkastoo Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah ay si weyn u soo dhaweeyaan dadaalka ay wadaan Bulshada rayidka ah.

Wararkii ugu dambeeyay dagaalkii ka socda Muqdisho ...

Waxaa maalintii afraad galay dagaalka ka socda deegaano ka tirsan Yaqshiid iyo Kaaraan oo u dhexeeya Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Isbahaysiga labaxay la dagaalanka Argagixisada, waxa uuna dagaalkii si aad ah u kululaaday gelinkii dambe ee shalay iyadoo la isku adeegsaday hubka culus iyo midka fudud.

Afartii maalmood ee uu dagaalku socday ayaa waxaa ku geeryooday 80 qof ku dhawaad, waxaana ku dhaawacmay ilaa 200 oo qofood oo dhmaantood u badan dad rayid ah oo ay rasaastu ugu timid guryahooda.

Dagaalka oo shalay xooggiisu ka dhacay degaandega hoose ee Hotel Laf-weyn, ayaa waxa uu ahaa mid qolaba mar la riixayay, inkastoo afhayeen u hadlay Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah uu sheegay in ay gacanta ku dhigeen bartii saldhiga u ahayd kooxaha maleeshiyooyinka ah ee la dagaalamaya, sidoo kale dagaal socday mudo hal saac ayaa waxa uu ka dhacay Suuqa Xoolaha gaar ahaan Deegaanka Waxara-Cadde, iyadoo la isku adeegsaday hubka culus iyo midka fudud, waxaana ku dhintay labo ruux, waxaana ku dhaawacmay ilaa iyo taban ruux, yase yeeshee dagaalkaasi markii dambe waa uu istaagay.

Inkastoo ay socdaan dadaalo lagu doonayo in lagu joojiyo dagaalkaasi ayaa waxaa maalintii shalay ahayd kulan ku yeeshay Hotel-ka Nabadda qaybaha kala duwan ee Bulshada rayidka ah, waxaana ka soo qaybgalay Guddoomiyaha Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah Shiikh Shariif oo sheegay in ay dhinacooda diyaar u yihiin xabad joojin horeyna ay ugu dhawaaqeen.

isku soo wadad duuboo dagaalka haatan ka socda Magaalada Muqdisho, waa mid marba marka ka dambeysa ku sii fidaya deegaano hor leh, haddii aan laga hortagina keeni kara khasaare ka balaaran midkaan.

Shariif Xasan oo ku gacanseyray Codsi uga yimd Odayaal ka tirsan.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in weli si aad ah la isugu khilaafsan qaabka qaybsiga Golaha deegaanka ee Gobalka Bay, gaar ahaan ciddii loo magacaabi lahaa Guddoomiyaha iyo Duqa Magaalada.

Kulan ay isugu yimaadeen Odoyaasha iyo waxgaradka Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa looga hadlay qaabka qaybsiga Golaha Deegaanka, iyadoo qaar ka mid ah Odoyaasha ay soo jeediyeen in la kordhiyo tirade Golaha deegaanka laga dhigo 27, halka markii ay hore ay ahayd 21.

Codsigaasi ayaa guddi loo saaray waxay ula tageen Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi, waxaana loo sheeay in aan wax lagu kordhin karin tiradii horey loo gooyay.

“Waa arrin ay Dowladdu goysay horeyna loogu heshiinay, haddii aan maanta kordhino, Gobolo kale ayaa oranaya inagana ha naloo kordhiyo” ayuu yiri Shariif Xasan oo ugu baaqay Odoyaasha in ay dedejiyaan arrimaha Maamulka Gobalada Bay iyo Bakool.

Beesha Gaal-Jecel oo digniin ka soo saartay odayaal ku xiran Magaalada ..

Qoraal ay soo saareen Odoyaal iyo Waxgarad ka tirsan Beesha Gaal-Jecel ayaa waxa ay soo jeediyeen Maamulka Gobalka Sh/hoose in ay si dhaqsi leh ku sii daayaan shan xubnood oo ay ku jiraan nabadoon iyo Gudodomiyhii Beesha ee Degmada Kurtunwaarey oo ku xiran Xabsiga dhexe ee Magaalada Makra.

Waxgaradkaasi ayaa waxay ku tilmaameen xarigaasi mid gardaro ah kana soo horjeeda Shareecadda Islaamka iyo dhaqanka soo jireenka ah ee Soomaaliyeed. Odoyaashu waxa ay sheegeen in xarigaasi uu yahay mid meel ku dhac u ah Beesha, waxayna codsadeen in sida ugu dhaqasiyaha badan loo sii daayo, haddii aan taa la yeelinna ay keeni doono is qabqabsi beeleed oo aan loo baahneyn, waxayna kala yihiin xubnaha xiran, Nabadoon Cumsaan Muxumad Cusmaan, Bakaal Yuusuf Caraale, Xasan Xuseen (Xasan Maarow), C/risaaq Cusmaan Axmed iyo Faarax Macallin Xasan, waxaana qoraalkan na soo gaasiiyay Odoyaasha kala ah Xasan Max’ed Cabdi, Cabdi Xuseen Cali, Max’ed Raage Cabdi iyo Xasan Max’ed Faarax

Qadaafi oo ballanqaaday in uu Dowladda Federalka ka saacidi doono

Mar ay kulan ku yeesheen Magalada Tripuli ee Dalka Liibiya Hogaamiyaha Wadanka Liibiya Mucamar AL-Qadaafi iyo Hogaamiyaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed, kulankaas oo ka dhacay Beer uu ku raaxeyso Hogaamiyaha Liibiya ayaa waxa uu ahaa kulanka ay Dowladda Federaalka ku dooneysay in ay gargaar uga hesho Dowladda Liibiya.

Hogaamiyaha Liibiya ayaa Dowladda Federaalka u ballanqaaday in uu Dowladda Federaalka uu ka saaci doono arrimaha ammaanka iyo dib u dhisidda Adeegyadii Dowladda Federaalka.

Hogaamiyaha Liibiya waxa uu sheegay in loo baahan yahay Hoaamiyaasha Siyaasad-da Soomaaliya ay dhameeyaan wixii khilaafaad ah si ay Dowladdu u hesho goob ammaan ah oo ay ku shaqeyso, isagoo ballanqaaday in uu gacan ka gaysan doono sidii ciidamo nabad ilaalin ah loogu soo diri lahaa Soomaaliya.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axme dayaa la filayaa in uu booqasho ku tago Wadanka Yemen kaddib markii uu martiqaad ka helay Dowladda uu madaxda ka yahay Cali Cabdala Saalax.

E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

W/D; Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail:
 amiinkhasaaro@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | May 11, 2006

WAR SAXAAFADEED : Xafiiska Qaramadda Midoobay U Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya (UNPOS)
»Sen. Coleman oo Aqalka Senateka USA Hordhigay Qaraar..
»Sh. Shariif Sh. Axmed oo ku dhawaaqay Xabbad joojin...
»Soomaali badan oo lagu xiray dalka Tanzania...
»Maxaa ka soo baxay kulankii Xubnaha "Argagixisada".
»Siminaar u furmay Xildhibaanada Baarlamaanka..
»C/llaahi Yuusuf oo kulan la yeeshay Hogaamiyaha Liibiya..
»Warbixin ku saabsan dagaalka ka socda Muqdisho...
»Eng. Cali Xasan “Maraakiibta Shisheeye waxay xaq u..
»Iska hor imaad ka dhacay Isgooska Km4 oo....
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... May 10

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD